Vansbro

Degmada Vansbro waa degmo sida jawharada u quruxbadan ee ku taalla gobolka Dalarna. Degmada waxa ay ka koobantaa afar magaalo iyo tuulooyin yaryar. Adeeg wanaagsan, raaxo leh wax kastana u dhawyihiin madama tuulada aad looga helo. Magaalooyinka waxa jira adeega bulshada sida dukaamo, boosto, iskaarsiin  iyo iskoolaad.

Soo bandhigid

Bostadsområde i Vansbro

Deegaan

Vansbro waxad ka kiraysan kartaa guryo waxaadna ka kiraysankartaa ururka guryaga ee degmada Vansbro. Waxaad kale oo ka helaysaa shirkadaha guryaha laga kiraysto oo gaarka looleeyahay.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Degmada waxaad ka helaysaa dhawr luqadood: carabiga, soomaaliga, af tigreega, dari, taylandees iyo af ingriiska.

Jaaliyado iyo ururu

Waxaa ururada maxaliga ah sida dhaqanka, ciyaaraha iyo farshaxanka kuu dheer oo ku yaala SWIS – Haweenka Soomaaliyeed ee Iswiidhen. Waxaad ka helaysaa dhamaan xurumaha firfircoon ee jaaliyadaha degmada laga diiwaan galiyo.

vansbro_att_gora.jpg

Maxaa ka ag dhaw

Degmada waxaa jira adeeg bulsho sida dukaamo, farmishiye, meel lagu dabaasho, maktabad, xafiiska shaqada, dalyeelka shaqsiga iyo qoyska ee degmada, tiyaatar, maqaayad shaah, shaleemo. Erikshjälpen och Bumerangen waa labo dukaan o lagu iibiyo alaabta lasoo isticmaalay waxaana ka heli kartaa alaabta guryahay iyo dhar. Dukaanka Äppelbo Gemenskaps waxaad ka heli kartaa dhar iyo maacuun.

Naturområden i Vansbro

Dalyeelka carruurta

Waxaa jira dhawr fursadood ee xaga daryeelka carruurta, ka akhriso webdiska degmada.

Dugsiga heese dhexe iyo sare

Dugsida hoose dhexe ilaa iyo fasalkiisa 5 waxa ku yaalaan dhamaan dedmooyinka, fasalada 6-9 waxa laga helaa iskoolka Smedberg ee Vansbro. Waxbarashada dadka waaweyn iyo dugsiga sare waxaa laga helaa Vansbro, xarunka waxbarashada iyo barista ee Vansbro. Waxa kale oo kuyaala sfi, hab waxbarasho oo daruusta laguu soo dirayo adiga oo aanan fasal tagin iyo jaamacad.

Skola i Vansbro

Furadaha waxbarasho

Vansbro waxad ka heli karaa fursad waxbarashada dadka waaweyn, jihaynta bulshada ee dadka marka dhaw jimid, waxbarashada dadka waaweyn, sfi iyo waxbarashada gaarka ah.

Caafimaadka

Vansbro waxa ku yaala xarun cafaimaad, xarunta daryeelka carruurta, xarunta daryeelka haweenka, meesha dhalinyarada lagu qaabilo. Daryeelka ilkaha waxa oo ku yaala isla dhismaha ay carunta caafimaadka ku taal. Waxaa kale oo laga helayaa Vansbro daryeelka ilkaha oo gaar looleeyahay.

Caawinaad turjubaan

Marki loo baahdo turjubaan Vansbro waxa laga helaa xurunka turjubaanada ee degmada Borlänge.

Xiriirka gaadiidka

Xiriirka gaadiidka dadwaynaha ee u kala socda Vansbro waa bas. Borlänge ayaa tariin laga laaci kara tusaale ahan la aadayo Stockholm, Göteborg, Malmö, Västerås, Örebro, Gävle.

Shaqo iyo ganacsi

Degmada Vansbro waxaa ku yaala shirkado badan oo yar yar ee qaybo kale duwan, ganacsi, warshado kala duwan iyo sidoo kale war baahinta iyo farsamada gacanta tusaale ahaan. Hadii aad doonayso in aad bilaabto ganacsi gaar ah ama aad su'aalo qabto waxaad u tagi kartaa isbahaysiga wax soosaarka ee degmada.

Shaqo bixiyayaasha Vansbro waa tusaale ahaa degmada Vansbro, Orkla foods AB, Sveden Trä AB iyo lyko.se

Shaqooyinka banaan

Halkaan waxad ka arkaysa shaqada ka banaan iminka degmada iyo nawaaxigeeda.

Qor hal eray si aad ugu doorato liiska

Khariidada adeegga bulshada

Waxaa khariidada ka arki kartaa shaqooyinka guud ee degmada. Waxaad isticmaali kartaa meel khariidada kamid ah oo aad ku qori kartid ereyga waxa aad raadineysid, sida ciwaanka guriga aad raadineysid.

Dooro waxii aad rabtid ineey khariidada ku tusto

Waxaa jri kara shaqooyin badan

Ogeeysiisyada shaqada qaarkood kuma qorna ciwaanka meesha shaqada mana laga arki karo khariidada, laakin waxaad ka heli kartaa bogga ”shaqooyinka bannaan”.

Vansbro

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

6 900

Cabirla dhulka

1 657 km2

Masaafada u jirta magaalada waaweyn

92 km till Borlänge 

110 km till Falun​

Bogga internetka degmada ​

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri