Sinnaanta dadka iyo xuquuqda aadanaha

Sinnaanta dadka mecnaheed waa in dadka dhamantood isku qiimo yihiin isla markaana isku si loo la dhaqmaayo, iyadoon la fiirineynin halka uu kasoo jeedo, jinsiga uu ka helo iyo hadii uu cuuriyaan yahay.

Kalimada sinnaanta dadka waxaa laga soo qaatay go'aankii Qaramada Midoobay 1948dii ee ku saabsana xuquuqda aadanaha. Baaqa Qaramada Midoobay ee xuquuqda baniaadanka wuxuu ku saabsan yahay in dhammaan dadku ay isku qiimo iyo isku xuquuq yihiin. Dadka dhamaantood waxay xaq u leeyihiin in ay dhiibtaan aragtidooda, oo ay caabudaan eebbaha ay doonaan, ayna iyagu doortaan qofka ay doonayaan in ay nolosha la qaybsadaan.

Go'aankaan wuxuu khuseeyaa dhammaan dadka dunida ku nool. Demoqraadiyada casriga si fiican uu ma shaqeeneeyso haddii aan la ixtiraamin xuquuqda aadanaha. Dowlada waa in ee dadkeeda ka difaacdaa takoor iyo dulmi. Dalka Iswiidan waxaa xuquuqda aadanaha ilaaliya saddex sharci oo ka mid ah dastuurka qaranka: Xeerka hannaanka dowladda, xeerka xorriyadda daabacaadda iyo xeerka xorriyadda hadalka. Xeerarka waxeey dhigaayaan in dowlada iyo degmooyinka ka shaqeeynaayaan sugida xuuuqda helida shaqo, guri iyo waxbarasho oo loogu tala galay dadka dhamaantood.

Bogga internetka dowlada www.manskligarattigheter.se ayaad ka akhrisan kartaa in kale oo ku saabsan xuquuqda aadanaha.


Masawirqaade: Colourbox

Heshiishka Yurub

Waxeey yurub lee dahay, laga soo bilabaa sanadka 1950, heshiis ku saabsan ilaalinta xuquuqda aadanaha. Waxaa lagu magacaabaa Heshiishka Yurub (Europakonventionen). Heshiis dowladeed waxuu ka dhaxeeyaa dalal badan. Xuquuqda ka jirto heshiishka waxaa ka mid ah:

  • xaqa xuriyada iyo amaanka shakhsiyeed
  • xaqqa helida maxkamadeyn caadil ah
  • xaqqa ixtiraanka nolasha shakhsiyeed iyo qooyseed

Sanadkii 1995 ayaa heshiishkaan lagu daray sharciyada Iswiidhan. Dowlada, xukuumada iyo degmooyinka waxeey hubinaayaan in dalka gudihiis heshiishka yurub looga dhaqmo.

 Jinsiga, sinnaanta iyo mabda'a sinnaanta dumarka iyo ragga

Sinnaanta waxeey ku saabsan tahay sinnaan u dhaxeeyso ragga iyo dumarka. Dumarka iyo raggaba waxeey ka sinnanaayaan awooda saameeynta bulshada iyo noloshoodaba waana iney dumarka iyo ragga leeyihiin isku xuquuq iyo fursado. Hadba sida qofka loola dhaqmaayo waxey ku xirantahay waxyaabo aan ahyen jinsiga oo kaliya, waxeyna ka dhigantahay in dumar kasta ama nin walba eeysan nolosha kulligood isku meel ka taagneyn isla markaana eey kala duwantahay qaab nololeedkooda.

Jinsiga ama qeyb si fudu loo qeexi karo. Waxaa jira dad aan isku aqoonsaneyn iney nin ama naag midba aheyn, ama noqday jinsi aanan aheyn kii ey ahaayeen marka eey dhalanayeen. Qof walba jinsiguu raba haka soo jeedee waxaa saameynaya sida eey bulshada uu ku noolyahay u qeexeyso jinsi iyo sida eey qiimeyneyso guruubyada dumarka iyo ragga.

Mabda'a sinnaanta ragga iyo dumarka waa oraah bulsho oo micnaheedu yahay in dumarka eey guud ahaan makaankooda ka hooseeyo kan ragga eeyna tahay in wax laga badalo. Mabda'aas oo ah dhaqdhaqaaq siyaasad waxuu siyaabo kala duwan uga shaqeeyaa in ragga iyo dumarka eey isku fursad, isku xuquuq, isku waajibaad eey wax walba oo bulshada ka tirsan u heystaan. Ficil ahaan waxeey ka dhigantahay in la bedelo qaanuunyada takooridda, laga hortago kufsiga, in tirada dumarka ka howlgala goobaha go'aamada lagu gaaro kor loo qaado iyo la muujiyo in takooridda qaarkoood eey salka ku haayaan jinsiga.

Sinnaanta siyaasadda iyo guriga

Gudaha Iswiidhan, bilaawgii 1900-yimadii, farqi weeyn ayaa uu dhaxeeyay xuquuqda dumarka iyo ragga. Dumarka looma ogaleeyn iney codeeyaan ilaa sanadkii 1921. Isla sanaadkaas ayaa loo arkay dumarka la qabo in ayagu wax maamulo karaan eey qaangaarna yihiin. Tusaale ahaan mecnaheed waa in markaas loo ogalaaday in eey maamushaan dakhligooda. Maanta tirada ragga iyo dumarka fadhiya baarlamaanka waa isku mid qiyaastii. Xukuumadda tirada wasiirrada ragga iyo dumarka waa isku mid. Siyaasiyiinta laga soo doortay degmooyinka Iswiidhan boqolkiiba 43 waa dumar.

Dumarka la qabo waxey awal xanaaneyn jireen guriga iyi carruurta laakiin 1970-kii ayaa waxaa carruurta loo dhisay dugsiyo xanaano oo badan. Waxaa markaas la hirgaliyay ceymiska waalidnimada kaasoo siinayay waalidiinta ineey fasaxa waalidnimada kala qeybsan karaan marka eey carruur dhalaan. Isbedelladaas waxey sababeen iney dumarka u fududaato iney shaqeeyaan oo helaan lacagey shaqeysteen. 1970-kii waxaa kaloo la hirgaliyay sharciga dhigaya iney dumarka ilmaha iska soo ridi karaan markey uur qaadaan taasina waxey dumarka siisay xuriyad ah iney iyaga jirkooda maamuli karaan go'aamin karaana haddii ilmaha dhaleyso iyo haddii kale.

Waagi hore inta badana hoowlaha guriga waxaa qaban jiray dumarka. Hoowlaaha guriga waxaa tusaale ahaan laga wadaa heeynta caruurta, dhaq dhaqida, nadaafada iyo weeyl dhaqida. Maanta hoowlaha guriga waa laga sii siman yahay sidii waagi hore, laakin dumarka ayaa ragga uga badan hoowsha guriga.

Sinnaanta dhanka shaqada iyo dugsiyada

Sanadkii 1927-dii ayey waxey gabdhuhu helaan fursad la mid tan wiillasha ey u heysteen waxbarasho dowladeed. Dugsiga hoose-dhexe iyo dugsiga sare waxeey lee yihiin qorsho-waxbarasho oo tilmaamaayo waxa eey casharrada ka koobanyihiin. Qorshahawaxbarashada waxaa ku qoran warbixin ku saabsan sinnaanta taasoo mecnaheedu tahay in macalimiinta eey ula dhaqmaan gabdhaha iyo wiliishaba si sinnaan ku jirto. Laakiin doorashada waxbarasho iyo mid xirfad labadaba waxey tusineysaa in doorashooyinka eey dhallinyarada sameynayaan eey hagayaan waxa munaasabka qofka ku ah iyadoo laga duulayo rag ama dumar.

1980 waxaa soo dagay sharciga sinnaanta oo horeeyntiisaba ku saabsanaa sinnaanta dhanka shaqada iyo mushaaro siman.  Maanta boqolkiiba 80 dumarka da'doodu u dhaxeyso 20 illaa 64 sano wey shaqeeyaan. Laakin shaqada ma ahan mid sinnaan ka jirto. Dumarka waxeey helaan mushaar la eg boqolkiiba 87 kan eey ragga qaataan. Taasi waxey ku xirantahay in xirfadaha eey ragga ka shaqeeyaan badankood eey ka lacag badanyihiin kuwa dumarka eey ka shaqeeyaan. Dumarka halka galin shaqeeyo ayaa ka badan ragga halka galin shaqeeyo, dumar badan ayaa fasax waalidnimo oo dheer qaata iyaga ayaana u badan xanaaneynta carruurta. Sidaas darteed farqiga u dhaxeeyo ragga iyo dumarka wuu sii badanayaa. Ragga ayaa dumarka uga badan hogganka goobaha shaqada ayaga ayaana uga badan billaabidda shirkadaha.

Siyaasadda Iswiidhan ee sinnaanta

Baarlamaanka ayaa waxuu sanadkii 2006 go'aamiyay in hadefka guud ee laga leeyahay siyaasadda sinnaanta ee Iswiidhan ey tahay in ragga iyo dumarka ey heystaan isku awood iyo fursado siman eey ku saameyn karaan bulshada iyo noloshooda. Hadefka guud waxaa loo kala qaaday afar hadefyo yaryar ah:

  1. Awood qeybsi siman oo eey ragga iyo dumarka u simanyihiin heystaanna fursado siman oo ey ku noqon karaan muwaadiniin firfircoon iyo ineey meeleynayaan shuruudaha go'aan gaarista.
  2. Sinnaan dhaqaale oo siinaya dumarka iyo ragga xuquuq iyo shuruudo siman ee waxbarasho iyo shaqo mushaar leh taasoo siineysa xurriyad dhaqaale inta ey noolyihiin.
  3. In dumarka iyo ragga ey si siman u qeybsanayaan shaqooyinka aan lacagta leesku siin iyo shaqooyinka xanaanada, iney mas'uuliyad siman iska saaraan shaqada guriga iyo iney heystaan fursado siman oo ah helidda iyo siinta xanaaneynta iyagoo isku jid u maraya.
  4. In kufsiga ragga eey u geysanayaan dumarka la joojiyo. Dumarka iyo ragga, gabdhaha iyo wiilasha, waa ineey helaan xuquuq iyo fursado siman oo ah badbaadada jir ahaaneed.

Warbixin dheeraad ah oo ku saabsan siyaasadda sinnaanta ee Iswiidhan iyo shaqada xukuumadda ee ku aaddan sinnaanta ka akhriso xukuummada boggeeda internetka: www.regeringen.se/feministiskregering

 

< Ullaabo cutubka lasoo dhaafay

U gudub bogga ku xiga >

Ullaabo menyuuga

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri