​Ma jiraan wax dalka Iswiidan/ummadda iswiidishka u gaar ah?

Waxa qeexaayo dhaqanka iswiidhiska iyo waxa lagu yaqaan iswiidhishka in la sharaxo waa adag tahay. Ummad kasto ee aduunka ku nool waxeey leedahay qiimo dhaqaneed oo siineeyso isbahaysi. Sifooyin-qiimeed badan waxaa qeeybsan karo dhaqamooyin badan, mana u baahno in qof kasto ee umadda ka tirsan lahaado. Sidaas darteed waxa qof uu noqon karo waxa lagu yaqaan iswiidhish qof kale waxa dhici karto in uu san taasi la qeeybsan.

Markii loo fiiriyo dhanka cirqiga iswiidhisha bilaawgii waxeey ka yimaadeen umadda jermaniga. Maanta dadka iswiidhishka asalo badan ayee lee yihiin. Arinta ugu horeeyso ee umadda iswidhishka ka dhaxeeyso waa luuqada iswiidhishka. Waa luuqad ku tirakoobo qeeybta luuqadeed ee indo-yurub isla markaana ah luuqad jarmaaned oo ee ku hadlaan ku dhawaad toban milyan oo qof, inta badana joogo Iswiidhan iyo qeeybo ka tirsan Finland. Af-iswiidishka wuxuu ku xusuusinayaa af-norway iyo af-danish.

Dhaqamada hab joogto ah ayay isku bedbedelaan. Dhaqanka iswiidhishka waxaa saameeyay, dhaqankana sameeyay muuqaalyo iyo dhacdooyin badan ee bulshada ka dhacay. Tusaale ahaan waxyaalo saameyay dhaqanka iswiidhishka waxaa ka mid ah warshadeeynta, kor uu soo kaca hab-dhiska daryeelka iyo nabadgalyada, ka madaxbanaanida diinta iyo madaxbanaanida shakhsiga. Waxyaalahaan iyo waxyaalo kale ayaa saameeyn ku yeesha habka caalamka loola dhaqmaayo, habka ee dad iskula kulmaan iyo waxa eey ka aaminsanyihiin bulshada.


Dad badan waxeey uu arkaan guriyada yar ee gaduudan in ee yihiin sifo lagu yaqaan iswiidhishka.
Masawirqaade: Colourbox

Waxyaalaha adag oo aan la fahmi karin hadana kala duwan ayuu ka mid yahay dhaqanka. Halkaan waxaa lagu tilmaama waxyaalo qarkood ee dad badan uu arkaan sifo lagu garto iswiidhish, hadana lagu yaqaan dhaqanka iswiidhishka. Mecnaheeda ma ahan in dadka Iswiidhan dhamaantod kugu raacsanaayaan ama eey iska garanayaan tilmaamahaas.

Kalsoonida loo qabo dowladda iyo hey'adaha dowladda

Iswiidhan aaminaad weeyn ayaa loogu qabaa dhanka dowlada iyo hey'ddaha dowlada. Bulshadooyinka oo uu qofka si gaar ah ugu madaxbanaan yahay waxaa uu shardi ah in uu jiro dhinac xoogan oo nabadgalyo iyo daryeel la taagan sidii reerka uga shaqeeyo bullshadooyinka ku dhisan wadaqeeybsiga. Dalka Iswiidhan dowladiisa ayaa door ka ciyaarto. Dadka Iswiidhan joogo inta badankood waxeey kalsooni u qabaan go'aamada hey'adaha dowladda, habka qaanuunka cadaaladda iyo shaqaalaha xafiisyada dowladda. Taasi waxaa qeeyb ka mid ah sharaxaad uu noqon karto in dhishkii dowlada Iswiidhan ee ku saleeysaneed demoqraadiyo. Habsocodka badankiis waxuu ku saleeysnaa dhaqdhaqaaqa dadka, tusaale ahaan dhaqdhaqaaqa-shaqaalaha, dhaqdhaqaaqa-dumarka, dhaqdhaqaaqa ururadda sarkhaanimada ka soo horjeeda, kuwaasoo dad badan oo Iswiidhanoo dhan ku nool.

Saameeyna jawiga

Jawiga waxaa loo arkaa in hab kala duwan uu saameeyay dhaqanka Iswiidhan. Mudada barafka ee dheer hadana mugdiga badan waxeey keentay in dadka eeysan ku kulmin banaan in badan ee badelkeeda ku kulmaan biibitooyinka, makhaayadaha ama guryaha. Laakin dad badan mudada barafka waxeey la micna dhigan tahay in lakulanka asaxaabta yaraado markii loo bardhigto mudada samarka. Samarka markii la gaaro waxaa is badala nolosha bulshanimada. Dadka markaas banaanka joogo oo asxaabta la socdo waa bataan markii loo bardhigo mudada barafka.

Dabiicada

Dad badan ee joogo Iswiidhan waxeey jecelyihiin uu dhawaanshaha dabiicada. Xuquuqda dhexjoog dabeecadda waxeey qof walba xaq u siinayaa in uu dhexjoogo dabeecadda oo uu ka mid yahay dhulka bannaan oo qof leeyahay. Dabiicada iyo xuquuqda dhexjooga dabeecadda waxeey calaamad muhiim ah uu tahay aqoonsiga-shakhsiga iswiidhishka ah. Sido kale Iswiidhan waxeey lee dahay door muhiim ah oo hur uu socod ku ah dhanka shaqada-dabiicada ee caalamka.

 

Masawirqaade: Colourbox

Iswiidhan iyo diin

Diinta krishtanka mudo dheer ayee ku xooganeed Iswiidhan. Bulshada iswiidhishkana waxeey ku dhismatay qiimaha krishtanka ee luther. Qiimeeyn waa garasho ku saabsan waxa nolasha saxda iyo runta ku ah. Xafladaha iyo ciidadha dalka Iswiidan badidooda waxay ka af tirsadaan diinta, sida xaqiijin (konfirmation), munaasabada kaniisada ee ku soo dhaweeynta, arooska iyo dugitaanka. Dalka Iswiidan wuxuu maanta kamid yahay dalalka adduunka ee dadkiisa ka madaxbanaan yahay aaminaad diimeed. Bulshadooyinka diin ka madaxbanaan waxaa horeeyn lagu garanaa in dowladada xeerarkeed ku dhisneeyn diin iyo cawiiqdo, ee arimo diimeed ma is raacsiiyaan. Madaxbanaanid diimeed waxeey ku saabsan tahay in bulshada ku dhisnaato qiimeeyn baniaadan. Muctaqadaadka diinta ee ahadaan arin qofka uu gaar ah.

Qiyaastii boqolkiiba 60 ee shicibka iswiidish waxay cudwi ka yihiin kaniisada krishtaanka ee Iswiidan. Laakin waa dhif inta hada iyo jeerba ku cibaadeeysato kaniisada. Boqolkiiba 45 qiyaastii carruurta dalka Iswiidan lagu dhalo waalidkood waxeey horgeyeystaan kaniisada dalka Iswiidan. Tiro ka badan boqolkiiba konton waxay jecel yihiin in aysan Kaniisada dalka Iswiidan isku guursan. Qiyaastiii boqolkiiba 75 waxuu aaskooda ka dhacaa kaniisada.

Diinta krishtanka markii laga rebo waxaa kale oo Iswiidhan joogo dad badan oo diimooyinka kale leh. Waxaa ka mid ah islam, diinta hiinduuska, diinta jahuuda, diinta buudistaha, diinta bahá’í, asatro, schamani iyo katolika iyo ortodokiska.

Aamin l'aanta awood sare waa ictiqaad ku dhisan in ee san jiran awood sare ee xoog weeyn leh sidii ilaah. Agnosticism waa ictiqaad ku dhisan in aan la ogaan karin haddii uu jiro hal ilaah. Dad badan ee labadaan qeeybood ka tirsan waxaa la fiican ka madaxbanaanida diin.

Khamro

Iswiidhan waxeey dhaqan dheer uu lee dahay cabitaanka. Laga soo bilaaba xilligii dhagaxa dadka joogo Iswiidhan waxeey sameeyn jireen cabitaan khamri ku jiro, gaar ahaan khamrada culus. Jawiga Iswiidhan laguma beero karo cinabka, laakin waxaa lagu beeri karaa bataatiga iyo xabuubka ee ka kooban tahay khamrada culus iyo nabiidka. 1800:meeyadii wuxuu qof kasta oo iswiidish ah sannad kasta cabbi jiray qiyaastii 50 liiter oo khamri ah. Cabitaanka khamrado badan ee mudadaan waxa uu keenay in uu asaasmo dhaqdhaqaaqa-joojinta khamaricabbida. Dad badan waxay arkeen in khamriga u aad u waxyeelaayay caafimaadka dadwaynaha. Dad badan ayaa wadajir u bilaabeen olole looga dan lee yahay in cabida khamriga la yareeyo. Ururuku wuxuu la magacbaxay dhaqdhaqaaqa joojinta khamricabbida. Tan iyo waagaas khamri-cabbida waxay dalka Iswiidan ka noqotay arrin siyaasadeed oo muhim ah.

Tixgelinta saacadaha balamada

Tixgelinta saacadaha ballanka waa arrin aad muhim ugu ah dalka Iswiidan. Haddii qof u ku ballamiyo markii saacadda ay ku beegan tahay 14.00 gelinka dambe, wuxuu qofku ka filanaaya in aad 14.00 oo gow ah la joogto oo aad daqiiqad ku darsan. Dad badan waxeey uu arkaan soo daahida ixtiraam la'aan.

 

< Aad bogga la soo dhaafay

U gudub bogga ku xiga >

Ullaabo menyuuga

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri