Horumarka demoqraddiyada

Erayga demoqraaddi, wuxuu ka soo jeedaa wadanka Griiga, wuxuuna uu micno yahay, demos oo ka dhigan dadweyne iyo kratein oo la micne ah xukun. Muddo 500 sano ka hor wakhtigan ah ee hadda aynu tirsano, ayay dhisteen dadkii Griiga qadiimiga ahaa maamul ku shaqeeya nidaam demoqraddiyad ah. Markaas aya magaalada Aten ka tagtaay nidaamka kali-istaliska oo ugudbtay hab demoqraadiyadeed Laakiin ragga oo keliya ayaa weli loo oggolaa lee in aay codeeyaan. Dumarka, addomada iyo ajnabiga saameeyn kuma laheeyn go'aamda. Sidaas darteed maanta xilliga hore ee Aten ma lagu magacaabi laheeyn demoqraaddiyad.

Taarikhda yurub ee ka danbeeysay wakhtigii qaadimiga ah ilaa hada aad ayee uga fogeeyd demoqraaddiyada aan maanta Iswiidhan ku aragno. Habab kala duwan ayee demoqraaddiyada usoo korartay ayadoo ee dad badan hor istaageen in xukunka bulshada ahaay mid aan loo wada sineeyn.

Mudaddii ka danbeeysay waxaa tusaale ahaan kaniisada awood badan ku laheeyd bulshada boqolaal sano. Boqoro kali-talis ah ayaa sheegtay in awooda ka helaan Eebe oo eeysan dadka ka helin. Laakin qarnigii 1500aad ayaa awooda kaniisada daciiftay, taasi oo gaar ahaan sababtay dad badan oo doonaayay in ee badalaan kaniisada. Waxeey dadka uu arkeen kaniisada katoolikada in ee san uu taagneeyn caqiidada masiixiga oo ay kaniisada hoowlaheedu uu badneed yeelashada awood iyo lacag badan. Isbadalkaan waxaa lagu magacaaba dib u habeeyntii (reformationen). Dib uu habeeyntii waxeey keentay in kaniisada kala qeeybsanto oo daciifto. Iswiidhan waxeey 1500-yimadii ka tagtay kaniisada katoliga ayadoo uu dalka raacay kaniisada prostantiska.

Dhexbartankii sanadyadii 1700, waxaa yurub ka soo abuurmay urur dadweeyne oo lagu magacaabo xilligii aqoonta. Dadka waxeey ku baraarugeen hormarka cilmiga, waxeeyna si wadaan eedeeynta kaniisada iyo dadka sheeganaaye in xukunka dalka siiyay Eebe. Charles Louis de Montesquieu wuxuu ahaa nin faransiis oo falsafoyaqaane ah. Waxuu qabay fikrad ku saabsan hab dal loo maamuli karo. Fikradiisu waxeey aheeyd in haddii awoodda maamulka la qaybiyo ay keenayso dhelitir wanaagsan. Qaybaha uu u qaybiyay waxay haayeen, awooda xeer dejinta, awooda nidaam fulinta iyo awooda garsoorka.

Dhacdo mecno weeyn ugu fadhiso hormarka demoqraaddiyada Yurub waa kacaanka Fransiiska ee ka dhacay halkaasi sanadkii 1789. Xilligii kacaanka Fransiiska waxeey dadka ku kaceen boqorkii. Kacankii kadib waxuu Fransiiska qaatay sharci laga soo xigtay fikradihii xilligii aqoonto ee ku saabsanaa in xukanka ka soo baxaayo dadka iyo in qof kale oo baniaadan ah ka qiimo badneeyn qof kale. Laakin muwaadiniinta ragga ah lee ayaa uu codeeynaaye dadka xakumaayo.

Sanadyadii 1800 waxaa hormaray mabda'a hantiwadaagga. Qofka fikradaas ugu qiimo badnaa waa Karl Marx. Mabda'a hantiwadaagga waxuu qabay in dadka dhaamantood ka dhaxeeyso sinnaan iyo cadaalad. Mabda'a fikradiihiisa si xoog leh ayuu uu faafeen. Ururada shaqaalaha iyo xisbiyada hantiwadaagga ku dhisan ayaa meelo badan ee yurub ku yaalo laga asaasay. Dhamaadkii sanadyadii 1800 waxaa soo batay codadka uu doodaayo sinnaan iyo cadaalad ee xataa dumarka ka tirsanaanaayaan.


Dhacdo loogu mudaharaadaayay xaq-codeeynta dumarka oo ka dhacday Göteborg, 1918.
Masawirqaade: Anna Backlund, ©Nordiska museet

 

< Aad bogga la soo dhaafay

U gudub bogga ku xiga >

Ullaabo menyuuga

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri