Daryeel iyo caafimaad

​​​​​​​​​​​​​​​​Nadaamka daryeelka caafimaadka iyo jirrada ee Iswiidhan wuxu u dhisanyahay si ay dadka oo dami u heli karaan daryeelka caafimaad ee ay u baahanyihiin. Dhammaan dadka degen Iswiidhan waxay xaq u leeyihiin daryeel jirro- xiitaa adigaaga magangelyo doonka ah.

Daryeelka dadweynaha u dhexeeyaa waa daryeelka ay dadkoo dhami isticmaali karaan ama xaqa u leeyihiin. Degmada iyo landsting-yada ama gobollada ayaa ka mas´uul ah daryeelka dadweynaha u dhexeeya. Degmadu waxay caawimo siisaa dadka waaweyn, dadka laxaadkoodu kala dhantaalanyahay, iyo dadka jirranaa wakhti dheer.

Difaaca qarashka badan

Difaaca qarashka badani waa ka hortagga qarashaadka badan ee daryeelka iyo dawooyinka.

Difaaca qarashka badan ee dawooyinka, macnihiisu waxa weeye in adiga bukaan ahaan aad u baahantahay uun in aad daryeelka ku bixiso sanadkiiba 1 100 kr. Marka aad bixiso 1 100 kr, waxad helaysaa daryeel bilaash ah inta sanadka ka dhiman. Waxad helaysaa kaarka bilaashka. Kaarka bilaashku wuxu shaqeeyaa laba iyo toban bilood oo laga bilaabayo maalintii aad samaysay booqashadii ugu horraysay.

Difaaca qarashka badan ee dawooyinka, macnihiisu waxa weeye  in aad u baahantahay in aad dawooyinka warqadda lagu iibsado  ku bixiso 2 200 kr oo keli ah  sanadkiiba. Marka aad bixiso 2 200 kr waxad ku helaysaa dawooyinka warqadda lagu iibsado bilaash inta sannadka ka harsan. Waxad ka soo bilaabaysaa wakhtiga, maalintii aad iibsatay dawadii ugu horraysay.

​Goobaha internetka ee leh macluumaad, talo iyo taageero

Daryeelka caafimaadka ee xaaladaha deg-dega

​Qaylo-dhaanta SOS (SOS Alarm)

Lambarka degdegga 112-filin

​Daryeelka caafimaad oo aad Iswiidhen ka heleyso haddaad tahay magangelyadoon isqarinaya ama sharci-la’aan dalka ku jooga

Hagaha daryeelka caafimaadka 1177 - New in Sweden

Hay´adda maamulka bulshada - Daryeelka iyo xannaanada

Adiga oo magangelyo'doonka ah waxa lagagu martiqaadi wareysi caafimaadkaada iyo baaritaan caafimaadkaada. Sababto waxaa waaye sidii daryeel caafimaad oo fiican sidii laguu siin karo, hadii aad u baahatid. Marka wareysiga caafimaadka suubineyno baa waxa warbixin kaa siineynaa siduu nidaamka daryeelka caafimaadka oo iswiidhan yahay. 

​​Caafimaad baaritaan

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri