Folkbokföring (Diiwaangelin dadweyne)

​Diiwaangelinta dadweynuhu waa diiwaangelin dadweyne oo aasaasi ah oo Iswiidha laga sameeyo. Diiwaangelinta dadweynaha waxa la diiwaangeliyaa dadka Iswiidhan degen iyo meesha ay degenyihiin. Meesha aad ka diiwaangashantahay macno weyn ayey u leedahay xuquuqo iyo waajibaad badan. Tusaale ahaan xaq u lahaanshaha kaalmada carruurta iyo kaalmada kirada gurigam waxay ku xiranyihiin meesha aad ka diiwaangashantahay.   Meesha aad cashuurtaada u shubayso iyo meesha aad ka codaynayso, waxay sidoo kake ku xiranyihiin meesha aad ka diiwaangashantahay. Diiwaangelinta dadweynaha waxa la qorayaa xaalkaaga bulsho iyo warbixintaada shakhsiga ah. Qofku wuxu ku diiwaangashanyahay adareeska gurigiisa. Wax dheeraad ah ka sii akhri:  
http://www.skatteverket.se/privat/folkbokforing.4.18e1b10334ebe8bc800039.html

Tag bogga Ereyo muhiim ah

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri