Suuqa shaqada Iswiidhan

Suuqa shaqada waxuu uu qeeybsamaa qeeyba gaarka loo lee yahay iyo qeeybta dadweeynaha.

Qeeybta gaarka loo lee yahay waxaa ka jiro shirkado fa'iido raadis ah oo si gaar ah loo lee yahay. Shirkadahaan waxeey tusaale ahaan karaan dukaamo yar ama ganacsi kale, warshado wax soo-saaro, hoowlo dhismeed, cilmiga sharciga iyo dhaqaale, gaadiid iyo maqaayado. Boqolkiiba 70% waxeey ka shaqeeyaan qeeybaha gaarka loo lee yahay.

Qeeybta dadweeynaha waxaa leh, dowlada, degmooyinka iyo maamulka gobolka ee dhanka arimaha caafimaadka iyo gaadiidka. Qeeybaaha dadweeynaha waxaa ka shaqeeyo tusaale ahaan dad ku hoowlan dhanka caafimaadka, waxbrashada, booliska, xanaanada bulshada, dugsiyada barbaarinta, difaaca bey'adda, maareeynta qashinka, biyaha iyo bullaacadda iyo adeega badbaadinta.

Tima-jarayaasha inta badana waa shirkadleey gaar ah.
Masawirqaade: Colourbox

Shaqooyinka shaqaale uu baahan - shaqooyinka inta ee ka jiran

Shaqooyinka loo maleeynaayo in ee mustaqbalka shaqaale looga loo baahnaan doonaan waxaa lagu magacaabaa bristyrken.

Si looga shaqeeyo shawooyinkaan waxaa badanaa loo baahan yahay waxbarasho xirfadeed oo heer dugsi sare ah ama heer ka sareeyo. Waxbarashada sare waxaa loo yaqaan waxbarashada ka danbeeyso dugsiga sare ee jaamacadeed.

Waxbarashada waxeey muhiim uu tahay si Iswiidhan shaqo looga helo. Waxbarashada dheerna waxeey badanaa albaabka ugu furee fursado badan oo lagu helo shaqo. Shaqo dhiibe badan waxaa uu shardi ah in qofka shaqada soo dalbanaayo uu ugu yaraan soo dhigtay dugsi sare. Mecnaheed waa in ka soo qalin jabiyay dugsi sare. In qofka ka soo qalin jabiyay dugsi sare waxeey sido kale laga maarmaan uu tahay markii la raadsanaayo waxbarasho sii socoto.

Halkaan waxaad ka akhrisan kartaa shaqooyinka uu xafiiska shaqada ku sheegaayo in shaqaalooyinka ku yaraan doonaan mudada soo dhow. (Laga keenay: Xafiiska shaqada)

Shaqooyinka heerka jaamacadeed ayaa baahi weeyn loogu qabaa shaqaale (weyna sahlan tahay in shaqo laga helo) sanadka 2017

  • Injineero iyo farsamo yaqaanaha dhanka sancada goodka macdanta iyo biraha
  • Dhakhtar
  • Hormariyaha nidaamka (systemka) iyo barnaamiyada kombiyuutareed
  • Gacan haye xaga adeegga bulshada
  • Qiimeeyaha heerka kaalmada
  • Kalkaalisooyinka, caafimaadka dhanka daryeelka cilmi nafsiga, daryeelida degdegga ah, carruurta iyo raajada iyo kalkaalisooyinka qalliinka iyo kalkaaliyooyinka waaxaaha
  • Shaqaalo ku xiil dheer waxbarashad oo gaarka ah (specialpedagog)
  • Injineerada dhismaha ee waxbarashada dheer, dhismaha iyo waddooyinka, korontada iyo farsamada qalabka xiriirka taleefannada.
  • Injineerida dhismaha iyo farsamo yaqaanka dhismaha
  • Naqshadaha dhisida farsmada warbixinta (IT-arkitekt)
  • Injineerada-VVS
  • Macalimiinta dugsiga barbaarinta iyo xanaanada
  • Macalinka ( qeybta dambe ee dugsiga hose-dhexe)
  • Shaqooyin ku beegan heerar waxbarasho ee kale oo baahi weeyn loogu qabo shaqaale (eyna sahlan tahay in shaqo laga helo) sanadka 2017

  • Cunto kariye
  • Fuundi
  • Kalkaaliso hoose
  • Bir-tumaha dhismaha
  • Laamiyeeri dhige
  • Makaaniga gaarida xammuulka
  • Daroowal gawaarida xamuulka
  • Rakibaha qalabka ma gudbiyaha
  • Sagxad dhige
  • Koronto-yaqaan
  • Rakibaha-VVS
  • Saqaf rakibe
  • Shaqaalaha shubka ka shaqeeyo
  • Alwaax isku rakibe
  • Rinjiyeele
  • Qalab isku rakibe
  • Shaqaalaha goobaha dhismaha
  • Asaas sameeye
  • Farsamada maamulka iyo sharciyada
  • Xoghaya arrimaha daaweeynta
  • Shaqooyinka xagee la heli karaa mustaqbalka?

    Xafiiska shaqada waxuu xattaa tirakoobka saadaaleeynta ka arkaa in baahi shaqaale looga qabi doono shaqooyinka qaarkood, mudo shan sano ilaa toban sano kadib ah. Baahidaan shaqaalaha loo qaabo qeeybo ka mid ah waxaa buuxiyo dad usoo guurayo Iswiidhan. Waxaa soo socdo liis shaqooyin iyo kooxyo looga baahnaan doono shaqaale shan sano ilaa toban sano kadib.

    Shaqooyinka baahida weyn loo qabi doono shanta illaa tobanka sano ee socda

  • Shaqooyinka teknaloojiyada farsamada IT
  • Macalimiinta dugsiyada barbaarinta iyo shaqaalaha barbaarinta guriga xiligi firaaqada (fritids)
  • Macalimiinta dugsiga hoose-dhexe
  • Macalimiinta dugsiga sare
  • Dhakhtar
  • Kalkaaliyayaasha caafimaadka
  • Shaqaalo ku xiil dheer waxbarashad oo gaarka ah (specialpedagog)
  • Dhakhaatirada ilkaha
  • Kalkaalisada ilkaha
  • Kalkaaliso hoose
  • Shaqooyinka injineernimada
  • Farsamayaqaanka baabuurta iyo xamuullada
  • Farsamayaqaanka makiinadaha
  • Daroowal bas
  • Daroowal tareen
  • Farsamayaqaanka makiinadaha CNC.
  • Cunto kariye
  • Shaqooyin badan oo xaga dhismaha
  • Laga keenay: Xafiiska shaqada

    Sinaanta suuqa shaqada

    Sinaanta mecnaheed waa in nimanka iyo dumarka uga siman yihiin xuquuqda, waajibaadka iyo fursadaha goobaha muhiimka ee nolasha dhamaanteed. Dowlada waxeey hadafkeedu yahay in sinaanta dalka Iswiidhan ee sii korto ( warbixin dheeraad ah ka akhriso cutubka 4). Marka ee bulshada ka faiideeysato aqoonta iyo fikradaha ninka iyo dumarkaba waxaa ka mid ah oo kor uu kacaayo dhaqaalaheeda.

    Iswiidhan habab badan ayee uu tahay dal sinaan ka jirto. Ku dhawaad boqolkiba 80 ee dumarka Iswiidhan ee uu dhaxeeyo 20 ilaa 64 sano, waxeey ka shaqeeyaan guriga dibadiis, taasi oo ah tiro badan markii loo bardhigo dalal badan. Laakiin suuqa shaqada waxaa laga wali laga tabayaa sinaan. Dumarka qabto isla shaqada ragga, waxeey inta badana lee yihiin mushaar ka hooseeyo ayago isla shaqada qabanaayo. Nimanka ayaa dumarka uga badan dhanka hogaaminta shirkadaha. Cilmi baarista waxeey muujineeyso oo kale in farqi uu dhaxeeyo fursadaha ragga iyo dumarka, dhanka isku dhex wadida shaqo iyo nolol qooys. Dumarka waxeey qabtaan hoowlaha guriga badankood xataa haddii sida ragga uu shaqeeyaan. Dumarka ayaa ku maqnaansho badan xilliga fasaxa waalidiinta.

    Dowlada waxeey uu shaqeeyneeysaa sidii ee sare loogu qaadi lahaay sinnaanshaha qeeybo badan. Tusaale ahaan hadafka waxuu yahay in dumarka iyo ragga ee san dooraneyn shaqooyin ayadoo loo fiirinaayo jinsigood, ee shaqada uu doortaan aqoontood, haboonaanshaha iyo hamigood. Suuqa shaqada Iswiidhan, dumarka waxeey tusaale ahaan ku badan yihiin shaqooyin daryeelka caafimaadka iyo xanaanada halka ee ragga ku badan yihiin goobta farsamada casriga iyo dhismaha. Ragga ayaa uga badan dumarka, dhanka furashada shirkadaha iyo hogaaminta goob shaqo.

    Laga keenay: SCB

    Masawirka waxuu muujinaa in qeeybinta dumarka iyo ragga, dhanka shaqooyinka loogu badan yahay dalka Iswiidhan. Sadax ka mid ah 30 shaqo ayee ka jirto sinaan jinsiyeed. Waa boqolkiiba 40-60 jinsigiiba.

    Caadada bulshadeed ee dhanka suuqa shaqada

    Suuqada iswiidhisha waxaa ka jiro caadooyin bulshadeed oo lagu yaqaano.

    Waxaa inta badanaa caadi u ah in hey'adda goobta shaqada ee tahay mid "siman" oo eysan laheyn darajoyin kala duwan. Taasi micnaheedu waa in hogaamiyaha iyo shaqaalaha in badan go'aamada isla wadaagaan. Habkaan loo qaado go'aamo waaqti sii dheer ayee qaadan kartaa laakin inta badana waxeey keentaa dareen ka qeeyb qaadasho iyo dareen masu'uliyad sii badan. Qofka shaqaalaha ahna waxaa laga sugaa badana in uu ka soo baxo masu'uliyadiisa.

    Inta badana jawiga gooba shaqo oo badan waa mid aan rasmi ahaeyn. Waxeey ku saabsanaa kartaa habka la iskula hadlo iyo habka dharka loo gashto. Waxaa loo badan yahay in "dhar caadi ah" shaqada loo gashto.

    Muhiim ayuu waqtiga waxuu goobo shaqo oo badan. Waa muhiim in shaqada waqtigeed lagu imaado.

    Waqtiga shaaheynta waa waqti muhiim u ah gooba badan oo shaqo, waa waqti eey isla hadlaan oo la isla cabaan kafee ama shaah.

    Shaqo dhiibe iyo shaqo qaate

    Suuqa shaqada waxuu uu qeeybsamaa labo qeeybood: shaqo dhiibe iyo shaqo qaate.

    Shaqo qateena waxaa kale oo lagu magacaabaa shaqaale. Waxaa juro ururo loogu tala galay shaqo qaataha iyo shaqo dhiibahaba. Waa ururo ee ka dhex shaqeeyo shaqo dhiibaha iyo shaqo qaata oo ka wada shaqeeynaayo danahooda ee dhanka suuqa shaqada. Dadka ka tirsan ururada waxaa loo ogalyahay in ee ka qeeyb qaataan saameeynta.

    Ururada shaqo dhiibaha waxeey matalayaan danaha shaqo dhiibaha.

    Ururada shaqo dhiibaha ugu weeyn waa:

    • Svenskt näringsliv oo loogu tala galay shirkadaha gaarka ah
    • Hey'adda shaqa dhiibayaasha (Arbetsgivarverket) iyo SKL (Degmooyinka iyo gobollada Iswiidhan) oo loogu tala galay goobaha shaqadeed ee dadweeynaha

    Ururada shaqaalaha ayaa matalo shaqo qaataha, shaqaalaha, danahood.

    Ururada shaqaalaha ugu weeyn waa:

    • LO (Landsorganisationen i Sverige) Ururka gobollada Iswiidhan
    • TCO (Tjänstemännens centralorganisation) Urur bartameedka shaqaalaha dowladda
    • SACO (Sveriges akademikers centralorganisation) Urur bartameedka jaamiciyaasha Iswiidhan

    Ururada shaqaalaha ee qarameed waxeey ka kooban yihiin urur kale oo yar oo matalo shaqooyin iyo laaman kala duwan.

    Ururada shaqaalaha waxeey ka jireen Iswiidhan ilaa 1800-yimadii, dad badan oo shaqaale aha waxeey doortaan in ee ku jiraan. Xur ayaa loo yahay ka jirka ururada shaqaalaha. Dadka ku jiro urur shaqaale waxeey dhiibaan kharashka-ku jirida. Badan waxeey dadka ku jiraan urur shaqaale iyo qasnada shaqo laanta, A-kassa. Qasnada shaqo la'anta waa urur dhaqaale oo lacag siiyo dadka ka tirsan marka ee shaqo la'an ku dhacdo. Waxaa jiro qasnado shaqo la'aaneed oo badan, inta badanana qasnada shaqo la'anta waxeey ku xiran tahay ururka aad ku jirto.

    Ururada shaqaalaha iyo ururada shaqo dhiibaha si joogto ah ayee uu kulmaan ayagoo ka hadlaayo sharciyada ka jiraayo suuqa shaqada. Kulumadaan lagu wada xaajoonaayo waxaa ka mid ah oo eey ku saabsan yihiin mushaarada iyo xuquuq kale iyo waajibaadka goobta shaqada. Xaqa wada xaajoodka waxaa lagu go'aamiyay sharciga wadatashiga, MBL (lagen om medbestämmanderätt) Sharciga xaq u lahaanshaha go'aan la qaadahsada.

    Waxaa jiro xeerar iyo heshiisyo kala duwan oo nidaaminaayo suuqa-shaqada Iswiidhan.
    Masawirqaade: Colourbox

    Xuquuqda shaqada

    Iswiidhan waxaa ka jiro sharciyo iyo heshiisyo badan oo khuseeyo shaqooyinka. Sharciyada iyo heshiyada ka dhaxeeyo shaqo dhiibaha iyo shaqo qaataha waxaa loo yaqaan xuquuqda shaqada.

    Sharciga wadatashiga, MBL

    Sharciga wadatashiga, MBL, waa nidaam muhiim ah oo ka tirsan xuquuqda shaqada. Sharciga waxaa ku tirsan nidaamyo ku saabsan xaqqa ku abuurida urur shaqaale goobta shaqada. Sbarciga waxuu kale uu sheegayaa in shaqo dhiibaha ku qasban yahay in shaqaalaha uga warama arimaha muhiimka oo khuseeyo goobta shaqada. Sido kale shaqo dhiibaha waa in uu la wada xaajoodaa ururada shaqad inta uu san badalo ku sameeyn goobta shaqada.

    Sharciga difaaca shaqada, LAS

    Sharciga difaaca shaqada, LAS, waxuu difaaca shaqaalaha marka ee ku saabsan tahay shaqo ka tagida.

    Sharciga waxuu horeeyn uu khuseeya shaqaalaha leh shaqaaleeyn joogto ah. Sharciga waxaa ku qoran in qofka aan looga ceeyrin karin shaqada sabab la'an. Sababta macquulka ah waxeey ahaan kartaa in ee shaqada dhamaatay ama shaqaalaha in uu san shaqadiisa uu qaban si saxsan.

    Sharciga difaaca shaqada waxaa ku jiro nidaamyo ku saabsan shaqaalaha marka hore shaqada laga burinaayo markii ee jirto shaqo yari. Waxaa loo yaqaan nidaamka kala hormariska. Nidaamkaas asaaskiisa waa in qofka shaqada ugu cusub marka hore la ceeyrinaayo inta aan la ceeyrin midkii ka soo horeeyay.

    Heshiishka wadajirka ah

    Heshiishka wadjirka ah waa qoraal heshiis ka dhaxeeyo shaqo dhiibaha iyo urur shaqaale. Heshiishka wadjirka ah waxuu lee yahay nidaamyo ku saabsan tusaale ahaan xilliga shaqda, xilliga fasaxa iyo mushaarada. Inta badana heshiishka wadajirka ah ayaa hago mushaarkaada.

    Heshiishka wadjirka ah inta badanaa waxuu ku jiro nidaamka ku saabsan:

    • habka shaqaaleeynta
    • xilli shaqo oo dheeraad ah
    • mushaarada iyo lacagaha
    • xilliga shaqada
    • fasaxyada
    • ogeeysiinta shaqo ka tagida
    • ceeymiska hoowlgabka iyo shilalka.

    Heshiishka wadajirka ee shaqada waxaa lagu go'aamiyaa inta uu ahaanaayo mushaarka ugu hooseeyo ee shaqaalaha. Sido kale heshiishka waxuu khuseeyaa shaqaalaha aan ka tirsaneeyn urur shaqaala ee laakin ka shaqeeyo goob shaqo oo leh heshiishka wadajirka. Iswiidhan kama jiro sharci ku saabsan musshar ugu yar inta uu ahaanaayo.

    Xataa haddii uu shaqo dhiibahaada lee yahay heshiishka wadjirka ah, waxaa lee dahay fursad aad shaqo dhiibaha kula wada xaajootid ama kala hadashid mushaarkaada. Waxaad heli kartaa mushaaro kale duwan ayadoo ee ku xiran tahay shaqada adkeeysigeeda iyo sida aad adiga shaqada uga soo baxeeyso. Hey'addaha waa weeyn iyo shirkadaha badankood waxeey heshiishka wadajirka ah la lee yihiin ururka shaqaalaha laakin waxaa jiro shaqo dhiibe aan la heeyn heshiishka wadajirka ah.

    Khilaaf ka dhaco goob shaqo

    Khilaaf ama dagaal ka dhaco goob shaqo waxaa loo xalinaa sida ugu dhaqsiyaha badan. Shaqo dhiibaha, hogaamiyaha, masu'uliyadiisa waaye in uu xaliyo khilaafyada dhaco. Haddii aad gasho khilaaf kala hadal hogaamiyaha goobta shaqada (shaqo dhiibaha). Haddii aad khilaafka lalee dahay shaqo dhiibaha oo aadna ka tirsantahay urur shaqaale waxaad taageero ka heli kartaa ururkaada shaqaale. Marka uu shaqo dhiibaha iyo shaqo qaataha ka dhec dhaco khilaaf eena ku heshii waayaan arin ka jiro goobta shaqada, waxeey la xariri karaan maxkamada arimaha shaqada, AD. Maxkamada waxeey baari karta khilaafka jiro, waxeeyna jawaab ku bixin kartaa qofka saxsan.

     

    < Ullaabo cutubka lasoo dhaafay

    U gudub bogga ku xiga >

    Ullaabo menyuuga

    Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
    © Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

    Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

    Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri