Diiwaangaliska dadweeynaha

Diiwaangaliska dadweeynaha mecnaheed waa in laga diiwan galiyo Hey'adda canshuuraha oo laguugu tirriyo qof degan degmo ka mid ah Iswiidhan. Dadka la diiwangaliyo oo dhan waxaa la siiyaa toban-lambar. Waajibaadyo iyo xuquuq badan oo leedahay waxey ku xiranyihin inaad diiwangashantahay iyo halka aad ka diiwaangashantahay. Waxeey ahaan karaan xaq u lahaanshaha lacagta kaalmada carruurta iyo kaalmada kirada guriga, halka aad cashuurta ka bixineysid iyo meesha aad ka codeyneysid. Degmo kasta ayadaa qorsheysata howlaheeda iyadoo eegeysa tirada dadka degan meesha. haddii aad bedelatid ciwaan guri waa inaad u sheegtaa Hey'adda laant asocdaalka hal isbuuc markaad guurtid kaddib.

Warbixin ku saabsan diiwaangaliska dadweeynaha ka akhriso bogga internetka ee Hey'adda cashuuraha: www.skatteverket.se/folkbokforing

Cadeeynta shakhsiga

Cadeeynta shakhsiga waa waraaqad muujineeyso macluumaadkaada ka diiwangashan Hey'adda canshuuraha, sida magac, ciwaan guri iyo xaalkaada xaasnimo. Waxaad cadeeynta shakhsiga u baahan tahay tusaale ahaan marka aad qaadaneeysid liisinka. Waa muhiim in la ogaadaa in caddeynta shaqkhsiga aan loo isticmaalin karin inaad caddeyso qofka aad tahay.

Haddii aad uu baahato cadeeynta shakhsiga waxaad ka dalban kartaa bogga internetka Hey'adda canshuuraha ama mid ka mid ah xafisyadeed. Waa sahlan tahay in aad hesho waraaqada cadeeynta shakhsiga marka aad uu baahato.

Kaarka aqoonsiga

Id-kort waxaa laga soo gaabiyay identitetskort (kar aqoonsi). Waxaad isticmaaleysaa kaarka aqoonsiga markaad da'daada caddeyneysid iyo marka aad aqoonsigaaga caddeyneysid tusaale ahaan markaad daawo ka dooneysid farmashiiyaha ama markaad dano ka leedahay bagiga. Waxaad kaarka aqoonsiga ka dalban kartaa xafiiska adeegga Hey'adda cashuuraha. waxuu joogaa 400 karoon inaa ddalbatid waxuuna shaqeynayaa shan sano. Warbixin ku saabsan xafiisyada sameeya kaarka aqoonsiga ka akhriso bogga internetka ee Hey'adda cashuuraha.

Si aad u dalbato kaarka aqoonsiga waa inaad degantahay Iswiidhan, da'aada eey tahay 13 sano iyo inaad caddeyn kartid qofka aad tahay. Haddii aad 18 ka hooseeyso waa in aad heeysataa ogalaanshaha qofka xanaanadaada mas'uulka ka ah si aad uu hesho kaarka aqoonsiga.  Qofka xanaanada ka masu'ul ah waa qof dhanka sharciga masu'uliyad uga saaran tahay canuga da'diisa ka hooseeyso 18 sano.

Waxaad caddeyn kartaa qofka aad tahay haddii wadatid kaar aqoonsi oo sax ah ama haddii uu kula socdo qof ku yaqaan oo caddeyn kara inaad adiga adiga tahay. Qofka waxuu tusaale ahaan noqon karaa ninkaada/xaaskada, waalid, walaal ama canug weeyn. Marmarka qaarkood shaqo dhiibaha ama qof kale oo ka socdo Hey'ad dowladeed oo si fiican ku garanaayo ayaa noqon karo caddeeye.


Kaarka aqoonsiga
Masawirqaade: Hey'adda canshuuraha

Warbixin dheeraad ah oo ku saabsan qofka ku caddeyn kara waxaad ka akhrisaa bogga internetka ee Hey'adda cashuuraha:  www.skatteverket.se

Kaarka aqoonsiga oo eey sameeyso Hey'adda cashuuraha waa kaar aqoonsi oo ka shaqeynaya Iswiidhan gudaheed. Kaarkaas aqoonsi oo eey sameysay Hey'adda cashuuraha uma isticmaali kartid baasaboor ahaan markaad dibadda u safreysid. Haddii uu kaa dhumo kaarkaada aqoonsiga waa inaad wacda 020-32 32 62 kadibna aad iska xirtaa. Markaas qof kale ma isticmaali karo. Haddii uu kaarka kaa dhumo waa inaad booliska u sheegtaa.

Cadeeymada aqoonsiga Iswiidhan ansaxeeyso

Cadeeymada aqoonsiyeed ayaa la ansax aya

  • kaar aqoonsiga Hey'adda canshuuraha
  • liisin iswiidhish
  • kaark aqoonsi ee saaran tahay calaamada-SIS oo uu saaray bangi, adega qasnada ama soo saartay hey'ad dowladeed
  • kaar shaqo ee soo saartay hey'ad dowladeed
  • kaarka aqoonsiga ee qaranka iswiidhan
  • baasaboorka iswiidhishka ee gaduudan
  • baasaboor dalalka midowga yurub ee la soo saaray 1 sebtembar 2006-dii kadib
  • baasaboor ka socdo Norway, Iceland, Switzerland ama Liechtenstein oo la soo saaray 1 sebtembar 2006-dii kadib.

Sharci deganaansho laakin aadan laheyn caddeyn aqoonsi oo sax ah

Qofka leh sharci deganaansho ee laakin aadan heeysan cadeeyn aqoonsi oo la ansaxay ama heeysto qof ku cadeeyn karo, waxaad si kastaba heli kartaa kaarka aqoonsiga. Hey'adda canshuuraha waxeey warbixintaada uu bardhigeeysaa warbixinta taalo Hey'adda socdaalka. Waxa loo bardhigaayo waa magacaada, dhirirkaada, masawirkaada, saxiixaada, dokumentiga safarka iyo cadeeynta heesashada sharci deganaansho. Waxaad uu baahan tahay in aad muujiso baasaboorka iyo cadeeynta heesashada sharciga deganaanshaha. Haddii aadan heeysan baasaboor waxaad muujineeysaa lee cadeeynta heesashada sharciga deganaanshaha. Haddii aad dooneeyso in aad habkaan uu xoojiso aqoonsigaada waxaad ka warameeysaa markii aad codsaneeyso kaarka-aqoonsiga.

 

< Aad bogga la soo dhaafay

U gudub bogga ku xiga >

Ullaabo menyuuga

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri