Dugsiyada iyo demoqraddiyada

Arrimaha demoqraddiyada in badan ayaa looga hadlaa dugsiyada Iswiidhan. Hadafyada dugsiyada laga lee yahay waxeey tahay in ardayda noqdaan dad waaweeyn oo ka qeeyb qaato isla markaana qaado mas'uuliyada wadajirka bulshada.

Ardayda waxeey baranayaan ku noolaashaha demoqraddiyada isla markaana garanayaan xuquuqda iyo waajibaadka. Sidaas darteed ayee waxbarashadu inta badana lee dahay casharo ee ardayda ugu toobaranaayaan demoqraddiyada waxa eey tahay.

Dugsiyadii waagii hore

Dugsiyada Iswiidhan aad ayay isku bedeleen laga soo bilabaa bartamihii 1900-yimadii. Waagi hore waxeey dugsiyada lahaayeen nidaamyo adag. Macallimiintu waxay garaaci jireen ardayda. Taasi waxaa la mamnuucay sanadkii 1958.

Waagaas ardayda looma oggolayn in macallinka ugu yeraan ”adiga” ama magaciisa. Waxay ku qasbanaayeen in ay yiraahdaan ”marwo” ama ”mudane”. Sannadka ugu horeeyay waxaa ardayda la siin jiray shahaado ku saabsan edebtooda. Ardaygii ku dhaca laba ama saddex maado wuxuu ku qasbanaa in sannad-dugsiyeedka u mar kale dhigto.

Dugsiyada waayahan dambe

Dugsiyada waayahan dambe waxaa ardayda ku bartaan in ee si madaxbanaan uu fikiraan. Waxeeyna fursad uu lee yihiin in saameeyn ku yeeshaan waxbarashadooda. Macalinku waa hogaamiyaha kooxda, laakin xiriirka ardayga iyo macallinka wuu wada siman yahay.

Dugsiyada Iswiidhan waxeey qabaan saldhigga-heybadda oo laga soo xigsaday Baaqa xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay. Saldhigga-heybadda waxuu ku saabsan yahay sida carruurta, dhallinyarada iyo dadka u wada dhaqmaayaan. Taasoo macneheedu tahay in dugsiyada Iswiidhan qofna aanan loo geysan karin falxun. Wiilasha iyo gabdhaha waa in fursadaha loogu siiya si sinnaan ku jirto. Rradyagu wuxuu saamayn ku yeelan karaa waxbarashada haddii u ka qaybgalo shirarka fasalada iyo golaha fasalada.

Dugsiyada iyo qoysaska

Iswiidhan waxaa waalidka laga filaa in ee cagan uu geeystaan barashada canuga. Waalida, macalimiinta iyo ardayga waxeey ka wada shaqeeynaayaan sida ugu canuga ugu ficnaa lahaa dugsiga. Shaqaalaha joogo dugsiga waxeey doonaayaan in waalidka uu la socdo nolosha canuga iyo in waalidka og isla markaana fahamsan yihiin waxa uu canuga ka qabto dugsiga.

Xilli dugsiyeed kasta waxaa waalidiinta iyo ardayga lala yeesha wadahadalka horumarka waxbarashada ee ardayga. Xilliga wadahadalka horumarka waxbarashada ee ardayga waxay waalidiinta tartiibtooda ugu la kulmi karaan macalimiinta. Markaas wuxuu waalidku helayaa fursad u ka hadlo caawinaadda canugiisa u baahan yahay iyo sida uu horumar usameeyo waxna u barto. Xilliga wadahadalka wuxuu macallinka diyaarinayaa qorsheha horumarka ee ardayga u gaarka ah, IUP. Haddii afka hooyo ee waalidka usan ahayn af-iswiidish, wuxuu xaq ku leeyahay in xilliga wadahadalka turjumaan ah loo balamiyo.

Dugsiyada waxay kalo qabaqaabiyaan shirarka waalidiinta, kaasoo waalidiinta lagu siiyo fursad ay saamyan ugu yeeshaan dhacdooyinka dugsiyada.

Waalidiinta waxay booqan karaan dugsiga, sida ay uhelaan warbixin ku saabsan hawlaha dugsiga iyo xaalada canugooda. Mida kalena, waxay taleefan u soo diri karaan macallinka ama maamulaha dugsiga, si ee su’aallo waydiiyaan ama ka wareeystaan canugooda.

 

< Aad bogga la soo dhaafay

U gudub bogga ku xiga >

Ullaabo menyuuga

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri