Daryeelka jirrada

Halkan waxad ka akhriyi kartaa wax badan oo ku saabsan sida aad yeelayso haddii aad jirrato. Daryeelku wuxu ka koobnaan karaa laga bilaabo talo bixin telefoon ah ilaa booqasho xaunta xannaanada caafimaadka ama waxqabad takhasus leh oo isbitaalka ah.

Haddii aad jirrato 

Marka adiga ama ilmaagu jirrado, waxad ugu horrayn tegaysaa xaruntaada xannaanada caafimaadka. Habeenkii iyo wiikandhiyada waa ay xirantahay xarunta xannaanada caafimaadku. Haddii aad daryeel ugu baahantahay si dhakhso ah, waxad u tegaysaa qaabilaad heegan ah. Waydii xaruntaada xannaanada caafimaadka  qaabilaadda heeganka ah ee kuugu dhow ama ka akhri bogga internetka ee xarunta xannaanada caafimaadku leedahay. Waxa aad ka heli kartaa "Vård i mitt område" ee safka ciwaannada bidix. Waxa kale oo aad warbixinta daryeelka jirrada ka wici kartaa telefoonkan 1177. Waxa ay kugu caawin karaa talo bixin iyo in aad timaaddo goobta saxda ah ee daryeelka caafimaad.

Skåne, gobolka Stockholm, iyo Västra Götaland weey soconeysaa in laga helo talo siin daryeelka bukaanka ayadoo la isticmaalayo tarjumaan carabi ah ama soomaali. Talosiinta waxaa sameynaya kalkaalisooyinka rasmiga ah ee 1177 Vårdguieden ayadoo la adeegsanayo tarjumaan.

Talo siinta daryeelka bukaanka ee tarjumaanka carabiga 0771-117790.

Talo siinta daryeelka bukaanka ee tarjumaanka soomaaliga 0771-117791.

 

Isbitaal

Isbitaalku wuxu leeyahay qaabilaado iyo qaybo badan oo kala duwan. Waxa aad tegaysaa isbitaalka haddii laguu soo gudbiyey qaabilaad takhasus leh. Waa kale oo aad halkan imanaysaa haddii aad ilmo dhalayso (umulidda) ama haddii aad qabto dhaawac daran ama jirro ay tahay in si dhakhso ah wax looga qabto 

Qaabilaadda degdegga ah

Qaabilaadda degdegg ahi aa ay furantahay saacadaha habeenkii iyo maalintii oo dhan. Qaabilaadda degdegga ah waxa aad tegaysaa haddii aad qabto dhaawac halis ah ama jirro degdeg ah iyo haddii ay xirantahay xaruntaadii xannaanada caafimaadku.  Waa iska caadi in aad wakhti badan sugto haddii aad tagto qaabilaadda degdegga ah ee Isbitaalka. Taasi waxa keenaya isbitaalka oo aan sii ogayn inta bukaan ee imanaysa. Qaabilaadda degdegga ah waxa daryeel ka loogu hor siinayaa qofka ugu daran. Sidaa darteed wax wanaagsan in aad aaddo xaruntaada xannaanada caafimaadka ama qaabilaadda heeganka ah.

Waxa jira qaabilaad degdeg ah oo carruurta u gaar ah, qaabilaadda degdegga ah ee carruurtu waxa ay qaabilaan carruurta u dhaxaysa 0 ilaa 16 jir.

​Cuduradara ama dhaawacyada halista ah

Haddii uu kugu dhaco xanuun degdeg ama dhaawac halis ah waxa aad tegaysaa qaabilaad degdeg ah oo isbitaal.

Ka wac SOS alarm, lambarka telefoonka ee ah 112.

Carruurta isbitaalka ku  jirta

Warbixinta daryeelka jirrada ee internetka waxa ku jira barnaamij/filin la gujin karo oo sawirro ah oo carruurta loogu talo galay oo muujinaya sida xaalku noqonayo isbitaalka dhexdiisa.

Qolka sugitaanka

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri