Juqraafiga, ganacsiga iyo dhismaha guud

Dalka Iswiidhan waxuu bari uga yaala shibhi jasireedka skaandineefia ee waqooyiga yurub. Goobta ee ku taalo Iswiidhan, Danmark, Norway, Iceland iyo Finland waxaa la isku dhahaa Waqiiya Yurub (Norden). Dhulka dalka Iswiidan waa dhul dhuuban oo dheer. Dhirika waqooyiga ilaa koonfurta waa 1 600 kiilomitir, meesha ballaca galbeed ilaa bari uu yahay 500 kiilomitir. Bedka guud waa 450 000 kiilomitir oo labajibbaaran. Iswiidhan waxeey uu qeeybsantaa sadax qeeybood: Götland ee ku taalo koonfurta, Svealand ee ku taalo dhexbartanka iyo Norrland oo ku taalo waqooyiga dalka. Sido kale Iswiidhan waxaa loo qeeybiyaa 25 dhul dabiici ah, 21 gobol iyo 290 degmo.

Khariidada Iswiidhan iyo dalalka dariska.
Sawir: Josefin Berger

Dabiicada iyo cimilada

Dabiicada waqooyiga iyo koonfurta Iswiidhan aad ee kala duwan tahay. Qeeybaha waqooyiga dalka Iswiidhan waxaa ku yaalo buuro, jiqaq iyo haro. Wabiyaal badan ee ku yaalo Norrland waxaa looga soo saara tamar ayadoo la adeegsanaayo goobta korantada laga dhaliyo. Bartamaha Iswiidhan waa dhul coows iyo jiq badan. Koonfurta dalka Iswiidan waxaa ku yaal dhulbeereed iyo dhul siman. Xeebaha galbeedka iyo barigana waxaa ku yaal jasiirado iyo xeebo farabadan oo aad u bilicsan. Jasiiradaha ugu waaweyn waxaa lagu magacaabaa Öland iyo Gotland, waxayna ku yaalliin xeebta bari oo Stockholm ka hooseysa. Buurka Iswiidhan ugu sareeyo waxuu ku yaalaa waqooyiga dalka. Waxaa lagu magacaabaa Kebnekaise, dhirirkiisuna waa 2 099 meter.

 

Saddaxda haro/baliyo ee ugu weyn Iswiidhan waa Vänern, Vättern iyo Mälaren.

Sawir: Koyos

Iswiidan waxeey leedahay afar xilli: gu’, xagaa, dayr iyo jiilaal iyo jawi leh farqi-heerkuleed oo badan. Cimilada dalka Iswiidan waxaa saameeya mawjadaha kuleelka ee Badweynta Atlaantik. Sidaas darted ayey Iswiidan uga kulushahay dalal kale ee waqooyiga Yurub.

Dhulalka keeydka dabiiciga ah

Dhulalka keeydka dabiiciga ah waa dhul weeyn ee hey'addaha dowladeed siisay ilaalin gaar ah maadama ee dabiicada, geedaha iyo xayawaanada joogo goobta yihiin kuwo xasaasi ah, dhif ah ama qurxoon. Iswiidhan waxeey lee dahay 4000 oo dhulal keeyd dabiici. Waxeey ahaan karaan jiqaq, burar dheer, beero ama jasiirado yaryar. Meelaha keeydka dabiicigi waxeey lee yihiin tabeelo ka waramaayo waxyaalaha aad meesha ku sameeyn kartid iyo waxa aadan ku sameeyn karin. Goobaha keeydka dabiiciga ah waxeey kala lahaan karaan sharciyo kala duwan.

Buuraha dabiicada
Masawirqaade: Colourbox

Xuquuqda dhexjoog dabiicada

Iswiidhan waxaa ka jiro wax ya yiraahdo xuquuqda dhexjoog dabiicada. Xuquuqdaan waxeey qof walba xaq u siinaysaa in uu dhexjoogo dabiicada oo uu ka mid yahay dhulka bannaan oo qof leeyahay. Micnaha kale ee xaqa dhegjoogga dabiicada waa in aan laga taxadarno oo xushmad loo muujinno marka la dhexjoogo dabiicada. Xaqa dhexjoogga dabiicada wuxuu ku qoran dastuurka Iswiidan, wuxuuna qeexayaa waxa la oggol yahay iyo wax aan la oggolayn. Bogga internetka Hey'adda ilaalinta dabiicada (Naturvårdsverket), www.naturvardsverket.se, waxaad ka akhrisan kartaa xuquuqda dhexjoogga dabiicada oo ku qoran afaf badan.

Intaan soo socoto ayaa la ogalyahay marka dabiicada la joogo

  • Waad ku socon kartaa, baaskiil waad ku wadi kartaa, meel kasta ee dabiicada waa dhexjoogi kartaa laakin aad uguma dhawaan kartid guri. Haddii aad albaab furto waa inaad xirtaa marka aad gasho.
  • Waad ku socon kartaa, baskiil waad ku wadi kartaa, farasna waad ku mari kartaa jidadka gaarka loo lee yahay.
  • Hal habeen ayaa teendho ka dhextaagan kartaa. Haddii aad dooneeyso in aad xili intaas ka dheer teendhaha ku taagnaato in aad weeydiisa cidda dhulka leh.
  • Waad ku dabaan kartaa, doona ku raaci kartaa oo dhulka uga soo dagi kartaa laakin aad ugama dhawaan kartid guri.
  • Waa lagu ogalyahay in aad gurato ubax, miro iyo boqoshaaga.
  • Waad ka kalluumeysan kartaa xeebaha iyo shanta haro oo dalka Iswiidan ugu waaweyn.
  • Waad ku shidan kartaa dab yar haddii aad taxadareysid. Laakin waxaa ugu fiican in aad dab ku shidato meesha si gaar ah loogu tala galay dabi-shidida. Inta badana xilliga xagaaga lama ogalo in dab la shito.

Intaan soo socdo ku sameeyn kartid markaad dabiicada joogtid

  • Ma dhexmari kartid goofaf, jardiinooyin ama dhul beeran, sida dhul beereed.
  • Dabeecadda ku ma dhexwadi baabuur ama mooto.
  • Sido kale kuma wadi kartid Waxaadan jidadka yaryar, jardiinooyinka ama waddooyinka lagu ordo.
  • Dab ma shidi kartid haddii dhulka iyo dhirtu qallalan yihiin ama dabayl xoog lihi dhacayso. Sababtoo dabkaasi waa uu fidi karaa.
  • Dab ku ma dulshidi kartid dhagax ballaaran, sababto waa u burburi karaa. Inta badana xilliga xagaaga lama ogalo in dab la shito.
  • Ma dhaawici kartid oo ma gooyn kartid geed ama yacay, gurigana uma qaadan kartid.
  • Ma guran kartid khudrad, miro ama wax kale oo ka dhexbaxo dhul beered yar ama weeyn.
  • Ma lagu ogolo in aad qashin ku tuurto ama uga tagto.
  • Ma lagu ogalo in aad ugaarsato, dhib uu geeysato ama aad dhaawacdo xayawaan. Ma qaadan kartid ukunta shimbiraha ama ma taaban kartid buulasha iyo hoggaga xayawaanka iyo ilmahooda.
  • Ruqsad la'an kama kaluumeeysan kartid harrooyinka ama biyomareenada.
  • Eyga xariga kama furi kartid inta u dhexeysa 1 maarso ilaa 20 agoosto. Sababtoo xilligaas xayawaanada jiqda ku nool waxeey heeystaan caruur yar. Ey xarig la'an ah wuu ka nixin karaa ama wuu dhaawici karaa xayawaanka. Waxaa ugu fiican in markasto eyga xarig ku xiran yahay.
  • Ma guri kartid ubaxyada la dhoowray. Sababta loo dhowrayo waa in la badbaadiyo dhirta khatarta ugu jirto iney ciribtirmato.

Seerada dabiicadda ee Herrestafjället.
Masawirqaade: Maria Nobel

Dhib ka ilaalinta xoolaha

Iswiidhan waxaa ka jiro sharci xoolaha ka ilaalilnaayo dhibka. Qaanuunka xaq-dhowrka xeywaanka waxaa ku yaal sharciyo dhigaya sida loo dhaqo loona dayactiro xeywaannada. Xaq-dhawrka xoolaha waxuu ku saabsan yahay in aan xoolaha ula dhaqano si wanaag ku jiro iyo in aan ka difaacno xanuun iyo cudur.

Hanti dabiiciga ah

Iswiidhan waxeey lee dahay dhulal hanti dabiici leh oo weeyn. Taasi oo ka kooban duur, macdanta birta iyo korontada biyaha laga dhaliyo.

In ka badan boqolkiiba kontan, dhulalka swiidhan waa duur geedo ku yaaliin. Tamarta - korontada iyo kuleelka waxa laga keena korantada biyaha laga dhaliyo, wershadaha korontada iyo shidaalka dibada laga keeno. Sido kale waxa la isticmaalo korontada dabeesha laga dhaliyo.

Ku dhawaad boqoolkiiba 7,5 ee dhulka Iswiidhan waxaa loo isticmaalaa beero. Boqolkiiba 5 in ya ka yar ayaa ka shaqeeyo beeraha dalka. Maanta waxaa ugu badan oo la beeraa xabuub kala duwan, caws xooluhu daaqaan, baradho, dhir laga sameeyo saliid iyo xididdo laga sameeyo sonkorta. Qayb muhiim ee beeraha iswiidhishka waxa weeye soosaarka caanaha.

Dhaqdhaqaaqyada ganacsiga

Ganacsiga Iswiidan la leedahay dalalka kale ee Yurub waxay mar walba ahayd mid muhiim ah. Tusaale ahaan Iswiidhan waa halka dal ee ugu iibgeeyn badan macdanta birta gudaha Midowga Yurub. Markii u dalka Iswiidan bilaabay qarnigii 19aad sancada warshadaha waxaa kordhay badeecada loo iibgeeyo dalalka kale. Iswiidan waxeey aad u iibgeysan jirtay alwaax, xaashiyo iyo noocyada birta. Dabayaaqadii qarnigii 19aad waxay Iswiidhan bilowday in ee iibgeysado badeeco dalka lagu sameeyey oo ay ka mid yihiin gaariyaal, taleeefano, baabuurta waaweyn, biro wareegsan iyo mishino noocyo badan. Maanta dalka Iswiidan ma u soo saarto badeeco sidii hore si la mid ah. Badeecooyinka, tusaale ahaan alaabta guriga iyo dharka ee lagu iibiyo dalka Iswiidan waxay shirkado iswiidhish ah ku sameeyaan dalal kale. Waxaa kaloo jira shirkado badan oo iswiidhish oo ka hoowl gala dhanka isgaarsiinta iyo warbaahinta casriga ah.

Masawirqaade: Colourbox

Dhismaha guud

Waxaa dalka Iswiidan ku yaal waddooyin badan oo loogu tala galay gaariga iyo gaadiidka tareemada gaar ahaan meelaha ee dadka badan deganyihiin. Waddooyinka tareenada badankood waxay maraan Stockholm, Göteborg iyo koonfurta dalka Iswiidan. Waqooyiga dalka waxaa badan raacaan baska ama gaari khaas ah. Qofka doonaya in uu u safro meel fog oo dalka ka mid ah wuxuu qaataa diyaaradaha. Magaalooyinka waaweyn badankood waxaa ku ag yaalo garoon diyaaradeed. Arlanda ee ku yaalo dibada Stockholm waa gooranka diyaaradaha ee ugu weeyn dalka. Garoonka diyaaradaha ee ugu weeyn Göteborg waxaa lagu magacaabaa Landvetter. Dadka ku nool koonfurta dalka Iswiidan waxay badankood isticmaalaan garoonka Kastrup ee ku yaalo Copenhagen, Denmark.

 

< Ullaabo cutubka lasoo dhaafay

U gudub bogga ku xiga >

Ullaabo menyuuga

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri