Waayeel noqoshada

Dadka ku nool Iswiidan waxay gaaraan cimri dheer. Cimriga dhexdhexaadka ah ee dadweynaha waa 82 sano. Dumarku waxay gaaraan 84 sano, ragguna 80 sano.

Cimriga dhexdhexaadka oo kor u sii kaco waxuu keenaa in waayelka sii kordhaan. Tobonkii sanoba cimriga dhexdhexaadka waxaa ku darsanto hal sano. Wakhtiga hada la joogo ma jiran wax muujinaayo in kor u kaca cimriga dhexdhaaxdka istaagi doono. Dadka Iswiidhan ee gaaraayo 10 malyan boqolkiiba 18 waa dad dhaafay da'da hoowlgabka ee 65 sano. Sanadka 2030 dadka Iswiidhan ku nool boqolkiiba 30 waxeey ka weeynaan doonaan 65 sano.

Cimriga aad gaareeyso waxyaalo badan ayuu ku xiran yahay. Dhaxalka jinsiga aad ka qaadatay waalidkaada iyo qaraabadaada waxuu saameeynaa cimriga aad gaareeysid. Sido kalena waxaad cimriga saameeyn ku leh habka aad uu nooshay iyo bey'adda. Waayel-noqoshada waxaa la socdo isbadlo badan oo dhanka jirka ah, maskaxda iyo la xariirka bulshada. Qofka waxba kama qaban karo dhaxalka jinsiyeed laakin waxuu qofka saameeyn karaa sida uu ugaboobi lahaa asagoo iska fiirinaayo habka uu unoolayahay.

 

Hey'adda caafimaadka dadweeynaha waxeey kor usoo qaaday afar qeeyb oo mecno ugu fadhiyo waayel-noqosha caafimaad leh:

  • Hoowlo dhaqdhaqaaq jireed
  • Cunto fiican
  • Wadajir bulsho
  • Hoowl qabasho mecno leh/qofka in uu dareemo in loo baahanyahay

Qofka xataa dhalinyarnimada ayuu ku saameeyaa caafimadkiisa sida uu noqon doono marka uu waayeel noqdo. Sigaar cabid, cunto xumi, kadeed, in uu san qofka dhaqdhaqaaqin, maandooriye iyo khamri dadka dhan ee uu xuntahay. Cuntada fiican iyo toobarka waxeey keenaan in qofka caafimaad qabo marka uu waayel noqdo. Waxeey uu gacan geeysan karaan cimri dheerid.

Isbadal jireed

Isbadalada jireed iyo da'da waa yaryihiin ilaa uu qofka ka gaarayo 40 sano. Kadib ayee isbadalaas bataan. Hidde-sidaha (DNA) ee ku jiro unugyada waxeey hagaan weeynaanshaha jinsiyeed oo ka socoto qeeybo kala duwan oo jirka ka mid ah. Waxeey dadka ku kala duwan yihiin hab socodka waayeelnoqoshada, goorta iyo habka loo gaboobaayo. Dadka qaarkood laalab waji iyo timo cad ayee yeeshaan goor hore, dadka qaarkoodna weey ka danbeeyan.

Marka la isku wada daro isbadalada jirka waxeey noqdaan in uu qofka gaabto, khafiifo iyo si qalalo. Gubidda maaddooyinka nafaqada jirku qaato oo yaraato waxeey keeneeysaa in khatarta qaleelka jirka kor usii kacdo. Waa muhiim in qofka uu biyo cabo.

Gubidda maaddooyinka nafaqada jirku qaato oo yaraato iyo waayelka oo dhaqdhaqaaqa yareeyo, waxeey keenayaan in ee san uu baahneen cunto badan. Sidaas darteed ayee muhiim usii tahay in cuntada la cunaayo lee dahay tayo fiican iyo in ee si wadajir ah uga kooban tahay maadooyinka nafaqada iyo fitamiinka.

Markii dhalinyarada loo bardhigo, dadka waayeelada waxeey u baahan yihiin iftiin badan si eey si fiican wax ugu arkaan. Sidaas darteed ayee muhiim uu tahay in guriga uu lee yahay iftiin fiican. Sido kale da'da waxeey keeneysaa in qofka ku adkaato fahmida codadka dheer iyo kala saarida hadalka markii la joogo meel buuq leh.

Markii dhalinarada loo bardhigo, dadka waayeelka waxaa ku adag dheeli tirida, si sahalana waa duu dhacaan. Waxaa jiro waxyaalo badan oo laga qaban karo guriga si loo yareeyo khatar shil. Tusaale ahaan waxaa dhulka lagaa qaadi karaa rooga iyo wax jidka yaalo oo si sahlan loogu dhici karo.

Masawirqaade: Colourbox

Dadka waayeelka daawada xasaasi ayee ku sii yihiin markii loo bardhigo dadka ka dhalin yar. Dadka waayeelka waxaa ku yar dareeraha jirka, waxaana ku badan baruurta. Mecnaheed waa in dawooyinka duffanka leh ugu haraayaan jirka wakhti ka sii dheer intii loogu tala galay.

Isbadalada maskaxda

Da'dana weey sameeysaa maskaxda. Unugyada-maskaxda waa sii yaraadaan isla markaasna maskaxdana waa sii yaraataa laakin hoowl-qabadaka maskaxda badanaa ma is badalaan. Qeeybo badan oo xasuusta khuseeyo mudo dheer waxeey ahaadaan kuwo aan saameeyn gaarin. Inta badanaana, aqoonta kalimadaha iyo aqoonta guud waa mid laga dareemi kari qofka ilaa da' sare.

Qofka markii usii gaboobabo waxaa sii kor usii kaco kharta cudurka iloowshaha (demens). Laakin in xasuusta si xumaato ma lagu mecneey karo lee cudurka iloowshaha. Uloowshaha caadiga, waa sida qofka marka u iloobo meesha uu dhigay ookiyaalihiisa ama furayaashiis. Marka uu qofka iloobo in uu heeysto ookiyaale ama furo ama meel uu yaqaan ku dhumo, waxeey calaamad u tahay iloowsho uu cudur sababay.

Waa fiican tahay in qofka ku sii firforconaadio maskax ahaan iyo jir ahaanba. Maskaxda waxeey markasto dooneeyso in kalimado cusub ku barato masawiro, heeso, ciyaar, qosol, xayawaano, dabiicad iyo la xarirka bulshada. Maskaxda waligeed kama duqoowdo in ee barato waxyaalo ku cusub laakin marka uu qofka waayel noqdo wakhti sii dheer ayee ku qaadataa.

Maskaxadana waxeey xasaasi ku sii noqotaa dawooyinka qaarkood, gaar ahaan dawooyinka loo isticmaalo cudurada maskaxda, sida daawada dajinta iyo jiifka laakin sido kalena daawooyinka xanuun baabi'yaha oo u dhow morfiinka.

Isbedala la xariira bulshada

Qofka markuu gaaro da'da hoowlgabka waxaa laga yaabaa in ee markii ugu horeeysay uu sameeyn karo waxuu doono goorta uu doono. Dad badan ayee sii shaqeeyso xataa marka ee gaaran 65 sano kadib. Dad badana waxeey uu shaqeeyaan si khayri ah oo ee san mushaar ku qaadan.

Tayada nolasha iyo in nolol fiican la helo markii waayel la noqdo waxeey si xoog leh ugu xiran tahay habka uu qofka uu arko iyo habka uu ula dhaqmo xaaladiisa nololeed si ee noqoto mid uu la qabsan karo, maareyn karo isla markaana mecno ugu fadhiso. Aqoon yahanada waxeey ka waramaan in wadajir bulshadeed ee muhiim uu tahay tayada nolasha - in qofka uu firforcoonaado, in uu dareemo in loo baahan yahay iyo in xariir fiican la yeesha dadka.

 

< Ullaabo cutubka lasoo dhaafay

U gudub bogga ku xiga >

Ullaabo menyuuga

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri