Waa maxay demoqraddiyada?

Erayga demoqraddi, wuxuu ka soo jeedaa wadanka Griiga, wuxuuna uu mecna yahay qiyaas ahaan "xukunkadadweeynaha". Arrimaha ku saabsan demoqraaddiyada waxaa laga hadlaay kumanaan sano laakin hal mecno oo caalamka ku heshiiyay ma jiro. Taasi waxyaalaha uu sabab waxaa ka mid ah in demoqraaddiyada tahay wax had iyo jeerba hormaro oo isbedalo. Laakin waxaa jiro waxyaalo heshiis lagu yahay oo demoqraaddiyada qeeyb ka ah, sida qiimaha aadanaha oo wada siman iyo xuquuqda, ra'yi abuurida oo xur loo yahay, xuriyada dabaacada iyo xuriyada qoowlka, in dadka dhan uu wada siman yihiin sharciga iyo in laga qabta doorasho xur ah.

Bulshad demoqraaddiyad waxaa eey lee dahay doorasha guud oo xur ah halkaasi ee dadka xaqqa-codbixinta leh dooran karaan xisbiga iyo siyaasiyiinta ee doonayaan in ee ku matalaan dhanka qaranka, gobolka iyo degmada. Siyaasiyiinta ama xisbiyada ugu cod badan ayaa loo ogalyahay in ee xukumaan.

Siyaasiyiinta la doortay waxaa matalayaan dadka soo doortay. Sidaas darteed ayaa loogu magacaabaa demoqraaddiyada wakiilasha Demoqraaddiyada habka wakiilashada waxee caalamka maanta ka tahay caadi. Waana nidaamka aan ku lee nahay Iswiidhan.

Xatta haddii inta tirada badan xakumeeyso bulshada demoqraaddiga ah, ma ku xad gudbi karaan xuquuqda dadka laga tirada badan yahay. Mabda' asaasiga ee bulshada ku dhisan demoqraaddiyada waa in xukunka loo isticmaalo hab lagu xushmeeynaayo xuquuqda aadanaha. Mecnaheed waa in dadka wax xakumaayo ee san dulmi karin dadka ama koox qabto ra'yi ku duwan midkooda. Dadka bulshada dhammaantood waxeey xaq uu lee yihiin in ee aragtiidooda dhiibtaan.

Doorashada guud waa habka ugu muhiimsan ee dadka saameeyn ugu yeelan karaan habka dalka loo maamulaayo. Si ee demoqraaddiyada uga shaqeeyso dalka waxaa shardi ah in dadka dalka degan ka qeeyb qaataan oo hami siiyaan demoqraaddiyada. Waxeey demoqraaddiyada noqoneeysaa mid xoogan markii inta ugu badan ee macquulka ah ka qeeyb qaataan doorashada guud. Sido kale waxaa demoqraaddiyada xoojinaayo in dadka ka qeeyb qaataan ururo samafal ah ama in asxaabta iyo dadka la shaqeeyo kala sheekeeystaan arrimaha siyaasada. Ama hab kala duwan ula xariiraan siyaasiyiinta oo eey kala hadlaan sida ee wax uu arkaan oo uu fakarayaan. Haddii ee dad badan dhiibtaan codkooda waxaa sahlananeeyso in la hubiyo siyaasada la fulinaayo in ee tahay mid dadka badankood rabo.

Laakin si ee bulsho uu noqoto mid ku dhisan demoqraaddiyada kuma filno lee in dadka ee ka qeeyb qaataan doorashada guud. Dhacdooyinka uu dhaxeeyo doorashooyinkana waxeey sido kale muhiim uu yihiin demoqraaddiyada.

Demoqraaddiyada waxaa shardi uu ah wada hadal ku dhisan xushmad. Waxeey ku saabsan tahay in qofka uu dhageeysto arigtada dadka kale iyo in uu sheegto aragtidiisa. Demoqraaddiyada sida fiican uu shaqeeyneeyso waxaa muhiim uu ah in dadka dalka degan dareemaan in ee qeeyb ka yihiin bulshada. Waa in dadka dareemaan in saameeyn ku yeelan karaan doorashada guud laakin isla markaana dareemaan in ee saameeyn ku yeelaan karaan arrimaha maalmoodkooda - dugsiyada, shaqada, goobta deegaanka iyo qoyska.

In dadka kale laga lee sheekeeysto waxa demoqraaddiyada ah iyo waxa aan aheeyn, arintaas lafteeda waxeey muhiim uu tahay bulshada ku dhisan demoqraaddiyada. Haddii wada-hadalka nuucaas ah joogsada waxeey calaamad uu noqon kartaa dad badan oo arko demoqraaddiyada in ee san muhiim aheeyn. Arrinkaas waa mid calaamad uu ah in demoqraaddiyada daciifeeyso.

Su'aasha ku saabsan haddii ee demoqraaddiyada tahay wax fiican ama wax xun, waa arrin laga hadlaayay ilaa ee goorta fikrada soo baxday. Waxa jiro dad ku doodo in nidaamka demoqraaddiyada uu san ahayn mid dhaqso badan sida nidaamka keli-taliska (diktatooryad), kaasi uu hal qof xakumaayo oo go'aamo dhaqso uu gaaraayo. Bulshada ku dhisan demoqraaddiyada waxeey dadka xaq uu lee yihiin in ee codkooda dhiibtaan, waa in heshiiyaa hadana la codeeyaa si go'aan loo gaaro. Sidaas darteed ayee xaaladaha aad uu adag qaarkood dhici kartaa in demoqraaddiyada la hakiyo ayadoo la doonaayo boobsiin iyo meel marin. Waxaa xaalada aad uu adag kalifi karaan in dadka maamulo gaaran go'aan dhaqso badan si ee san xaaladu usii xumaan.

Waxaa jiro tusaalooyin xun oo badan oona ka muujinaayo hab-maamuleedka aan demoqraaddiyada ku dhisneeyn sida eey dadka u dulmiyaan oo argagax ugu abuuraan. Dalalka kali-taliska uu ka jiro, waxaa dad aragti duwan qabo ama qolo kale ah loogu tuuri karaa xabsiyo ama goob lagu shaqaaleeyo. Taariikhda waxeey muujineeysaa in habmaamuleedka demoqraaddiyada ku dhisan uu ugu fiican yahay difaaca xuriyada shakhsiga iyo xuquuqda aadanaha. Iyo in demoqraaddiyad iyo nabad badana jirto marka ee dad ka socdo dalal kala duwan isla xariiran oo ganacsi ka dhaxeeyo.

 

< Ullaabo cutubka lasoo dhaafay

U gudub bogga ku xiga >

Ullaabo menyuuga

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri