In canshuur la dhiibo

Nidaamka canshuuraha dalka Iswiidhan waxuu asaasi uu yahay nidaamka nabadgalida iyo daryeelka dalka. Ayadoo canshuurta heleeyso ayee dowlada Iswiidhan dadka dhan wada siin karta fursad waxbarasho iyo nolo fiican. Qeeyb weeyn oo ka mid ah nidaamka nabadgalida iyo daryeelka dalka, waxaa lagu bixiyaa canshuuraha. Canshuuraha ayaa tusaale ahaan lagu maal-galiyaa tusaale ahaan daryeelka bukaanka, xanaanda caruurta, adeega bulshada iyo xanaanada waayeelka. Laakin sido kalena jidadka, gaadiidka dadweeynaha, qaabilaada qaxootiga iyo hoowsha bey'adeed waxaa lagu maal galiyaa canshuurta. Dadka badanaa ee Iswiidhan degan waxeey kalsooni ugu qabaan in canshuurta laga qaado si wadajir leh loogu isticmaalo dhisida bulshada.

Marka aad shaqeeyso waxaad bixineeysaa canshuur. Canshuurtaas waxaa loo yaqaan canshuurta-dakhliga.

Masawir: Hey’adda canshuuraha

Mushaarka aad heleeysid inta aan canshuurta laga jarin waxaa lagu magacaaba, mushaarka jumlada ah (bruttolön). Mushaarka la helo markii canshuurta laga jaro waxaa loo yaqaan, mushaarka saafiga ah (nettolön). Mushaarka saafiga ah waa lacagta ku soo hartay oo aad ku noolaaneeyso. Nidaamka canshuureed ee Iswiidhan waxuu uu dhisan yahay, in qofka soo gasho lacag badan uu sii dhiibaayo canshuur badan. Dadka bulshadeed oo aan heeysan lacag ku filan waxeey bulshada ka heli karaan caawinaad.

Degmooyinka waa kala canshur duwan yihiin. Waxeey canshuuraha uu dhaxeeyaan boqolkiiba 29-35 ee mushaarka jumlada ah. Haddii lacag badan ku soo gasho waxaad canshuur dheerad ah siineeysaa dowlada. Haddii aad dooneeyso warbixin dheeraad ah oo ku saabsan canshuuraha waxaad ka heleeysaa bogga internetka Hey'adda canshuuraha www.skatteverket.se

​Dakhliga sanadka​Canshuurta aad dakhlig ka bixineeyso

In ka badan 625,800 karoon

Canshuurta degmada oo ah boolkiiba 29-35
+ 20 % canshuur dowladeed
+ 5 % canshuur dowladeed
dakhliga ka sareeyo xadkaan

In uu dhaxeeyso 430,200 iyo
625,800 karoon

​Canshuurta degmada oo ah boolkiiba 29-35
+ 20 % canshuur dowladeed
dakhliga ka sareeyo xadkaan

In ka yar 430,200 karoon

Canshuurta degmada oo ah boolkiiba 29-35

​In ka yar 18,951 karoon

​Wax canshuur ah ma dhiibeeysid

Heerka canshuuraadka dakhliga (Tirakoobka sanadka 2017)
Laga keenay: Hey’adda canshuuraha

Qof qaato lacagta jirada amalacagta hoowlgabka sido kale waxuu dhiibaa canshuurta dakhliga. Sido kale waxaad shaqadaada ku dhiibtaa canshuur loogu tala galay fa'iido. Tusaale ahaan fa'iido waa in aad baabuurka shaqaada uu isticmaali karto howlahaada gaarka ah ama in aad heli karto kubbonka cunta oo aad maqaayad uga gadan karto qado ama casho.

Cadeeynta xisaabinta dakhliga

Qofka oo uu dakhli soo galo isla markaana dhiibo cashuu rwaa inuu sanad walba cadeyn xisaabin dakhli u diraa Hey'adda cashuuraha. Hey'adda cashuuraha waxeey waraaqaha xisaabinta dakhliga kuugu soo direysaa gurigaaga. Xisaabinta dhakhliga waxaa ku jira inta lacag ee aad shaqeysay iyo cashuur intee la 'eg ayaa sanadka gudihiisa dhiibtay. Macluumaadkaas waxaa soo gudbiya shaqa dhiibahaada, shirkadaha ceymiska iyo bangiga. Waa inaad kontorooshaa in eey sax yihiin. Waxaad isticmaashaa nambarrada si aad u aqoonsatid iyo si aad u saxiixdid ama waxaad isticmaashaa saxiixa elektaroonigga ah. Waxaad dalban kartaa inaad wacdid, ditid sms, isticmaashid borogaraamka abb-ka Hey'adda cashuuraha ama qaabka elektaroonigga ah. Nambarradaas waxeey ku yaallaanqeybta ugu sarreeysa ee waraaqaha xisaabinta dakhliga.


Foomka cadeeynta dakhliga, asagoo ayaad u diri kartaa Hey'adda canshuuraha. Waa inaad u diri kartaa Hey'adda canshuuraha ugu dambeyn billowga bisha maajo.
Masawirqaade: Hey'adda canshuuraha

Canshuurta moms

Canshuurta qiimaha dheer, mervärdesskatt waxaa loo yaqaan moms. Dadka dhamaantood waxay canshuurta moms ka bixiyaan alaabta iyo adeegyada ay iibsadaan badankood. Moms waa qayb sicirka ka mid ah oo dadka wax iibsanayaa bixiyaan. Qeeybo kale duwan ayuu lee yahay momska ayadoo la fiirinaayo waxa la gadanaayo: 25, 12 ama 6 boqolkiiba. Waxaa jiro waxyaalo iyo adeegyo qarkood oo aan moms laga bixin tusaale ahaan daryeelka caafimaadka iyo waxbarashada. Dowlada waxeey momska uu isticmaasha sidii qalab hogaamin siyaasadeed waxaana moms yar la saara waxyaalaha loo arko in iibsashaadood fiicantahay.

Canshuur dadban

Canshuurta dadban waa canshuur dheeraad ah oo la saaro waxyaalaha ama shaqooyinka qaarkood, tusaale ahaan khamrada, bensiinka, korontada iyo tobaakada. Cashuuraha dadban waxaa loo isticmaalaa si loo xakameeyo ka iibsiga. Xukuumadda ayaa xakunto badeecada iyo shaqooyinka la saarayo canshuurta dadban badanaana waxaa la saaraa waxyaalo khatar u ah bey'adda ama caafimaadka.

Lacagta kharashka bulshada

Shaqo dhiibaha ayaa lacagta kharashka bulshada ka dhiibo shaqaalaha. Waxaana la dhahaa lacagta kharashka bulshada waxaa loo qoondeeyaa lacagta howlgabka ee shaqaalaha, lacagta waalidnimada oo uu shaqa dhiibaha ka dhiibo shaqaalihiisa una diro Hey'adda cashuuraha. Bishii hal mar ayuu uu diraa Hey'adda canshuuraha. Qofka shirkad gaar ah leh, ma dhiibaayo lacagta kharashka shaqo dhiibaha ee waxuu dhiibaa kharashka bulshada oo ah kharashkiisa gaarka ah.

In lagu shaqeeyo suuq madow

In lagu shaqeeyo suuq madow mecnaheedu waa in qofka shaqaalaha ah uusan bixin wax canshuur ah ama kharashka bulshadeed. Bulshada waxeey ku dhisantahay in qofka walba oo shaqeeyo uu dhiibo canshuur. Canshuurta waxaa  loo isticmaalaa isbitaalada, jidadka, xanaanada waayeelka iyo hoowlo nabadgalyo iyo daryeelo kale oo u fidsan dadweeynaha dhamaantood.

Haddi aad suuqa madow ka shaqeeyso waxaa kugu adkaan karto in aad hesho heshiiska gacan koobaadka guri ama in aad alaab deeyn ku soo qaadato. Inta badana shirkadaha guriyada kireeyo waxeey doonayaan in qofka uu muujiyo heshiishka shaqaaleeynta.

Adiga ka shaqeeya suuqa madow:

  • Ma heleysid heshiis shaqaaleyn sidaas darteedna waa laguugu siri karaa mushaarka.
  • Ma heleysid lacagta dadka eey shaqada ka dhamaato haddii eey shaqada kaa dhamato.
  • Ma heleysid lacagta jirrada iyo lacagta fasaxa.
  • Ma heleysid lacagta jirrada iyo lacagta waalidnimada.
  • Waxaad heleysaa lacag howlgab oo yar.
  • Ceymis kuma jirtid haddii uu dhaawac kusoo gaaro, ama aad qof shaqada ka shaqeeya dhaawacdid ama haddii aad wax eey kaa jabaan markaad shaqada ku jirtid.

 

< Aad bogga la soo dhaafay

U gudub bogga ku xiga >

Ullaabo menyuuga

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri