Värmlands län

Gobolka Värmland waxaa degan ku dhawaad 274 300 oo dad. Dadka badankood waxeey dagan yihiin gobolka magaalada ugu weeyn ee Karlstad. Värmland waxeey lee dahay dabiicad qurxoon ee uu dhow jiq iyo biyo meeshii laga tagaba. Halkaan waxaa lagu qaban karaa wax kasto laga bilaabaa dabaal, kaluun dabasho iyo doon-dagida ilaa baraf-raacida xilliga jilaalka.

Soo bandhigid

Xaalada guryaha

Degmooyinka gobolka qarkood waxaa ku yar guriyaal banaan. Inta badana waxaa sii sahlan in guri laga helo xaafadaha yar. Dad badan oo dagan Värmland waxeey dagan yihiin xaafad, xaafad kalena waa ka shaqeeystaan ama waxbarasho ee ku dhigtaan. Isgaarsiin baseed iyo tareemeed fiican ayaa jirto oo uu dhaxeeyso meelaha badankood ee ku yaalo gobolka.

Wax soosaarka ganacsiga iyo shaqo bixiye

Gobolka waxaa ka jiro washadaha dhaqanka oo leh shirkado ka hoowl galo waraaqadaha, biraha iyo soo saarida iyo in kale. Sido kale waxaa jiro laamo ka howl galo hormarinta, teknoloojiyada-warbixinta IT, baakadeeynta, raashinka, ganacsiga, dalxiiska iyo dhaqanka. Qeeybaha guud sidii xafiisyada degmooyinka, xafiisyada maamulka gobolka caafimaadka iyo hey'addaha xukuumada ayaguna waa shaqo dhiibayaal weeyn.

Iskoolaad iyo waxbarasho

Värmland waxeey lee dahay soo bandhig weeyn ee xagga waxbarashada. 18ka barnaamijyada qaranka ee waxbarashada dugsiga sare ma ahane, waxaa uu sii dheer keeyd weeyn ee xagga waxbarashada jaamcadeed iyo cilmi baaris lagu qabto jaamacada Karlstad. Sidoo kale waxaa sii jiro jaamacada sii yar – iskuulka Berg iyo jaamacada Gammelkroppa skogs.

Sido kale gobolka jaamacadihiisa xirfada ee badan waxeey sido kale soo bandhigayaan waxbarashooyin badan oo kala duwan, wadashaqeeynta ka dhaxeeyso iskuul iyo jawiga shaqada si fiican ee uu shaqeeysaa. Waxbarashooyinka cusub waxeey ka bilaawdaan ayadoo la fiirinaayo baahida ee shirkadaha ee qabaan.

Daryeelka bukaanka

Maamulka gobolka caafimaadka ee Värmland ayaa ka shaqeeyo daryeelka caafimaadka iyo bukaanka iyo daryeelka ilkaha. Maamulka gobolka caafimaadka waxuu lee yahay ku dhawaad 7000 oo shaqaale. Gobolka waxaa ku yaalo 30-meeyo ruggag caafimaad, isbitaalona waxeey ku yaaliin Arvika, Karlstad iyo degmada Torsby. Isbitaalka xarumeed ee Karlstad ayaa ugu weeyn gobolka guduhiis. Daryeelka ilkaha waxuu lee yahay ku dhawaad 40 qaabilaad oo ku yaalo gudaha Värmland.

Dhaqan iyo waqtiga firaaqaha

Värmland waxeey taajir ka tahay soo bandhiga hoowlaha oo loogu tala galay qofka ka helo dhaqanka, taarikhda, heesaha, isboortiga, jawiga baashaalka iyo dabiicada. Wabiyaasha badan waxeey ku casumayaan hoowlooyin sidii kaluun dabida, dabaasha iyo doon-nololeedka xilliga xagaaga, xilliga jilaalkana waxaa jiro fursado fiican oo loo heli karo baraf raacida gudaha waqooyiga Värmland. Jidadka-socodka ee badan iyo 160 keed dabiicadeed, waxeey Värmland ka dhigeeysaa in ee noqoto meesha uu fiican qofka ka helo in uu ka wareego dabiicada qurxoon. Sido kale gobolka waxuu lee yahay taariikh xiiso leh ayadoo laga helo qoraal ka socdo qarniyaashi-dhagaxa. Sido kale waxaa jiro jawi urureed oo balaaraan, keenaayo fursado badan ee howlaha isboortiga iyo xilliga firaaqada.

Jaaliyado iyo ururu – bulshada rayidka ah

Värmland waxeey lee dahay ururo badan oo ka shaqeeyo arimaha qaxootiga iyo is dhexgalka. Qaar ka mid ah ururdaas waa:

Rädda Barnen

Migrationscenter

Internationella Qvinnoföreningen

Röda Korset

Ururo kale habka loola xariiro waxaa laga helaa bogga machadka soo galooytiga.

Shaqooyinka banaan

Halkaan waxaa lagu soo bandhigaa shaqooyinka ka banaan gobolka, marmarka qarkoodna gobolo uu dhow.

Qor hal eray si aad ugu doorato liiska
Ciwaan shaqoXirfad
Projektkoordinator Administrativ utvecklare
Ekonomiassistent BBGRUPPEN Ekonomiassistent
Kickstarta din säljkarriär i Dublin! Internationell säljare
Socialsekreterare barn och unga Socialsekreterare
Sektionschef till sektionen Programutbetalning i Kristinehamn Sektionschef, offentlig förvaltning
Behandlingsassistenter Häggvik Behandlingsassistent/Socialpedagog
Kuratorer till skolområde Öst Kurator
Behandlingsassistenter Häggvik Nattjänst Behandlingsassistent/Socialpedagog
Fastighetsförvaltare Fastighetsförvaltare
Vårdadministratör , vårdcentralen Gripen , Karlstad Läkarsekreterare/Vårdadmin/Medicinsk sekreterare
Säljare Karlstad - Är du vår nya stjärna? Utesäljare
Textillärare sökes till Rudsskolan Lärare i grundskolan, årskurs 7-9
Montör sökes till Swegon Konstruktör, tillverkningsindustri
Modersmålslärare i polska till Kils kommun Modersmålslärare i grundskolan
Fritidspedagog / lärare i fritidshem Lärare i fritidshem/Fritidspedagog
Sjuksköterska , vikariat , allmänpsykiatriska slutenvården avd 44 , Karlstad Sjuksköterska, grundutbildad
Ingenjörer , Rolls - Royce AB i Kristinehamn Civilingenjör, maskin
HR - specialist , Rolls - Royce AB i Kristinehamn HR-specialist/HR-adviser
Utbildare Fordonsteknik Fordonstekniker/Bilmekaniker/Personbilsmekaniker
Kontorsstäd Städare/Lokalvårdare

Bogga 1 ee ka mid ah 37

Ururo

Halkaan waxaad ka heleysaa warbixinno iyo bogag kale oo kugu xiriirinaya qaar ka mid ah jaaliyadaha iyo ururada ka dhisan gobolka.

ABF Värmland

ABF waa dalada waxbarashda ee ugu weyn iswiidhan waxeyna bixisaa wareeg waxbarasho, koorsooyin, muxaadaraad iyo barnaamijyo dhaqan. ABF waxey kaloo ku qabataa howlo luqad kaalmeeys ah iyo barashada bulshada oo ay ku sameysaa xaafaddo badanoo ka tirsan Värmland.

Föräldrastödet i Värmland

​​Föräldrastödet i Värmland waa urur kheyri ah oo ka madaxbanaan siyaasad urureed iyo diin. Ururku waxyaabaha uu maamulo waxaa ka mid ah mashruuca Kulturdoula, kaasoo taageeraya naagaha uurka leh ee cusub. Intaas waxaa dheer oo ay bixiyaa ururku Svenska med baby! Wada hadal, joller iyo qosol taasoo ah hab lagu tababaranayo luqada iswiidhishka oo lala sameynayo waalidiin xaafada kale ka yimid iyo weliba ka yimid wadamo kala duwan.

NBV - Nykterhetsrörelsens bildningsverksamhet

​​NBV - Nykterhetsrörelsens bildningsverksamhet waa dalada waxbarashada ee ugu faca weyn wadanka ayadoo leh 120 sano oo ah khibrad waxbaridda. NBV waxey ka shaqeysaa arimaha sida khamriga iyo daroogada, caafimaadka bulshada iyo isdhax-galka. NBV waxey ka jirtaa wadanka oo dhan waxeynaa bixisaa wareegyo waxbarasho, koorsooyin, muxaadaraad iyo barnaamijyo dhaqan. NBV waxa ay isku dubarido waxaa ka mid ah makhaayad shaah oo caalami ah iyo tababarka luqada ee dhoowr xaafad ah ee ku yaala Värmland.

Rädda Barnen

Rädda Barnen är en barnrättsorganisation waa hey'adda caquuqda carruurta taasoo ku dhisan heshiiska caalamiga ah ee xuquuqda carruurta. Rädda barnet waxey ka shaqeysaa si carruurta oo dhan ay u helaan nolol iyo horumar, deganaan iyo magan iyo xaqqa ka qeybqaadashada. Rädda barnet waxey ku taalaa meela badan oo Värmland ah waxaana waxa ay bixiso ka mid ah howlo loogu tala galay carruura keligood yimid.

Röda Korset

Röda Korset waa hey'adda masiibooyinka ee adduunka ugu horeeysa waxeyna ka kooban tahay maalaayiin iskood isku xilqaamay waxeyna go'aansadeen iney caawiyaan dad kale. Röda korset iyo Röda Halvmånen waa qeybo ka mid ah hal hey'ad waxeyna ka jirtaa ku dhowaad adduunka oo dhan. Röda korset waxey ka jirtaa Värmaland waxa ay bixisana waxaa ka mid ah kaalmada luqada iswiidhishka iyo caawinaada layliga.

Svenska Kyrkan

Svenska Kyrkan waa ay ka fog tahay iney ahaato meel lagu caabudo ilaaheey keliya. Svenska kyrkan waxey xiiseeysa arimaha bulshada iswidhan iyo caalamka labadaba. Värmland waxa ay diyaariso kaniisada iswiidhishka waxaa ka mid ah maqaayado shaah oo luqada lagu barto, dhiibaaya kaalmo kana jawaabayo su'aalo kala duwaan ee dadka ku cusub iswiidhan.

Värmlands Idrottsförbund

Värmlands Idrottsförbund waxey tahay howshooda inay matasho, taageerto iyo isku xirto howlaha isboortiga ee gobolka. Daladda ciyaaraha waxey kaloo ka shaqeeyaan si ay u gargaaraan gabdhaha, wiilasha, ragga iyo dumarka cusub waxeynaa siineysaa shuruuda in la noqdo in laga qeybqaato bulshada iswiidhan ayado loo marayo nashaadaad ciyaaro ah oo kala duwan.

Khariidada adeegga bulshada

Halkan waxaad ka arki kartaa khidmada laga heli karo gobolka. Waxaad kaloo isticmaali kartaa qaanadda baaridda ee khariidada si aad u hesho una caleemadaysid boos tusaale ahaan cinwaanka deggaanka.

Dooro waxii aad rabtid ineey khariidada ku tusto

Waxaa jri kara shaqooyin badan

Ogeeysiisyada shaqada qaarkood kuma qorna ciwaanka meesha shaqada mana laga arki karo khariidada, laakin waxaad ka heli kartaa bogga ”shaqooyinka bannaan”.

Degmooyinka gobolka ku yaalo

Värmlands

Dadweyne

Värmland waxeey lee dahay 16 degmo: Arvika, Eda, Filipstad, Forshaga, Kristinehamn, Storfors, Hagfors, Hammarö, Kil, Karlstad, Munkfors, Sunne, Säffle, Torsby, Årjäng iyo Grums. Karlstad waa degmada ugu weeyn ayadoo leh 87 800 oo dad, Munkfors waa degmada ugu yar, waxeeyna lee dhay 3 700 oo qof. Isku geeyn gobolka Värmland waxaa dagan ku dhawaad 274 300 oo qof.

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri