Ishexgalka dalka Iswiidhan

Is dhexgal waxey ka dhigantahay in la dareemo in qeyb laga yahay mujtamac. Waxaa loola jeedaa in dadkoo dhan eey dareemaan ineey qeyb ka yihiin bulshada iswiidhishka. Isdhexgalku waxuu ku saabsanyahay in kooxo kala duwan oo bulshada ka mid ah iney kulmaan kadibna eey wax is weydaarsadaan.

Iswidhan waa mujtamac dhaqamo kala duwan leh. Dadka mujtamaca oo dhan waa iney isku si uga qeybqaataan buolshada iyadoon la fiirineyn dhaqanka, diinta ama asal ahaan halka uu kasoo jeedo.
Masawirqaade: Colourbox

Dowladda Iswiidhan ayaa mas’uul ka ah dhigida jiheeynta siyaasadda is-dhexgalka bulshada dalka Iswiidan. Dowladda waxeey dooneeysaa in dadka dhamaantood ka tirsanaadaan bulshada ayadoo loo fiirineeyn goobta ee ku dhasheen iyo goobta ee ka soo jeedaan. Sidaas darteed ayee Dowladda sanadooyinka hore uu siineeysaa taageero dheeraad ah soogaleeti dhawaan dalka soo galay. Ula jeedada waxeey tahay si dadka Iswiidhan ku cusub uu helaan bilaaw iyo shuruud fiican oo hadhow keeneeyso nolol madaxbanaan in ee ku noolaadan.

Taabo galinta qaxootiga dhawaan yimid

Waxaa jiro xuquuq gaar ah uu lee yahay Qofka 20 sano buuxsaday oo (laakinse weli 65 buuxsan) sharciga deganaanshaha u leh qaxooti ahaan, qaxootida dalka la keenay, magangeliyo u baahan ama ah qof qaraabo la ah dadyoowgaas. Waxaad markaas tusaale ahaan xaq ku leedahay qorsheha taabo gelinta iyo lacagta tabo-gelinta. Qofka 18 sano buuxsaday oo (laakinse weli 20 buuxsan) oona waalid dalka Iswiidan ku lahayn wuxuu xaq ku leeyahay caawinaad. Qofka dhowaan dalka Iswiidan yimi waa qof qaxooti ama soo-galeeti ah oo dalka Iswiidan ku cusub.

Qorshaha taabo gelinta

Xafiiska shaqada (Arbetsförmedlingen) waxuu ka mid yahay hay’adaha dowliga oo ku caawiyo qaxootida dhowaan dalka yimi iyo soo-galeetida in ay bulshada ku biiran. Haddii aad ka tirsan tahay kooxda xaq ku leh qorshaha taabbo gelinta waa inaad xaaladaas, qof ah gacanhaayaha taabo gelinta ee joogo xafiiska shaqada, wada-hadal kala yeelataa waxa la iskaga baayan yahay si aad u bilaawdo shaqo raadsi. Howlaha uu qorshahaagu ka koobnaan karo waxeey ku xirantahay baahidaada, laakiin waxey tahay inuu ugu yaraan ka koobnaado waa barashada af-iswiidishka loogu talagalay soogalootiga (sfi), howlo shaqo diyaarin ah (sida qiimaynta waxbarashada iyo khibradaha xirfada iyo tababar shaqo) iyo  jihayn bulsho oo ku siineysa aqoonta aasaasiga ah ee bulshada iswiidhishka. Dhaqdhaqaaqyada lagu qoro qorshaha taabo gelinta waa in ku mashquulin karo waqtiga buuxa ee shaqada (heltid), oo u dhiganta 40 saacadood isbuucii. Qorshahaaga waxuu soconayaa qiyaastii 24 bilood. Haddii aad ku jirto fasaxa waalidnimada oo hal galin ah waxaa laguu sii dheereyn karaa 8 bilod. Warbixin dheeraad ah ka khariso xafiiska shaqada:  www.arbetsformedlingen.se. Ujeedada waxay tahay in daahid la’aan aad afka barato, shaqo hesho kaddib aad is-masruufi karto.

Xafiisak shaqada ayaa laguugu caawin karaa jidka ku socdo shaqo gaar ah.
Masawirqaade: Colourbox

Lacagta taabo galinta

Lacagta taabo galinta waa lacag lagu siinayaao markii aad tixraacdo qorshehaada taabo gelin. Haddii aad carruur leedahay waxaa lagu siinayaa lacag dheeraad ah. Lacagta taabo gelinta kala heerar ma aha ee waa isku wada mid, lamana fiirinayo halka aad degan tahay. Si qofka uu u helo karaa lacagta taabo gelinta waa inuu waqti buuxa u ka qaybgalo qorshaha sal-dhigida. Haddii aad shaqo heysatid weey yaraaneysaa lacagtaada taabbo gelinta iyadoo laga duulayo shaqadaada inta eey tahay. Haddii aad heysatid shaqo aan qeyb ka aheyn qorshahaaga taabo gelinta markaas waxba lacagtaada iskama dhimeyso. Haddii aad xaq u leedahay lacagta taabo gelinta waxaad kaloo heli kartaa lacagta kabidda guriga haddii aad gurigaaga kaligaa degantahay. Xaaladaha qaarkood sida haddii aad carruur heysatid, waxaa lagu siin karaa lacag dheeraad ah iyo lacag guriga lagaaga kabo. Qasnadda ceymiska ayaa go'aan arrintaas ka gaarta.

In qofka dalkiisa ka tago oo uu guuro dal cusub

Ka soo tagida dalka hooyo ayadoo loogu soo guuraayo dal cusub waxeey uu dhigma kartaa dhib iyo taxidiyo cusub. Waxaa laga yaabaa waayo aragnimo uu lee dahay shoog badan iyo khasaaro guri, lacag, asxaab iyo qaraabo joogay dalkaada hooyo. Ma sahlano in la barto luuqad cusub, nidaam cusub iyo dhaqan cusub. Qaxa wuu sababi karaa xaalad nafsi ee adag. Dadka qarkood caafimaadkood waxuu xumaan karaa marka ee helaan sharci deganaansho.

Haddii ee xaaladaada caafimaad hoos uu dhacdo waxaad taageero ka heli kartaa qof xirfad uu leh. Warbixin dheeraad ah waxaad ka heli kartaa rug caafimaad. Sido kale haddii aad lee dahay qorsho taabo galin waxaad la hadli kartaa gacanhayahaada joogo Xafiiska shaqada si aad uu hesho warbixin dheeraad ah oo ku saabsan meesha aad ka heleeysid caawimaad.

 

< Aad bogga la soo dhaafay

U gudub bogga ku xiga >

Ullaabo menyuuga

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri