Konsumentombudsman (Wakiilka macaamiisha)

Wakiilka macaamiisha waxa loo soo gaabiyaa KO. Wakiilka macaamiishu wuxu ka warbixiyaa su´aalo quseeya macaamiisha xuquuqdooda iyo waajibaadka kuwa wax soo saara. Wakiilka macaamiish waa agaasimaha wakaaladda macaamiisha. Wakaaladda macaamiishu waa hay´ad dawladeed oo u dhisan adiga dartaa, macaamiil ahaan (qofka alaabo iibsadaa waa macaamiil. Kuwa alaabta soo saaraa waa producent, kuwa alaabta iibinayaana waa ibiyeyaal). KO waxa ay fiirnaysaa tusaale ahaan in waxa aad iibsanaysaa aanay khatar ahayn. Iyo in xayeysiiska, iibiyaha, wax soo saaraha ay raacaan sharciyda iyo xeerarka. Waxa aad wargelin kartaa iibiyaha iyo wax soo saaraha, jebiya sharciyada KO.Kuwa jooga wakaaladda macaamiisha kama jawaabaan su´aalaha. Waase in aad adigu la hadasho macaamiil-hagaha degmadaada. Ka sii akhri wax dheeraad ah: http://www.konsumentverket.se/

Tag bogga Ereyo muhiim ah

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri