Västra Götalands län

Västra Götaland waa gobol taajir ka ah duwaanshaha badan. Halkaan waxaa ku yaalo dhulalka beeraha, jiqyaal, wabiyaal, magaalo weeyn oo leh meelo dadka ku yaryihiin oo si teel teel ah uu daganyihiin. Sido kale waxaa jiro jasiradooyin badan oo ku yaalo dhanka galbeed ee gobolka. Waxaa jiro 49 degmo, waxaana dagan 1,6 malyoon qof oo ku nool Västra Götaland. 600 000 oo ka mid ah intaas waxeey ku nool yihiin goobaha-Göteborg.

Soo bandhigid

Xaalada guryaha

Guri yari ayaa ka jirto ku dhawaad degmooyinka gobolada dhamaantood. Waxaa jiro qorsho loo lee yahay in lagu dhiso guriyaal cusub oo badan laakin ma uu dhismooyaan sidii uu safka uu dheeraanaayo oo kale. Sidaas darteed waqti dheer ayee qaadan kartaa in la helo nuuca guriga la rabo hadana dad badan qarkood waa in ee guriyaal ku meel gaar ah dagan. Guriyaal laga kireeysto Göteborg iyo hareeraheeda.

Wax soosaarka ganacsiga iyo shaqo bixiye

Gobolka Västra Götaland waa shiqo dhiibaha ugu weeyn gobolka. Halkaan waxaa ka shaqeeyo oo ka mid ah dadka ka shaqeeyo arimaha daryeelka caafimaadka iyo bukaanka, shirkadaha, dhaqanka iyo bey'adda. Sido kale gobolka Västra Götaland ayaa ka masu'uul ah isgaarsiinta guud iyo dalxiiska. In dheeraad ah oo ku saabsan isgaarsiinta guud ka akhriso bogga Västtrafik, in kale ka oo ku saabsan dalxiiso ka akhriso bogga Västsverige. Magaalada Göteborg waxeey lee dahay shaqaale badan oo waxaa ka mid ah kuwo ka shaqeeyo iskuulada, xanaaneeynta iyo maamulka. Shaqo dhiibayaasha madaxabanaan waxaa ugu weeyn Volvo Personvagnar AB oo meelo badan oo kale duwan gobolka wax ku soo saarto.

Iskoolaad iyo waxbarasho

Jaamacadooyin badan ayaa ku yaalo Västra Götaland. Jaamacada Göteborg, oo ah mida gobolka ugu weeyn, waxeey lee dahay 37 000 oo arday iyo ku dhawaad 6000 oo shaqaale. Sido kale Göteborg waxaa ku taalo Jaamacada Chalmers oo leh waxbarasho farsamo oo kala duwan. Tusaale ahaan Borås waxaa ka jirto waxbarasho aqoonta-macluumaadka iyo dhar-sameeynta. Skövde waxaa jirto oo ka mid ah waxbarashada ku jiheeysan hormarinta cayaaraha kombiyuutarka iyo kalkaalisnimo. Trollhättan jaamacadeeda waxeey ku jiheeysan tahay in badan oo ka mid ah waxbarashada qeeyb ahaan lagu sameeyo goob-shaqo ee kala duwan.

Daryeelka bukaanka

Haddii aad qabto cudurada caadiga, dhaawacyo ama xanun waxaad tageeysa rugta caafimaadka ee xaafadeedka. Sido kale halkaan waxaad ka heli kartaa taagero iyo caawinaad ku socoto in aad caafimaadkaada fiicneeysid. Kaalmod fiican oo leh luuqado kala duwan. Västra Götaland waxaa ku taalo 18 isbitaalo oo leh takhasuska daryeelka caafimaadka. Haddii aad si degdeg ah uu xanuunsato wac 112. Sido kale daryeelka ilkaha caaawimaado oo luuqado kala duwan ayaa ku heli kartaa.

Dhaqan iyo waqtiga firaaqaha

Habab kala duwan ayaa dhaqanka looga raaci karaa Västra Götaland. Halkaan waxaa ka jiro oo ka mid ah riwaayado badan, koox-heeso, mutxafyaal iyo maktabadooyin si fiican loo soo booqdo. Maktabada buugaag ayaa ugu amaahan kartaa si balaash ah. Dadka gobolka, iyo Iswiidhan oo dhan, waxeey xiligooda firaqadeed inta badana ka hoowl galaan urur. Ku jirada urur shaqaalo, ama urur isboorti ama urur guri waa mid caad iah. Dadka dhamaantood waa ku soo dhaw yihiin in si xur ah uu joogaan dabiicada, jiqda, bada agteed ama wabi agtiis. Xuquuqda tamashaleeynta ayaa ka warameeyso waxaa dabiicada laga ogalyahay.

Jaaliyado iyo ururu – bulshada rayidka ah

Gobolka Västra Götaland waxaa ku yaalo in badan oo kala ah ururo, kaniisado iyo ururo diimeed oo si firfircoon ka shaqeeyo arimaha qaxootiga iyo isdhexgalka. Waxeey kala wadaan hoowlo badan oo kala duwan si dadka dhamaantood meesha ugu nagaadaan hadana dareemaan in ee ka mid yihiin bulshada Iswiidhan. Tusaale ahaan waxeey habeeyaan goobo kulan, biibto-luuqadeed, waxbarashada iswiidhishka, caawimaada layliga iyo hoowlo isboorti, dhaqaamed iyo howlaha xilliga firaaqada. Qarkood waxeey soo bandhigaan talobixin caafimaad iyo sharci.

Ururada qarkood ee ka jiro gobolka waxaad ka heli kartaa bilabaadka soo bandhiga ka hooseeyo qodobka Ururada. Sido kale waxaa liisyaal ka heli kartaa bogga machadka soo galooytiga. Boggayada degmooyinkana waxaa ku jiro oo kale diiwaan-urureed oo aad ka arki karto ururada ka firfircoon degmo kasto.

Shaqooyinka banaan

Halkaan waxaa lagu soo bandhigaa shaqooyinka ka banaan gobolka, marmarka qarkoodna gobolo uu dhow.

Qor hal eray si aad ugu doorato liiska
Bogga 1 ee ka mid ah 396

Ururo

Ilaa hada lama hayo warbixin ku saabsan jaaliyadaha ku yaalo gobolkaan.

Khariidada adeegga bulshada

Halkan waxaad ka arki kartaa khidmada laga heli karo gobolka. Waxaad kaloo isticmaali kartaa qaanadda baaridda ee khariidada si aad u hesho una caleemadaysid boos tusaale ahaan cinwaanka deggaanka.

Dooro waxii aad rabtid ineey khariidada ku tusto

Waxaa jri kara shaqooyin badan

Ogeeysiisyada shaqada qaarkood kuma qorna ciwaanka meesha shaqada mana laga arki karo khariidada, laakin waxaad ka heli kartaa bogga ”shaqooyinka bannaan”.

Degmooyinka gobolka ku yaalo

Västra
Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri