Xanaaneeynta caruurta iyo da' yarta

Waalidka iyo qofka kale ee xilhayeha xannaanadda cunugga ayee saaran tahay mas'uuliyada xanaanada carrurta laakin waxaa jiro caawinaad ee ka heli karaan bulshada. Caruurta iyo dhallinyarada Iswiidhan joogo dhamaantood waxeey xaq uu lee yihiin xanaano carruureed, iskool iyo daryeel caafimaad.

Waalidiinta badankood waxeey xariir fiican la lee yiihin xarunta daryeelka caafimaadka hooyada (MVC)  inta uu canuga dhalanin kadibna waxeey xiriir la leeyihiin rugta caafimaadka dhallaanka marka uu ilmuhu dhasho illaa oo kasoo koraayo. Waxaa halkaas ka shaqeeyo umuliso, kaalkaaliyaal iyo dhakhtar. Booqashada rugta caafimaadka hooyada iyo dhallaanka waa lacag la'aan.

Xarunta daryeelka hooyooyinka

Qaabbilaadda umulisada iyo xarunta daryeelka hooyoyinka, (MVC) waa xarun loogu tala galay in lagu baaro caafimaadka cunuga iyo caafimaadkaada si loo ogaado in wax kasta eey okeey yihiin. Umulisada weey miisaameysaa, cabbireysaa waxeyna siineysaa wadahadal ku saabsan uurka iyo foosha waxeeyna ka jawaabeysaa su'aalaha eey waalidiinta cusub qabaan.

Xarunta daryeelka hooyooyinka waxay qabanqaabisaa kulammo oo uurleyda ka heli karto warbixinno xiriir la leh uur-qabida, dhalmada iyo naasnuujinta. Waalidka caadi ahaan wuu ka qaybgalaa kulamadaas iyo booqashooyinka. Waxaa kaloo caadi ka ah in waalidka kale uu goobjoog ka noqdaan markii hooyada ay ummulayso.

Ilmo hadda dhashay
Masawirqaade: Maria Nobel

Rugta daryeelka caafimaadka carruurta

Rugta daryeelka caafimaadka carruurta (BVC) waxeey caawinaad siiyaan waalidka waxeeyna baaraan caafimaadka canuga inuu sida la rabo u koraayo oo waxkastana sidii la rabay yihiin. Waxaa kaloo heli kartaa talooyin iyo caawimaad ku saabsan sida ugu wanaagsan ee aad u xanaaneyn kartid cunugaaga. Waalidku wuxuu rugta daryeelka caafimaadka carruurta ka heli karaa talooyin ku saabsan korniinka dhallanka, naas-nuujinta, raashinka iyo cudurrada. Dhalmada kaddib markii ummusha ay gurigeed ku soo laabato, waa in khadka taleefanka rugta daryeelka caafimaadka carruurta kula xiriirtaa oo ay ballanka kulanka ugu horeeyo qabsataa. Kulanka koobaad waxaa marmar lagu qabtaa guriga. Xilliga kullanka kalkaalisada waxay ka warbixinaysaa hawlaha rugta daryeelka caafimaadka carruurta, waxeeyna baaraysa caafimaadka dhallanka. Waxaa kaloo dhallanka baari doono dhakhtar. Booqashada dakhtarka rugta daryeelka caafimaadka carruurta ee ugu horeeyso caadi ahaan waxay ku aadan tahay markii cunugga u jiro lex ilaa sideed toddobaad. Kadibna waxaa ka danbeeyo booqashooyin badan oo lagu baaraayo caafimaadka sanadkasto ilaa uu canuga iskuul ka bilbaayo.

Rugta daryeelka caafimaadka waxaa waalidka loogu soo bandhigaa tallalida canuga. Iswiidhan waxeey lee dahay barnaamij tallaal oo carruta looga tallalo sagaal cudur oo ay ka mid yihiin cudurka qallalka, xiiqdheer, dhuungooyo, teetano, jadeeco, cudurka faafo oo damanka barariyo iyo cudur finan yar-yar leh. Fikrada laga lee yahay barnaamijka tallaalka waa in canuga uu uhelo difaac cudurada iyo in aan la isqabadsiin.

Daryeelka caafimaadka dugsiyada

Marka ee carruurta dugsi dhigtaan waxeey uu tagaan daryeelka caafimaadka dugsiyada si ee ugu hortagaan caafimaad dari.

Dhamaan ardayda dhigto fasalka barbaarinta dugsiga hoosedhexe iyo dugsi sare, waxeey xaq uu lee yihiin daryeelka caafimaadka dugsiyada.

Ardayda waxaa loo soobandhigaa booqasho-caafimaad sadax jeer in ee boqdaan mudada dugsiga hoose-dhexe iyo hal jeer inta ee dhiganayaan dugsiga sare. Booqashadacaafimaadka waxeey ka kooban tahay wadahadal caafimaad, koontaroolida dhirirka, miisaanka, aragtida iyo dhabarka. Dugsiyada waxaa kale oo joogo shaqaale ka wadashaqeeyo caafimaadka ardayda. Waxeey ahaan karaan lataliyaasha, kalkaaliyaasha, maamulyaasha dugsiga iyo macalimiinta.

Gabdhaha dhigta fasallada 5 ama 6 waxaa la siinayaa oo loosoo bandhigayaa tallaalka (HPV). Tallaalka waxuu ka celinayaan oo uu ka hor istaagayaa kansarka ku dhaca afka hore ee ilma galeenka.

In waalid lagu ahaado dal cusub

U guurida dal kale waa is bedel weyn oo qofka wayn iyo carruurta saamayn wayn ku yeelanayso. Markii waalidka loo bardhiga carrurtaa ayaa marmarka qaarkood la sahlan tahay laqabsashada bulshada cusub. Sidaas darteed ayuu waalidka uu noqon karaa mid canuga aan ka marmin markii la xariiraayo meelaha kala duwan ee bulshada. Taasi waxeey qooyska uu keeni kartaa in xilkii waalidka iyo caruurta is badalaan waxeyna noqoneysaa mararka qaar in cunuga la saaro mas'uuliyad weyn. Carruurta waxey tusaale ahaan turjumaan u noqonayaan waalidiintooda markey xiriir la sameeynayaan iskoolka xanaanada, iskoolka, xafiisyada dowladda iyo goobaha caafimaadka.

Sidaas darteedna ayee muhiim u tahay in waalidka uu wax ka garto bulshada ee reerka usoo guureen isla markaana uu fahmo in xaaladda cusub ee carruurtooda eey iyaga xattaa qeyb ka yihiin. Markaas ayaa waalidka helayaan hab wanaagsan oo xoogan oo canuga ugu abuuraan bey'ad fiican oo aamin ah. Haddii uu qooyska dhan wada fahamsanyahay bulshada cusub uu hadanana arki karo farqiyada iyo waxyaalaha ee iskaga mid yihiin meeshi uu ka yimid, waxuu canuga sidaas ku helaa nolol xasillan. Dhalinyaro badan marka ee xilliga dhalinyarnimada gaaran waxeey isku dayaan in ee iska xureeyaan waalidka. Waxeey doonayaan in isku filnaadaan oo isku diyaariyaan mustaqbalka. Waalidka waxaa mas'uuliyad uga saaran tahay in caruurta uu ee ku taageeraan hoowlahooda mustaqbaleed. Waa muhiim in waalidka uu helo hab isku dheeli tirid leh oo xad ugu yeelo canuga. Isla markaana canuga waa in uu ku hormaaraa dalka cusub.

Masawirqaade: Jesper Svensson

Jaceeyl iyo xariir

Bulshooyinka iyo dhaqamada waa ku kala duwnaan karaan sida loo arko jaceeyl iyo xariir. Isla markaana waxeey ku xiran tahay qofka sida uu yahay. Dad badan oo Iswiidhan joogo waxaa caadi la ah in ee qofka ee jeclyihiin isla degaan ama caruur iska dhalaan ayagoo is guursan. Sido kale waxuu dadka badankiisa u furfuran yahay dhalinyarka jaceeylkooda, xariirkooda iyo hab-galmadooda. Dhallinyaro badan waxeey leeyihiin hal ama qaar badan oo uu xiriir jaceyl uu ka dhaxeeyo marka eey korayaan.

Sharciga mamnuucaya jirdilda carruurta

Iswiidhan waxaa ka jiro sharci la yiraahdo Xeerka waalidiinta. Xeerkaas waxaa ku qoran in carruurta ay xaq ku leeyihiin daryeelid, xannaanayn, badbaadin iyo barbaarin wanaagsan. Qeeyb ka mid ah xeerkaas waxaa lagu magacaabaa anti-agalagen, wuxuuna hirgalay markii sannadka u ahaa 1979. Erayga aga waa eray iswiidhishka uu isticmaali jireen marka canuga barbaarin awgeed loo garaaco. Sharcigaan waxuu mamnuuca in barbaarinta awgeed carruurta loo geysto dhammaan falalka ku salaysan jirdil iyo fal wax yeelaayo caafimaadka maskaxdooda. Jirdilka jirka waa nooc kasto oo ka mid ah xoog-isticmaalka jirka loo geeysto. Waxaa xattaa mamnuuc ah jug fudud, timo-jiidida iyo qanjaruufada.

Dhinaca kale dabcan halis ka badbaadin awgeed, waa laga fogeyn karaa cunugga wax halis ah sida maakinada cuntada lagu karsado oo kulul, dariishad furan ama kale oo dhaawac u geysan kara cunugga.

Waxyeelka caafimaadka maskaxda wuxuu noqon karaa hanjibaad, cabsi-gelin, cidlayn ama qol ku xirid. Falalka waxyeela caafimaadka maskaxda iyo jirkaba waxeey dhawaacayaan kalsooniqabka iyo korniinka cunuga.

Masawirqaade: Colourbox

Aragtida xiriirka la leh barbaarinta carruurta ee Iswiidhan

Waalidiinta badankooda jacaylka ay carruurtooda u qaban ayaa ah arrinta ugu muhimsan noloshooda. Cunug kasta wuxuu u baahan yahay qof waalid ah iyo qof wayn. Qofka wayn wuxuu cunugga siinayaa hogaamin, dhiirigelin iyo jacayl. Mida kalena waxuu qofka wayn cunugga u yeelayaa xaddayn. Kalsooni qabka cunugga waa waxeey ku xiran tahay qaabka loo soo barbaariyay, taasoo aad muhim u ah. Cunugga hab wanaagsan ku soo barbaaray wuxuu ku guulaysta waxbarashada iyo nolasha mustaqbalka.

Boqolkii sano ayee wax badan iska beddeleen aragtida barbaarinta carruurta ee Iswiidhan. Intii lagu jiray bilaawgii 1900-yimadii waalid badan waxeey ahaayeen kuwo adag. Waxaan muhiim aheeyd in canuga uu dhageeysto dadka waaweeyn. Jirdil ciqaabeedka, aga, waxaa dad badan uu arkaayeen qeeyb ka mid ah barbaarista.

1950-yimadii yio 1960-yimadoo ayaa dad badan ka soo horjeesteen barbaarinta adag ee nuucaas ah. Dad badan ayaa badalay sida ee uu arkaayeen barbaarinta-caruurta. Waxaa laga sii hadlay in loo barbaarista carruurta ku dhisnaato xushmad loo lee yahay. Laakin waxaa wali caadi aheeyd in carruurta barbaarin awgeed loo ciqaabo.

1970-yimadii waxeey soo badatay aragtida demoqraadiyada maanta ee ku saabsan barbaarinta-carruurta. Ula jeedada laga lee yahay waa in canuga uu kaligiis fakaro, mas'uuliyadana kadibna noqdo qof madaxbanaan oo leh kalsooni fiican.

Masawirqaade: Colourbox

Adeegga bulshada

Xafiiska adeegga bulshada wuxuu siyaabo kala duwan uga shaqeeyaa in caruurta iyo dhalinyarada ey helaan barbaarin sugan. Haddii qoysku u qabo dhibaato-qoyseed, wuxuu caawinaad kala xiriiri karaa Xafiiska adeegga bulshada ama xafiiska arrimaha qoysaska ka yaalo degmada. In la doonto caawimaad ku saabsan sidii aad u noqon laheyd waalid fiican waa qaab ka mid ah qaadidda mas'uuliyadda waalidnimo. Waalidiinta dalbada oo raadsada caawimaadda waqti hore waxeey hadhoow ka fakadaan ineey ciyaalka ka halllaabaan.

Marka uu cunug ku suganyahay xaalad xun waxaa wada shaqeeya xafiiska adeega bulshada iyo dad kale si eey wada jir u suurto galiyaan inuu cunuga ku noolaado nolol wanaagsan. Xafiiska bulshada waxuu aqoon u leeyahay inuu ka shaqeeyo dhibaatooyinka kala duwan ee qoysaska. waxeey tusaale ahaan noqon karaan dagaal badan oo guriga ah, waalidiin ka walwalsan caafimaadkooda oo weydiinaya haddii eey carruurtooda saameyneyso, carruur cidlo dareensan, carruur kufsi, hanjabaad, cunsurinimo loo geystay, carruur dambi gashay, carruur khamri cabaya ama mukhaadaraad ama carruur la nool qoysas aalkoliistayaal ah.

Xafiiska adeegga bulshada waa in uu baaritaan ku dhaqaaqa haddii uu helo dacwad ku saabsan in canuga si xun loola dhaqmo. Dacwaddaas waxey ka imaan kartaa tusaale ahan, macalin, mudiir, boliis ama shaqaalaha caafimaadka. Waa waajib saaran ineey dacwad ka gudbiyaan haddii eey walaac ka muujiyaan xaaladda ilmaha. Waxeey kaloo ahaan kartaa qof xiriir la sameeyay qoyska oo walaac ka muujiyay xaaladda cunuga. Marka xafiiska adeega bulshada ey dacwada soo gaarto waxuu go'aaminyaa in cunuga durbadiiba gabbaad la siinayo. Xafiiska waxuu kaloo bilaabayaaa baaritaan ku saabsan caawimaadda eey qoyska iyo cunugaba u baahanyihiin. Waalidiinta iyo carruurta labadaba qeyb ayey ka haanayaan baaritaanka.

Waxaa caadaa in xafiiska adeegga bulshada iyo qoyska eey isku af gartaan cawimaadda uu qoyska u baahanyahay. Marka koowaad caawimaadda uu xafiiska adeegga bulshada haayo in lala siinayo waalidiinta ayaa la saxiixayaa.

Haddii eey jiraan khatar ku saabsan ilmaha caafimaadkiisa ama korriinkiisa sababo la xiriira xaalka gurigiisa ama sida uu u dhaqmaayo, markaas waxey xafiiska adeegga bulshada go'aamin karaan go'aan lid ku ah waxa eey waalidiinta rabaan. Waxey ahaan kartaa in cunuga uu waqti gaaban ama mid dheer uu la degnaado qoys kale ama guri xanaano oo leh goob daryeel (HVB).

 

< Aad bogga la soo dhaafay

U gudub bogga ku xiga >

Ullaabo menyuuga

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri