Bilköp (Iibsi baabuur)

Marna ha degdegin marka aad gaari iibsanayso. Waxa jira baabuurro fara badan oo duug ah (qaar hore loo isticmaalay/aan cusbayn). Ha ku sirmin iibiyeyaasha ku dhahaya ”...waxa jira qof galabta imanaya si uu gaariga u iibsado, laakiin waa qofkii soo horreeya uun” …Ama ”adiga qiimo khaas ah ayaan kaa siinayaa”. Dabcan dhammaan macaamiishu waxay helaan ”qiimeyaal u gaar ah”. Iibiyaha dantiisu waxay ku jirtaa in aad go´aan dhakhso ah gaarto. Baar waxyaalaha jira iyo iyo qiimayaasha ku habboon. Waxa kale oo aad fiirisaa cilladaha caadiga u ah baabuurka aad ku fekerayso, kana feker qiimayaasha wax lagaga qabto maarkadaha iyo noocyada kala duwan. Akhri xayeysiisyada lagu qoro joornaalada maalinlaha ah. Waxa kale oo aad akhridaa xayeysiisyada boggaga jaallaha ah, blocket, ama bogagga kale ee intetnetka ee baabuurada lagu xayeysiisyo ee internetka ama warqadaha caadiga ah. Iska fiiri baabuurta oo is barbar dhig qiimayaasha.

​Ka feker:

  • In aad mar walba hubiso in qofka gaariga iibinayaa uu isagu leeyahay gaariga. (SMS ku dir lambarka diinwaangelinta, adiga oo u diraya lambarkan 72503). Waxyar ka dib waxa helaysaa jawaab SMS ah oo oo ku saabsan baabuurka iska leh lambarkaas isaga ah. Adeeggaasi waa lacag. Ama wac : 0771-25 25 25.
  • Qor kontaraag iibsasho.
  • Hubso in baabuurka lacagtiisa la bixiyey, taasna waxad ku ogaanaysaa haddii aad sms ama telefoon u dirto Transportstyrelsen. Ma aha in la sii iibiyo baabuur aan laagtiisii la wada bixin.
  • Iiibiyaha iyo iibsadaha labaduba waa in ay wargeliyaan Transportstyrelsen in gaarigu yeeshay mulkiilse cusub. Taas waxa lagu samaynayaa caddaynta diiwaanka (registeringsbeviset).
  • Isla markiiba caymis gal, qaali ayey kugu noqonaysaa haddii aad taas seegto. Qofka iibsadaha ah ayaa mas´uul ka ah in gaarigu caymis ku jiro marka uu iibsado ka dib.
  • Fiiri buugga adeegga baabuurtka.
  • Barbar dhig baabuurka, kuwa la mid ah, adiga oo tusaale ahaan ka eegaya bogagga internetka ee baabuurta.

Tag bogga Ereyo muhiim ah

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri