Västerbottens län

​Ku soo dhowoow magaalada Västerbotten, gobolka ku faafsan laga bilaabo dhulxeebeedka siman oo dhagaxyaddana leh ayadoo lasii maraayo dhulka beerelayda, waadiyaasha iyo weliba keynta ku dhaxtaala dhexda gobolka illaa laga gaaro silsiladda buuraha la siman xudduuda norweey. Västerbotten waa midka ku xigga gobolka ugu weyn iswiidhan. Gobolka wuxuu heystaa 15 degmo: Bjurholm, Dorotea, Lycksele, Nordmaling, Malå, Norsjö, Robertsfors, Skellefteå, Sorsele, Storuman, Umeå, Vilhelmina, Vindeln, Vännäs och Åsele. Halkaan waxaa deggan qiyaas ahaan 263 000 dad ah. Degmada Bjurholms waa midda iswiidhan ugu dadka deggan ugu yar. Umeå waa meesha uu duqa gobolka deggenyahay.

Soo bandhigid

Xaalada guryaha

Waxaa u dhexeeya farqi cad goboladda dhexdooda marka laga hadlaayo xaaladda deggaanka. Degmooyinka qaar waxaa ku badan guryaha, deggaanada qaarna waxaa ka jira guryo la'aan labadaba dhexda iyo banaanka degmadda.Dadka sii duqoobaya waxeey qabaan baahi ah in loo helo guryo ku habboon. Umeå waxaa kusoo badanaya dadka sidaa darteed waxaa adag in la helo guri maadaama dalabka uu ka badan yahay guryaha la heli karo. Isla markaas waxey leedahay Umeå hadaf ah in la kordhiyo dadka deggan waxaana la dhisaa in xoogaa ah.

Wax soosaarka ganacsiga iyo shaqo bixiye

Västerbotten waxaa ka jira shirkado kala nooc ah oo kala duwan. Degmadda iyo maamulka gobolka ee caafimaadka waa shaqo-bixiyaha ugu weyn ayagoo ka masuul ah caafimaadka, daryeelka iyo ukala gooshka magaalada. Umeå Universitet, Volvo Lastvagnar och Boliden Mineral waa shaqo-bixiye kale.

Iskoolaad iyo waxbarasho

Västerbotten waxaa ka jira laba jaamacad. Jaamacadda Umeå waa midda gaar ahaan ugu weyn ayadoo ay dhigtaan 37000 arday ah isla markaasna leh waxbarashooyinka takhasusaadka inta badan. Umeå waxaa kaloo ay leedahay Jaamacadda beeraha ee iswiidhan (SLU) iyo kuliyaddaha qaabilsan jaangooynta,naqshadeynta, ganacsi, ciyaaraha iyo farshaxanka. Skellefteå waxaa laga baran karaa wixii ku saabsan alwaaxa iyo farsamada, qadadka oo hoostaga Jaamacadda Luleå Tekniska.

Daryeelka bukaanka

Västerbotten waxey leedahay saddex isbitaal, Norrlands Universitetssjukhus kaa soo ku yaala Umeå, isbitaalka Lyckelse iyo isbitaalka Skellefteå. Isbitaalku wuxuu leeyahay qeybta qaabilaadda, waaxaha iyo shaqooyinka. Gobolka waxaa ka jira 32 xarun caafimaad. Degmo kasta waxey leedahay ugu yaraan hal rug caafimaad. Inta badan waxaa laga maamulaa maamulka degmada ee caafimaadka, laakiin qaarkood waxaa loo maamulaa si gaar ah.

Dhaqan iyo waqtiga firaaqaha

Västerbotten waxey qani ka tahay dhaqanka waxaana ka jira fursado waaweeyn oo xilli qa fasaxa wax lagu qaban karo. Waxaa jira jawi dhaqan iyo dabeecad oo xiise leh oo la jeclahay in loo dalxiis tago. Gobolka Västerbotten waxaa laga helaa keydka dabeecadda. Halkaan waxaa ku yaala keydka dabeecadda ee ugu weyn Yurub oo ah Vindelfjällen waxaa ku yaala webiga qaranka Vindelälven. Västerbotten waxeey leedahay oo kale ururada ciyaaraha oo badan kuwasoo u suurta gelinaya dadka da'aada kala duwan iney ciyaaraan amaba ay dhaqdhaqaaqaan. Gobolka waxaa ku yaala xitaa masraxyo riwaayado lagu dhigo iyo matxaf iyo weliba degmo kasta waxey leedahay maktabad aad loo booqdo.

Jaaliyado iyo ururu – bulshada rayidka ah 

Iswiidhishka cusub iyo dhaxgalkooda bulshada maanta waa qeyb muhiim u ah maamulka goboladda iyo degmooyinka shaqadooda. Usoo haajiridda iswiidhan waa matoorka korodha dadka ee gobolka. Wada shaqeynta dhexmarta ururadda bulshada, ganacsiga, maamulka caafimaadka ee gobolka, degmada ayey ka shaqeyneysaa maamulka gobolka si ay u qaabilaan dadka cusub si u qalanta, sharciga waafaqsan iyo bani'aadinamada.

Shaqooyinka banaan

Halkaan waxaa lagu soo bandhigaa shaqooyinka ka banaan gobolka, marmarka qarkoodna gobolo uu dhow.

Qor hal eray si aad ugu doorato liiska
Bogga 1 ee ka mid ah 41

Ururo

Ilaa hada lama hayo warbixin ku saabsan jaaliyadaha ku yaalo gobolkaan.

Khariidada adeegga bulshada

Halkan waxaad ka arki kartaa khidmada laga heli karo gobolka. Waxaad kaloo isticmaali kartaa qaanadda baaridda ee khariidada si aad u hesho una caleemadaysid boos tusaale ahaan cinwaanka deggaanka.

Dooro waxii aad rabtid ineey khariidada ku tusto

Waxaa jri kara shaqooyin badan

Ogeeysiisyada shaqada qaarkood kuma qorna ciwaanka meesha shaqada mana laga arki karo khariidada, laakin waxaad ka heli kartaa bogga ”shaqooyinka bannaan”.

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri