Sharciyada

Xuquuqaha iyo xorriyadaha la siiyey dadka ku nool Iswiidhan waxa difaacaya saddex sharci oo aasaasi ah: sharciga nadaamka dawladda, sharciga xorriyadda daabacidda, iyo sharciga xorriyatul-qawlka. Sharciga nadaamka dawladdu waxa uu dhagayaa in awoodda dawladda la fulinayo ayadoo la ixtiraamayo dhammaan dadka isku qiimo ahaantooda iyo qofka shakhsiga aha xorriyaddiisa iyo qiimihiisaba.

Maxkamadaha

Golaha xildhibaanada ayaa ku maamula maxkamadaha sharciyo. Laakiin maxkamaduhu waa dhexdhexaad ka madaxbannaan, golaha xikdhibaannada, dawladda iyo hay´adaha kale.

Qofka lagu soo eedeeyo dembi waxa uu xaq u leeyahay on arrinkiisa lagu baaro maxkamad. Qofka waxa loo arkayaa bilaa dembi  ilaa ay maxkmadi wax kale xukunto.

Sidan ayaa dambiyada wax loogaga qabtaa booliska iyo maxkmadda

Dembi waa marka qofku sameeyo wax la isku ciqaabi karo sida sharcigu dhigayo. Haddii dembi lagugula kacay, waa in aad u gudbiso booliska.

Boolisku wuxu baarayaa wixii dhacay. Waxay tusaale ahaan samayn karaan waraysi, waxay fiirin karaa goobtiii dembigy ka dhacay, waxaanay samayn karaan baaritaan farsamo. Taas waxa lagu magacaabaa baariyaan hordhac ah. Booliska ama xeer ilaaliyaha ayaa sameeya baaritaanka hordhaca ah.

Booliska ama xeer ilaaliyuhu wuxu go´aamin karaa in uu hoos dhigo  baaritaanka, yacnoo la joojiyo baaritaanka. Waxay taasi dhacdaa tusaale ahaan marka aan la hayn caddaymo ku filan.

Haddii baaritaanku sii socdo wuxu xeer ilaaliyuhu go´aamin karaa in uu qofka ku soo oogo dembi. Taas macneheedu waxa weeye in ay maxkamadayni ka dhici doonto maxkamadda hoose (tingsrätt).

Shaqada maxkamaddu waa in la fiiriyo in xeer ilaaliyuhu u hayo caddaymo ku filan in qofkan la soo ashkateeyey uu dhab ahaantii galay dembigan xeer ilaaliyuhu sheegayo.​

Mas´uuliyadda waalid ahaaneed

Sharciga Iswiidhan (qaybta waalidka) waxa ku qoran in ilmuhu xaq u leeyahay daryeel, xannaano, xasillooni iyo korin wanaagsan. Iswiidhan waa mamnooc in loo adeegsado korinta dagaal jireed iyo mid maskaxeedba. Dagaalka jireed waxa looga jiraa nooc kasta oo jirdil ah. Dagaalka maskaxeed waxa loola jeedaa qaab kasta oo ah hanjabaad, ka nixin, kontoroolid iyo bahdilaad qof kale. Sharciga waxa lagu magacaabaa sharciga ku lidka ah dilista (anti-agalagen) waxanu Iswiidhan ka jiray laga soo bilaabo sanadkii 1979.

Booliska

Haddii aad booliska u qabto wax su´aalo ah ama aad rabto in aad u sheegto dembi dhacay, waxad wacdaa 114 14. Lambarkaasi waa isku mid waddanka oo dhan.

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri