Caadooyinka iyo ciidaha dalka Iswiidan

Caadooyinka waa munaasabado loo dabbaaldego oo soo noqnoqota. Ciid waa dhacdoon gaar ah oo muhim ah oo loo dabbaaldego, tusaale ciid-diimeedka påsk. Caadooyin iyo ciido badan oo dalka Iswiidan looga dabbaaldega waxay ka aftirsadaan diinta. Caadooyinka qaarkood waxay ku salaysan yihiin diinta krishtaanka. Kuwa kalena waxay ku aftirsadaan xilliga dadkii dalka Iswiidan ku nola ay caabudi jireen dhowr waxyaalood, sida Tor iyo Oden. Waayahan dambe caadooyinka iyo ciidaha diimeedka waa maalmo fasax ah oo qoysaska iyo saaxibada ku kulmaan.

Caadooyin qaarkood oo muhiim ah

Janaayo

Sannadka cusub 1 jannayo waa maalin ciid ah. Dadka badidooda maalintaas ma shaqeeyaan wa maalin ciid ah. Habeenka ka horeeya waa maalinta sannadka ugu dambeeysa. Dad badan waxay u dabbadldeggan sannadka cusub oo maalinta ku xigta bilaaban doono.

Febraayo

Bisha febraayo waa bisha fasax loo yaqaanno februarilov ama sportlov. Mudadaas caruurta iskuulka hal isbuuc ayee ka fasaxanyihiin. Bisha febraayo ama maarso dadwaynaha badidooda ee dalka Iswiidan ku nol waxay cunnaan dolshe loo yaqaanno semlor. Dolsheda waxaa laga sameeyay miro bahda lowska ah iyo subagga caanaha. Waa caadada soo ifbaxday waagi dadwaynaha dalka Iswiidan ay soomi jireen. Intii soonka usan bilaaban waxay dadka cunni jiren raashin dufanta ku badan. Qofka soomi jiray waqti go’an waxba ma cunni jirin, taasoo u sabab ahayd diinta.

Maarso iyo abriil

Ciidda-diimeedka Påsk waxaa la dabbaaldegga bisha maarso ama abriil. Påsk waa ciida krishtaan ee ugu muhiimsan. Waxaa loo dabbaaldegga geeridii Nebi Ciise iyo dib u soonolanshadiisa. Påsk waayahan dambe waa maalin ciid oo dadwaynaha badidooda ee dalka Iswiidan ku nol la ciidaan saaxibada iyo qoyska. Waagi hore waxaa caadi ahaan jirtay in horranta påsk dadyoowga soomaan 40 maalmood. Markii maalinta ciida påsk la gaaro waxaa loo dabbaaldegi jiray dhammaadka soonka. Waxaa waagaas la cunni jiray tusaale ahaan, ukun. Sidaas awgeed, ummadda iswiidish ilaa maanta waxay xilliga påsk cunnaan ukun badan. Muddada påsk waxaa carruurta dugsiyada laga siiyaa hal toddobaad oo fasax ah. Waxaa la yiraahda påsklov. Ciid-diimeedka Påsk ka hor waxay carruurta gashtaan dhar eey si kale isugu ekeeyneysiinayaan. Waxay albaabada uu garaacayaan dadwaynaha ayagoo ugu hambalyeeyaan påsk wanaagsan. Dadkana waxey carruurta siiyaan nacnac.

Inta lagu jiro xiliga påskiga, dad badan ayaa soo saaro bariiska-påskiga
Masawirqaade: Colourbox

Muddada påsk waxay dad badan soo bandhigayaan påskris. Påskris badi ahaan waa laamo-geed. Waxaa lagu farshaxameeyaa baalo midabooyin kala duwan leh. 30 abriil waa maalinta ka horeeysa maalinta munaasabada valborg. Dadka waxeey ku soo dhoweyaab xilliga gu’ga. Goobo badan waxaa ka dhaca dabshid waxaana loo heesa gu’ga.

Nouruz

Nouruz waa dabaaldaga sanadka cusub ee sameeyaan tusaale ahaan dadka faarisiga, kurdida iyo afghanistan. Inta badana Iswiidhan Nouruz waxaa loo yaqaan sanadka cusub ee faarisiga ama kurdiga. Nouruz waa soo dhaweeynta xilliga gu'ga, waxeeynta maalinta ku soo aado 20, 21 ama 22 maarso. Maalintaas waa maalinta xilliga gu'ga ku aadan oo habeenku ay isleeg yihiin. Waxeey ku soo aadaa dhamaadka maarso. Nouruz waxuu socdaa 18 maalmood oo leh xaflad, cunto iyo farxad. Sido kale waxaa la shidaa dab laga kor boodboodo.

Maayo

1 maajo waa maalinta ciida shaqaalaha. Tan iyo 1800:meejadii ayaa dalal badan maalintaas laga dabbaaldega. Koowda maayo waa maalin ciid ah. Dadwaynaha badidooda waa fasax, iskuulaadkana way xiran yihiin. Dadyoow tiro badan ayaa 1 maayo ku dhaqaaqo dibadbax loogu socdo shaqaalaha xuquuqdooda.


Dabka munaasabada Valborg, sido kalena loo yaqaan qoray shidida maayo.
Masawirqaade: Colourbox

Ciidda-diimeedka Kristi himmelsfärdsdag waxay ku beegan tahay 40 maalmood ciida påsk kaddib. Waxaa loo dabbaaldegga xuska markii Nebi Ciise u geeriyooday. Kristi himmelsfärdsdag waa maalin ciid ah. Dadwaynaha badankood ma shaqeeyaan maalintaas, dukamaanka badidooda way xiran yihiin. Markii tobban maalmood ay Kristi himmelsfärdsdag ka soo wareegato waa maalin ciiddiimeed kale pingsten. Waa ciid krishtaan.

Juun

6 juun waa maalinta qaranka Iswiidhan, waana maalin ciid. Maalinta qaranka waxay dad badan labbistaan dharka hiddaha iyo dhaqanka. Dharku weey kala duwan hadba qeeybta Iswiidhan ee uu qofka ka soo jeedo.

Biloowgii bisha juun waxaa bilaawdo fasaxa xilliga fasaxa kuleelaha ee carruurta. Iskuulada waxaa caruurta loogu qabtaa xafladda iskuul xirida. Waxaa loo xafladeeyna maadama xili dugsiyeedka uu dhamaaday, fasaxa kuleelahana bilaabanaayo. Marka ee carruurta ay yaryar yihiin waxaa wehliya waalidiintooda.


Midsommar lagu qabtay Nääs.
Masawirqaade: Bianca Rösner

Maalinta ka horeeysa maalinta munaasabada Midsommar waa maalin ciideed ee caan ah. Midsommar waxaa mar kasta loo dabbaaldegga maalinta jimcada ku soo aadeeyso inta uu dhaxeeyso 19 juun iyo 25 juun. Munaasabada Midsommar waxaa la dabbaaldegi jiray intii dalka Iswiidan usan noqon dal krishtaan ah. Maalinta midsommar ka horeeyso waxaa lagu ag ciyaara geed loo yaqaanno midsommarstång. Waa bir/qori dheer oo lagu farshaxameeyay baal iyo ubax. Dad badani waxay timaha ku sitaan ubax. Maalinta midsommar waxaa caado ahaan loo cunna kalluun kala nooc ah, baradho iyo miro.

Luuliyo iyo agoosto

Dadwaynaha dalka Iswiidan ku nol badidooda waxay fasax shaqada ka qaataan bilaha luulyo iyo agoosto. 20 agoosta ku dhawaadkeeda ayee iskuulada dib loo bilaabaa. Dhammaadka bisha agoosto waxaa caadi ah xaflad la cunno kalluun nooc gaar ah kräftskiva. Waa xaflad la cunno nooca kallunkaas oo la kariyay. Badanaa waxaa loola cabba hal galas oo khamri culus ah. Taasoo loo yaqaanno nubbe ama snaps. Isla markaas waxaa la heesaa heeso loo yaqaanno nubbevisor ama snapsvisor.

Sebtembar iyo oktoobar

Dhammaadka bisha oktoobar ama biloowga bisha nofeembar way xiran yihiin dugsiyada, carruurta mudo hal isbuuc ah. Waxaa loo yaqaan höstlov ama läslov.

Marka eey bilooyinka oktoobar iyo nofeembar isbadalayaan waa halooween. Xilligaas carruurta waxay u labbistaan hab, kaddibna albaabada ayay dadka ku garaacaan oo ay soo waydiistaan nacnac. Dad badan waxay soo iibsadaan bocor waawayn kaddib dhexgeliyaan shumac. Halloween waa caado dalka Iswiidan ku cusub. Caadadaas waxeey ka timid bilaawgii dalka Irland, kadibna mareeykanka ayaa lagu sii badalay ayadoo ee la tageen halkaas soo-galooyti ka yimid irland.

Jom Kippur

Bisha Sibteembar ama oktoobar waxaa soo gala Jom Kippur oo ah ciid muhiim u ah diinta yahuudda. Waxaa loogu dabbaal dagaa soon, alle bari, iyo in dadka kale caf iyo masaafax la weydiisto. Jom Kippur (maalinta isa saamaxa) waxeey soo gashaa marka eey dhamaadaan tobanka maalin ee ugu horreeyso sanadka cusub ee yahuudda (Rosh Hashana).

Noofambar

Munaasabada Alla helgons dag waxaa la dabbaaldegga maalin sabti ah oo u dhaxaysa 31 oktoobar ilaa 6 nofeembar. Alla helgons dag ciid krishtaan ciid waa maalin dadkii geeriyooday la soo xusuusto. Dad badan ku nol dalka Iswiidan waxay booqdaan qubuuraha eheladii iyo saaxiibadii ka geeriyooday.

Disimbar

Disimbar waa biisha ciid-diimeedka krismaska. Krismaska waa ciid-diimeed oo lagu xuso dhalashadii Nabi Ciise.

13 disambar waa Maalinta-Lucia. Iswiidhan waxaa loogu dabaldagaa maalinta Lucia si uu iftiaanka usoo laabto xilliga barafka kadib. Caruurta xanaanada iyo iskuulada dhigto waxeey gashtaan dhar cad, waxeeynaa heesaan heeso gaar ah oo ku saabsan Lucia iyo krismaska.

 

Munasabada Lucia ee 13 bisha disambar.

Masawirqaade: Colourbox

Maalmo ka hor inta aan la gaarin maalinta ka horeeyso krismaska ayaa iskuulada la xiraa. Caruurta markaas waxeey ku jiraan fasaxa krismaska, waxeeyna fasax lee yihiin ilaa bilaawga janaayo. 24 disambar waa maalinta ka horeeyso maalinta krismaska. Dadka badana ee Iswiidhan waxuu krismaska uu yahay ciid lala qaato reerka. Waxaa la cunaa cunto krismas ee gaar ah, tusaale ahaan raashin tusaale ahaan laba nooc oo kalluun ah, baradho, hiliba qansiirka, khilibka la isku kuuso (köttbullar) soor bariis. Waxaa la is siiyaa hadiyo loo yaqaan hadiyadaha-krismaska. Reer badan waxeey keensadaan geedka krismaska. Geedkaas waxaa la suraa iftiimo, baliil iyo waxyaalo birqo. Geedkaas hoostiis ayaa la dhigaa hadiyadaha.

6 janaayo waa maalinta-sadaxiitobanaad, waana maalin fasax ah. 13 janaayo ayuu dhamaada krismaska, waxaana markaas la qaadaa waxyaalaha krismaska hadana la tuuraa geedka-krismaska.

Farshaxanka krismaska.
Masawirqaade: Colourbox
 

Ramadan

Ramadan waa bisha muudo ee musliimaanta soomaan hal bil. Dadka waa weeyn ee sooman waxaa markaas ka mamnuucan cunid, cabid, galmo inta uu dhaxeeyso qorax soo baxa iyo qorax dhaca. Ramadan waxaa lagu dhameeystiraa xalad weeyn, ciid al fidr. Dumarka uurka leh ama canug nuujinaayo uma baahna iney soomaan. Qofka da'da ah iyo qofka jiran sido kalena uma baahna. Ramadan waxuu bilaawdaa bisha sagaaleed ee sanadka islaamka. Waxuu ku aadsamaa muudooyin kala duwan maadama uu ku adanyahay bil tirista.

 

< Aad bogga la soo dhaafay

U gudub bogga ku xiga >

Ullaabo menyuuga

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri