Xaggee la xarireeysaa?

Adiga iyo caruurtaada marka ee jiradaan, waxaad marka hore la xariira rugta caafimaadka. Rugta caafimaadka waxaa xiran tahay habeenka iyo maalmaha fasaxa. Haddii aad daryeel dhaqso ugu baahantahay waxaad tageeysaa qaabilaadaheeganka ama gargaarka degdega. Waxaad qaabiladaheeganka kuugu dhow ka warsataa rugta caafimaadka ama ka akhriso bogga internetka rugta caafimaadka.

Daryeelka asaasiga ah ee caafimaadka

Daryeelka asaasiga ahi waa oo ka baxsan isbitaalada, sida rugta caafimaadka. Waxaana daryeelka asaasiga ah ka mid ah rugaha daryeelka caafimaadka, rugaha daryeelka hooyooyinka, MVC rugaha daryeelka carruurta, BVC rugaha jimcsiga bukaanka, rugaha dhaqancelinta jirka buka ama dhaawacmay, aqoonyahanka cilmi-nafsiga, aqoonyahanka cudurrada maskaxda iyo qaabbilaadda dhallinyarada.

Masawirqaade: Colourbox

Haddii aad xanuunsato, la xiriir marka hore rugaha daryeelka caafimaadka.

Marka aad dalka ku cusub tahayna waxaa rugta caafimaadka ku mareeysaa baaritaanka-caafimaadka. Baaritaankacaafimaadka waxaa lagu la yeelanayaa wareysi aad uga jawaabeyso su’aalo ku saabsan caafimaadkaaga. Shaqaalaha caafimaadku waxay kaa qaadayaan baaritaanno kala duwan oo loo diro shaybaarka.

Doorashada rugta caafimaadka

Waalidka ama qofka xanaanda sharciga leh ayaa caruurta ka hooseeyo 18 sano u dooraayo rugta caafimaadka. Gobollada qaar waxaa kaaga filan inaad 16 sano jirsatid si aad adiga u dalbatid rugta caafimaadka.

Dad badan waxeey doortaan rugta caafimaadka ugu dhow. Sido kale waxaad kala doorankartaa rugta caafimaadka dowlada lee dehay iyo mid gaar ah (barayfat). Marka hore aad aado rugta caafimaadka, weey ku diiwaangalinaayaan.

Haddii aadan dooran rug caafimaad, waxaa laguugu qoraa rugta caafimaadka kuugu dhow.

Marka aad doonto ayaa iska badali kartaa rugta caafimaadka, tusaale ahaan haddii aad uu guurto. Haddii aad dooneeyso in aad iska badasho rugta caafimaadka, waxaad uu tageeysaa rugta caafimaadka aad uu badalaneeysid.

Shaqaalaha daryeelka

Daryeelka caafimaadka waxaa ka shaqeeyo shaqaale kala duwan. Waxaad halkaan ka akhrisan kartaa daryeelka caafimaadka Iswiidhan shaqaalaha joogo ee ugu badan:

Dhakhtarada daaweynta guud

Waxaa badanaa rugaha daryeelka caafimaadka jooga dakhtaro daaweyn guud. Mecnaheed waa in ee baaraan oo daaweeyaan bukaanka qaba cudurrada caadiga ah.

Dakhtarada daawynta guud waxay kaloo ka shaqeeyaan daryeel caafimaad ka hortagga ah. Mecnaheed waa in dadka ka caawinaan ka hortagga cudurrada. Waxaana ka mid noqon kara in dadka laga caawino joojinta cabbidda sigaarka, misaan iska dhimidda iyo yaraysiga cabbidda khamriga.

Dakhtarada daaweynta guud waxay arkayaan haddii aad u baahan dakhtar takhusas ah, sida dhakhtarka indhaha ama dhakhtarka wadnaha. Waxuuna markaas dhakhtarka daaweeynta guud u diraa waraaqad (remiss) gaarah xarun qaabilaad oo takhtarada kale takhasusa leh.

Kalkaaliyayaasha caafimaadka

Dhammaan meelaha aad daryeelka ka doonaneyso waxaa ka shaqeeya kalkaaliyayaal caafimaad. Kuwo badan oo ka mid ah kalkaaliyayaal caafimaadka, waxay aqoon dheeraad ah u leeyihiin maaddooyin gaar ah sida cilmiga cudurrada maskaxda.

Kalkaaliyayaasha hoose ee caafimaadka

Kalkaaliyayaasha hoose waxay la shaqeeyaan dakhtarada iyo kalkaaliyayaasha caafimaadka. Waxayna tusaale ahaan qabtaan qaadista dhiigga iyo dhayida nabarrada.

Aqoonyahanada jimicsiga bukaanka iyo dhaqancelinta jirka bukooday

Aqoonyahanka jimicsiga bukaanka wuxuu caawinaa dadka ay dhib ku tahay in ay dhaqdhaqaaqaan sida qof dhabarku xanuunayo.

Aqoonyahanka dhaqancelinta bukaanka wuxuu caawinaa dadka cudur ku dhacay ama dhaawacmay si ay nololmaalmeed wanaagsan ugu noolaadaan.

Aqoonyahanada cilmi-nafsiga, dakhtarada cudurrada maskaxda iyo lataliyayaasha

Aqoonyahanada cilmi-nafsiga, dakhtarada cudurrada maskaxda iyo lataliyayaashu waxay caawiyaan dadka maskax ahaan xanuunsan, oo uu sababay cudurka niyad-jabka (depression) ama kadeedka.

Aqoonyahanada nafaqada cuntada

Aqoonyahanada nafaqada cuntadu waxay dadka ka caawinaan in ay doortaan cunto iyo cabbitaan ay caafimaad ka helaan.

Cudurrada iyo dhaawacyada halista ah

Haddii cudur kedis ah ama dhaawac halis ahi kuugu dhaco, waxaad tegeysaa qaabbilaadda gargaarka degdegga ah ee isbitaalka. Haddii aadan ku tegi karin baabuur ama taksi, waxaad wacaneeysaa ambalaas. Waxaad maarkaasna waceysaa SOS qayladhaan oo lambarkeedu yahay 112.

Masawirqaade: Colourbox

Haddiise ilmo aad kaaga xanuunsado ama dhaawacmo, waxaad geyneysaa qaabbilaadda gargaarka degdegga ah ee carruurta oo ku taal isbitaalka. Gargaarka degdegga ah ee carruurta waxaa lagu qaabbilaa carruurta da’doodu u dhexeyso 0 ilaa 16 sano.

Qaabbilaadaha dhakhtarada takhasuska leh

Qaabbilaadaha takhtarada takhasuska lihi waxay ku yaalliin isbitaallada. Waxaa halkaas ka shaqeeya takhtaro aqoon dheer u leh cudurro gaar ah, sida cudurrada caloosha iyo mindhicirrada. Badanaaba dakhtarka aad ku leedahay rugta daryeelka caafimaadka ayaa warqad kuugu dira qaabbilaadda dakhtarka takhasuuska leh. U ma baahnid in dakhtar warqad kuugu qoro si aad halkaa u tagto, sugeysaa laakin waqti gaaban ayaa sugeeysaagaaban uu dakhtar kuu gudbiyo. Lacagta aad bixineysaana waa ka yar tahay marka dhakhtar kuu gudbiyo.

Qaabbilaadda dhallinyarada

Xarumaha qaabbilaadda dhallinyarada waxaa loogu talagalay gabdhaha iyo wiilasha qaba su’aalo ku saabsan isu-galmoodka, caafimaadka iyo xiriirada dadka. Xarumaha qaabbilaadda dhallinyaradu waxay u furan yihiin dhallinyarada da’doodu u dhexeyso 13 ilaa 25 sano. Xadka da'da waa kukala duwanyihiin degmooyinka. Qaabbilaadduna waa lacag la’aan. Waxaa xarumaha qaabbilaadda dhallinyarada jooga ummulisooyin, lataliyayaal, aqoonyahanno cilmi-nafsi, kalkaaliyayaal hoose, dhakhtarro dumarka iyo dhakhtaro caadi ah.

Booqashada qaabbiladda dhallinyarada inta badana waa lacag la'aan laakin marmarka qaarkood waxaa lagu bixiyo lacag uu dhigmato kharashka booqshada rugta caafimaadka. Shaqaalaha joogo qaabbiladda dhallinyarada waxaa saaran waajibka sir-qarinta.
Masawirqaade: Klara Stenström

Isbitaalada

Isbitaalku wuxuu ka kooban yahay qaybo kala duwan. Isbitaalku waxaa ku yaalo qaabbilaadda dakhtarka takhasuuska leh iyo gargaarka degdegga ah. Isbitaalada badankood waxaa ku yaal qaybaha ummulinta. Waxaadna halkaa tegeysaa marka aad ilmo ummuleyso.

Qeeybaha isbitaalka waxaa ka mid ah:

  • Qaybta lafaha: Waxay qaabbilsan tahay dhibaatooyinka qalfoofka iyo xubnaha dhaqadhaqaaqa, sida haddii laf jabto.
  • Qaybta daaweynta: Cudurrada gudaha jirka, sida xanuuno caloosha iyo mindhicirrada.
  • Qaybta qalliinka: Cudurrada u baahan qalliinka.
  • Qaybta dumarka: La xiriira cudurrada dumarka, sida haddii uurka carqaladi qabsato.
  • Qaybta indhaha: La xiriira cudurrada indhaha.
  • Qaybta dhegaha, sanka iyo dhuunta: La xiriira cilladaha dhegaha, sanka iyo dhuunta.
  • Qaybta cudurrada maskaxda: La xiriira dhibaatooyinka xagga maskaxda.

Qaabbilaadda gargaarka degdegga ah

Qaabbilaadda gargaarka degdegga ah waxay furan tahay saacad walba habeen iyo maalin. Qaabbilaadda gargaarka degdegga ah waxaad tegeysaa haddii dhaawac halis ah ama cudur kedis ahi kugu dhaco ama marka rugta daryeelka caafimaadku xiran tahay. Waxaa caadi ah in aad waqti dheer sugto marka aad tagtid qaabbilaadda gargaarka degdegga ah. Sababtuna waxeey tahay maadama isbitaalka uu san ogaan karin inta qof oo imaaneeyso. Waxaa la hormariyaa in la daaweeyo qofka ugu liito. Haddii uu san ku soo gaarin xanuun degdeg ah ama dhaawac degdega, waxaa kaaga wanaagsan in aad tagto rugta daryeelka caafimaadka aad ka tirsan tahay ama qaabbilaadda heeganka. Waxaad halkaas inta badana ka sameey san karta balan ama tagi kartaa adigo balan heeysan (drop-in). Iska tagida (drop-in) mecnaheed waa in aad waraaqada-safka ugoosaneeysid kadibna waqtigaada sugeeysid.

Carruurta iyo dhallinyarada

Magaalooyinka waaweyn waxaa ku yaal isbitaallo gaar ah oo loogu talagalay carruurta iyo dhallinyarada. Magaalooyinka yaryarna waxaa ku yaal rugo qaabbilaad loogu talagalay carruurta iyo dhallinyarada u dhexeeyo 0 ilaa 16 sano.

Caafimaaddarrada maskaxda

Caafimaaddarrida dhanka maskaxda ah qof walba ayey ku dhici kartaa Waxaa mararka qaarkood qofka ku adag in uu ka hadlo dhibaatooyinka ka haysta maskaxda. Caafimaaddarrada maskaxda waxaa badanaaba laga dareemaa jirka. Waxaa laga yaabaa in qofka murquhu xanuunaan. Waxaa kaloo laga yaabaa in dhididku bato, garaaca wadnuhu kordho, hurdadu adkaato iyo madaxu xanuuno.

Masawirqaade: Colourbox

Haddii aad dareensan tahay in dhibaato maskaxdu ku hayso, waxaad la hadli kartaa dakhtarkaaga rugta daryeelka caafimaadka. Wuxuuna kaa caawinayaa sidii aad u la kulmi lahayd lataliye ama aqoonhayan cilmi-nafsi.

Isbitaalada waxaa ku yaal qaybo cudurrada maskaxda oo loogu talagalay dadka waaweyn iyo carruurta iyo dhallinyarada (Qaybta cudurrada maskaxda ee carruurta iyo dhallinyarada, Barn- och ungdomspsykiatri, BUP). Qaybaha gargaarka degdegga ah ee cudurrada maskaxdu waxay furan yihiin habeen iyo maalinba sida qaybaha gargaarka degdegga ah.

Ballanqaad daryeel caafimaad

Iswiidhan dadku waxay marar badan waqti dheer sugaan in ay helaan daryeel caafimaad. Si looga hortago sugida waqtiga dheer waxaa la sameeyey wax lagu magacaabo ballanqaad daryeel caafimaad. Ballanqaadka daryeelka caafimaadku waxuu ka tirsan sharciga daryeelka caafimaadka iyo bukaanka. Waxuuna nidaamkaas xaq ku siina in aad daryeel hesho mudo xadidan gudaheed.

Daryeelka caafimaadka asaasiga ah - Haddii aad isku daydo in aad la xiriirto rugaha daryeelka caafimaadka asaasiga ah, waxaa lagu xariiraa isla maalintaas. Taasi micneheedu waxa weeye in aad isla maalintaasba tagto rugta daryeelka caafimaadka ama aad qof ku la hadasho telefoonka. Haddii shaqaalaha rugta daryeelka caafimaadku u arkaan in aad u baahan tahay in aad dakhtar la kulanto, waa in aadan sugin muddo ka badan toddoba maalmood.

Qaabbilaadda takhtarka takhasuska ah - Haddii laguu gudbiyo dakhtar takhasus ah, waa in aadan sugin in ka badan 90 maalmood. Waxaa sidaas oo kale noqoneyso marka aad la xiriirto dakhtarka takhasuska adigoo aan dakhtar ku gudbin.

Daaweynta - Marka uu dakhtarku go’aamiyo in aad u baahan tahay hab daaweyn, sida qalliin, waa in aadan ubahhan in aad sugto mudo ka badan 90 maalmood.

Ballanqaadka daryeelka caafimaadku ma khuseeyo gargaarka degdegga ah. Qof bukaan ah oo uu hayo xanuun degdeg ah waa in uu helaa daryeel sida ugu dhaqsaha badan.

Xadka sare ee kharashka

Xadka sare ee kharashku waxa weeye in xad ugu sarreeya loo sameeyo kharashka lagu bixinayo daryeelka caafimaad iyo daawooyinka.

Xadka sare ee kharashka daryeelka micnaheedu waa in qofka bukaanka ah daryeelka ku bixyo 1 100 oo karoon lee sannadkiiba. Marka aad bixiso 1 100 oo karoon, waxaad sannadka inta ka dhiman daryeelka caafimaadku ku heleysaa lacag la’aan. Waxaana lagu siinayaa kaarka bilaashka. Kaarka bilaashkana waxaad shaqeeynaa laba iyo toban bilood, laga bilaabaa maalintii aad sameysey booqashadii ugu horreysey.

Xadka sare ee kharashka daawooyinka micnaheedu waa in qofka daawooyinka ku bixiyo 2 200 oo karoon karoon lee sannadkiiba. Marka aad bixiso 2 200 karoon, waxaad sannadka inta ka dhiman daawooyinka ku heleysaa lacag la’aan. Waxaad ka soo xisaabineysaa maalintii aad iibsatay daawadii ugu horreysey.

Caruurta qooyska waxaa dhamantood loogu xisaaba hal kaar (xadka sare ee kharashka). Taasi waxeey khuseeysaa Xadka sare ee kharashka daawooyinka iyo daryeelkaba.

Daawada carruurta ka yar 18 sano waa lacag la'aan.

Sharciga difaaca cudurrada faafa

Waxaa Iswiidhan ka jira sharci lagu magacaabo sharciga difaaca cudurrada faafa. Sharcigu wuaxaa loogu tala galay si looga hortago faafidda cudurrada halista ah oo la is qaadsiiyo.Sharcigu waxuu ku saabsanyahay waajibaad iyo xuquuq oo uu leeyahay qofka eey ku dhacaan cudurrada qaar, sida HIV, kalameediya, tiibisho, cudur faafa oo mindhicirrada ku dhaca (salmonella), cagaarshowga lees qaadsiiyo ama jabto.

Sharciga difaaca cudurrada faafa waxaa ku qoran liiska cudurrada. Qiyaastii waa 60 cudur. Cudurradaasina waxaa waajib ah in qofka qabo uu sheego.

Taas micneheedu waxa weeye in aad la xiriirto rugta daryeelka caafimaadka (ku wargeliso) haddii aad u maleyneyso in aad qaadday cudur noocaas ah. Waxaana waajib kugu ah in aad sheegto magaca/magacyada qofka/ dadka aad ka qaadsiisay cudurka. Dhawr ka mid ah cudurrada ku qoran sharciga difaaca cudurrada faafa waxaa la isku qaadsiiyaa galmada.

Haddii aad qabto cudur noocaas ah, dhammaan baaritaanada, daryeelka iyo daawooyinkuba waa lacag la’aan. Waxaa kaloo lagaa caawinaa in aad la xiriirto dadkii aad cudurka in aad qaadsiisay laga yaabo.

Hey'adda caafimaadka dadweeynaha waa hey'ad ka warbixisa sharciga difaaca cudurrada faafa iyo cudurrada. Bogga internetka www.folkhalsomyndigheten.se ayaad ka akhrisan kartaa in dheeraad oo ku saabsan sharciga difaaca cudurrada faafa.

Deeqsiinta xubnaha

Iswiidhan waxaa sanad kasto 700 oo qof oo aad uu jiran helaan hal xubin ama xubno, sida kelli ama wadno, jirka lagu tallaayo.

Isla markaana deeqsiinta xubanaha kuma filno. Dad badan ayaa dhinto maadama ee sugayaan xubno jirka loogu talaalo. Waxaana lala la' yahay xubno.

Marka aad dhimato waxaad xaq u lee dahay in aad go'aamiso waxa lagu sameeynaayo xubanhaada jireed. Waxaad dooran kartaa:

  • In aadan deeq ku dhiibin xubnahaada
  • In aad deeq ku dhiibto xubanaha in qof kale lagu talaalo ama
  • In aad deeq ku dhiibto xubanaha in qof kale lagu talaalo iyo ujeedo caafimaad.

Waxaad wargalinta jawaabtaada ku dhiibeysaa diiwaankaxubnaha ee ku jiro bogga Maamulka dhexe ee arrimaha bulshada: www.socialstyrelsen.se/donationsregistret

Haddii aadan qooyskaada uga waramin in aad deeq ku bixiso xubanahaada, ayaga (qoyska) ayaa go'aan ka gaari karo marka aad dhimato.

 

< Aad bogga la soo dhaafay

U gudub bogga ku xiga >

Ullaabo menyuuga

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri