Hab-dhiska demoqraddiyada Iswiidhan

Hab-dhiska demoqradiyada Iswiidhan wuxuu ku salaysan yahay wakiilasho. Waxaana dalka lagu maamulaa hab demoqraadiyad oo ku qeeybsan qeeybo kala duwan ee bulshada. Sido kale Iswiidhan waa boqortooyo. Taasi mecnaheed waa in aan lee nahay boqor iyo boqorad. Laakin labadoodaba ma lahan awood siyaasadeed ee waxeey hoowlahoodu ku kooban yihiin munasabadyada. Siyaasiyiinta la doortay ayaa dalka maamulo.

Hab-dhishka xukunka, qaanuunka ka tirsan distorka oo go'aamiyo habka Iswiidhan loo maamulo, waxuu ku bilaawdaa "Awooda taliska Iswiidhan waxeey ka soo baxeeysaa dadweeynaha". Taasi mecnaheed waa go'aamada lagu gaaro golaha kala duwan ee bulshada marka hore ku dhisnaaneeyso aragtida iyo xiisaha dadweeynaha Iswiidhan.

Dhismaha barlamaanka Iswiidhan.
Masawirqaade: Melker Dahlstrandt

Iswiidhan go'aamada ka soo baxo waxaa lagu soo gaaraa sadax qeeyb siyaasadeed ee kala duwan. Qeeybahaas waxeey kala yihiin golaha degmooyinka, gobolada iyo dowlada. Maadama ee Iswiidhana ku jirto Midowga Yurub (EU) qeeybxukun kale oo ka sareeyso dowlada ayaa jirto. Midowga Yurub waa 28 dal oo isku tagay. Qeeybaha dhammaantod waxaa fadhiyo siyaasiyiin ee shacabka ku doorteen doorasho guud. Siyasiyiintana waxa kale oo loo yaqaan xildhibaan. Siyaasiyiinta waxeey fadhiyaan golaha xukunka loo doortay: goleha degmooyinka, goleha gobolada, barlamaanka Iswiidhan iyo barlamaanka yurub.

 

 

Bulshad demoqraadiyada ku dhisan waxaa muhiim uu ah kormeerid dhisan oo looga hortago musuq-maasuq iyo xukunka oo si xun loo isticmalo. Waxaa hab lagu kormeero noqon karto in xukunka loo qeeybiyo qeeybo kala duwan oo habab kala duwan isku kormeero ayagu. Hab-dhiska demoqraadiyada Iswiidhan waxaa ku cad tusaalooyin badan taasi. Waxaa tusaale ah in degmooyinka iyo maamulada gobolka si gooni ah isku maamulaan. Taasi oo ah hab looga hortago in ee Iswiidhan noqoto dal hal meel laga xukumo oo dowlada kaligood xukunto. Tusaale kale waa in awooda dowlada uu qeeybsan tahay barlamaanka oo xeerarka dejiyo, xukuumada oo fuliso sharciyada iyo maxkamadaha oo xukuno raacsan qaanuunka soo dajiyo. Barlamaanka waxaa kale oo ka mid ah hoowshiisa in uu kormeero xukumada hoowsheeda. Haddii xukuumada dayaciso waxuu barlamaanka go'aanka xukuumada ku qasbi karaa in eey is casisho. Distoorka waxuu saxaafada iyo dadweeynaha fursad usiinaa in ee arkaan sida Iswiidhan loo maamulo. Arrimahaas oo dhan waxeey gacan ka siinaayaan Iswiidhan si ee san uu noqon dal uu ku badan yahay musuq-maasuq badan iyo awood-isticmaalid xad dhaaf sidii dalal kale oo badan.

Dowlada

Dowlada waxeey ka kooban tahay barlamaanka, xukuumada iyo qiyaas ahaan 350 oo maamul dhexe, shirkado, guddi iyo hey'ado dowladeed. Barlamaanka waxuu go'aan ku gaaraa waxyaalaha laga qabanaayo bulshada, xukuumada weey fulisaa ayadoo kadibna kaashaneeyso Xoghaynta-xukuumada iyo hey'addaha dowlada.

Barlamaanka Iswiidhan

Barlamaanka Iswiidhan waa golaha xeer dejinta. Waa isu taga ugu sarreeysa ee kuwa go'aanka ka gaara waddanka. Barlamaanka Iswiidhan waxuu ka kooban yahay siyaasiyiinta ee hab qarameed usoo wakiisheen dadweeynaha. Awooda siyaasadeed waxeey si xoog leh ugu xiran tahay xisbayada siyaasada, maadama xildhibaanaha barlamaanka loo soo doorto ayagoo wakiil ka ah xisbi siyaasadeed. Baarlamaanka wuxuu leeyahay 349 xildhibaan oo afartii sanaba loo soo doorto. Barlamaanka shaqada ugu muhiimsan uu qabto waa:

  • Sharci dajinta iyo tirtirada sharciyada hore
  • Go'aaminta miisaaniyada dowlada, taasi oo ah go'aaminta dakhliga sanadeed ee dowlada (canshuuraha iyo khidmada) iyo kharashka dowlada
  • Kontaroolida habke ee xukuumada iyo dowlada uu qabaneeyso shaqadeeda
  • Magacaabida ra'iisal wasaare dooranaayo xukuumad

Xukuumada Iswiidhan

Xukuumada waxeey lee dahay awooda go’aan fulinta. Mecnaheed waa in xukuumada saaran tahay mas'uuliyada fulinta hawlgallada maalmeedka qaranka. Taasi mecnaheed waa tusaale in xukuumada soo bandhigto miisaaniyada dowlada iyo habka loo isticmaalaayo lacagta dowlda, hoggaaminta wasaarada difaaca, arrimaha siyaasada dibadana mas'uul kala noqoto barlamaanka. Waxaa dowlada caawiyo Xafiiska xogheeynta dowlada oo shaqaaledowladeed ka shaqeeyaan.

Waxaa caadi ah in xisbiga siyaasadeed ee ugu weeyn ama xisbiyaal badan oo wada shaqeeyn ka dhaxeeyso la wareegaan xilka doorashada xukuumada. Qofka uu barlamaanka Iswiidhan uu doorto ra'iisal wasaare ayaa dooranaayo wasiirada loo xilsaaraayo qeeybo siyaasadeed ee kala duwan. Wasiir kasto ee ka tirsan dowlada waxuu ka shaqeeynaa wasaarad. Wasaaradaha waa qeeybo kala duwan oo mid-walba uu xiil saaran tahay arrimo gaar ah. Tusaale ahaan, wasaarada-waxbarshada waxeey ka hoowl gashaa su'aalaha la xiriira dugsiyada iyo waxbarashada halka eey wasaarada dhaqanka ku hoowlan tahay arrimaha iyo su'aalaha la xiriira dhaqanka.

Hey'addaha dowladdeed

Hey'adda dowladda waxeey uu qeeybsamaan xukuumada, maxkamdaha iyo hey'addaha maamulka. Hey'addaha dowladda waa sida Xafiiska shaqada, Hey'adda qasnada ceeymiska iyo Hey'adda gaadiidka. Xukuumada ma maamuli karto habka ee hey'ad dowladdeed uu isticmaaleeyso sharciga mana fara gasho karto arrin ee hey'adda ku hoowlan tahay. Hey'addaha waa kuwo madaxbanaan laakin waxeey raacaayaan sharciyada iyo nidaamyada xukuumada dhigtay. Dalal badan waxaa caadi ka ah in wasiir uu lee yahay awood uu ku farasho gashto hey'ad dowladeed shaqo ee ku hoowlan tahay. Iswiidhan sidaas wasiir ku ma sameeyn karo. Waxaa jira sharci maamunaacyo oo lagu magacaabo maamulka-wasiirka.

Warbixin dheeraad ah oo ku saabsan sida Iswiidhan loo maamulo waxaad ka heli kartaa bogga internetka ee dowladda: www.regeringen.se

Hab-dhiska caddaaladda

Hab-dhiska caddaaladda waxaa ka tirsan hey'addaha dowladdeed ee ka mas'uul ah dhawrista ama ilaalinta muwaaddiniinta iyo nabadgalinta muwaadiniinta. Maxkamadaha waa asaaska hab-dhiska cadaalada Habdhiska caddaaladda waxa kale oo lagu tiriyaa Hey'addaha ka hortagida danbiyada iyo hey'addaha danbiyada baaro, sida Booliska iyo Hey'adda kalkaalinta dhibbanaha.

Maxkamadaha Iswiidhan waxeey ka kooban yihiin 80 hey'ado iyo guddi. Maxkamada Iswiidhan waxeey uu qeeybsamaan sadax: Maxkamadaha guud, Maxkamada maamulka iyo Maxkamadaha gaarka ah. Maxkamada waxeey sugi kartaa ciqaab. Waxeeyna xali kartaa khilaaf. Maxkamada guud waxeey ka kooban yihiin maxkamda degmada, maxkamada racfaanka iyo maxkamada sare. Waxaa ka mid ah arrimaha ee maxkamada guud qaabilsan yihiin kiisaska-dambiga, kiisaska qoyska iyo kiis uu dhaxeeyo shirkado ama dad gaar ah. Maxkamdaha maamulka waxeey ka kooban yihiin maxkamada maamulka, maxkamada rafcaanka iyo maxkamada sare ee maamulka. Maxkamadaha maamulka waxeey xaliyaan khilaafyo, gaar ahaan kuwa uu dhaxeeyo shakhsi iyo hey'addo dowladeed. Waxeey ku saabsanaa kartaa arrimaha canshuurta, arrimaha shisheeyaha iyo dhalashada (maxkmadaha socdaalka), khilaaf uu dhaxeeyo Hey'adda qasnada ceeymiska iyo degmada.

 

 

Maxkamadaha gaarka ah waxeey xaliyaan khilaafyo khuseeyo arinta ee maxkamadaas ku shuqul lee dahay, waxeey noqon kartaa arrimaha shaqada ama macmiilka.

Warbixin dheeraad ah oo ku saabsan qeeybaha ee maxkamada kala duwan ka mas'uul yihiin, waxeey ku jiraan bogga internetka Maxkamadaha Iswiidhan: www.domstol.se.

In qofka arintiisa uu baarto maxkamad madaxbanaan oo dhexdhexaad ah, waa xuquuq asaasi ah oo loogu tala galay dadka Iswiidhan degan oo dhan. Distoorka Iswiidhan waxuu qeexayaa in maxkamadaha ka hoowl galaan sharciga, laakin sidooda kale waa madaxbanaan yihiin. Xildhibaan ama wasiir waa ka mamnuuc in uu saameeyn ku yeesho go'aanka maxkamadaha.

Dhawrista ama ilaalinta muwaaddiniinta waxeey uu mecno tahay in dadka dhan uu wada siman yihiin sharciga. Qofka dambi lagu eedeeyo waa qof aan dembi laheeyn ilaa ee maxkamada ku xukunto dembi. Dhawrista ama ilaalinta muwaaddiniinta waa qeeyb muhiim ah oo ka tirsan demoqraadiyada. Waxeeyna ku saabsan tahay xariirka sharciyeed ee uu dhaxeeyo shakhsiga iyo dowlada. Ula jeedada waxeey tahay in muwaadiniinta dhamaantood laga dhawro xad gudub uu geeysan karo qof kale, ama hey'ad dowladdeed. Waxaa ula jeedu kale tahay in dadka dhamaantood la damaana qaado xurriyadooda iyo xuquuqdooda. Sharciyada waa in ee ahaadan kuwo cad: waa in si toos ugu cadyihiin waxa sharci ogalyahay iyo waxa uu mamnuucaayo. Qofka fal dembi ku kaco waa in uu fahmi karaa waxa uu keenaayo falkaas.

Qofka uu arko in go'aan qalad ka gaartay hey'ad dowladdeed, tusaale ahaan Hey'adda qasnada ceeymiska ama xafiiska degmada, waxuu racfaan ka qaadan karaa go'anka laga gaaray. Habka racfaanka loo gudbisado waxaa ka warameeyso Hey'adda dowladeed ee go'aanka soo gaartay. Warbixinta nuucaas ah waxeey badanaa ku qoran tahay qoraalka uu go'aanka ku qoran yahay.


Justitia, eebaha cadaalada sida ee aaminsanaayeen dadka room. Miisaanka waxuu calaamad uu yahay cadaalad, seeftuna calaamad uu tahay awood. Duubkaindhaha waxuu muujinaa in ee dadka farqi ku sameeyneeyn, taasi oo calaamad uu ah in dadka dhan sharciga uu wada siman yahay.
Masawirqaade: Colourbox

Degmooyinka

Dadka Iswiidhan dhammaantod waxeey deganyihiin degmad. Dalka waxaa ku taalo 290 degmo oo si gaar ah isku maamulo. Degmooyinka habab badan ayee ku yihiin kuwo gaar isku maamulo. Degmada waxaa hogaamiyo siyaasiyiinta golaha ee la soo doortay iyo maamulo iyo guddi uu magacaabo golaha degmada. Sharciga maamulka degmooyinka waxaa ku qoran waxyaalaha ee maamulada gobolada, gobolada iyo degmooyinka mas'uul ka yihiin iyo waajibaadka saaran. Saddaxda degmo ee ugu weyn waa Stockholm, Göteborg iyo Malmö. Waxaa jira degmooyin badan oo eey ku noolyihiin dad ka badan 100 000. Degmooyinka magaalo xattaa waa la dhihi karaa.

Degmooyinka waxay tusaale ahaan masäuul ka yihiin dugsiyada, rugta buugaagga, adeegga waayeelada iyo taageerada masruufka la siiyo dadka uu baahan. Waxeey sido kale mas'uul ka yihiin gurmadka dab-demiska iyo daryeelka qashinka, qorsheeynta jidadka, guryaha, biyaha iyo korontada. Howlaha dhamaantood si ee degmada uu kala wado waxeey uu baahan tahay lacag. Degmada waxaa lacag ka soo galaan canshuurta-degmada, kharasheeynta iyo kaalmada-dowlada ee ka hesho. Dadka dakhli soo galo waxeey canshuur ku bixiyaan degmada ee ku diiwaangalsanyihiin. Inta canshuur uu qofka dhiibaayo waxeey ku xiran tahay degmada uu degan yahay iyo dakhliga soo galo.

Goleha ammuuraha gobolka iyo Gobolka

Iswiidhan waxeey lee dahay 21 gobol. Gobol kasto wax ku yaalo intaaso degmo. Gobol kastano waxuu lee yahay Gole qaabilsan ammuuraha gobolka. Xukuumada waxeey magacaawdaa hoggaamiye-goboleed oo hogaamiyo maamulka-gobolka. Maamulada gobolka waxeey xuumada ku matalaan gobolka. Hoowsha ugu muhiimsan ee qabtaan waa in ee gaaraan hadafka barlamaanka iyo xuukmada dhigtay isla markaasna tix galin siisaa gobolka awoodiisa.

Iswidhan waxeey kale oo lee dahay landsting, goleha ammuuraha gobolka (oo qaarkood loo yaqaano gobolo) Goleha ammuuraha gobolka waa heyäad siyaasadeed oo dabooleeysa isla dhulka gobolka. Goleha ammuuraha gobolka waxeey xaq u lee yihiin in ee shardiyaan canshuur. Waxeeyna ka mas'uul yihiin hoowlo bulsho qaarkood, sida arrimaha daryeelka caafimaadka iyo bukaanka. Waxeey kale oo qaabilsan yihiin arrimaha dhaqanka, gaadiidkadadweeynaha gobolka iyo qorshaha gobolka. Goleha ammuuraha gobolka Iswiidhan waa 20. Gobolada iyo Goleha ammuuraha gobolka waxaa maamulo goleha shacabka loo soo doortay, goleha gobolka iyo goleha maamul goboleedka. Waxaa tusaale ahaan la dhihi kara gobolka galbeedka Götaland in sa rasmi ah uu yahay Goleha ammuuraha gobolka galbeedka Götaland.

Midowga Yurub

Midowga Yurub waa wadajir dhaqaale iyo siyaasadeed oo uu dhaxeeyo dhoow dal oo ku yaalo yurub. Midowga Yurub waxaa la asaasay dagaalkii caalamka labaad ka dib. Waxuuna ahaay bilaawgiisii wadashaqeeyn siyaasad iyo dhaqaale oo ka dhaxeeyay dalka Beljum, Fransiiska, Taliyaaniga, Luksemburg, Holland iyo Galbedkii-Jarmalka. Fikrada laga lahaa ayaa aheeyd dhanka siyaasada iyo dhaqaalaha laga wada shaqeeyo si uu san udhicin dagal sadaxaad, ilaalinta nabada iyo kordhinta ganacsiga yurub. Fikradaha asaaska waxaa ka mid ahaay in dalalka ganacsi ka dhaxeeyo nqonaayan kuwo aan iska maarmi karin oo maarkaasna iska ilaalinaayaan khilaaf. Waxaa laga dhihi karaa in dal kasto oo ka tirsan yurub, qeeyb ka mid ah awooda siyaasadadeed uu wareejiyay Midowgya Yurub si ee uu badato saameeynta lagu yeesho caalamka.

Barlamaanka-Yurub ee magaalada Bryssel.
Masawirqaade: www.europaparlamentet.se

1995 ayee Iswiidhan ayuu xubin ka noqatay Midowga Yurub. Tirada dalalka Yurub maanta waa 28 dal oo ka wada shaqeeyo sida badeeca oo si xur ah loo kala mariyo dalalka, adeegyo, hanti iyo dal, ilaalinta bey'adda iyo arrimaha amaanka iyo difaaca. Dalal badan oo ka mid ah ayaa hirgaliyay isticmaalka lacagta la wada sameeystay Euro, aakin Iswiidhan ma ka mid ahan dalalkaas.

Midowga Yurub wuxuu leeyahay saddex hay’ado oo wadajir sharciyada u dejiya: Guddiga Yurub (Europeiska kommissionen), Baarlamaanka Yurub (Europaparlamentet) iyo golaha wasiirradaha Yurub (Europeiska unionens råd). Seddexduba waxay xarun ku leeyihiin magaalo madaxda wadanka Beljum ee Bryssel iyo wadanka Luksemburg. 28 dal ee xubnaha ka ah Midowga Yurub, waxay u wada shaqeeyaan seddex hab oo kala duwan:

  • Heer-taliska ugu sareeya
    Go’aan waajib ku ah in dhammaan dalalka Midowga Yurub xubno ka ah ay raacaan. Go’aamadaas waxa kamid ah sharciyada Midowga Yurub ay wadajir u soo dejiyeen. Sharciga Midowga Yurub wuxuu ka sareeya sharciga dalka xubin ka ah dalkiisa u degsan. Sharciyada badankood waxay ku saabsan yihiin fududaynta ganacsiga, socdallada iyo ka shaqaysashada dalalka xubin ka ah Midowga Yurub. Waxaa jirto Maxkamad dejinta sharciyada Midowga Yurub u gaar ah. Waxaa lagu magacaabaa Maxkamadda Midowga Yurub waxayna ku taalaa dalka Luksemburg.
  • Heer-taliska dhexaa
    Wada-shaqayn ikhtiyaari ah oo ka dhaxeeyaa 28 dal ee xubnaha ah, iyadoo sharci la tixraacin. Tusaale ahaan, markii Midowga Yurub u go’aan ka gaaro siyaasadda dibada iyo waxkaqabadyo militeri ah, waxay go’aanadaas ku salaysan yihiin heer-talis dhexaad.
  • Heer-taliska qarmeed
    Dal kasta oo Midowga Yurub xubin ka ah wuxuu xaq uu lee yahay in uu isku taliyo. Laakinse dhamaan sharciyada iyo hab-maamuleedka qaranka, waa in ay waafaqsan yihiin sharciyada iyo hab-maamuleedka ka degsan heer taliska-sareeyo ee Midowga Yurub.

Awoowda taliska oo ka dhaxeeyso qeeybo badan

Xataa awooda taliska siyaasadeed ee rasmiga ah waxeey uu qeeysantaa heerar kala duwan: degmooyinka, goleha gobolka, dowlada iyo Midowga Yurub waxuu xarumo-talis ku lee yahay baslshado oo mecno ugu fadhiyo hab-dhiska demoqraadiyada. Bulshada demoqraaddiga ah waxaa muhiim ka ah saxaafada, shirkadaha iyo dadweeynaha.

Saxaafada (jornaalada, raadiyaha, telefishinka iyo internetka) waa kuwo ka madaxbanaan dowlada. Taasi mecnaheed waa in sida ee doonaan uga warami karaan uuna kormeeri karaan siyaasiyiinta iyo dadka kale ee awooda ku leh bulshada. Saxaafada waxeey hoowlan tahay shaqo muhiim marka laga hadlo abuurida dooda arrimaha bulshada.

Raadiyaha Iswiidhan (SR) iyo Telefishinka Iswiidhan (SVT), waxaa iska leh urur ka madaxbanaan dowlada. Hoowsha waxaa maalgaliyo guryaha oo dhiibo kharashka khidamada telefisinka iyo raadiyaha, waa mida loo yaqaan rukhsada-telefishinka. Mecnaheed waa in kanaaladas aan laga maalgalin faanis ama kaalmo dhaqaale ee dowladeed. Sidaas darteed ayaa lagu magacaabaa Adeega Bulshada. Shaqadoodu waa in ee ahaataa mid dhexdhexeeyn iyo asal demoqraaddi ah ku saleeysan. Sido kale Iswiidhan waxaa ka jiro kanaalo telefishin iyo raadiyo oo laga maalgaliyo faanisyada oo kormeero dadka awooda ku leh bulshada, tusaale ahaan TV4.

Suuqa waxuu ka kooban yahay shirkado raasamaal ah iyo macaamiil wada saameeyo dhaqaalaha dalka iyo suuqa shaqada dalka. Horumarka dhaqaale ee shirkada waxuu saameeyn uu geeysanaa dakhliga-canshuuraha dowlada.

Bulshada rayidka ah waa magaca lagu magacaayo, qeeybta bulshada ee dadka isku caawiyaan ayadoo ee san dowlada taasi toos uu fara gashan. Bulshada rayidka ah waxaa sida horeeyn uu wada ma ahan lacag sida shirkadaha. Bulshada rayidka ah waxaa kale oo lagu magacaabaa qeeybta samfalka ah, qeeybta ikhtiyaariga ah ama qeeybta rayidka. Bulshada radyidka ah waxaa ka mid ah ururada samafalka, ururada isboortiga iyo xisbyada siyaasadeed oo saan toos ah dowlada uu maalgalin ama uu dhisneeyn lacag darteed.

Ururada dadweeynaha ee Iswiidhan, sida ururka shaqaalaha, ururada bey'adda ama ururada ciribtirida khamriga waxeey tusaale uu ahaayeen habka ee bulshada rayidka ah awoodsaameeyn ku yeelan karto bulshada ayadoo ee san dowlad ama lacag aheeyn hadafkeedu. Bulshada rayidka ah waa qeeyb muhiim oo ka mid ah bulshada demoqraaddiyada, halkaasi ee qofka uu ka qeeyb gali karo isla markaana saameeyn uu geeysan karo bulshada.

Xuqquuqda demoqraaddiyada oo eey ka mid tahay xurriyada daabacada iyo qoowlka iyo xurriyada ururka waxeey si aan toos-aheeyn ugu dhiiro galinaayaan dadka in ee ka qeeyb qaataan nolasha siyaasadeed. Dadka waxeey siyaasada uga qeeyb qaadan karaan siyaabo kala duwan, tusaale ahaan waxeey ka qeeyb gali karaan xisbi siyaasadeed, amaurur si ee uu wadaan arrimo kala duwan. Dadka waxeey la xariiri karaan saxaafadaha kala duwan si ee ugu waramaan waxa ayagu muhiim uu ah. Xaq ayaad u leedahay inaad magacaaga qarisid marka aad joornaaliiste la xiriireysid. Sidoo kale dadka waxeey la xariiri karaan siyaasiyiinta joogo degmada la degan yahay, waxeeyna dhiiban karaan talo ama aragti ku saabsan go'aamo.

 

< Aad bogga la soo dhaafay

U gudub bogga ku xiga >

Ullaabo menyuuga

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri