Bulshada Iswiidhan

Iswiidhan waa dal dimoqoraaddi ah. Taas macneheedu waxa weeye in dadku wax maamulayaan ayaga oo dooranaya xisbiyo ama ashkhaas xaq u leh inay qaataan go´aamo muhiim ah. Dadka la dooranayo waxa lagu magacaabaa siyaasiyiin.  Waxa ay go´aamada ku gaaraan golaha wakiilada degmada, golaha wakiilada landstinget-ka iyo golaha xildhibaannada.​​​​​

Dhawr tiir oo muhiim u ah  bulshada reer  Iswiidhan

  • Xorriyadda daabacaadda iyo hadalka, dadka oo dhan waxay karaan in ay ku soo gudbiyaan afkaartooda, aragtiyahooda iyo dareenkooda hadal ahaan iyo qoraal ahaanba.
  • Xorriyadda ururada, xaq u lahaanshaha in lagu biiro ama la dhiso urur waxay aasaasi u tahay domoqoraaddiyadda.
  • Xorriyadda diinta ama xorriyadda caqiidada, waa xaq u lahaansha in aad si xor ah u go´aansato haddii aad rabto in aad ku dhaqanto diin. Xorriyadda diinta waxa loo arkaa mid ka mid ah xuquuqaha bina aadanka.
  • Xuquuqda sharciga, macneheedu waxa weeye in dhammaan dadku u sinnaadaan sharciga. Qofka waxa loo aqoonsanaanayaa bilaa dembi ilaa ay maxkamadi xukumayso.

Iswiidhan waxa laga maamulaa xagga dawladda, Landstigent-ka iyo degmooyinka

Hay´adaha dawladda iyo shirkadeheeda

Golaha xildhibaannada, xukuumadda, xafiiska xukuumadda, wakaaladaha dawladda, iyo hay´aduhu waxay u wada shaqeeyaan dawladda, laakiin waxay ka jiraan dalka oo dhan. Tusaalaha hay´adaha waxa ka mid ah, maamulka bulshada (socialstyrelsen) Qasnadda caymiska (Försäkringskassan) iyo  maamulka gobolka (länsstyrelsen).

Gobol

Iswiidhan waxey u qeybsan tahay joqoraafi ahaan 21 qeybood oo loogu yeero gobol. Gobol waa meel weyn oo ka kooban degmooyin kala duwan . Maamulka gobolka waa xafiis dowladeed kasoo wax ka go'aamiya gobolka wuxuuna u shaqeeyaa silsilad ahaan oo wuxuu isku xiraa dowladda dhexe iyo degmooyinka . Waxaa jira maamulka gobolka iyo duqa magaalada ee gobol kasta. Maamulka gobolka wuxuu ka shaqeeyaa ka shaqeeya waxyaabo kala duwan tusaale ahaan gaashaaminta bulshada,dhisida bulshada , dhowrista bii'ada iyo daryeelka dabeecada, xajawaanka, ugaarta, iyo kalluunka.

Maamulka caafimaadka e gobolka/Gobolka

Maamulka caafimaadka ee gobolkla waa qeybta siyaasada ee gobol kasta. Maamulka caafimaadka ee gobolka waxaa go'aamiya gole fadhi ay dadku soo doorteen oo loogu yeero baarlamaanka maamulka caafimadka ee gobolka iyo hogaanka maamulka caafimaadka gobolka. Maamulka caafimaadka gobolka wuxuu go'aamiyaa tusaale ahaan daryeelka caafimaadka, daryeelka bukaanka, iyo isus-ocodka xaafadda. Qeyb maamulka caafimaadka ee gobolka ka mid ah waxey xitaa ka mas'uul yihiin horumarinta gobolka sidaas darteed ayaa loogu magacaabaa gobolo.

Degmooyinka (kommuner)

Degmooyinka waxa maamula golaha wakiilada degmada iyo guddiyo degmo. Degmooyinku waa ay gacanta ku hayaan tusaale ahaan iskuullada, maktabadaha,  u adeegga dadka waaweyn, damdemiska iyo nadaafadda.​​

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri