Waa maxay caafimaadka?

In qofka uu caafimadkiisu fiican yahay mecnaheed waa in uu caafimaad qabo oo la fiyow yahay. Caafimaadkaada waxaa saameeyn ku yeelan karo tusaale ahaan, waxaad cunto, kadeedka, hurdada, sigaar cabida, khamriga iyo maandooriyada. Waxaa kale oo caafimaadka saameeyn ku yeelan karo waa, in aad isku faraxsan tahay, dadka agagaarkada joogo iyo haddii aad uu aragto in noloshaada mecno lee dahay.

Sido kale bulsahadaada aad joogto caafimaadka wax badan ayee ugu fadhisaa, tusaale ahaan habka aad uu degan tahay, shaqada aad ka qabato iyo haddii aad dareensan tahay in aad qaayb ka tahay bulshada.

Waxa go’aamiyo caafimaadka, laga soo xigtay Dahlgren & Whitehead

Caafimaadka dadweeynaha

Caafimaadka dadweynuhu waxuu saabsan yahay caafimaadka dhamaan dadweeynaha joogo dalka. Xaqqa helida caafimaad fiican waxeey ka mid tahay xuquuqda aadanaha. Dowlada waxeey mas'uul ka tahay in dadka dhan ee joogo bulshada helaan, tusaale ahaan, caafimaadka ee uu baahanyihiin. Xukuumada Iswiidhan iyo hey'addaha dowladeed ee kala duwan, waxeey hoowl ka qabtaan sida ee dadka caafimaad fiican uu heli lahaayeen.

Saddax fac
Masawirqaade: Colourbox

Hey'adda caafimaadka dadweeynaha waa hey'ad dowladeed oo qaranka mas'uul looga dhigay arimaha ku saabsan caafimaadka dadweeynaha. Waxeey hey'addan uu shaqeeysaa si dhamaan dadka Iswiidhan joogo uu helaan caafimaad fiican. Hey'adda caafimaadka dadweeynaha waxeey si gaar uga shaqeeysaa kow iyo toban qeeyb oo kala duwan. Qeeybahaas waa:

  • In qofka ka qeeyb qaato iyo in saameyn ku yeesho bulshada.
  • Ammaan ku aadan dhaqaalaha iyo bulshada.
  • Xaalada-korrinka caruurta iyo dhalinyarta.
  • Caafimaadka shaqaalaha.
  • Bey'addaha iyo badeecada.
  • Sii hagaajintaa daryeelka caafimaadka iyo bukaanka.
  • Ka hortagida cudurada faafo.
  • Galmada iyo caafimaadka.
  • Jimicsiga jirka.
  • Cadeeysi fiican ee cunto cunida iyo raashinka.
  • Khamri, maandooriyo, isticmaalida maadooyinka awood-siinta, tobaako iyo qamaar.

Ayadoo ee hey'addaha dowladu uu shaqeeyaan sida usii ficneey lahayeen caafimaadka-dadweeynaha, waxaa wali sii jiro farqi uu dhaxeeyaa caafimaadka kooxyo kala duwan oo ka tirsan bulshada. Dakda waxbarshada yar iyo dakhliga yar leh waxeey inta badanaa ka caafimaad xunyihiin dadka ka waxbarasho badan, kana dhaqaalo badan.

Cadeeysi fiican ee cunto cunida

Waxa aad cunto iyo waxa aad cabto waxeey mecno weeyn ugu fadhiyaan caafimaadka iyo sida aad dareeysantahay. Wanaajinta cunto cunida iyo idhaqdhaqaaqa waxeey yareenaayaan khatarta helida cuduro badan, oo ka mid yihiin cudurada wadnaha iyo xiddidada, cudurka sokorrowga, kansarka iyo xanuunyo maskaxeed.

Jirka waxuu uu baahnyahay maadooyin kala duwan. Si aad u hesho dhammaan maaddooyinka jirku u baahan yahay waxaa muhiim ah in aad cunto cuntooyin kala duwan. Haddii aad cunto quraacda, qadada iyo cashada waqtiyo go’an, waxaa fududaaneeyso in aad cunto in kugu filan.

Masawirqaade: Colourbox

Talo oo ku saabsan cuntada u fiican caafimaadka

Hey’adda arrimaha raashinka (Livsmedelsverket) waa hwy’ad dowladeed oo ka shaqeysa arrimaha la xiriira cuntada. Hey’adda arrimaha raashinka waxaay ku siineeysaa talooyin badan oo ku saabsan cuntada u wanaagsan caafimaadka, tusaale ahaan:

  • Waxaad badsataa oo cuntaa khudaarta iyo cagaarka. Dooro khudradda waaweyn iyo kuwa salka leh, kaabashka nuucyadiisa kala duwan, digir iyo basal. Faa'iido caafimad oo badan ayey leedahay cunidda khudaarta.
  • Waxaad cuntaa raashinka laga sameeyey daqiiqda firida qabadinka oo qalkii lagu ridqay (fullkorn) markii aad cuneeyso rootiga, baastada, bariska, koonfelegeska iyo firi qabadin (gryn).
  • Cun mallaayga ama kallunka marar badan, qiyaastii labo illaa saddex mar toddobaadkiiba. Isku dheelli tir cunto subag leh iyo mid aanan laheyn waxaadna doorataa cuntada aan la bacriminin.
  • Isticmaal subagga faa'iidada leh marka aad cunto karineyso, sida ooliyada geed gaabka iyo subagga faa'iidada leh.

Calaamadda daloolka furuhu

Dukaamada cuntada waxaa yaal cuntooyin ay ku dhegsan yihiin sawir u eg daloolka furaha. Waxaa cuntada noocaas ah ku yar dufanka, sonkorta iyo cusbada. Waxaana ku badan maaddada fiber marka la barbar dhigo cuntooyinka aan calaamaddas lahayn. Hey’adda arrimaha raashinka waxey talo ku bixineysaa cunto eey baakadahooda ku sawirantahay duleelka furaha.

Talooyin ku socdo dadka waaweyn

Dad badan oo waaweyn waxay dareemi lahaayeen caafimaad haddii ay cunista dufanka yareeysan lahaayeen. Dufanka aan dhaqso u milmin waxaa laga helaa xoolaha. Dufankaa aan dhaqso u milmin waxeey kku jiraan caanaha dufanka badan, garoorka, subagga burcadka ah, hilibka baruurta leh, labeenta, jallaatada iyo shukulaatada. Sido kale dufanka aan dhaqso u milmin waxaa laga helaa saliida dhirta sida saliida qumbaha iyo geed hindiga. Dufanka aan dhaqso u milmin wuxuu siyaadiyaa khatarta cudurrada wadnaha iyo xiddidada.

Dufanka dhaqso umilma wuxuu u wanaagsan yahay jirka. Wuxuuna yareeyaa khatarta cudurrada wadnaha iyo xiddidada. Dufanka dhaqso u milma waxaa laga helaa saliidda dhirta badankeed, subagga dareeraha ah, mallaayga, iyo noocyada lawska.

Khudaarta iyo cagaarka waxaa laga helaa maaddooyin jirku ubaahan yahay, sida fiitamiinno, macdan iyo fiiber. Khudaarta ay ka mid yihiin dabacasaha, barokoli, digirta iyo noocyada kabashka waxaa ku jiro fiiberka. Waa wanaagsantahay in maalin walba la cuno khudaar iyo cagaar.

Mallaayga iyo xayawaanka badda waxaa ku badan fiitamiinada iyo macdanta. Waxaa kaloo mallaayga laga helaa dufan lagu magacaabo omega 3. Wuxuuna u wanaagsan yahay wadnaha, dhiigga iyo cadaadiska dhiigga.

Haddii aad dooneyso in miisaankaagu uu noqdo mid caafimaad leh ha badsan cunista ee ku jirto sonkorta iyo dufanka. Sidaas darteed iska ilaali cabidda cabitaannada aashitada sokorta leh iyo cunida nacnaca, bardhada shiilan, doolshaha iyo shukulaatada.

Talooyin ku socdo caruurta

Caruurta waxeey uubahan yihiin in ee cunta nafaqo leh ku cunaan xilliyo go'an. Si ay si six ah ugu koraan oo ugu weynaadaan.

Dhallanka cuntada ugu fiican waa caanaha-hooyada (caanaha naaska) ama caanaha ama caanaha loo qaso caruurta yar. Rugta daryeelka caruurta (BVC) waxaad ka heli kartaa warbixin dheeraad ah oo ku saabsan cunto caruurta uu wanaagsan.

Bogga internetka Hey'adda arrimaha cuntada www.slv.se ayaa ka akhrisan kartaa warbixin dheeraad ah oo ku saabsan cuntada caruurta uu wanaagsan.

Dhaqdhaqaaqa iyo jimicsiga

Bani aadanku wuxuu caafimaadkiisa ugu baahan yahay in uu dhaqdhaqaaqo. Jimicsiga waxuu yareeyaa cudurro badan oo ay ka mid yihiin cudurrada wadnaha iyo xiddidada, iyo cudurrada kansarka qaarkood. Jimicsiguna wuxuu ku kordhinaa farxad. Jiifka ayaa ku wangaasamaayo, kadeedka ayaa ka yaranaayo, miisaankaaguna ma kuugu kordhaayo. Dadka waaweyn waa in ay dhaqdhaqaaq socod sameeyaan 30 daqiiqo maalin walba. Uma baahnid in aad samayso jimicsi badan si aad u caafimaaddo. Waxaa kugu filan adigoo lugeeya.

Carruurtu waxay u baahan yihiin dhaqdhaqaaq ka badan kan dadka waaweyn. Si ay u caafimaadqabaan waxay ubaahan yihiin 60 daqiiqo oo dhaqdhaqaaq ah maalin walba.

Kadeed

Dad badan ayaa waxay dareemaan kadeed (isteriska). Taasina ma u baahna in ay noqoto arrin khatar ah. Kadeedka wuxuu qofka siiyaa awood badan oo uu ku xalliyo xaaladooyin adag. Laakiin haddii uu kadeedka badan wuxuu khatar ku noqon karaa caafimaadka. Haddii aad dareemeyso kadeed, waxaa wanaagsan in aad marka hore fahanto sababta. Markaas waxaa isku dayi kartaa in aad xaaladaada wax ka baddasho.

Astaamaha lagu garto kadeedka waxay yihiin hurdo xumi iyo adigoo dareensan farxada oo yaraato. Waxaa kuugu adkaan karta in aad wax isku taxallujiso, xasuustaada ayaa xumaan karta oo waxaa kugu dhici kara calool-xanuun, madaxxanuun iyo xanuun qeeybo kale ee jirka ka tirsan.

Haaddii aad dhaqdhaqaaqa badsato, cunto fiican cunto oo in kuugu filan seexato, waxaad jirka ku caawineeysaa in uu ka moodo kadeedka.

Hurdada

Waa muhiim in aad hesho hurdo wanaagsan si aad u dareeynto ficnaansho. Qofka weyn wuxuu u baahan yahay lix ilaa sagaal saacadood afar iyo laabatankii saacba. Caruurta iyo dhalinyarada waxay u baahan yihiin sacoodooyin intaas ka badan.

Waa caadi in qofku dhibaato kala kulmo hurdada. Waxaana sabab u noqon karo arrimo badan oo ay ka mid yihiin tubaakada, khamriga, kuurada, cudur, welwel iyo kadeed ama cuntada la cuno xilli danbe.

Waxaad si gaar ah uu sameeyn karti si ee hurdada ku sii ficnaato waa in aad seexato qol mugdi ah, shibna isla markaana qandac ah. Hurdada waxeey ku sii sahlanaa kartaa haddii aad iska ilaaliso cunto-cunida xilliga aad seexa rabtid. Haddii aad seexato aadna soo kacdo maalin walba isla waqtigaas, waxeey kuu sahli kartaa in aad hesho hurdo fiican.

Haddii aad xilli dheer hurdada dhibaatooyin kala sii kulantid waxaa fiican in aad raadsatid daryeel caafimaad.

Caafimaadka galmada iyo tarmidda

Caafimaad galmo waxaa loola jeedaa in caafimaadkaada jir ahaneed, mid maskaxeed iyo bulshadeed uu okeey yahay iyadoo laga duulayo galmadaada. Waxey ku saabsantahay xuquuqda ah inaad jirkaada u isticmaali kartid sida aad rabtid adigoon khatar u galineyn kufsi, xoog ama takoorid. Caafimaad taran waxuu ku saabsanyahay warbixinta, daryeelka iyo adeegga uu oqf walba xaqa u leeyahay si uu u qorsheeyo dhlid carruur. Waa in la helaa daryeel fiican marka uu cunuga dhalanaayo, helitaanka daawada uur joojinta iyo inaad ilmaha si halis la'aan ah aad isaga soo ridi karitd. Qof kasta waxeey xaq u leedahay ineey go'aamiso haddii ey rabto ineey carruur dhasho iyo haddii kale.

 

< Ullaabo cutubka lasoo dhaafay

U gudub bogga ku xiga >

Ullaabo menyuuga

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri