Xisbiyada iyo fikradaha siyaasadeed

Markii aad codbixinayso waxaad dooranaysaa xisbiga aad taageersan tahay. Xisbi siyaaseedka waa koox dadyoow ah oo isku fikrad qaba oo doonaya in siyaasadda dalka ay saamayn ku yeeshaan. Xisbi kasta waxuu leeyahay barnaamij siyaadeed u gaar ah oo muujinaayo fikrada xisbaga uu ka qabo habka bulshada uu hormareeyso. Xisbiyada siyaasaded waayahan danbe jira waxay fikradhooda ku saleeysan yihiin fikrado soo ifbaxay 1800-meyadii.

Fikradda libraaliyadda

Erayga laatiinka ah ee liber waxay ka dhigan tahay xurriyad. Xurriyad doonayaashii ugu horeeyay ee qarnigii (1700-meeyadii), waxyaabihii ay u halgamayeen waxay ahaayeen sugida xuquuqda iyo xurriyada aadenaha. Waxay tusaale ahaan doonayeen sugidda hadalka iyo qoraalka si ee dadka dhan uga warami karaan qoraal ahaan iyo af ahaan, fikradooda iyo dareemahooda.

Xorriyad doonayaashu waxay kaloo doonaayeen in la ciribtiro kharashyada la bixiyo markii wax la iibsanaayo ama gadaayo. Habkaas ayeey uu doonayeen kordhinta ganacsiga ka dhaxeeyay dalalka. Taasi oo dhaqaalaha u roona oona hoos u dhigi lahaa halista dagaalka.

Qunyar socod

Erayga laatiinka ah conservare wuxuu micnihiisu yahay xajin ama haysasho. Dadkii horay uu taageersanaa fikradaha qunyar socodka 1700-meeyadii, waxay doonayeen in ilaalinta taariikhda, dhaqamada iyo diinta dalka. Waxay kalo gaashan u dhigaayeen reebida awooda boqorka, kaniisada iyo dadkii ku abtirsan jiray boqortooyada. Fikradaha uu ku mecno fadhiyo Qunyar socdka waa in laga soo hojeesto isbedalada dhaqsaha badan ee bulshada iyo rebida caadooyinka rerka iyo ururada diimeed.

Hanti-wadaagga

Erayga socialism wuxuu ka yimid luqadda laatiinka, macnahiisana waa jaalle. Hanti-wadaagyaashii ugu horeeyay 1800-meeyadii waxay doonayeen ilaalinta xuqquuqda shaqaalaha. Waxay halgan ugu jireen in warshadaha iyo ururrada aan gaar ahaan loo yeelan. Waxay rabeen in dadweeynaha wadajir u helaan milkiyadooda. Fikradaha uu ku mecno fadhiyo Hanti-wadaga tusaale ahaan waa in sinnaanta ugu badan ee macquulka ah ka dhaxeeyso dadka iyo kooxaha bulshada ee kala duwan.

Fikrado siyaasadeed oo kale

1900-meyadii waxaa soo if-baxay fikrado siyasadeed kale. Fikradahooda waxeey saameeyn ugu yeesheen siyaabo kala duwan.

Mabda'a sinnaanta ragga iyo dumarka waqti dheer ayuu soo jiray laakin waxuu xoog yeeshay 1900-meyadii. Dadka taageero mabda'a sinnaanta ragga iyo dumarka waxeey uu arkaan in raggu uu san dumarka uga awood badnaan bulshada. Waxeey xooga saaran in ee xoojiyaan xuqquuqda dumarka ee dhanka siyasada, dhaqaalaha iyo bulshada.

Mabda'a noolaha iyo deegaanka waa fikrado ku saabsan in baniaadanka yahay qeeyb ka mid ah dabiicada. Siyaasada noolaha iyo deegaanka waxeey ku saabsan tahay sidii loo abuuri lahaay bey'ad fiican iyo hormarin jireeyso uu la raacsan wanaagsanaanta noolaha iyo deegaanka.

Mabda'a wadanimada waa fikrado ku saabsan wada jirka qaranka. Dadka wadaniyiinta ah waxeey doonayaan in ee dhoowraan qaranka, dhaqanka iyo taariikhda. Dadka wadaniyiinta ah waxeey ka soo hoorjeedaa in dhaqamooyinka la isku daro.

Faashiyada iyo naasiyada waxeey soo jireen ilaa bilaawgii 1900-miyadii. Waxeeyna uu doodaan in dad koox ugu fiican maamulaan bulshada. Ayagoo ka horjeedo aheeyn siyaasiyiin hab demoqraaddi ah lagu doortay in ee maamulka heeystaan. Faashiyada iyo naasiyada waxaa fikrado siyaasadeed oo aaminsan in dhaqankoodu ka fiican yahay dhaqamada kale. Fikrada naasiyada waxeey xoog ku laheeyd darlka Jarmalka 1930-miyadii markii uu Adolf Hitler maamulaaye dalka. Naasiyiinta waxeey bilaabeen dagaalkii caalamka ee labaad waxeeyna dileen malaayiin yahood, roomaan, dadka cuuriyaamiinta ah iyo dad kale oo ka soo horjeeda siyaasaday naasiyiinta.

Xisbiyada siyaasada

Xisbiyada siyaasadda waxey heystaan door dimuquraadiyadeed oo muhiim ah waxeyna doortayaasha siiyaan waxyaabo eey kala doortaan marka eey jiraan coddeyn guud waxeyna siinayaan fursado eey ku saameyn karaan, wax uga qeyb gali karaan mas'uuliyadna u qaadi karaan.
Xisbiyada siyaasadda waxeey heli karaan kaalmo dhaqaale si eey u qabtaan shaqo qoto dheer isla markaana eeysan ku tiirsanaan kaalmmo bixiyayaal kala duwan.

Xisbiyada ku jiro barlamaanka mudada xukunka 2014- 2018 waa Centerpartiet, Liberalerna, Kristdemokraterna, Miljöpartiet, Moderaterna, Socialdemokraterna, Sverigedemokraterna och Vänsterpartiet. Doorashadii bishii sebtembar ee 2014kii kadib waxaa xukuumad dhisay Socialdemokraterna iyo Miljöpartiet. Ra'iisal wasaaraha dalka waa Stefan Löfven ee ka soo jeeda Socialdemokraterna (S).

Xisbiyo qaarkood ayaa asaastay koox siyaasadeed ee lagu magacaabo Alliansen (isbaheeygsiga). Xisbiyada ku jiro isbaheeysigaas waa Moderaterna, Centerpartiet, Liberalerna iyo Kristdemokraterna. Afartaan xisbi ayee xukuumada ka koobneed intii uu dhaxeeysay 2006-2014.

 

< Aad bogga la soo dhaafay

U gudub bogga ku xiga >

Ullaabo menyuuga

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri