Vingåker

Degmada Vingåker waxaa degan 8 800 oo qofood waxeeyna can ku tahay ganacsiga dharka. Degmada Vingåker waxaa ka jiri jirtay shirkad lagu sameeyn jiray futushaariyada oo maanta isku bedeshay suuq weyn oo lagu gado dharka qaaliga ah, lana dhaho Vingåkers Factory Outlet.

Soo bandhigid

Deegaan

Degmada Vingåker waxeey ka koobantahay todobo xaafadood oo kala ah Läppe, Österåker, Högsjö, Viala, Baggetorp, Marmorbyn iyo Vingåker. Degmada waxeey leedahay shirkado guryo oo nuuc walba leh isla markaana la xiriiri kartid markaad u baahatid. Meehsaan waxaad ka fiirin kartaa shirkadaha guryaha laga kireysto ee degmada.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Degmada Vingåker waxaa looga hadlaa luqadda iswiidhishka marka laga reebo, luqadaha turkish, kurdish, iiraani, daari, carabi, teeyaandees, faransiis, amaxaari, roomaani, af-ruush, baashtuu, tigree, albeeniyaan, bengaalish, ingiriis, burtuqiis iyo siiriyaan.

Jaaliyado iyo ururu

Vingåker waxaa ka jira jaaliyado isboortis oo badan, jaaliyyada ugu weyn waxaa la dhahaa Vingåkers volleybollklubb. Waxaa degmada Vingåker ka jira shirkado yaryar oo badan, tooda ugu magaca dheerna waxaa la dhahaa Vingåkers Factory Outlet oo ah shirkad iibisa dharka maarkaddooda caanka tahay oo eey ku iibineyso qiimo jaban. Jaaliyadaha ka dhisan degmada waxaad ka heleysaa liiska jaaliyadaha ee degmada.

företagsmässa kulturfestival föreningar

Maxaa ka ag dhaw

Bartamaha vingåker waxaa ku yaal, xasiika degmada, maktabad, meel lagu dabbaasho iyo qasriga Säfstaholmsslott. Warbixin dheeraada oo ku saabsan waxyaabaha laga sameyn karo farasmagaalaha degmada Vingåker waxaad ka heli kartaa degmada boggeeda internetka.

Kaniisada Svenska Kyrkan iyo hay'dda bisha cas ayaa sanadihii ugu dambeeyay waxeey degmadada ka hirgaliyeen goob kulan oo eey dadka degmada iyo qaxootiga degan degmada ku kulmaan. Xafiiska adeega guud ee ku yaal Åbrogården Storgatan 55 waxaa ku yaal xafiiska bulshada u qaabilsan arrimaha daryeelka qoysaska iyo qofkaba, xafiiska shaqada, boolis iyo xarun waxbarasho dadka waaweyn oo qeyb ka ah Viadakt.

Intaadan aadin xafiiska shaqada waa qasab inaad ballansatid si laguu qaabilo. Hadii kale taleefanka ayaad kala xiriiri kartaa.

Biblioteket i Vingåker

Dalyeelka carruurta

Degmada Vingåker waxaa ku yaal 11 dugsiyada xanaanada carruurta ah. Saddax kamida waxeey ku yaallaan Vingåker, xaafadaha Högsjö, Österåker, Marmorbyn waxaa ku yaal hal dugsi xanaaneed midkiiba. Xarunta daryeelka qoyska waxeey kuu  heysaa dugsiyada xanaanada oo qoyskasta u furan.

 

Lix dugsiyadaas ah ayaa waxeey ku yaalliin degmada Vingåker. Labo waxeey ku yaallaan xaafada Vingåker, hal waxuu ku yaal Marmorbyn, halna Högsjö iyo hal kale oo ku yaal Österåker.

Dugsiga heese dhexe iyo sare

Shan dugsiyada hoosedhexe ah ayaa ku yaal Vingåker. Dugsiyadaas oo dhan waxeey leeyihiin laga bilaabo fasalada xanaanada ilaa 6. Iskoolka Vidåkersskolan waxuu leeyahay fasalada 7-9. Shantaas iskool saddax kamida waxeey ku yaallaan Vingåker, halna Högsjö halkalana Marmorbyn.

Vidåkersskolan

Degmada Vingåker malahan dugsi sare, marka laga reebo laba barnaamij oo ah kuwa lagu diyaariyo maaddooyinka aadan ku baasin dugsiga dhexe. Degmada waxeey heshiis la gashay degmooyinka  Katrineholm, Flen iyo Hallsberg, heshiiskaas ayaa ah in ardayda degmada boos looga banneeyo dugsiyada dhexe ee degmooyinkaas.

Furadaha waxbarasho

Degmada Vingåker waxeey kuu heysaa waxbarasho dadka waaweyn oo laga barto xarunta Viadidakt. Viadidakt waa xarun loogu tala galay is dhexgalka dadka degmada, shaqo abuuris iyo waxbarashada dadka waaweyn ee degmooyinka Katrineholm iyo Vingåker.

Warbixin ku saabsan mujtamaca oo loogu tala galay qaxootiga.

Warbixin ku saabsan sida eey bulshada iswiidhishka u shaqeeyso oo loogu tala galay dadka soo galootiga ah ayaa jira. Waxaa kaloo jira waxbarasho ku saabsan wadanka iswiidhan iyo sida uu u shaqeeyo loo loogu tala galay dadka qaxootig ah ayaa jira.

Waxbarasho luqadda iswiidhishka oo loogu tala galay qaxootiga

Waxbarasho (sfi) loogu tala galay dadka aan ku hadlin luqadaha iskandaneefiyaanka ah ayaa jira. Waxaa loogu tala galay qaxootiga. Sfi waxaa xaq uleh qof kasta oo wadanka degan, buuxshayna 16 sano. Qofka dalbanaya waa inoosan waxba ka aqoon luqada iswiidhishka ah maadaama waxbarashadan loou tala galay dadka aan waxba ka aqoon iswiidhishka.

Qofka kasta waxuu xaq u leeyahay waxbarasho iyo gacan qabasho xagga barashada luqadda iyo shaqada ah, si uu bulshada usoo galo sida ugu dhaqsiyaha badan. Dhirarka waxbarashada waxuu ku xiranyahay waxa aad horay usoo baratay iyo maskaxdaada sida eey u fiicantahay.

SFI-kurs

Waxbarashada aasaasiga ah ee dadka waaweyn

Waxbarashada aasaasiga ah ee dadka waaweyn waxaa loogu tala galay qofka da'diisu eey ka weyntahay 20 sano, oo aan soo baran waxa eey carruurta iyo dhalinyarada iskoolka lagu baro. Waxbarashada waa lacag la'aan qasabna ma'ah.

Adigaa go'aaminaya qaabka aad wax ubaraneysid iyo dhaqsida aad rabtid inaad ubaratid. Waxaad wax baran kartaa adigoo shaqeynaya ama baranaya waxyaabo kale. Dadka dhimirkoooda wax si ka yihiin waxeey Viadakt u heeysaa waxbarasho qaas u ah dadkaas.

Waxbarasho heer dugsi sare ah oo loogu tala galay dadka waaweyn

Waxbarasho heer dugsi sare ah oo loogu tala galay dadka waaweyn ayaa jirta. Waa haddii aad rabtid inaad heer jaamacadeed inaad gaartid iyo hadii shaqo eey kaaga xirantahay.

Jaamacad, machad iyo iskoollada xirfadaha

Fursado heer jaamacadeed ah ayaa ka jira Katrineholm. Viadakt waxuu wada shaqeyn la leeyahay jaamacado iyo machadyo fara badan. Taasna waxeey fududeeysay inaad waxbarasho nuucyo kala duwan leh aad ka baran kartid Katrineholm.

Lookallada ama dhismaha Viadakt

Haddii aad tahay arday jaamacadeed waxaad isticmaali kartaa lookallada Viadakt ee ku yaal Åbrogården, Storgatan 55 ee degmada Vingåker. Qololkooda iyo lookalladooda waxaa yaalla kombuyuutarro, internet, koobbi gareeye, fax, taleefan, meel cuntada lagu cuno, biibito aad ka gadan kartid shukulaato, shaah iyo kaffee. Lookallada maalin walba weey furayihiin haduusan qof hore u qabsan.

Caafimaadka

Degmada Vingåker waxaa ku yaal rugta caafimaadka ee Vingåker, xarunta daryeelka qoyska, rugta ilkaha iyo rugta dhakhtarka ilkaha ee Vingåker. Isbitaal leh meesha emerjensiga waxuu ku yaal degmada Katrineholm waxaana la dhahaa Kullbergska sjukhuset.

Caawinaad turjubaan

Marka aad la kulmeeysid xafiisyada dowladda oo dhan iyo goobaha caafimaadka waxaa lagaa caawinayaa turjubaan. Inta aadan tagin ayaadna ogeysiineysaa inaad turjubaan ubaahantahay.

Xiriirka gaadiidka

Basaska ka baxa degmada Vingåker waa basaska gobollada Örebro iyo Sörmland. Tareennada SJ ayaa ka baxa tareen isteeshinka. Bogga internetka ee degmada waxaad ka heli kartaa warbixin ku saabsan gaadiidka ka baxa degmada.

Tåg i Vingåker

Shaqo iyo ganacsi

Degmada Vingåker waxeey ku taal meel bartama ah waxeeyna safar hal saac oo kaliyah u jirtaa magaalooyinka Örebro, Eskilstuna, Nyköping och Norrköping. Tareenka ka baxa Hallsberg una socda Stockholm waxuu maraa degmada Vingåker Katrineholm, Flen, Gnesta iyo Södertälje. Taasna waxeey keeneysaa in masaafada u dhaxeysa degmada iyo magaalooyinka waaweyn ee yaraato.

 

Shaqooyinka banaan

Halkaan waxad ka arkaysa shaqada ka banaan iminka degmada iyo nawaaxigeeda.

Qor hal eray si aad ugu doorato liiska
Ciwaan shaqoXirfad
Trafikingenjör Trafikingenjör
STIFTELSEN LINDEN SÖKER 2 st BEHANDLINGSPERSONAL 100 % Behandlingsassistent/Socialpedagog
Vi söker sjukgymnast / fysioterapeut Fysioterapeut/Sjukgymnast
Fritidspedagog till Sävstaskolans fritidshem Lärare i fritidshem/Fritidspedagog
Resurs / fritidspedagog till Slottsskolan F - 6 Lärare i fritidshem/Fritidspedagog
Säljare sökes till Vingåker Hemförsäljare
Värmepumpstekniker Kyl- och värmepumpstekniker
Förskollärare till Marmorbyns förskola Lärare i förskola/Förskollärare
Heltidstjänst som Personlig assistent till kille i Vingåker Personlig assistent
Distriktssköterska till hemsjukvården Distriktssköterska
Personlig Assistent , Vingåker Personlig assistent
Lärare åk 6 till Sävstaskolan Lärare i grundskolan, årskurs 4-6
Verksamhetschef Verksamhetschef, hälso- och sjukvård
Förskollärare till Vingåkers förskolor Lärare i förskola/Förskollärare
Vi söker dig sjuksköterska till Vingåkerskommun Sjuksköterska, äldreomsorg och -vård/geriatrik
Gruppchef till tekniska enheten Enhetschef, offentlig förvaltning
Vi söker två tandläkare - dig och en kollega? Tandläkare
Samordnare till funktionshinderomsorgen Administrativ assistent
Undersköterskor till hemtjänsten Undersköterska, hemtjänst och äldreboende
Sjuksköterska sökes till kommunuppdrag i mellersta Sverige Sjuksköterska, grundutbildad

Bogga 1 ee ka mid ah 29

Khariidada adeegga bulshada

Waxaa khariidada ka arki kartaa shaqooyinka guud ee degmada. Waxaad isticmaali kartaa meel khariidada kamid ah oo aad ku qori kartid ereyga waxa aad raadineysid, sida ciwaanka guriga aad raadineysid.

Dooro waxii aad rabtid ineey khariidada ku tusto

Waxaa jri kara shaqooyin badan

Ogeeysiisyada shaqada qaarkood kuma qorna ciwaanka meesha shaqada mana laga arki karo khariidada, laakin waxaad ka heli kartaa bogga ”shaqooyinka bannaan”.

Vingåker

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

9 150

Cabirla dhulka

439,4 km2

Masaafada u jirta magaalada waaweyn

Katrineholm ca 20 km

Örebro ca 60 km

Eskilstuna ca 60 km

Bogga internetka degmada

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri