Etableringsersättning (Lacagta la qabsiga)

Lacagta la qabsigu waa lacag la siin karo soo gelootiga/qaxootiga cusub. Lacagtu waa ay is leegtahay dadka oo dhan, meel kasta qofku ha ka degenaado dalka eh. Lacagta la qabsida waxa go´aamiya xafiiska shaqada, waxa soo shuba Qasnadda caymiska marka qofku si firfircoon uga qaybqaato hawlaha qorshaha la qabsida. Qorshaha la qabsigu wuxu kaa caawin doonaa soo gelooti ahaan, in aad samaysto isbiilid kuu gaar ah. Lacagtu waa mid qof walba gaarkiis ah, dhammaan dadka waaweyn ee qoysku waxa ay ka qaybqaadanayaan hawlaha ku cad qorshaha la qabsiga. Dadka soo gelootiga ah qaarkood, waxay kaloo heli karaan la qabsi-kab iyo lacag guri. Lacagta la qabsigu waxa ay ka koobantahay:

  • Xaddi lacageed aasaasi ah, qaxooti kasta oo cusub oo xaq u leh.
  • Kabitaan xagga carruurta ah, ilmo kasta oo guriga u jooga qofka soo gelootiga ah.
  • Lacag guri oo la siin karo qaxootiga cusub ee aam xaqa u lahayn kaalmada kirada guriga.

Wax dheeraad ah ka sii akhri: https://www.forsakringskassan.se/privatpers/ersattningar_a_o/etableringsformaner-somaliska

Tag bogga Ereyo muhiim ah

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri