Daryeelka caafimaadka

​​​​Ciwaankan dhexdiisa waxad ka helaysaa warbxin ku saabsan daryeelka caafimaad ee ka hortagga ah iyo taageerada jirta ee daryeelka hooyooyinka iyo carruurta. Waxa kale oo halkan wax yari kaga dhigan yihiin sida qofka laftiisu isu gacan qaban karo si aanu halis ugu gelin in uu ciyaar u jirrado.

Tallaalada

Dhammaan carruurta Iswiidhan waxa loo soo bandhigaa inay helaan tallaal todoba jeer ah oo la iska tallaalayo cuduro kala duwan, tusaale ahaan, cudurka dabaysha, xiiqdheer, cune-xanuun iyo teetano.

Daryeel-caafimaadeedka ardayda

Dugsiyada waxaa ku yaalaan xarumaha daryeel-caafimaadeedka ardayda. Carruuta markii laga soo wareejiyo daryeelkii ay ka heli jireen rugta daryeel-caafimaadeedka carruurta, waxaa lagu soo wareejiya xarumaha daryeel-caafimaadeedka ardayda. Xarumaha daryeel-caafimaadeedka ardayda qaarkood, waxay mas’uul ka yihiin fulinta qorsheha tallaalada ee ardayda. Xarumaha daryeel-caafimaadeedka ardayda waxay kormeerayaan korniinka iyo horumarka ilmaha. Tan kale hawlgalada xarumaha daryeel-caafimaadeedka ardayda, waxay kaloo ku salaysan yihiin kahortagga waxyaalaha waxyeeli kara caafimaadka ardayda, sida qaab noololeedka iyo waxyaalaha caafimaaddarra nafsiga keena.

Aqriso warbixin dheeraad ku saabsan daryeel-caafimaadeedka ardayda, hoosta cinwaanka Ilmaha & dhallinyarada, Daryeel-caafimaadeedka iyo daryeel-bukaanka iyo Caafimaadka ilmaha.

Daryeelka ilkaha

Iswiidhan waxa ka jira daryeelka ilkaha ee guud, daryeelka ilkaha ee barayfadka ah. Daryeelka ilkaha ee guud waxa maamula landstinget ama gobol. Waxana lagu magacaabaa daryeelka ilkaha dadweynaha (Folktandvården).

Waxa Iswiidhan ka jira dhakhaatiir ilkood barayfad ah oo fara badan. Sharciyada lacagta aad bixinaysaa inta ay leegtahay way kala duwanyihiin. Wax ay ku xirantahay meesha aad degentahay iyo dhakhtarka ilkaha ee aad doorato.

Daryeelka ilkaha ee Iswiidhan wuxu badiyaaba ku saabsan yahay daryeel ilkood oo ka hortag ah. Taas macneheedu waxa weeye in aad had iyo jeer u tagto dhakhtarka ilkaha si aad caafimaad qabka ilkaha u ilaaliso.

Dhammaan dadka ka yar 20 jir ee Iswiidhan degeni, waxay leeyihiin daryeel ilkood oo bilaash ah, dhakhaatiirta ilkaha ee barayfadka ah iyo daryeelka guudba. Carruurta dhammaantood waxa si joogto ah loogu yeeraa dhakhtarka ilkaha si loo baaro, wax looga qabto oo loo sameeyo daryeel ilkood oo ka hortag ah. Dadka waaweyni ayaa iskood ula xiriiraya dhakhtarka ilkaha.

Naftaada ku dadaal

Caadooyin cunto oo wanaagsan

Waxa aad cunayso iyo waxa aad cabbaysaa, macno weyn ayey u leeyihiin caafimaadkaaga iyo sida aad ahaanayso. In aad si wanaagsan wax u cunto oo dhaqdhaqaaqna aad samaysaa waxay yaraynaysaa halisa cuduro badan tusaale ahaan cudurada wadnaha iyo xididada, macaanka, kansarka iyo dhibaatooyinka maskaxda.

Dhaqdhaqaaq iyo jimicsi

Dadku waxay u baahanyihiin in ay dhaqdhaqaaqaan si ay u caafimaadaan. Jimicsigu wuxu yareeyaa halisya cudurro badan, tusaale ahaan cudurada wadnaha iyo xididada iyo noocyo kansarka ka mid ah. Jimicsigu waxa kale oo uu kaa dhigayaa qof faraxsan. Waxad u seexan kartaa si fiican, waxad si fiican ugu adkaysan kartaa istereska, miisaankana waad joojin kartaa.

Walbahaar (stress)

Dad badan ayaa dareemaya walbahaar. Qasab ma aha in uu khatar ahaado. Walbahaarku wuxu keenaa awood badan oo lagaga dabbaasho xaaladaha adadag. Laakiin walbahaarka faraha badani, wuxu halis ku ahaan karaa caafimaadka. Haddii aad dareento walbahaar waxa muhiim ah in aad fahanto sababta. Markaa waxad isku deyi kartaa in aad bedesho xaaladdaada.

Seexasho

Waa muhiim in aad si wanaagsan u seexato si caafimaadkaagu u fiicnaado. Qofka weyni wuxu u baahdaa in uu seexdo lix ilaa sagaal saacadood habeenkii iyo maalintii. Da´yartu waxay u baahan yihiin inay seexdaan intaas wax ka badan.

​Farmasi

Dawada waxad ka iibsanaysaa farmasiga. Dawooyinka qaarkood waxa loo baahanyahay warqad dhakhtarkaagu soo qoray. Dadka ka shaqeeya farmasiga wax badan ayey ka yaqaaniin cudurada kala duwan iyo dawooyinka. Waxa ay ka jawaabi karaan qaar badan oo su´aalahaaga ka mid ah.  Farmasiiga waxa sidoo kale ka jira warbixin iyo qoraallo ku saabsan cudurada kala duwan.

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri