Västernorrlands län

Ku soo dhawaaw Västernorrland, oo ah gobol leh dabiicad kala duwan iyo dhaqan badan. Halkaan waxaa dagan ku dhawaad 240 000 oo qof, oo ku kala nool degmooyinka Sundsvall, Timrå, Härnösand, Sollefteå, Kramfors, Ånge iyo Önsköldsvik. Gobolka waxuu lee yahay jiqooyin waa weeyn, xeeb dheer ee dhanka bada Botten iyo sadax biyo mareen ee waa weeyn; Ljungan, Biyo mareenka indals iyo biyo mareenka Ångerman.

Soo bandhigid

Xaalada guryaha

Xaalada degaan waa fiican meelaha kale markii loo fiiriyo sababtuna waxeey gobolka tobankii sane ee ugu danbeeyay dadka ayaa ka yaraaday. Guriyaasha la kireeysto ee bartamaha ku yaalo xooga waa ku yaryihiin inta banaan, degmooyinka dhamaantoodna waxaa ka jirto baahi oo loo qabo dayactir iyo qalabeeynta guriyaasha. Ayagoo ee dadka da'ooda sii weeynaaneeyso waxeey keeneysaa in baahida loo qabo guriyaal habeeysan in ee korto. Jidka Botnia waxuu mecno weeyn ugu fadhiyaa isgaarsiinta iyo kala badalashada ee gudaha gobolka. Safarka uu dhaxeeyo Umeå iyo Örnsködsvik waa sii batay sido kalena midka ku socdo Sundsvall. Sido kalena waa labada meel ee dhisida guriyaasha ee ugu bateen.

Wax soosaarka ganacsiga iyo shaqo bixiye

Västernorrland waxaa ku yaalo shirkadooyin badan oo kala duwan. Waxaa jiro shirkado hore oona weeyn kana hoowl galo warshada-jiqda iyo warshada koranto dhalinta sidii SCA iyo Eon. Laakin sido kale waxaa jiro shirkado badan oo cusub oo ka shaqeeyo Warbixinta-tekonoolijiyada, IT iyo isgaarsiinta taleefoonka sidii comhem iyo Telia. Xafiisyada degmooyinka iyo maamulka gobolka waa shaqo dhiibayaal waa weeyn oo ka hoowl galo daryeel, xanaaneyn iyo isgaarsiinta. Shirkadaha yaryar gobolka waa ku sii badanooyaan, inta badan waxeey hormariyaan adeegyo ku socdo shirkado iyo dad gaar ah.

Daryeelka bukaanka

Xafiiska maamulka gobolka caafimadka ayaa kala wado daryeelka bukaanka ee gobolka. Västernorrland waxaa ku taalo sadax isbitaal. Waa isbitaalka gobolka ee ku yaalo Sundsvall oo hoowlo qaabilaad ku leh Härnösand, isbitaalka Sollefteå iyo isbitaalka Örnsköldsvik. Isbitaalada waxaa ku yaalo qaabilaado, qeeybo iyo goobo hoowleed kala duwan. Adigoo, bukaan ah, haddii aad uu baahan tahay in aad in xariir la yeelato daryeelka bukaanka sida ugu sahlan ee taasi ku sameeyn kartid waa adigoo ka raadinaayo jiheeynta-caafimaadka.

Iskoolaad iyo waxbarasho

Jaamacada Iswiidhan ee ugu da'da yar, Jaamcada Mitt waxeey ku taala Västernorrland. Waxaa la asa'aasay 2005, waxeeyna goobo ku lee dahay Sundsvall, Östersund, Härnösand iyo Örnsköldsvik. Halkaan waxaa joogo macalamiin, cilmi baarayaal iyo arday kakala timid Iswiidhan iyo dalal kala. Waxaa lee dahay waxbarashada teknoolijada-isboortiga, farsamada cilmiga noolaha iyo deegaanka, waxbarashada saxaafada ee dhanka sawirarada iyo waxbrashada heerka masterka ee dhaqaalaha oo caalami ah.

Halkaan waxaa ka jiro waxbrasho ee dhanka waxbrashada bulshada, cilmiga, farsamada iyo baniaadanka. Jaamacada Mitt waxeey ka mid ah jaamacadaha Iswiidhan ugu horeeyo dhanka waxbarashada masaafada. Waxbarashooyinka masaafada qarkooda marmar ayaa la isku imaada, kuwo kalena qarkood waxaa lagu dhigtaa lee ayadoo la adeegsanaayo tageerada elegtrooniga ee casriga.

Dhaqan iyo waqtiga firaaqaha

Västernorrland waxeey taajir ka tahay dhaqanka, fursado badan ayaa loo heli karaa hoowlaha xilliga firaaqada. Härnosand waxaa ku taalo shirkada caanka ee ciyaarha, Norrdans, ayadoo la adeegsanaayo Svenkonst Västernorrland ayaa la soo saaraa heeso, riwaayado, ciyaaro iyo filimaan. Sido kale Västernorrland waxeey caan ku tahay dabiicadeeda qurxoon ee waxyaalaha badan leh, goobaha weeyn ee jiqda, biyo mareenka ee iftiinka ah iyo dhul dhaqameedka. Xeebta Höga ee gaarka uu ah waxeey ka tirsan tahay meelaha Iswiidhan ee aduunka taarikh ku leh. In ku filan oo keeyd dabiica ah ayee lee dahay iyo jasiirado badan oo leh xayawaano iyo geedo kala duwan.

Jaaliyado iyo ururu – bulshada rayidka ah

Muwaadiniinta dalka ku cusub dartood ayee hada dadka Västernoorland uu bateen. Taasi oo looga mahad celinaayo muwaadiniinta dalka ku cusub. Waa markii koobaad ee goor dheer taasi dhacda. Shaqo badan ayaa la wadaa si dadka dibada ku dhashay loogu sahlo degaanka iyo shaqada halkaan. Ayadoo la wada shaqeeyneeyso ururada samafalka, shirkadaka, xafiisyada degmooyinka iyo xafiisyada maamulka gobolka caafimaadka, waxuu xafiiska arimaha maamulka gobolka uu shaqeeynaa sidii dadka dalka ku cusub looqu qaabili lahaa dalka hab qiimo fiican leh, hab lagu sugaayp sharciga iyo hab baniaadanimo. Hal tusaale waxaa ka mid ah in Västernorrland sanadkii 2011 ee Iswiidhan ka noqotay gobolkii koobaad ee demooyinkiisa dhan wada qaabilaan da' yarta qaxootiga ee kaligood dalka yimaado.

Shaqooyinka banaan

Halkaan waxaa lagu soo bandhigaa shaqooyinka ka banaan gobolka, marmarka qarkoodna gobolo uu dhow.

Qor hal eray si aad ugu doorato liiska
Ciwaan shaqoXirfad
Infrastructure Architecht IT-arkitekt/Lösningsarkitekt
Distriktssköterska till Hälsocentralen Gilleberget Distriktssköterska
Personlig handläggare i Örnsköldsvik Personlig handläggare, försäkringskassa
Förskollärare Lärare i förskola/Förskollärare
Distriktssköterska med start omgående i vackra Sollefteå Sjuksköterska, grundutbildad
Fritidspedagog heltid till Själevadskolan Lärare i fritidshem/Fritidspedagog
Butiksmedarbetare till Byggmax Birsta Butikssäljare/Medarbetare, dagligvaror
Nytida söker vikarier som boendestödjare till Höga Kusten Vårdare/Arbetshandledare/Boendestödjare
Skogsmaskinförare till SCA Skog , Ångermanlands skogsförvaltning Skogsmaskinförare
Projektledare Civilingenjör, kemi
Sjuksköterskor Rättspsykiatriska regionkliniken (RPK) sommarvik 2018 Sjuksköterska, grundutbildad
Serviceingenjör till Sund Birsta Serviceingenjör, elektronik
Habiliteringsassistent , nattjänster Habiliteringsassistent
Kundrådgivare till Eon i Sollefteå Kundtjänstmedarbetare
Servicehandläggare , Kramfors Servicehandläggare
Redovisningsekonom / financial controller Redovisningsekonom
Leg.fysioterapeut / sjukgymnast Fysioterapeut/Sjukgymnast
Marketing Manager Marknadsplanerare
Sjuksköterska Sjuksköterska, äldreomsorg och -vård/geriatrik
Vi söker 2 stycken barnskötare till en tillfällig förskola Barnskötare

Bogga 1 ee ka mid ah 37

Ururo

Ilaa hada lama hayo warbixin ku saabsan jaaliyadaha ku yaalo gobolkaan.

Khariidada adeegga bulshada

Halkan waxaad ka arki kartaa khidmada laga heli karo gobolka. Waxaad kaloo isticmaali kartaa qaanadda baaridda ee khariidada si aad u hesho una caleemadaysid boos tusaale ahaan cinwaanka deggaanka.

Dooro waxii aad rabtid ineey khariidada ku tusto

Waxaa jri kara shaqooyin badan

Ogeeysiisyada shaqada qaarkood kuma qorna ciwaanka meesha shaqada mana laga arki karo khariidada, laakin waxaad ka heli kartaa bogga ”shaqooyinka bannaan”.

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri