Wararka

​​​​​​Meeshan baa waxa ka heleysaa idaacadiihii ugu dambeyay Raadiyowga qaranka Iswiidhan. Hadii oo luqadaada hooyo lagu heleyn waxa isticmaaleynaa kan iswiidhishka.

Soomaalida Iswiidhan oo ka cadhootay warbixin laga sii daayey Denmark

Fri, 23 Feb 2018 14:49:00 GMT

Soomaalida Iswiidhan ayaa dhaleecaynaysa sawirka ay warbaahinta Denmark ka bixisay soomaalida halkaas ku nool. Doodan ayaa ka dhalatay qoraal uu weriye daanish ah ka daabacay telefishinka TV2 in aaney soomaalidu afka garaneeyn.

Sweden oo dahab cusub qaadatay

Fri, 23 Feb 2018 12:50:00 GMT

Kooxda raga ee ciyaarta barafka ee toogashada iyo qori isu dhiibka ee afka iswiidhishka lagu magacaabo skidskyttestafett ayaa gelinkii danbe ee maanta ku guulaystay billadda dahabka ee ciyaaraha Olimbikadda xilliga qaboobaha.

Östersund oo gilgishay kooxda caanka ku ah kubadda cagta ee Arsenal

Fri, 23 Feb 2018 11:30:00 GMT

Kooxda kubadda cagta ee Arsenal ayaa sidii la filayeyba ku guuleeysatay iney horay ugu sii socoto tartanka koobka ee Europa league, hase yeeshee aaney si sahlan guusha ku hanan, iyadoona ay gilgishay kooxda Östersund ÖFK.

Boqorka oo dhawaan jebin doona rikoodh cusub

Fri, 23 Feb 2018 11:02:00 GMT

Boqorka Sweden ayaa ku sii dhow in uu noqdo boqorkii mudada ugu dheer ku fadhiyey kursiga boqortinimada.

Wasaaradda gaashaan dhigga oo dalbatay miisaaniyad dheer ah illaa iyo 2025

Fri, 23 Feb 2018 09:55:00 GMT

Miisaaniyadda wasaaradda gaashaan-dhigga ayaa u baahan in kor looga qaado 53 bilyan oo ay maanta tahay lana gaarsiiyo illaa iyo 75-85 bilayan oo koroon illaa iyo sannadka 2025, sida ay wasaaraddu baaris mustaqbalka la xiriira ku ogaatay.

Xisbiga Liberalerna oo qorshahooda doorashada shaaciyey

Thu, 22 Feb 2018 14:50:00 GMT

Xisbiga mucaaridka ah ee Liberalerna ayaa maanta soo bandhigay qorshahooda doorashada soo socota ee bisha September ee sanadkan.

Säpo oo ka welwelsan weerarada saayberka doorashada 2018

Thu, 22 Feb 2018 10:29:00 GMT

Weerarkii argagaxiso ee magaalada Stockholm sannadkii hore iyo doorashada sannadkan ka dhici doonta dalkan bisha september, waa laba dhacdooyin oo ay ciidamada sirdoonka xooga saareen markii ay maanta shaaciyeen buugi sanadlaha ee soo koobayay dhacdooyinkii ugu weeynaa ee dalkan ka dhacay 2017:kii.

Sweden oo ku guulaysatay billad dahab ah

Thu, 22 Feb 2018 09:19:00 GMT

Sweden ayaa dahab ku guulaystay ciyaaraha Olimbikadda xilliga qaboobaha ee ka socda waddanka koonfurta Kuuriya. André Myhrer oo 35 jir ah ayaa goor hore oo saaka ah ku guulaystey biladda dahabka ah ee ciyaaraha barafka ee afka iswiidhishka loogu yeedho slalom.

Abbyan: Af soomaaliga qoristiisa aniga ayaa keligay is baray

Wed, 21 Feb 2018 14:00:00 GMT

Maanta oo taariikhu tahay 21-ka bisha feeberaayo ayaa ku beegan maalinta caalamiga ee luuqadda hooyo. Annagoona barnaamijkan ku eegi doona heerarka kala duwan waalidku la soo maro dhallaankiisa kolka ey ku dhaqan yihiin waddan ka dhaqan iyo af-ba duwan.

Dhegeeysiga dacwadda weerarkii Drottninggatan oo halkiisii ka sii socda

Wed, 21 Feb 2018 13:03:00 GMT

Maalintii labaad ee todobaadka labaad ayaa dhegeeysiga dacwadda Rakhmat Akilov oo ku eedaysan weerarkii 7:dii bishii abrill ee sanadkii hore ka dhacay suuqa Drottninggatan ee magaaladda Stockholm ka sii socotaa makammadda Stockholm Tingsrätt .

Kor u kac ku yimid tirada dumarka ee uu ku dhaco kansarka ilmagaleenka

Wed, 21 Feb 2018 11:45:00 GMT

Tiradda dumarka Sweden ee cudurka kansarka ilmagaleenku asiibo ayaa kordhaysa, inkasta oo boqolkiiba 80 dumarka Sweden ay si joogta ah isaga baadhaan feyruska dhaliya kansarada ku dhacda ilmagaleenka.

Ra´iisal wasaare Löfven oo booqanaya Donald Trump

Wed, 21 Feb 2018 09:20:00 GMT

Ra´iisal wassaaraha Sweden Stefan Löfven ayaa booqasho ku tagaya dalka Mareeykanka si uu ula kulmo Donald Trump, madaxweeynaha dalkaas.

Saraakiishii baareeysay dilkii Palme oo lacag u ballan qaadey markhaatiyadii

Wed, 21 Feb 2018 08:12:00 GMT

Howl-wadeennadii ciidanka ammaanka ee ku hoowlaneyd ciddii a dambeeysay dilkii Olof Palme ayaa isku dayay sidii ey lacag dhan 50 malyan oo kron ugu soo jiidan lahaayeen iney ku markhaati furaan Christer Pettersson, sida uu maanta shaaca ka qaaday idaacadda SVT laanta Uppdrag granskning.

Cunnada Pannkaka oo laga mamnuucay iskuullada hoose dhexe ee Malmö

Wed, 21 Feb 2018 07:25:00 GMT

Laga soo bilaabo dayrtii ina dhaaftay waxaa dhammaan dugsiyada hoose dhexe oo ay degmada Malmö maamusho laga mamnuucay cunista malawaxa, waxa afkan lagu yiraahdo pannka, maadaama aan bedelkooda loo hayn ardeyda xasaasiyadda ku qabta ukunta ama caanaha.

Akilov: Goolkeeygu wuxuu aha inaan Sweden ka soo jeediyo Daacish

Tue, 20 Feb 2018 11:57:00 GMT

Wareeysigii maxkamadda lagula yeeshay Akilov ayaa lagu bilaabey inuu jawaab ka bixiyo sabata ku kalliftay inuu fal-dembiyeedkii ka dhacay magaalada Stockholm ku tallaabsado 7-dii bishii abriil 2017.

Hayadda xabsiyada oo u baahan goobo dheeri ah oo maxaabiista lagu hayo

Tue, 20 Feb 2018 11:20:00 GMT

Dunuubta ciqaabta oo la adkeeyey ayaa sabab u noqotay in loo baahdo goobo xabsiyo oo dheeri ah, sida uu sheegay agaasimaha guud ee xabsiyada Nils Öberg. Öberg ayaa sidoo kale doonaya in degdeg falkaa loogu tallaabsado.

Degmooyinka dalka oo ku kala duwan muddada heerka caafimaad darro

Tue, 20 Feb 2018 11:00:00 GMT

Sannadihii ugu dambeeyey waxaa dalka Sweden guud ahaan hoos u dhacay xaaladdii caafimaad-darro, hase yeeshee weli waxaa jira farqiyo aad u ballaaran oo u dhexeeya degmooyinka kala duwan. Bulshada lu dhaqan degmada Ljusnarsberg waxey in afar jeer ka badan xanuun ku qoran yihiin kolka loo barbar dhigo bulshada degmada Dandeyd ku dhaqan.

Akilov oo markii ugu horreeysay lagu wareey-san doono maxkamadda

Tue, 20 Feb 2018 08:43:00 GMT

Rakhmat Akilov oo ku eedeey-san inuu ka dambeeyay falkii argagixis-nimo ee ka dhacay faras-magaalaha Stockholm ayaa saaka mar kale la hor keeney maxkamadda. Waana markii ugu horreeysay oo la fileyo inuu maxkamadda ka hadlo.

Jihaan: Sweden markaan imid ayaan bilaabay xiisaha ciyaaraha qaboobaha

Mon, 19 Feb 2018 14:00:00 GMT

Magaalada Pyeongchang ee dalka Koonfurta Kuuriya ayaa albaabbada loogu furey sagaalkii bishan feeberaayyo ciyaarihii qaboobaha ee olompikada, kuwaasina oo si habsami leh uga socda, iyadoona lagu soo gabagabeeyn doono 25-ka bishan feeberaayo oo eynu ku jirno.

Hablaha Sweden oo ku guuleeystay biladda qalinta ee tartanka qori isku dhiibka

Mon, 19 Feb 2018 11:00:00 GMT

Xulka ciyaartooyda Sweden hablaha ee tartanka qori isku dhiibka  qoryaha dhaadheer ee barafka lagu cararo ayaa ku guuleeystay biladda qalinka, halka ey dhiggooda ee dalka Noorwey hantiyeen biladdii dahabka.

Tuuji qoralka idaacada sidaa idaacada ugu akhrisatid bogga internetka Raadiyowga qaranka Iswiidhan. Isku xiriiriyahay wuxu furi daaqad kale

Idaacadii oo ah luqada dhagoolayaasha

Idaacada luqada dhagoolka

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri