Siyaabaha kala duwan ee lammaaneyaasha u wada nol yihiin

Iswiidhan waxaa caadi ka ah in lammaanayaashu isla deggaan, islana guri galaan, iyaga oo aan is guursan, carruurtana ay sidaas isku wada dhalaan. Dad badan ayaa doorto in ay is guursan. Waxay doortaan in ay isla wada deggennaadaan, sambo.

Guur

Guurka mecnihiis waa in laba qof isguursadaan. Iswiidan waxaa la oggol yahay qofka in uu guursado marka uu gaaro 18 sano. Sharciga dalka ayee sidaan ku dhigan tahay. Sharciga waxuu khuseeyaa dadka dhamaantood xataa haddii uu san qofka aheeyn muwaadin iswiidhish. Waxaa laga yaabaa in dalal kale ka jiraan sharci ka duwan. Laakin Hey'adda dowlada Iswiidhan waxeey aqbalayaan lee guurka raacsan qaanuunka ama sharciga Iswiidhan.

Masawirqaade: Colourbox

Inta aadan guursan waa in aad codsataa baaritaanka caqabada guurka (hindersprövning). Waa baaritaan lagu sameeyo qofka guursanaya, oo ah in eey san jirin caqabad hor istaageeyso in aad guursato. Baaritaanka waxaa sameeyso Hey'adda canshuuraha ee ku taalo gobolka aad ka diiwaangashantahay. Haddii ee san jirin caqabad guur waxaa lagu siinaayaa cadeeyn aad isticmaali karto mudo afar bilood ah. Waxaad cadeeynta uu qaadaneeysaa isku-nikaaxiyaha. Haddii aad adiga ama qofka aad gursaneeysid uu san Iswiidhan daganeeyn, waxaa baaritaanka lagu sameeyna dalka uu qofkaas ka diiwangalsanyahay.

Markii la fiiriyo sharciga Iswiidhan, waxyaalaha hor istaago karo nikaaxa waa:

  • haddii labada qof mid ka mid ah ka hooseeyo 18 sano
  • haddii aad qaraboo dhow tihiin qofka aad damacsantahay in aad guursato
  • haddii labada qof mid ka mid ah uu qof kale qabo ama uu diiwan galsan yahay lamaane kale

Waa sharcidarro in qof guur lagu qasbo. Mecnaheed waa in uu san qof, qof-kale ku qasbi karin guur. Dadka dhamaantood ayaga ayaa dooranaayo qofka aay guursanayaan.

Waxaad markasto xaq uu lee dahay in aad diido guur aadan raali ka aheyn.

Hay’addaha dalka Iswiidan weey diidi karaan nikaax ka dhacay dal shisheeye ah, haddii mid ka mid ah labada qof lagu qasbay guurkasi.

Nikaaxa waa dhacdoonka laba qof isku guursanayaan. Nikaaxa waxuu noqon karaa mid diimeed ama mid madani ah. Sida uu nikaaxa u noqdo mid sax ah, waa in qofka isku nikaaxinaayo uu rukhsad ka heeystaa hey’ad dowladeed. Wuxuu noqon karaa qof wadaad masiixi ah, imaam ama xirfadiisa ah in uu dadka isku nikaaxo. Nikaaxa madaniga ah waxa sameeyo qof maamulka gobolka uu xil saaray. Nikaaxa madaniga ah waa dhacdo aan lug ku laheeyn diin. Haddii nikaxa lagu fulinaayo hab diimeed oo qofka isku nikaxinaayo yahay qof aan rukhsad uu laheeyn, hadaba nikaaxas ma ahan mid sharci ahaan uu jiro. Si nikaaxu uu noqdo mid sharci ahaan uu jiro waxaa shardi ah oo kale nikaaxa madaniga ah.

Iswiidhan guurka looma fiiriyo dhanka jinsiga. Taasi mecnaheed waa in labada qof ee isku jinsiga ah is guursan karaan. Isku nikaaxiyaha rukhsada leh ma diido karo in uu isku nikaaxiyo labo qof oo isku jinsi ah. Laakin isku nikaaxiyaha ka tirsan urur diimeed, sida wadaadka masiixga joogo kaniisada iswiidhishka, waxuu kala dooran karaa in uu ogalaado ama diido. Haddii wadaada masiixga ah mid ka mid ah uu diido mid kale ayaa la weeydiisan karaa.

Laba hooyo iyo carruurtooda
Masawirqaade: Colourbox

Dadka iska qabo waxaa khuseeyo sharciga lagu magacaabo xeerka guurka. Xeerka guurka waxaa ka mid ah nidaamka dhaxalka oo qeexaayo in haddii labada qof ee isqabto midkood dhinto, kan kale iyo caruurta ayaa markasto dhaxlaayo hantida dhammanteed.

In dheeraad ah oo ku saabsan dhaxalka ka akhriso qeeybta 8.

Lammaneyaasha wada-nol

Marka ee labo qof isla nool yihiin ayagoo isguursan, waxaa loo magacabaa sambo.

Iswiidhan iyo dalalka ku yaalo waqooyiga yurub waa caadi wada-nolanshada noocaani ah. Waxaa kale oo ka caadi ah in labada qof ay carruur isku dhallaan iyagoo aanan isguursan. Waxaa jira sharci qeexaya wada deggenaashaha. Sharcigaas wuxuu ku saabsan yahay guryaha ay deggen yihiin iyo waxyaabaha hantidooda ah. Haddii mid ka mid ah labada qof ee wada deggan uu dhinto, kan kale wuxuu xaq u leeyahay inuu gurigaas sii deggenaado. Waxaa uu qofkaas xaq u leeyahay alaabtii guriga taallay ee ay wada lahaan jireen. Si uu qofkaas uu dhaxlo qofka kale hantidiis kale, tusaale lacagta ku jirto bangiga, waa in horay uu jirtay waraaqada daradaaranka qoraalka ah.

Is furid

Iswiidan ninka iyo afaduba way dalban karaan furitaan, xitaa haddii midkood u arrintas diidan yahay. Haddii aad doonaysid furitaan, (kala tagid) la xiriir maxkamadda darajada koowaad ee ku taal degmada aad ka diiwaan gashan tahay. Waxaad dalbaneysaa furriin (Furitaan sharciyeysan).

Adiga iyo xaaskaga/nikaada ayaa wada buuxin kara warqadda codsiga furitaanka. Haddii aadan heshiis ku aheeyn adiga keliga ayaa buuxin karo oo dalban kara furitaan.

Haddii aad wadajir u dalbateen inaad isfurtaan oo aydaan carruur haysan, waxay maxkamaddu go’aan arrintiina uga gaaraysaa sida ugu dakhsida badan. Haddii aad haysataan carruur ka yar 16 sano ama midkiina rabin furtaanka, waxaa la idin siinayaa wakhti ka soo fiirsasho ah. Taasi macnaheeda ah waxaa weeyaan inaad wakhtigaas kaga soo fakirtaan arrinta. Wakhtiga ka soo fiirsashada ugu yaraan waa lix billood, ugu badnaanna waa hal sano.

Haddii lixdaas billood kaddib aad weli doonayso furitaankii, waa in aad adigu la xiriirto maxkamadda degmada. Taas waxaa la yiraahdaa hirgelinta furitaanka. Haddii aadan maxkamadda warqad u dirin aadna ka codsan fulinta codsigii furitaanka, waxay maxkamadda ciribtiraysa codsigaagii. Haddii maxkamadda ay ka shakiso in guurku uu markiisa horeba ahaa mid qofka la qasbay, waxay maxkamadda xaaladaas ka soo fiirsasho la’aan go’aaminaysa furitaan.

Xannaanaynta carruurta

Xannaanaynta carruurta waxay tahay xuquuqda iyo waajibaadka saaran qofka xilhayeha xannaanadda oo badanaa ah waalidka. Taasi mecnaheed waxeey tahay in xananeeynta caruurta aad ku leedahay xuquuq iyo waajibaad ku saaran. Carruurta waxay xaq ku leeyihiin xannaanyn inta ay ka gaarayaan da’da 18 sano. Waxaa ku saaran waajib masruufid illaa uu ilmuhu ka gaarayo 21 sano waa haddii uu dhigto dugsi sare.

Xannaanaynta wadaagan waxaa loola jeeda in waalidiinta labadoodaba mas'uul ka yihiin carruurtooda. Waa in si wadajir ah u go’aamiyaan arrimaha carruutooda khuseeyso. Labada waalidba waxaa saaran isku waajibaad xitaa haddii laba waalid aysan isla wada nolayn. Qofka ah xilhayeha xannaanadda cunugga wuxuu xaq ku leeyahay in warbixin carruurtiisa ku saasban la siiyo. Macneheeda waxay tahay in aad xaq uu lee dahay in waxii caruurtaada ku saabsan ku soo wargaliyaan maamulka dugsiga xannaanadda, dugsiyada caadiga, xarumaha daryeel-caafimaadeedka, maamulka adeegga bulshada, booliska iyo hay’adaha.

In waalid keligiis la siiyo xilhaynta xannaanada mecnaheed waa waalidkaas kaligiis saaran tahay mas'uuliyada canuga iyo go'aamada ku saabsan canuga. Haddii labada qof ay is qabaan waxay wadajir uu leeyihiin xilhaynta xannaanadda carruurtooda. Haddiise ay is qabin waa in warqad ku buuxiyaan maamulka bulshada (xafiiska arrimaha qoysaska) oo lagu cadeeya aabaha cunugga dhalay. Markaas kaddib ayaa labadiinaba wadajir fursad ugu heleysaan xilhaynta xannaanadda carruurta.

Haddii ay is furayaan oona ay ku heshiin karin xilhaynta xannaanadda, waa in xafiiska arrimaha qoysaska la xiriiraan. Wuxuu xafiiskas arrimaha qoyska idinka caawin karaa xal u helida qilaafka taagan. Haddii eey heshiin waayaan waxeey arinta noqoneeysaa mid uu taalo maxkamada degmada. Maxkamada waxeey markaasi ka codsaneeysaa in xafiiska arrimaha qoyska baaritaan sameeyo inta ee san maxkamada go'aan ku soo gaarin waalidka la siinaayo xilheeynta xanaanad iyo meesha uu canuga dagaayo.

 

​< Ullaabo cutubka lasoo dhaafay

U gudub bogga ku xiga >

Ullaabo menyuuga

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri