Dalka Iswiidan iyo xilligii 1900:meeyadii

Hirgelinta demoqraddiyada

Biloowgii 1900:meeyadii waxaa sii kordhay tirada dadyoowgii ka soo guuraayay miyiga isla markaana u soo guuraayay magaallooyinka. Waxaa hoos u dhacay tirada beeraleeyda waxaana islamarka sare u kacay tirada shaqalaha. Waxaa kaloo sare u kacay tirada dadkii doonaayay in ay helaan xaqacodbixinta doorashada. Markii sannadku uu ahaa 1907 waxaa dhammaan ragga da’dooda 24 sano la siiyay xaqa codbixinta. Waxey aheyd 1919 markii uu baarlamaanka go'aamiyay xaqa codbixinta oo eey nimanka iyo naagaha ka mideysanyihiin. Dhamaadkii 1800:meeyadii waxaa bilaawday dhisida ururrada shaqaalaha. Ururrada waxay doonayeen hagaajinta xaaladaha shaqaalaha oona kordhiyaan mushaharadooda. Taasoo marmar ay ku guulaysan jireen. Si ee ugu mudaaharadaan shurada shaqo ee aan cadaalada darida ahaay marmarka qarkood shaqaalaha weey diidi jireen in ee shaqeeyaan. Waxaa loo yaqaan shaqo joojin. 1909:kii shaqo joojin weeyn ayaa dhacday oo 300 000 oo shaqaale ayaa mudaaharaad galay. Taasi waxeey dhacdo muhim leh uu aheeyd hormarinta xaqa shaqada iyo demoqraadiyada.

Dagaaladii adduunka ee koowaad iyo xilligii u dhaxeeyay labada dagaallo

Biloowgii dagaaladii adduunka ee koowaad ee 1914:kii waxay dalalka waqooyiga Yurub wada saxiixeen heshiis, kaasoo ku ballanqaadeen dhaxdhaxaadnimo iyo in aysan dagaaalka lug ku yeelan. Dagaalkii koowaad waxuu socday intii u dhaxeysay 1914-1918.

Iswiidhan waxaa sanadkii markiuu ahaay 1922 laga aasaasay rugta baayoolajiga jinsiga. shaqadeedu waxey aheyd iney u kuurgasho farqiga u dhaxeeya dadka waxaana loo bixiyay ruga baayoolajiga jinsiga ee qaran (Statens institut för rasbiologi). Rugta waxey saameyn ku laheyd sharci ku saabsanaa tarantirid oo la hirgaliyay sanadkii 1934. kumanaan qofood ayaa iyaga oo aanan rabin tarantiray dadkaasoo loo arkay iney dadka kale ka liitaan. Marka eey so shaacbaxday cunsurinimadii Jarmalka ayaa dhaleecooyin badan loo soo jeedshay baayoolajiga jinsiga ku saleysan. Fikirka ah ineey dadka kala qiimo duwanyihiin iyadoo la fiirinayo halka eey kasoo jeedaan ayaa aad u faaftay waqtiyadii dhexe ee dagaalka kaasoo saameyn weyn oo dhinacyada siyaasadda iyo bini'aadanimada ka geystay qaaradda Yurub oo dhan. macluumaad dheeri ah ka akhriso: www.levandehistoria.se

Markii sannadka u ahaa 1931 waxaa dalka Iswiidan soo gaaray murug-dhaqaaleed. Kaasoo markii sannadka u ahaa 1929 ku bilaawday xaalad adag gudaha suuqa saamiyada ku yaallo magaalada New York ee dalka Mareekanka kaddib adduunka oo idil ku faafay. Shidada waxay dhalisay shaqola’aan, shaqo ka fariisasho iyo dibadbaxyo. Xilligaas dadwaynaha dalka Iswiidan ku nol waxay heleen caymiska shaqola’aanta oo ka fiican kii hore iyo xaqa fasaxqaadashasda. Hawlgabyada waxay heleen gunno ka fiican tii hore.

1930:meeyadii waxaa sare loo qaadaya xaaladda dumarka carruurta leh. Dumarka carruur lahaa waxaa la siiyay daryeel-caafimaadeed iyo lacag. Ujeedada ee kala heeyd dowlada Iswiidan waxay ahayd in la kordhiyo tirada carruurta dalka ku dhashaan. Waxaa la ciribtiray kharashka ku ummuulinta isbitaalka. Dowlada waxeey dhistay xarumaha daryeel-caafimaadeedka carruurta iyo guryo heer sare ah oo loogu talagalay qoysaska carruurta lahaa. Shaqobixiyeyaasha waxaa laga mamnuucay in dumarka uurka leh ay shaqada ka eriyaan.

Iswaafaqsanaan ka dhaxeeysa dhinacyada suuqa shaqada

Sidoo kale isbeddelo weeyn ayuu maray suuqa shaqada. Bilaawgii 1900:miyadii ilaa 1930:miyadii waxaa caada aheeyd in shaqo dhiibaha iyo shaqaalaha isku dgaali jireen mushaarka, xiliyada shaqada iyo habka goobta shaqada uu taale. Laakin sanadkii 1938 waxaa LO (ururka shaqaalaha) iyo SAF (ururuka shaqo-dhiibaha ee iswiidhishka ah) ku heshiiyeen habka loo wada shaqeeyn lahaa iyo habka mustaqbaalka loo heshiin lahaa. Waxeey saxiixeen heshiishka loo yaqaan heshiishka-Saltsjöbad. Wadashaqeeynta ka dhaxeeyso shaqo dhiibaha iyo shaqaalaha waxeey aheeyd mid muhiim uu ah hormarinta dhaqaalaha dalka Iswiidhan.

Dagalkii aduunka ee labaad

Dagaalkii adunka ee labaad waxuu bilaawday 1939. Muddadii dagaalada wuxuu Hitler iyo kooxihii raacsanaa sababeen geerida dadyoow yahuud ah oo tiradooda gaarayso shan maljan iyo 100 000 oo qof oo kale ah dadka romerka, shuuciyiin, qaniisiin iyo dadyoow itaaldarrana. Markii dagaaladii adduunka ee labaad bilaawdeen wuxuu dalka Iswiidan saxiixay heshiis oo ku ballanqaaday dhexdhexaadnimo iyo in usan marna ka qaybgeli doonin dagaalada. Iswiidhan waxeey caawiyas qaxootidii ka yimi dalalka Denmark, Norway iyo dalalka baltika. Dalka Iswiidan wuxuu dalkiisa ku qaabilay qaxooti yahuud oo u dhashay dalka Denmark, kuwaasoo tiradooda gaaraysay 7 500 qof oo ujeedada ahayd in loo diro dalka Jarmalka.

Siyaasadda dhexdhexaad ee dalka Iswiidan waa laga eeg sheegtay inta lagu guda jiray dagaalkii iyo xittaa ka gadaal, waxa lagu eedeeyay waxaa ka mid ah inuu cunsuriyiintii jarmalka u  oggolaan jirtay in gaadiid siday ciidammo iyo hub uu dalka dhexmaro.

Dagaalkii aduunka labaad dalal badan ayaa isla asaasay Qaramada Midoobe, QM, si looga hortago dagaal aduun cusub.

Xilligii dagaalaada aduunka labaad

Xilligii dagaallada ku xigay waxaa qaarada Yurub loo qaybiyay laba qaybood, Bari iyo Galbeed. Kuwa ku yaalay bariga Yurub waxay hoos yimaadeen awooda shuuciyadda, taasoo badi ahaan Midowga Sofiet u talin jiray.

Kuwa ku yaallay galbeedka Yurub iyo Maraykanka waxay asaasteen gaashanbuurta NATO oo ah urur ciidan oo ujeedadiisa ahayd in dalalka ku yaallay galbeedka Yurub laga difaaco shuuciyiinta. Cagajugleentii dhextaalay dalalka ku yaallay galbeedka Yurub iyo kuwa bari waxaa la oran jiray dagaallada qaboow.

Sanadkii 1961:kii waxaa Jarmalka laga dhisay darbiga-Berlin. Darbigaas waxuu maamulka shuuciga uka talinaaye Bariga- Jarmalka ugu tala galay in dadka ee san ka bixin dalka guduhiis. Dad badan ayaa ka qaxay bariga-Berlin oo uu qaxay Galbeedka-Berlin intaan darbiga la dhisin. Darbigii-Berlin waxuu calaamad uu noqday kala qeeybiska Yurub intii lagu jiray dagaaladii qaboobaa. Kala goyska waxuu sii jiray ilaa sanadkii 1989 oo ahaa sanadkii darbiga Berlin la burburiyay. Taas waxaa loo yaqaan dhicii darbiga-Berlin.

Darbigii-Berlin
Masawirqaade: Colourbox 

Dalka Iswiidan iyo xilligii u dhaxeeyay 1960 iyo 2000

1960:meejadii waxaa sare u kacay dhaqaalaha dalka Iswiidan. Goobaha xanaanada carruurta, xarumaha daryeelka-bukaanka iyo xarumaha waayeelka lagu daryeelo caafimaadeedkooda ayaa la sii dhisay. Shaqaalaha waxay xaq u yeesheen afar toddobaad oo fasax ah. Dalka Iswiidan wuxuu noqday dal casri ah oo dadwaynahiisa u suurtageliyay nolol heer sare ah. Waxaa la helay nolol-sugan iyo fursado lagu helo raashin, hoy iyo shaqo. Nolasha sugan ee noocan ah waxaa loo yaqaanna hab-dhiska daryeelka iyo nabadgalyada dalka Iswiidan (den svenska välfärden). Markii sannadka u ahaa 1974 waxaa hirgalay sharci cusub oo ku saalaysnaa in awooda dadwaynaha u dhaxeeya u dadwaynaha leeyahay. Boqorka waxuu wali ahaa madaxa dalka ugu sareeyo, madaxa qaranka, laakinse dhammaan hawlaha siyaasada waxaa ku dhaqaaqaaye dowladda iyo baarlamaanka.

Boqor Carl XVI Gustav wuxuu noqday boqorkii ugu horeeyay oo sharciga cusub la kulma. Markii sannadka u ahaa 1980 waxaa wax laga beddelay qodobada dhaxaltooyada boqortoyada, taasoo suurtagelin doonto in qof dumar ah ay noqon karto boqorad. Amiirada Viktoria ayaa beddelkii walaalkeeda kayar amiir Carl Philip dhaxli doonto boqortoyada.

Markii sannadka u ahaa 1979 waxaa sare loo qaaday qiimaha saliidda shidaalka. Dalalka xubinta ka ah Opec (Organization of the Petroleum Exporting Countries) ayaa go'aamiyay. Markii qiimaha saliidda shidaalka kor loo qaaday waxaa dalalka galbeedka Yurub ka dhacay dhibaatooyin dhaqaaleed.

Markii sannadka u ahaa 1986 ayaa ra’iisul wasaarahii dalka Iswiidan Olof Palme la dilay. Ilaa maanta lama garanayo qofkii dilay.

Biloowgii 1990:meejadii waxay ahayd xilli dalalka Yurub murug ka jirtay. Dalka Iswiidan waxaa ka dhacday dhibaatada bangiyada iyo lacagaha. Dadyoow tiro badan shaqo la’aan ayaa ku dhacday. Shirkado tiro badan way ciribtirmeen. Dhaqaalaha qaranka aad buu hoos ugu dhacay.

Markii sannadka u ahaa 1994 wuxuu shicibka iswiidish afti ku codeeyay in dalka Iswiidan u ku biiro Midowga Yurub.

Wasiiradii arimaha dibada Anna Lindh ayaa la dilay 2003:kii. Qofkii dilay xabsi daa'in ayaa lagu xukumay.

Xiligii 2000-miyadii waxaa dhacay dhibaatooyin dhaqaale oo saameeyn weeyn ku yeeashay dhaqaalaha caalamka.

Ku dhawaad sanadka 2000 waxaa dhacday Burburidii warbixinta teknoloojiyadda (IT-kraschen). Waxey ka dhigan in shirkadooyin badan ee ka shaqeeynaaye warbixinmacluumeedka teknoloojiyadda eey musalifeen. Waxaa sabab u aheyd ka baaraandeg ka badbadis ah, taasi oo keentay in suuqa maalgalinta shirkdaha hoos uu dhaco.

Ku dhawaad sanadkii 2008, waxaa dhibaato dhaqaale ee sababtay deeynta iyo qiimeeynta guriyaasha. Dhibaatadeen dhaqaale waxeey keentay in dalal badan ee ku dhawaadeen in ee musalifaan (Island, Griiga, Isbayn), saameeyntana wali waa mid hada jirto (2017).

Sanadkii 2010 dalalka yurub waxeey mareen dhibaato-deeyn dhaqaale oo ilaa hada wali socoto (2017). Dalal badan oo yurub waxeey keentay in lacagta ka baxdo ee ka badan tahay lacagta soo gasho, dhibatada dhaqaalena waxeey ku faaftay dalal badan oo Yurub ku yaal.

 

< Aad bogga la soo dhaafay

U gudub bogga ku xiga >

Ullaabo menyuuga

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri