Ereyo muhiim ah

​​​Tani waa liiska ereybixinnada. Kelmadaha waxa soo saaray koox marjax ah o oka tirsan soo gelootiga cusub ee aanu la shaqaynay. Uma jeedno §in liiska ereyadu dhammaystiranyihiin, waxana ku iman doona isbedel joogto ah marka baahi timaaddaba. Sharraxaadda ereyada waxa akhriyey dad kala duwan oo ka socda ururo kala duwan. Waxase dhici kara in aan waxyaalaha qaarkood si wanaagsan loo qeexin. Nala soo xiriir haddii aad aragto wax qalad ah ama aad rabto in lagu daro kelmad cusub oo aan meesha ku jirin.

​ ​​
Adressändring (Adrees beddelid)
Beddelaadda cinwaanka waxad sameyneysaa marka aad ka guurto meel ee aad u guurto meel kale. Waxaad si fudud wargelinta guuridaada iyo cinwaan bedelidaada ka sameyneysaa Svensk Adressändring. Waxa kale oo aad wax dheeraad ah ka akhrin kartaa ciwaanka Folkbokföring ee bogga hey'adda canshuurta ama hoosta Eftersänding ee boostada, Flyttanmälan iyo Folkbokföring ee liistan ereyada.
A-kassa (Qasnadda shaqo la´aanta)

A-kassa waa erey la soo gaabiyey oo u taagan Qasnadda shaqola´aanta, haddii qofka shaqo la´aani ku dhacdo, waxa xasiloonidu ku jirtaa in xubin laga ahaado qasnad caymis (http://www.samorg.org). Si aad xaq ugu lahaato lacag waxa loo baahanyey  tusaale ahaan in aad xubin ka ahaato  qasnad shaqo la´aaneed ugu yaraan 12 bilood oo xiriir ah. Sidaa darteed waa muhiim in qofku u dalbado xubin ka noqoshada Qasnad shaqo la´aaneed sida ugu dhakhsaha badan ee suurtogalka ah.  Waxa jira qasnado qasho la´aaneed oo kala duwan oo quseeya laamaha kala duwan.  Haddii aad bilaa shaqo noqoto adiga oo aan xubin ka ahayn Qasnad shaqo la´aaneed, waxa ku qusaynaya qasnadda loo yaqaan Alfa-kassan (https://www.alfakassan.se/) iyo caymiska aasaasiga ah.

Akuten (Qaybta qaabilaadda degdegga ah ee isbitaalka)

Akuten waa  erey la soo gaabiyo oo u taagan akutmottagning (qaabilaadda degdegga ah).  Qaabilaadda degdegga ahi waxay ky taal isbitaallada, waxanad tegaysaa haddii aad qabto dhaawac khatar ah ama  jirro degdeg ah iyo weliba haddii ay xirantahay xaruntaadii daryeelka caafimaadka ee caadiga ahayd.  Sida caadiga ah waxad  u tegaysaa  qaabilaad heegan ah (oo ka tirsan daryeelka caafimaadka ee dhow)  haddii aad qabto jirro ama aad shil gashay oo aad u baahantahay caawimo dhakhso ah laakiin aan ahayn halis xagga nolosha ah. Daryeelka caafimaadka waxa lagu sharrixi karaa saddex tallaabo. Xanuunada sahlan ama shilalka fudud  ee maalintii, waxad la xiriiraysaa xarunta xannaanada caafimaadka. Habeenkii iyo wiikendhiyada waxa la xiriiraysaa qaabilaadda degdegga ah ee xaafaddaada ama xarunta heeganka.  Xaaladaha halista ahna waxad aadaysaa qaabilaadda degdegga ah ee isbitaalka. Mar walba waxa fiican in aad marka hore telefoon soo dirto, si aad u ogaato meesha aad aadayso, meelo badan wakhti ayaa lagu sii siinayaa marka aad iman karto. Sidaas ayaad uga baaqsanaysaa in aad dad ka kale ee jirran la fadhido qolka sugitaanka saacado fara badan, haddii dad badani caawimo u baahanyihiin.  Waa ay kala yara duwanyihiin degmooyinka iyo landsting-yada kala duwani. Haddii aad qabto su´aalo ku saabsan xanuunada kala duwan, ama dhaawacyo ama  meesha aad la xiriirayso, waxa aad ka wacdaa warbixinta daryeelka jirrooyinka  telefoonkan 1177 ama ka sii akhri www.1177.se, www.sosalarm.se

Anställningsbevis (Caddaynta shaqaalaynta)

Caddaynta shaqaalayntu waa heshiis qoran oo u dhexeeya shaqo-bixiye iyo shaqo qaate oo ay ku dhiganyihiin shuruudaha quseeya shaqaalaynta. Shaqa-bixiyuhu wuxu kuu soo gudbinayaa warbixin qoran oo ku saabsan shuruudaha shaqaalayntaada, ugu dambayn hal bil ah ka dib marka aad shaqada bilowdo. Haddii wakhtiga shaqaalayntu ka gaaban tahay saddex wiig, kuma qasbana shaqo-bixiyuhu warbixin noocaas ah.

​Warbixinta waxa ku jiraya, ugu yaraan qodobada soo socda:

  • Magaca shaqo-bixiyaha iyo adareeskiisa.
  • Magaca iyo adareeska shaqo-qaataha (adiga).
  • Maalinta ay bilaabanayso shaqaalayntu (maalinta aad bilaabayso in aad shaqayso) iyo meesha aad ka shaqaynayso-goobta shaqada.
  • Qeexid kooban oo ku saabsan hawlahaaga shaqo iyo magaca xirfadda ama ciwaanka shaqada.
  • Nooca shaqaalaynta, tusaale ahaan haddii shaqaalayntu tahay mid iska soconaysa ama mid wakhti ku xadaysan ama haddii ay tahay shaqaalayn tijaabo ah.
  1. Haddii ay tahay shaqo aan wakhti ku xadaysnayn, waa in la sheego wakhtiyada u dhigan in la isku ogaysiiyo joojinteeda.
  2. Haddii ay tahay shaqo wakhti ku xadaysan: waxa la sheegayaa maalinta ay dhammaanayso shaqadu, ama xaaladaha ku xiran joogsiga shaqaalaynta iyo qaabka shaqaalaynta xadaysan ee ay tahay.
  3. Haddii ay tahay shaqaalayn tijaabo ah, waa in la sheego dhererka wakhtiga tijaabada.
  • Mushaharka aasaasiga ah- yacnii mushaharka aad helayso marka aad shaqada bilowdo, musharrada kale ee jira iyo wakhtiga mushaharka la bixinayo.
  • Fasaxaaga lacagta ah dhererkiisa iyo dhererka shaqo maalmeedkaaga caadiga ah ama wiigaaga shaqo.
  • Heshiis wadareedka- haddii uu jiro heshiis wadareed.

Caddaynta shaqaalaynta waa in ay wada saxeexaan shaqo-bixiyaha iyo adiga laftaadu. 

Aqoonsiga internetka

Aqoonsiga internetka waxaa lala barbar dhigi karaa aqoonsiga caadiga ah, tusaale ahaan kaarka aqoonsiga ama leysinka. Aqoonsiga internetka waxaad si hubsan ugu caddeyn kartaa qofka aad tahay marka aad isticmaaleyso internetka. Tusaale ahaan waxaad geli kartaa xafiiska oo dowladeed boggiisa si aad howshaada ugu qabsato, tusaale ahaan inaad ku cesheto dalab internerka ah.

Kaarka caddeynta ee hey'adda canshuurta wuxuu leeyahay caddeynta internetka, taasoo ka macno ah marka aad codsaneyso kaarka caddeynta isla markaas waxaad heleysaa caddeynta internetka. Waxaad isticmaaleysaa caddeynta internetka adigoo isticmaalaya lambar sir ah. Lambarka sirta ah waxaa u lagu soo dirayaa warqad ku socota gurigaada.

Haddaadan heysnan akhriye kaar ama kombuyuutar heysta kaar akhriye waxaad booqan kartaa xafiiska sunduuqa ceymiska, xafiiska canshuuraha ama wakaalada howlgabka xafiiskooda khidmada halkaasoo aad ka deynsan karto/kana isticmaali karto kombuyuutar.

Akhri wixii faahfaahin ah hoosta Bank ID iyo id- kort ee ereyada hoos ku qoran.

Arbetsförmedlingen (Xafiiska shaqada)

Xafiiska shaqadu waa xiriiriyaha shaqada ee Iswiidhan ugu weyn. Xafiiska shaqadu wuxu leeyahay mas´uuliyaddda isku dubaridka la qabsashada qaxootiga cusub. Xafiiska shaqadu wuxu ka shaqayn doonaa sidii dadkaasi ay sida ugu dhakhsaha badan ee suurtogalka ah ugu baran lahaayeen af Iswiidhishka ee ay ugu heli lahaayeen shaqo, isuguna fillaan lahaayeen.
https://www.arbetsformedlingen.se/For-arbetssokande/New-in-Sweden/Somaliska---Iswiidhan-cusub.html

Arbetsrätten/regler (Sharciga shaqada/sharciyo)

​Sharciga shaqadu waa nadaamka ka kooban sharciyada iyo xeerarka xakamaynaya xuquuqdeena iyo waajibaadkeena dhinaca shaqada.  Tusaale ahaan waxay noqon karaan, sharciga ku saabsan isla mamulka shaqada (MBL), sharciga ku saabsan  difaaca shaqaalaynta (LAS) ama sharciyada quseeya takooridda. Wax dheeraad ah ka sii akhri : https://www.tco.se/ bogga internetka ee TCO, https://www.lo.se/start/politiska_sakfragor/arbetsratt bogga internetka  ee  LO iyo http://www.svenskarbetsratt.se/

Asyl (Magangelyo)

Waa Sharci degenaansho  oo la siiyo qofkaaaga dhalasho wadan kale haysta ee qaxootiga ah ama magangelyo u baahan sida uu dhigayo sharciga ajaanibtu. Xeerarka dadka xaqa u leh in ay magangelyo ka helaan Iswiidhan waxay ku jiraan sharciga ajaanibta. Wax dheeraad ah ka sii akhri: www.migrationsverket.se, www.riksdagen.se

Avboka tid (Baajin wakhti)

Marka aad wakhti ka hesho tusaale ahaan dhakhtar ilkood, xarunta xannaanada caafimaadka ama timojaraha, waxa muhiim ah in aad ilaaliso wakhtiga aad ku ballanteen. Haddii aad soo habsamayso ama aanad imanaynba, markaa waxad bixin kartaa qarashkii booqashada dhammaantii ama qayb ahaan xiitaa adiga oo aan ka faa´iidaysan wakhtigii. Taasi waxay qusaysaa xiitaa waxyaalaha bilaashka ah. Tusaale ahaan waa u bilaash carruurta iyo dhalinyarada  inay u tagaan dhakhtarka ilkaha, laakiin haddii aad iman waydo waxad bixinaysaa qarash.  Haddii aad ogtahay in aanad wakhtii ku iman karin ama aad jirrato waa in aad baajiso wakhtiga, si aanad qarashkiisa u bixin. Yacnii soo hadal oo u sheeg in aanad imanahayn.​

Avtal (Heshiis)

Heshiis waa iswaafiqid dhex marta laba qof ama tiro ka badan (ama laba dhina dhinac ama dhinacyo badan). Haddii heshiisku qoranyahay waxa badiyaaba lagu magacaabaa kontrakt. Arrinta dhamina waxay noqonaysaa in labada dhinac midkood (qofka, shirkadda) wax soo bandhigo iyo waxaas qiimihiisa, halka dhinaca kalena waafaqayo waxaas la soo bandhigay. Tusaale ahaan waxay noqon kartaa in aad ansixiso in naadi buugeed kuu soo diro buugaag oo aad ballan qaaddo in aad bixiso. Waxay sidoo kale noqon kartaa heshiis ku saabsan shaqo ama iib gaari.  Sidoo kale waxad saxiixdaa heshiis marka aad kiraysato guri ama aad  guriga u ballansato koronto. Heshiisku wuxu joogsan karaa jiritaankiisu, wakhti go´an ka dib ama marka arrin gaar ahi dhacdo ama marka labada dhinac midkood sheego ka bixitaanka heshiiska.  Wakhtiyada loo qabto ka bixitaanka heshiisku waa ay kala duwanaan karaan. Wax dheeraad ah ka sii akhri: http://www.hallakonsument.se/klaga-angra-eller -anmala/vad-lagen-sager/avtalsvillkorslagen/ iyo http://www.hallakonsument.se/klaga-angra-eller-anmala/vad-lagen-sager/konsumentkoplagen/

Barnavårdscentral (BVC) (Xarunta xannaanada caafimaadka carruurta)

​Xarunta xannaanada caafimaadka carruurtu (BVC) waxay bixisaa baaritaan caafimaad oo bilaash ah, talobixin iyo taageero ay helaan dhammaan waalidiinta haysta carruur ku jira da´da xannaanada (o ilaa 6 sano) oo sida uu dhigayo barnaamijka aasaasiga ah ee xannaanada caafimaadka carruurta, waxa soo gelaya xiitaa tallaalada. Halkan waxa aad kaga hadli kartaa wax kasta, oo waxad waydiin kartaa wax kasta oo ku saabsan ilmaha, cuntada, ilkaha, hurdada, halisaha shilalka, ciyaarta, walaalaha, asxaabta, korinta, nadaafadda iyo waxyaalo kale. Laga bilaabo marka ilmahaagu dhasho ilaa inta uu gaarayo da´da iskuulka ka horraysa, waxad xiriir joogto ah la lahaanaysaa xarunta xannaanada caafimaadka carruurta. Booqashada ugu horraysaa waxay noqonaysaa booqashada guri ee ay kalkaalisada degmadu ugu tagto dhammaan waalidiinta ilmo cusub dhala. Wixii markaa ka dambeeya wuxu qofku u tegayaa xarunta xannaanada caafimaadka carruurta kontoroollo joogto ah. Ilmaha waa la miisaamayaa, waxana laga wada hadlayaa naasnuujinta iyo  waxyaalaha kale ee ku saabsan ilmaha iyo waalidka. Degmooyinka qaarkood wuxu ilmuhu ku wareegaa sanad ka dib, xarunta xannaanada caafimaadka halkii uu ka joogi lahaa xarunta xannaanada caafimaadka carruurta.

Barnbidrag (Lacagta kaalmada carruurta)

Carruurta degen Iswiidhan waxay xaq u leeyihiin lacagta kaalmada carruurta.  Waa lacag la soo shubo laga bilaabo bisha ka dambaysa dhalashada ilmaha ama wakhti ka sii dambeeya haddii ilmuhu u soo guuro  Iswiidhan. Lacagta kaalmada carruurta waxa la soo shubaa ilaa rubuc sanadka uu ilmuhu buuxinayo 16 jir. Ka sii akhri wax dheeraad ah: www.forsakringskassan.se

 

Bilförsäkring (Caymiska baabuur)

Caymis baabuur wuxu mar walba ka kooban yahay ugu yaraan caymis-gaadiid ee qasabka ah. Caymiska gaadiidku waa qasab (yacnii, waa in baabuurkaadu ku jiro caymis-gaadiid haddii la wadayo). Caymiska gaadiidku wuxu kuu magdhabayaa dhaawacyada aad gaadiidka ku gaysato (ma aha dhaawaxyada ku soo gaara ama gaadiidka soo gaara). Adiga leh gaariga waa inaad ku jirto ceymid-gaadiid maalinta ugu horeysa ee aad yeelato. Haddii gaariga uusan heysanin ceymiska-gaadiidka waxaa kugu qasab ah adiga leh gaariga inaad bixiso kharash oo aad siiso ururka ceymiska taraafikada. Baabuurka shakhsiga kharashka waa qiyaas ahaan 100 karoon maalin kasta oo uu gaariga uu yahay ceymis la'aan. Haddii aad ku darto Caymis nus ahna waxad ku helaysaa difaaca gaadiidkaaga. Caymis nus ah waxa soo gelaya caymiska difaaca xadida, gubashada, muraayadaha, mashiinka, badbaadinta iyo xuquuqda. Caymiska buuxaana wuxu kuu magdhabayaa xiitaa dhaawacyada soo gaara gaarigaaga sida tusaale ahaan marka uu meel god ah galo. Wax dheeraad ah kasii akhri shirkaddaada caymiska boggooda intetnetka www.konsumenternas.se, Trafikförsäkringsföreningen boggooda.

Bilköp (Iibsi baabuur)

Marna ha degdegin marka aad gaari iibsanayso. Waxa jira baabuurro fara badan oo duug ah (qaar hore loo isticmaalay/aan cusbayn). Iibiyaha dantiisu waxay ku jirtaa in aad go´aan dhakhso ah gaarto. Baar waxyaalaha jira iyo iyo qiimayaasha ku habboon. Waxa kale oo aad fiirisaa cilladaha caadiga u ah baabuurka aad ku fekerayso, kana feker qiimayaasha wax lagaga qabto maarkadaha iyo noocyada kala duwan. Akhri xayeysiisyada lagu qoro joornaalada maalinlaha ah. Waxa kale oo aad akhridaa xayeysiisyada bogga Blocket.se, ama xayeysiinta baabuurta ee intetnetka ee baabuurada lagu xayeysiisyo ee internetka ama warqadaha caadiga ah. Iska fiiri baabuurta oo is barbar dhig qiimayaasha.

​Ka feker:

  • In aad mar walba hubiso in qofka gaariga iibinayaa uu isagu leeyahay gaariga. (SMS ku dir lambarka diinwaangelinta, adiga oo u diraya lambarkan 72503). Waxyar ka dib waxa helaysaa jawaab SMS ah oo ku saabsan baabuurka iska leh lambarkaas isaga ah. Adeeggaasi waa lacag, waxaad kaloo wici kartaa wakaalada maamulka gaadiidka: 0771-25 25 25.
  • Qor kontaraag iibsasho.
  • Hubso in baabuurka lacagtiisa la bixiyey, taasna waxad ku ogaanaysaa haddii aad sms ama telefoon u dirto Transportstyrelsen. Ma aha in la sii iibiyo baabuur aan laagtiisii la wada bixin.
  • Iiibiyaha iyo iibsadaha labaduba waa in ay wargeliyaan Transportstyrelsen in gaarigu yeeshay mulkiile cusub. Akhri wixii faahfaahin ah bogga Transportstyrelsen.
  • La xiriir shirkad ceymis ah islamarkiiba, sameysana ceymiska gaadiidka ee qasabka ah. Haddaad rabto gaashaan fiican markaas sameyso nus ama ceymis buuxa. Ka akhri wixii dheeri ah ee ceymiska ah bogga Trafikförsäkringsföreningen.
  • Fiiri buugga adeegga baabuurtka.
  • Barbar dhig baabuurka, kuwa la mid ah, adiga oo tusaale ahaan ka eegaya bogagga internetka ee baabuurta.
Bilprovning (Baabuur hubin)

Wuxu kontoroolaa gaadiidka, waxa la fiiriyaa ammaanka gaadiidka iyo bay´ada. Baabuurta oo dhan waa in la mariyo kontorool laakiin baabuurka cusub looma baahna in la koontoroolo wixii ka hoorreeya saddex sano.  Garaashyada qaarkood ayaa haysta  liisan si ay u fuliyaan kontoroolka gaadiidka. Ka sii akhri wax dheeraad ah oo ku saabsan kontoroolka: http://www.transportstyrelsen.se/sv/vagtrafik/Fordon/Fordonsbesiktning/ shirkadaha wax kontoroollanada ka raadi: http://www.swedac.se/Box/Dags-for-besiktning/Fordonsbesiktningsstationer/

Boka tid (Ballanso wakhti)

Arrimaha qaarkood si loo sameeyo waa in wakhti loo sii ballansado, yacnii in lagu heshiiyo wakhtiga iyo maalinta la kulmi doono.  Waxa ay tusaale ahaan noqon kartaa la kulanka dhakhtarka ilkaha ama in lala dhakhtar lagula kulmayo xarunta xannaanada caafimaadka. Waxa kale oo ay noqon kartaa in la aadayo timo-jaraha ama in lala kulmayo abukaate.  Arrinka muhiimka ahi waa in marka aad wakhti ballansato, aad wakhtigaas joogto meeshii aad ku heshiiseen (sii Baaji wakhti).​

Bostadsbidrag (Kaalmada kirada guriga)

Waxa aad heli kartaa caawimo lacageed oo dhinaca kirada ah haddii aad tihiin qoys carruur leh, haddii aad tahay dhalinyaro bilaa carruur ah, haddii aad tahay hawlgab ama aad qaadato gunnada jirrada. Wax dheeraad ah ka sii akhri:
www.forsakringskassan.se

Ceymiska taraafikada

Haddii leedahay gaadiid(tusaale ahaan baabuur, mooto weyn, mooto yar ama bas) waxaa khasab kugu ah inaad sameysato ceymiska taraafikada maalinta koowaad oo aad gaadiidka yeelaneyso.

Haddii uu gaadiidkaada uu sababo shil waxa ay ma ka bixinayaan ceymiska taraafikada darawalka, rakaabka, ama ay dad kale ku dhaawacmaan. Ceymiska waxey magaan oo kale dhaawaca qof kale hantidiisa.

Ceymiska taraafikada wuxuusan magin taas caksigeed dhaawaca soo gaaray gaadiidkaada ama hantidaada ee gaadiidka. Si aad u heysato gaashaankan waxaad u baahantahay dhowr ceymiska baabuurta ah.

Ka feker:

  • Gaadiidka waa inuu heystaa sida sharciga uu qabo ceymiska taraafikada.
  • Ceymiska taraafikada wuxuu bilaabanayaa inuu shaqeeyo maalinta koowaaad oo aad gaadiidka yeelato.
  • Waa adiga qofka yeelanaya gaadiidka midka ka saxiixaya ceymiska mid ka mid ah shirkadaha ceymiska.
  • Gaadiidka waa inuu heystaa ceymiska taraafikada xitaa haddii uu haleysan yahay, la xaday, ka mamnuucan in la wado,oo aan la wadaynin.
  • Haddii aadan heysan ceymiska taraafikada ee gaadiidkaada waa inaad siiso kharash ururka ceymiska ee taraafikada maalin kasta uu gaadiidka yahay ceymis la'aan.
  • Kharashka aad ayey uga badan tahay ceymiska caadijga ah.
  • Haddii aadan isticmaaleyn gaariga ka xir xafiiska Transportsyrelsen.

Akhri wixii faahfaahin ah bogga Trafikförsäkringsföreningen ama konsumenternas.se.

Civilstånd (Xaaladda meeqaanka qoysnimo ee qofka)

​Xaaladda meeqaanka qoysnimo ee qofku waa erey koobaya haddii aad tahay,  iskaabulo, xaas,  lammaane diiwaangashan, naag laga dhintay/nn laga dhigntay ama qof  qoyskii ka burburay.  Haddii aad buuxbuuxinayso xaaladdaada qoysnimo, waxa aad sheegaysaa in aad tahay xaas, qof laga dhintay ama wax kale.

CV (Warbixinta waxbarasho iyo waayo-aragnimo)

CV-gu waa erey laga soo gaabiyey ”Curriculum vitae” oo ah erey Af Laatiin ah oo macnihiisu yahay qoridda nolosha, jidkii nolosha, noloshii la soo maray. Cv waa isku darka aqoomahaaga, waayo-aragnimadaada iyo awooddaada. Mararka qaarkood waxa lagu magaacaaba qoridda aqoonta iyo khibradda. Badiyaa waxa CV-ga loo isticmaalaa erey koobaya qoraallada aad u baahantahay in aad gudbiso marka aad sharo raadinayso.

CV-gu waxa uu ka koobnaan karaa:​

  • Qeexidda noloshaada oo kooban.
  • Caddaynta shaqo, shaqaalayn hore iyo hawlo shaqo.
  • Waxbarashooyinka iyo shahaadooyinka qofku haysto.
  • Mas´uuliyado maamul oo dhinaca ururada ah.
  • Xiisaha wakhtiga firaaqada iyo haddii qofku xubin ka yahay urur.
  • Warbixintaada shakhsiga ah, yacnoo lambarkaaga shakhsiga ah, warbixinta xiriirkaaga/warbixinta adareeskaaga.
  • Warbixinta dadka ku yaqaan ee lagu waydiin karo. Dadkaas waa in qofku hore soo waydiiyey in laga waraysan karo, markaa shaqobixiyaha laga dalbanayo shaqada ayaa la xiriiraya dadkaas si uu u ogaado qofka aad tahay wixii aad hore uga soo shaqaysay.

Wax dheeraad ah ka sii akhri: www.arbetsformedlingen.se

Deklaration (Caddayn dhakhli)

Dadka heysta oo dhan dakhli, bixiyana canshuur sanad walba waxey u celinayaan caddeynta dakhliga hey'adda canshuuraha. Hey'adda canshuuraha waxey kuugu soo direysaa cadeynta dakhligaada guriga. Cddeynta dakhliga waxaa ku yaal macluumaad ku saabsan waxa aad shaqeysatay iyo inta aad canshuur u bixisay sanad gudahiis. Macluumaadka waxey ka imaanayaan shaqo bixiyaha, shirkad ceymiska, iyo bankiga. Waa inaad hubusid warbixintoo dhan iney sax san tahay. Ka akhri wixii intaas dheer bogga Skatteverket.

Dib u dirka boostada

Kadaba dirid waxey la micno tahay boostada cinwaankaadii hore loo sii diraayo cinwaankaada cusub. Waxaad dalban kartaa kadaba dirid warqadda oo aad ka codsan Svensk Adressänding adigoo kharash bixinaya. Warqadda waxaa laga daba dirayaa waqti xadidan, caadi ahaan hal sano.

Akhri wixii faahfaahin ah hoosta Adressändring, Flyttanmälan iyo Folkbokföring ee liistadan ereyada.

Diiwaangelin dadweyne

​​Diiwaangelinta dadweynuhu waa diiwaangelin dadweyne oo aasaasi ah oo Iswiidhan laga sameeyo. Diiwaangelinta dadweynaha waxa la diiwaangeliyaa dadka Iswiidhan deggan iyo meesha ay degganyihiin. Xuquuq iyo waajibaad badan oo aad leedahahay waxey ku xiran tahay inaad diiwan gashan tahay iyo meesha aad ka diiwaan gashan tahay, tusaale ahaan xaq u lahaanshaha kaalmada carruurta iyo kaalmada k guriga, meesha aad canshuurtaada u shubayso iyo meesha aad ka codeyneyso. Diiwaangelinta dadweynaha waxa la qorayaa sidoo kale xaalkaaga bulsho iyo warbixinta carruurtaada. 
Akhri wixii faahfaahin ah bogga Skatteverket.

Egenföretag (Shirkad khaas ah)

Sida xaqiiqda ah waxa lagu magacaabaa shirkad gaar ah (enkilt firma). Shirkadda gaarka ahi waa shirkad aad adigu si shakhsi ah mas´uul uga tahay  hawlqabadka shirkadda. Sida aadiga ah qofka shirkadda gaarka ah lihi mal aha shaqaale ee isaga ayuunbaa shirkadda wada. Wax dheeraad ah ka sii akhri: http://www.arbetsformedlingen.se/For-arbetssokande/Yrke-och-framtid/Starta-eget-foretag.html
https://www.verksamt.se/,
http://www.almi.se/

Ekonomiskt bistånd (Kaalmo dhaqaale)

​Waxa kale oo lagu magacaabaa taageero biil, horena waxa lgu magacaabi jiray kaalmo bulsho. Kaalmada dhaqaale waxay u shaqaynaysaa sidii shabakadda difaaca ee ugu dambaysa ee qofka ay haysato dhibaato dhaqaale oo ku meelgaar ah. Kaalmada dhaqaale waa lacag aad heli karto haddii aanad haysan lacag kugu filan si aad isu deberto (tusaale ahaan xagga cuntada iyo kirada).

Waa in aad mar walba u soo dalbato kaalmada dhaqaale sidiii taageero biil ahaan. Lacagta ay tahay in qofku isku debero waa mid la sii go´aamiyey. Haddii aad dalbato kaalmo dhaqaale waxay fiirinaysaa hay´adda arrimaha bulshadu baahidaada gaarka ah. Taas macneheedi waxa weeye in qofka laftiisu gacan ka gaysto biilkiisa iyo baahiyihiisa kale inta aanu xaq u yeelan kaalmo. Qofkii shaqayn karaa waxa ku waajib ah in uu shaqo raadsado. Sida arrinku yahay, xaq uma lihid kaalmo dhaqaale haddii aad lacag ku haysato bangiga ama aad hanti kale leedahay (baabuur, guri, doon iyo wixii la mid ah).

Waa in qofku marka hore dalbado kaalmooyinka iyo gunnooyinka guud ee la heli karo sida kaalmada kirada guriga iyo lacagta waalidka. Waxa aad taageerada biilka ka dalbanaysaa Hay´adda adeegga bulshada ee degmadaada (warbixin dheeraad ah waxad ka helaysaa bogga internetka ee degmada). Hay´adda adeegga bulshadu waxay u baahantahay warbixinta dhammaan axwaasha shaqaale ee quseeya codsiga sida; dakhliyada, hantida iyo qarashaadka.

Wax dheeraad ah ka sii akhri:
http://www.socialstyrelsen.se/ekonomisktbistand/forsorjningsstod,

http://www.socialstyrelsen.se/ekonomisktbistand/utlandskamedborgare

Elräkning (Biilka korontada)

​Si kasta ha ahaado deegaankaaguye, waxa kuu soo dhici doona biil koronto. Isagu sida runta ah waa laba qaybood, waxanu ka kala iman karaa laba shirkadood. Mid ahaani wuxu ka imanayaa shirkadda ka mas´uulka ah xargaha korontadu marto, kan kalena wixi ka imanayaa shirkadda iibinaysa korontada lafteeda. Waxa iska caadi ah in korontada ku baxda kulaylinta ay ku jirto kirada haddii aad degentahay guri kiro oo kuwa dadka badan ah. Markaa waa qaybta lagu magacaabo korontada qoyska ta aad bixinaysaa (lambadaha, radyowga, tv-ga, iyo shooladda oo soo geli karta). Haddii aad degentahay guri gaar ah, waxa caadi ah in aad bixiso korontada oo dhan, markaas biil koronto oo aad u badan ayaa kuu iman kara jiilaalkii marka qabowgu badanyahay. Haddii aad ku kiraysato kiro qabow, markaas waxa weeye in aad bixinayso dhammaan korontada ku qoran biilka korontada. Kani kuma jirayo kirada. Marka aad guurayso waa in aad arrinkaas u sheegto shirkaddaada korontada si aanad u bixin korontada guri aanad degenayn. Iyo weliba si aad ugu hesho koronto guriga aad u guurayso.

Erbjudande (U soo bandhigid)

Soo jeedin ka timid shirkad ama shakhsi raba in uu wax kaa iibiyo , wuxu adeegsan karaa kelmadda ”soo bandhigid” si ay ugu muuqato martiqaad. Waxa habboon in aad si wanaagsan isaga akhrido soo bandhigidda si aad si buuxda ugu hubsato waxa loola jeedo. Haddii aanad hubin, waydii! Waa in aad si buuxda u hubto waxa aad bixin doonto si aad qayb uga hesho soo bandhigidda. Sida caadiga ah, waxay ku saabsan tahay lacag, xiitaa haddii aan soo bandhigidda loogu qorin si cad. Tusaale ahaan waxa caadi ah in laguu soo bandhigo ka mid noqoshada naadi buugeed ama wax la mid ah, markaa waxad bilaash ku helaysaa waxoogaa buugaag ah iyo shandad ama hadiyad kale. Mar walba waxa ku hoos jira in aad wax uu samayso si aad alaabtaas u hesho, bilaash ma aha. Badiyaa waxay arrintu tahay in ay qasab tahay in aad iibsato tiro buugaag ah (ama waxa uu bandhigu ku saabsanyahay) in aanad ka bixin naadiga.

Etableringsersättning (Lacagta la qabsiga)

Kharashka la qabsiga waa lacag aad heleyso marka aad raceyso qorshahaaga la qabsiga. Haddaad heysato carruur waxaad heli kartaa lacag intaas dheer. Kharashka la qabsiga isku mid ayuu u yahay dadka oo dhan, ayadoo ku xirneyn meesha aad deggan tahay. Si aad u hesho kharashka oo dhan waa inaad raacdo howlaha ee qorshaha la qabsiga oo ah waqti buuxa. Adiga xaqqa u leh kharashka la qabsiga waxaad xitaa heli kartaa kharashka guriga haddii aad deggan tahay keligaa degaan. Ka akhri waxbadan halkan: https://www.forsakringskassan.se/privatpers/ersattningar_a_o/etableringsformaner-somaliska

 

Europeiska sjukförsäkringskortet (Xafiiska caymiska jirrada ee Yurub)

​Waxa  afka Ingiriisida lagu yiraah "European Health Insurance Card". Marka aad si ku meelgaar ah u joogto waddan kale o oka tirsan EU/EES ama Iswiserland, waxa aad xaq u leedahay daryeelka caafimaad ee lagama maarmaanka ah si la mid ah dadka waddankaas degen. Si aad taas u hesho waa in aad haysato kaarka caymiska jirrada ee Yurub. Safarrada aad ku tegayso waddamada waqooyiga Yurub, uma baahnid wax kaar ah. Waddamada ka baxsan EU/EES iyo Iswiserland, xaq uma lihid daryeel caafimaad marka dhawr meelood laga reebo. Si laguugu soo celiyo qarashaadka daryeelka jirro ee waddamadaas, waxad u baahantahay  caymis safar oo barayfad ah (waxa caadi ah in caymis safar ku jiro, caymiskaaga guriga). Wax dheeraad ah ka sii akhri:
http://www.forsakringskassan.se/privatpers/resa_arbeta_studera_eller_fa_vard_utomlands/resa_utomlands

 

Facket (Ururka shaqaalaha)

​Waxa jira isbahaysiyo ururo shaqaale oo badan, waxa lagu soo koobaa ururka shaqaalaha (facket). Waxay ku xiranyihiin laamo kala duwan si ay xubnohooda ugu caawin karaan si fiican. In aad xubin ka noqoto urur shaqaale waxay ku fiicnaan kartaa siyaabo badan. Waxad haysataa cid ku caawinaysa haddii ay dhibaato kaa qabsato goobta shaqadaada. Halkii aad adiga laftaadu ka waardiyeyn lahayd xuquuqdaada, oo aad adigu ka gorgortami lahayd mushaharka, oo adigu aad goobaha shaqo ee halista ah ka shaqayn lahayd sidii ay ammaan u noqon lahaayeen, oo aad adiga laftaadu wax ka qaban lahayd haddii tusaale ahaan si xun laguula dhaqmo, taas bedelkeeda waxad haysataa urur gadaal kaa taagan oo xaaladahaas oo dhan kaa caawinaya. Ururka shaqaaluhu wuxu kuu soo bandhigi karaa caawimo khabiir oo dhinacyo badan ah, ka bilow arrimaha ammaanka ilaa arrimaha sharciyada. Ururka shaqaaluhu wuxu kaloo fursad u leeyaya in ay codsiyadiisu hirgalaan maxaa yeelay waxa ka dambeeya urur dhan, halka ay shaqo-bixiyaha u sahlantahay in uu iska sahashado codsiyada iyo dalabaadka ka yimaadda shakhsiyaadka caadiga ah.

Wax dheeraad ah ka sii akhri: http://www.lo.se, http://www.tco.se

Fakturor (Qaan-sheegad)

Qaan-sheegad wuxu la mid yahay, biil, sida dhabta ah.  Qaan-sheegad waa dalbasho lacagbixineed oo qoran. Marka aad wax iibsato, laakiin aanad isla markiiba bixin, waxa kuu imanaysa qaan-sheegad (biil). Waxay sida caadiga ah ku timaadda boosta. Waxad qaan-sheegadyada ku heli kartaa wax kasta, min guriga kiradiisa iyo biilka korontada ilaa  hafto ku bixinta tv-ga.  Biilasha waa in aad bixiso wakhtiga ku qoran, haddii kale waxad halis ugu jirtaa in aad lacag dheeraad ah bixiso ama aad ku dhacdo diiwaanga Kronofogden. Qaan-sheegadka ayey ku taal maalinta  dhicitaanku, yacnii maalinta ugu dambaysa ee ay tahay in aad bixiso lacagta. Sida ugu wanaagsani waa in fursad loo yeesho in biilasha lagu bixiyo internetka (waa waxa lagu magacaabo bangiga internetka). Waa habka ugu dhakhsaha badan ee ugu jaban ee lagu bixiyo biilasha. Waxa kale oo lagu bixin karaa bangiga ama boosta laakiin qarash ayey ka qaataan biil kasta, waxaanay noqon kartaa wax aad u qaali ah. 
Wax dheeraad ah ka sii akhri:
http://www.hallakonsument.se/pengar-och-ekonomi/bank-kort-och-betalningar/betala-rakningar/ och      http://www.swedishbankers.se/fakta-och-rapporter/svensk-bankmarknad/betalningar/

Flykting (Qaxooti)

Waa qof uu quseeyo heshiiska Qaramada midoobay ee xaqootiga oo xaq u leh magangelyo sida uu dhigayo xeerka caalamiga ahi. Sida uu dhigayo xeerka qaramada midoobay ee qaxootigu, qaxooti waa qof dareemaya cabsi xaqiiq ah oo ku saabsan xadgudub  lagaga samaynayo waddankiisa, sababtoo ah asalkiisa, qawmiyaddiisa, ka tirsanaantiisa koox bulsho oo gaar ah, ama diintiisa ama  aragtidiisa siyaasadeed darteed. Waddamo badan oo ay Iswiidhan ka mid tahay, waxay kaloo magangelyo siiyaan dad aanu qusayn xeerka qaramada midoobay.  Waa dadka tusaale ahaan  waddankooda halis ugu jira qisaas, jirdil ama dhaqan kale ama ciqaab kale  oo bina aadanimada ka baxsan ama bahdilaad ah.
Wax dheeraad ah ka sii akhri:
http://www.manskligarattigheter.se/sv/de-manskliga-rattigheterna/vilka-rattigheter-finns-det/flyktingars-rattigheter?searchstatisticsId=7240, https://www.migrationsverket.se/Other-languages/Af-soomaali/Difaac-iyo-magangelyo-oo-Iswiidhan.html

Flyktingkonventionen (Heshiiska qaxootiga)

Heshiiska qaxootigu wuxu xaddidayaa waajibaadka dawladaha ee dhinaca dadka qaxootiga ah.  Heshiisku waxa kale ee uu qeexayaa dadka lagu tirinayo qaxootiga iyo dadka aan lagu tirinayn qaxooti. Wax dheeraad ah soo akhri:

http://www.manskligarattigheter.se/sv/de-manskliga-rattigheterna/vilka-rattigheter-finns-det/flyktingars-rattigheter?searchstatisticsId=7240,

http://www.unhcr.org/neu/se/,

http://www.migrationsinfo.se/migration/varlden/flyktingkonventionen/

Flyttanmälan (Sheegidda guuritaanka)

Marka aad guurayso waa inaad ku soo sheegto wiig gudihii. Meesha aad ka diiwaangashantahay waxay  ay u leedahay macno weyn tusaale ahaan degmada aad cashuurta siinayso, xaq u lahaansha kaalmada iyo faa´iidooyinka, meesha aad ka codaynayso. Adarees sax ah oo kuugu qornaada diiwaanka dadweynaha, wuxu macnihiisu yahay in hay´ado badan oo kalena ay haystaan adareeska saxda ah. Warbixinta waxa si otomaatig ah loogu diraa hay´ado badan oo kale  sida hay´adda doorashooyinka, Qasnadda caymiska iyo maamulka gaadiidka (liisanka dartii).  Sidoo kale waa in aad samayso adarees bedelid.  Waxa ugu fudud in aad sheegista guuritaan iyo bedelaadda adareeska aad ka samayso Svensk Adressändring. Wax dheeraad ah ka akhri: www.adressandring.se, http://www.skatteverket.se/privat/folkbokforing/flyttainomsverige/flyttanmalan.4.76a43be412206334b89800018531.html

Fordonsskatt (Cashuurta gaadiidka)

​Cashuurta gaadiidku waa cashuur laga qaadayo gaadiidka matoorka ku socda sida baabuurta yaryar, baabuurta xamuulka, mootooyinka, iyo wixii la mid ah. Waa in aad bixiso cashuur si gaadiidka loogu isticmaalo waddoonki guud. Baabuurta yaryar qaarkood oo buuxinaya shuruudda bay´ada qaarkeed waxa loo sameeyaa cashuur dhaaf shanta sano ee ugu horraysa. Wax dheeraad ah ka sii akhri:
http://www.transportstyrelsen.se/sv/Vagtrafik/Fordon/Fordonsskatt/

Försäkring (Caymis)

Fikradda ka dambaysa caymisyada waa in dad badani isla qaybsadaan halista haddii wax dhacaan.  Waxa suurtogal ah in caymis laga galo shilalka iyo dhaawacyada. Dadka iyo hantidaba waa la gelinayaa (alaabta, guriga, baabuurta iwm).  Lacagta lagu bixinayo caymiska waxa la yiraahdaa premie ama försäkringspremie (qarashka caymiska).  Haddii aad guri degentahay tusaale ahaan waa muhiim in aad ku jirto caymisk guri haddiiba ay guriga wax ku dhacaan (tuugo, gubasho, ama wixii la mid ah). Haddii ay dhacaan wax caymisku daboolayo (wixii caymiska loo galay) waxad helaysaa magdhow (lacag ama wax wixii u dhigma.

Wax dheeraad ah ka sii akhri: konsumenternas.se ama shirkaddaada caymiska boggeeda internetka.

Försäkringskassan (Qasnadda caymiska)

Qasnadda caymisku waa hay´ad dawladeed oo maamusha tusaale ahaan: Lacagta waalidka, kaalmada kirada, kaalmada carruurta iyo lacagta daryeelka carruurta. Qasnadda caymisku waxa kale oo ay bixin kartaa lacag haddii aad jirrato.  Waa isla Qasnadda caymiska cidda bixisa lacagta la qabsiga dalka. Wax dheeraad ah ka sii akhri: https://www.forsakringskassan.se

Försörjning (Is biilid)

Is biiliddu waa in aad deberto baahiyahaaga  aasaasiga ah. In aad deberto nolol maalmeedkaaga, yacnii in aad haysato lacag kugu filan si aad u soo iibsato tusaale ahaan cunto, dhar iyo in aad guri kiraysato.

Försörjningsstöd (Taageero biil)

​Waxa kale oo lagu magacaabaa kaalmo dhaqaale, horena waxa lgu magacaabi jiray kaalmo bulsho. Taageerada biilku waxay u shaqaynaysaa sidii shabakadda difaaca ee ugu dambaysa ee qofka ay haysato dhibaato dhaqaale oo ku meelgaar ah. Taageerada biilku waa lacag aad heli karto haddii aanad haysan lacag kugu filan si aad isu deberto (tusaale ahaan xagga cuntada iyo kirada). Waa in aad mar walba soo dalbato taageerada dhaqaale. Lacagta ay tahay in qofku isku debero waa mid la sii go´aamiyey. Haddii aad dalbato taageero biil waxay fiirinaysaa hay´adda arrimaha bulshadu baahidaada gaarka ah. Qofka mas´uuliyadda koowaad ayaa ka saaran in uu naftiisa debero. Taas macneheedi waxa weeye in qofka laftiisu gacan ka gaysto biilkiisa iyo baahiyihiisa kale inta aanu xaq u yeelan kaalmo. Qofkii shaqayn karaa waxa ku waajib ah in uu shaqo raadsado. Sida arrinku yahay, xaq uma lihid taageero biil haddii aad lacag ku haysato bangiga ama aad hanti kale leedahay (baabuur, guri, doon iyo wixii la mid ah). Waa in qofku marka hore dalbado kaalmooyinka iyo gunnooyinka guud ee la heli karo sida kaalmada kirada guriga iyo lacagta waalidka. Waxa aad taageerada biilka ka dalbanaysaa Hay´adda adeegga bulshada ee degmadaada (warbixin dheeraad ah waxad ka helaysaa bogga internetka ee degmada). Hay´adda adeegga bulshadu waxay u baahantahay warbixinta dhammaan axwaasha dhaqaale ee quseeya codsiga sida; dakhliyada, hantida iyo qarashaadka.
Wax dheeraad ah ka sii akhri:
http://www.socialstyrelsen.se/ekonomisktbistand/forsorjningsstod, http://www.socialstyrelsen.se/ekonomisktbistand/utlandskamedborgare

Gratis (Bilaash)

​Gratis waa marka aan wax lacag ah laga bixinahayn. Badiyaa xayeysiisyada ayey ku jirtaa kelmadda Gratis. Waxa kale ah oo shay lagu qori karaa ereyga gratis haddii aanu jirin wax qarash ah oo la xiriira soo bandhigidda. Haddii tusaale ahaan ay qasab tahay in laba buug la iibsado si buugga saddexaad bilaash u noqdo, markaa bilaash ma aha. Markaa waa in lagu qori in buugga saddexaad noqonayo bilaa qarash dheeraad ah.

Hemförsäkring (Caymiska guri)

Caymiska guriga waxa badiyaaba la socda caymisyo badan oo kala duwan. Qaybo ka mid aha ayaa tusaale ahaan bixin kara dhaawaca alaabtaada ama magdhow ku siinaya haddii adiga laftaadu aad dhaawacanto ama ama adiga magdhow lagaa rabo. Caymiska guriga waxa caadi ahaan ugu jira:

  • Caymis hantiyeed - wuxu lacag kaa siin karaa dhaawaca soo gaara alaabta aad leedahay, aad kiraysato ama aad u soo amaahato isticmaalid.
  • Caymis mas´uuliyadeed - wuxu magdhow siin karaa qof aad adiga kugu yeeshay magdhow
  • Caymis shakhsiyadeed marka lagu weerero - wuxu ku siin karaa magdhow dhaqaale haddii u ku soo gaaro dhaawac shakhsi ah ka dib markii lagugula kacay jirdil ama kufsi.
  • Caymiska difaaca xagga sharciga - wuxu bixin kara qarashaadkaaga wakiilka xagga sharciga (abukaate) haddii is qabsi idin dhexmaro qof kale.
  • Caymis safar - Wuu ku jiraa caymisyada guriga badankooda, waxanu ku siinayaa difaac wanaagsan marka aad safarto. Badiyaa wuxu quseeyaa 45 maalmood.

Waxa kale oo jira caymisyo badan oo kale oo lagu kordhin karo caymis guriyeedka caadiga ah. Sida ugu wanaagsani waa in qofku la hadlo shirkaddiisa caymiska si uu u helo caymisyo sx ah haddii ba wax dhacaan. Wax dheeraad ah ka sii akhri: konsumenternas.se ama shirkaddaada caymiska boggeeda internetka.

Husdjur (Xayawaan guri joog ah)

Xayawaanguri joog ahi, waa xawayaanka dadka la degen ee rabbaayadda ah. Xayawaan guriyeedka ugu badan Iswiidhan waa: Bisadda, eyga iyo xawayaanka yaryar ee kale sida khansiir badeedka iyo bakaylaha, laakiin sidoo kale shimbiriha, mulacyada iyo masasku waxay noqon karaa xayawaan guriyeed.

Dad badan oo ah miilkiilaha xayawaan guri joog ee Iswiidhan waxey u arkaan xayawaanka xubin ka mid ah qoyska. Waa caadi in xayawaanka guri joogi ahi uu degenaado guriga dhexdiisa, dad badan waxey u ogolaanayaan eeygiisa ama bisadiisa in ay la jiiftaan sariirta. Eeyaha iyo bisada ee aan heysan cid leh ee deggan wadada waa wax aan caadi aheyn.

Wax dheeraad ah ka sii akhri: http://www.zoonen.com/

Hyresavtal (Heshiis kiro)

Marka aad kiraysato guri, waa in aad haysato kontaraag ama heshiis ku saabsan wixii waajibaad iyo xuquuq ah ee quseeya deegaanka.
Marka la saxeexo heshiis ah kiraysi guri, waxa ka koobnaan doonaa warbixin ku saabsan:
Kiraystaha iyo kireeyaha, kirada, muddada kirada (wakhtiga heshiiska), haddii ay jirto in qofku xaq u leeyahay isticmaalka boosas kale (istoodhka kore, geerash ama wax la mid ah), faahfaahino kale sida tusaale ahaan alaabta guriga, nadaafadda, qashin qaadista iyo caymiska.
Wax dheeraad ah kas ii akhri: http://www.omboende.se/sv/Hyra/Att-hyra/

Hälsovård (Daryeelka caafimaadka)

​Daryeelka caafimaadku wuxu noqon karaa laga bilaabo in ilkahaaga wax kaga qabato ilka nadiifiye si aad uga badbaado dhibaato xagga ilkaha ah, ilaa in aad samayso laylis is dejineed. Daryeelka caafimaadka badiyaaba waxa lagu xasuustaa, hawlqabadka lagu hagaajinayo caafimaadka iyo daryeelka ka hortagga ah. Waxa ay noqonaysaa in aad adiga laftaadu wax iska qabato jir ahaan iyo ruux ahaanba si aad uga baaqsato jirro.

Id-kort (Kaar aqoonsi)

Id-kort waa soo gaabinta identitetskort. Waxa aad u isticmaalaysaa kaarka aqoonsiga si aad u sugto da´daada iyo si aad isu caddayso (si aad u caddayso qofka aad tahay), tusaale ahaan marka aad dawo ka soo qaadanayso farmasiiga, marka aad kaar lacag ku bixinayso meel dukaan ah ama aad sameyneyso hawl banki. Waxa aad ka dalban kartaa kaarka aqoonsiga wakaaladaha canshuuraha xafiisyadooda khidbada qaarkood (Skatteverket).

Wax dheeraad ah ka sii akhri bogga Skatteverket ama hoosta BankID iyo E-legitimation ee liistada ereyadaan.

Inkomstskatt (Cashuur dakhli)

Marka aad shaqeyneyso waxaad ka bixineysaa canshuur mushaarkaada. Canshuurtaan waxaa lagu magacaabaa canshuurta waxa kusoo gala. Marka aad shaqeyneyso waxa uu kaa jarayaa shaqo bixiyahaaga canshuur inta aadan helin mushaar. Jawaabtaada mushaarka waxaa ku qoran inta uu yahay mushaarkaada. Shaqo bixiyaha waxa uu bixinayaa canshuurta oo uu siinayaa wakaalada canshuuraha bil kasta. Dadka heysta oo dhan dakhli, bxiyana canshuur waxey sanad walba celinayaan caddeynta canshuurta oo loo gudbinayo wakaalda canshuuraha. Wixii faahfaahin ah ka akhri bogga Skatteverket.

Introduktionsersättning (Lacagta ilbixinta)

Waa lacag aad soo galooti cusub ahaan aad markii hore heli karaysay haddii aad ka qaybqaadato barnaamija ilbixinta ee degmada. Ilbixinta macneheedu waa taageero dheeraad ah oo wakhtigeedu xadidnaa oo bulshada Iswiidhan siinaysay qaxootiga cusub iyo soo galootiga inta ay ku cusub yihiin Iswiidhan. Lacagtii ilbixinta waxa lagu bedelay lacagta la qabsashada. Soo galootiga cusub ee ilbixintiisa bilaabay wixii ka horreeyey 1 december 2010, wuxu lacagta ka helayaa degmada ilaa uu dhammaado barnaamijka ilbixintu si waafaqsan sharcigii hore.

Konsument (Macaamiiö)

​​Macaamil waxaad tahay marka aad iibsaneyso badeecad ama khidmo oo aad ka iibsaneyso shirkad. Waxaad la xiriiri kartaa khidmada wax u sheegidda ee wakaalada macaamilka Hallå konsument haddii aad qabto suaalo ku saabsan iibsi ama waxyaalo kale oo ka iibsade ahaan ugu baahan tahay caawinaad. Bogga Hallå konsument waxaa ku jira warbixin iyo macluumaad oo luqado duwan kale ah, waxaadna si qoraan ah ula sheekeysan kartaa hagaha wakaalda macaamilka. Waana suurtagal xitaa in laga waco 0771-525 525 oo aad la hadasho hagaha.

Konsumentombudsman (Wakiilka macaamiisha)

Wakiilka macaamiisha waxa loo soo gaabiyaa KO. KO wuxuu ka shaqeeya si shirkadda ay u raacdo sharciyada oo khuseysa tusaale ahaan suuqgeynta iyo heshiiska. KO waxey kaloo ku matali kartaa macaamilka maxkamadaha. Adiga ka iibsanaya badeecad iyo khidmad shirkad waa macaamil. Kuwa sameeya badeecada waa soosaare iyo kuwa iibinaya badeecada waa iibiye.

KO waa qeyb ka mid ah wakaalada macaamiisha. Wakaalada macaamiisha waa hey'ad dowladeed kuwaasoo kuu shaqeynaya adiga ah macaamilka. Waxaad ku dacweyn kartaa iibiye iyo soo saare kuwaasoo jebinaya sharciga wakaalda macaamiisha.

Waxaad heli kartaa warbxin waxaadna weydiin kartaa su'aalo wakaalada macaamiisha adigoo isticmaalaya khidmadooda wax u sheega Hallå konsument. Waxaad waci kartaa 0771-525 525 ama waxaad akhrin kartaa www.hallakonsument.se. Halkaas waxaad si qoraal ah kula shekeysan kartaa hagaha wakaalda macaamiisha. Wixii faahfaahi ah ka akhri bogga Konsumentverket.

Konsumentvägledare (Macaamiil la taliye)

​La taliyaha macaamiisha ee degmadaada waxa aad ka heli kartaa talo marka aad iibsanaysp alaab ama adeeg, taageero marka aad ka dacwoonayso alaab iyo weliba talobixin iyo taageero qusaysa dhaqaalaha qoyska iyo qaamowga. Wax dheeraad ah ka akhri bogga internetka ee degmadaada.

Kronofogden (Hay´adda deyn ururinta)

Kroronofogden waa hay´ad dawladeed oo ka shaqaysa daymaha. Hay´adda kronofogden waxa ay caawinaysaa cidda qaani kaga maqantahay cid kale, yacnii in laga helo lacag kuwa lagu leeyahay lacagta. Haddii aanad bixin biilashaada waxad geli kartaa liiska haydda deyn ururinta ee Kronofogden. Markaa haydda dayn ururintu waxa ay caawinaysaa qofka lacagta kugu leh. Waxa kale oo ay hay´adda dayn ururintu qaabataa codsiyada ku saabsan deyn saamixidda waxa kale oo ay dusha kala socotaa maamullada shirkadaha musallafay marka ay ka shaqaynayaan kicitaanka shirkadaha.
Wax dheeraad ah ka sii akhri: http://www.kronofogden.se/, http://www.kronofogden.se/fordigsom/harsvartattbetala/privatperson.4.2e56d4ba1202f95012080004206.html

Kvällskurs (Kooras habeen)

Isbahaysiyo waxbarasho oo fara badan waxay  bixiyaan koorsooyin habeen oo maaddooyin kala duwan ah. Koorsooyinka habeenkii waxa loo soo ragay in aad waxbaran karto, haddana aad maalintii shaqaysan karto. Halkaas waxa laga baran karaa laga bilaabo luqad barasho ilaa qoob ka ciyaar barasho iyo sawir qaadis barasho. Badiyaa waxad caawimo ka helaysaa  isbahaysi waxbarasho haddii aad rabto kooras aan ku jirin kuwa ay soo bandhigeen. Waxa la sameeyaa in aad ururiso 5-8 qof oo ka qaybqaateyaal ah. Markaa isbahaysiga waxbarasho wuxu idinku caawinayaa fasalkii iyo macallinkii. Waxa aad ka akhrin kartaa wax dheeraad ah bogagga internetka ee isbahaysiyada waxbarasho:
Medborgarskolan
ABF
Studieförbundet Vuxenskolan
Sensus
Folkuniversitetet
Ibn Rushd
NBV
Studiefrämjandet
Bilda

Körkort (Liisan baabuur)

Wakaaladdda gaadiidku waxay mas´uul ka tahay itixaanka aqoonta iyo itixaanka waddidda ee liisanka. Hay´adda Transportstyrelsen waxa ay mas´uu ka tahay bixinta ruqsadda liisanka.

Barta intarneetka ee guddiga gaadiidka waxaa ku jira warbixin akhris-fudud oo ku aaddan in leysin gaari wedid lagu qaato Swiidhan gudeheeda.

Waa inaad buuxisid 18 sano isla markaana aad leesin baaabuur lahaataa si aad baabuur u wadid Iswiidhan. Hadaad leesin baabuur ka heysatid wadan kale lama hubo inaad baabuur ku wadi karto leesinkaas.

Legitimation (Kaarka aqoonsiga)

Waraaq aqoonsi oo saaran sawirka milkiilaha iyo saxiixiisa waxaa loogu yeeraa sidoo kale kaarka caddeynta ama kaarka ID ka, midka ugu badana waa baasaboor iyo leysinka. Sidoo kale waa waraaq (kaar) aad isticmaaleyso si aad u caddeyso qofka aad tahay. Ka akhri wixii faahfaahin ah bogga Skatteverket ama hoosta Id -kort ee liistada ereyadaan.

Migrationsverket (Laanta socdaalka)

​Laanta socdaalku waxay ku shaqo leedahay arrimaha quseeya socdaalka. Tusaale ahaan haddii aad rabto in aad u soo guurto qof Iswiidhan degen, in aad noqoto waddani Iswiidhish ah ama aad dalbato magangelyo ama sharci degenaansho. Ka sii akhri wax dheeraad ah:
https://www.migrationsverket.se/Other-languages/Af-soomaali.html

Misshandel (Jirdil)

Jirdil waa marka qof ama dhowr daawacaan qof si u kas ah. In aad jir disho waa in aad si xun ila dhaqanto qof, waxay noqon kartaa jir dil ama maskax dil. Qofka cid kale u sababa dhaawac jir, jirro, xanuun ama tamar darro, wuxu sameeyey jirdil. Haddii lagugu sameeyo jirdil ama aad aragto cid kale oo lagu samaynayo jirdil waxa aad wargelin kartaa booliska. Wax dheeraad ah ka sii akhri:

www.polisen.se/sv/Utsatt-for-brott/Olika-typer-av-brott/Hot-vald-ofredande/,

http://kvinnofridslinjen.se/telefonkort/somaliska-soomaali/

Mushaarka jirada iyo Lacagta jirada

 Waxaad heli kartaa lacag haddii aad jirato ama aad Is dhaawacdo. Waxa la helayaa lacag (gunnada jirrada) halkii aad mushahar ka heli lahayd shaqo bixiyahaaga (14 cisho ee ugu horreeya) ama Qasnadda caymiska (haddii aad jirrantahay wax ka badan 14 maalin). Waxaad wargelinaysaa shaqo-bixiyahaaga maalinta ugu horraysa ee aanad imaan karin xanuun dartii. Maalinta koowaad ee jirrada qofku ma helayo wax lacag ah, wixii ka dambeeya ayuu shaqo bixiyaha ka helayaa mushahar jirro labada wiig ee ugu horeeya. ka dibna waxaa bixinaya lacagta jirada qasnada ceymiska. Si aad u hesho lacagta jirada waa inaad heysato ama heysaty shaqo aad bushar ka qaadan jirtay. Wixii faahfaahin dheeri ah ka akhri bogga Försäkringskassan.

Mödravårdscentral (Xarunya xannaanada hooyooyinka)

​Xarunta xannaanada hooyooyina (MVC) waxa kale oo lagu magacaabi karaa qaabilaadda umulisada (BM-mottagning). Tusaale ahaan waxa lagu samayn karaa baaritaan uur, waxa kale oo laga heli karaa talobixinta ka hortagga uuraysiga (kiniinada P-piller, mini-piller, gariiradda makaanka la geliyo, dagen efter-piller, P-spruta, P-stav iwm) waxa kale oo BVC lagu sameeyaa kontoroolidda uukar, inta qofku uurka leedahay oo waxa waalidiinta loo diyaariyaa umulidda. Waxa kale oo la sameeyaa waxbarasho waalidnimo oo waalidnimo u diyaar garaynaysa hooyada iyo aabaha cusub. Waxa kale oo lagu sameeyaa BVC kontoroollo caafimaad oo macdanta dumarka ah (waa waxa lagu magacaabo shaybaarka unugyada, baaridda kansarka gala dhuunta makaanka). Wax dheeraad ah ka sii akhri: https://www.1177.se/Tema/Gravid/Graviditeten/Pa-modravardscentralen/Besok-pa-barnmorskemottagningen-under-graviditeten/

Nystartsjobb (Shaqo bilow cusub ah)

​Haddii qofku ka maqnaa suuqa shaqada muddo dheer, waxa fursad u noqon karta waxa lagu magacaabo shaqo-bilaw cusub. Shaqobixiyaha kugu shaqaalaysiiya shaqo-bilaw cusub, wuxu heli karaa taageero dhaqaale. Taasi waxa ay sahal ka dhigaysaa in la qashaalaysiiyo dadka muddo dheer ahaa bilaa shaqo. Shaqo-bixiyuhu wuxu taageerada helayaa wakhti u dhigma intii aad bilaa shaqada ahayd. Ka sii akhri wax dheeraad ah: https://www.arbetsformedlingen.se/4.5f6b75bc120ce1edc5a800080.html

Oskrivna regler (Sharciyo aan qornayn)

​Sharciyo aan qornayn waxa kale oo lagu macnayn karaa waxyaalaha bulsho ahaan la ogolyahay ama afgarashooyinka  dhaqan ee bulshada. Yacnii sida lagaa sugayo in aad ula dhaqanto dadka kale. Sharci aan qornayn waa sharci aan meelna kaga qornayn qaanuunada laakiin lagaa sugayo in aad raacdo. Qofka aan raacin sharciyada aan qornayn waxa loo arki karaa qof ”aan caadi ahayn” maxaa yeelay qofku wuxu khilaafay caadigii. Waxa ay tusaale ahaan noqon kartaa in qofku jawaabo marka lala hadlo, in uu salaanta ka jawaabo marka la salaamo, iyo weliba in si edeb leh loola dhaqmo dadka kale. Akhri buugga: Den Svenska Koden ee ay qoreen Silvia Nilsson Puccio, Uli Bruno & Maria Bengts.

Passa tid (Ilaali wakhtiga)

​Aad ayey muhiim u tahay in wakhtiga la ilaaliyo Iswiidhan. Taasi waxay qusaysaa, dadka caadiga ah, asxaabta iyo dadka hay´adaha dawladdaba. Waxa loo arkaa edaab darro in aan wakhtiga la dhawrin. Ayadoo taasi jirto haddana Iswiidhishka oo dhami kuma fiicna ilaalinta wakhtiga. Hadii aad tusaale ahaan ka dib dhacdo interfiyuu shaqo, waxa jirta halis weyn oo ah in aad shaqada sababtaas darteed ku waydo.

Pension (Bisil ama lacagta hawlgabka)

​Waxa badiyaaba laga hadlaa bisil marka loo jeedo bisilka gabowga. Bisilka gabowga waxad helaysaa marka aad uga baxdo suuqa shaqada in aad gaartay da´dii gawlgabka darteed, yacnii markad aad u gabowday. Bisilka hawlgabka waxa lagu bixiyaa cashuurta dawladda loo shubo, shaqobixiyaha ayaa bisilka ka shubaya shaqaalihiisa (waa qasab), qofkuna iskii ayuu u kaydsan karaa bisil. Bisilka waxa loo arki karaa mushahar dib loo dhigtay, nadaamka bisilka hawlgabkana waxa ku jira qayb caymis ah. Tusaale ahaan waxa la bixinayaa ilaa inta la noolyahay xiitaa haddii qofka cimrigiisu ka dheeraado celceliska dadka, ama waxa loo shubayaa dadka dhaxalka leh haddii geeriyi timaaddo. Waxa kale oo jira noocyo kale oo bisilka ka mid ah sida bisilka jirrada iyo bisilka qaddimaadda ah. Ka sii akhri wax dheeraad ah: http://www.pensionsmyndigheten.se/

Personbevis (Warqadda caddaynta shakhsiga)

​​Waxad u baahan kartaa warqad caddayn shakhsi ah markii aad:

  • samaysanayso kaar aqoonsi (laakiin ma aha marka aad kaarka aqoonsiga ka samaysanayso wakaaladda cashuuraha)
  • dalbaneyso waxbarashooyin kala duwan/iskuullo/deeqo
  • dalbanayso dhalashada Iswiidhishka
  • dalbanayso furriin
  • aad heysato baasaboor ajanabi, baasaaboorka shisheeyaha ama wixii la mid ah

Caddaynta shakhsigu waa caddayn muujinaysa warbixinta kaaga qoran diiwaanka dadweynaha ee wakaaladda cashuuraha. Warqadda caddaynta shakhsigu ma aha dokumenti aqoonsi. Wax dheeraad ah ka sii akhri bogga Skatteverket.

Personförsäkring (Caymis shakhsi)

Caymisyada shakhsiga ee barayfadka ahi waxay dhammaystir u yihiin caymisyada bulsho iyo caymisyada heshiisyada. Caymiska shakhsigu waxa uu ka koobanyahay caymisyo yaryar oo kala duwan. Sida caadiga ah waa caymisyada aasaasiga ah ee ku jira caymiska shilalka iyo caymiska daryeelka jirrada. Waa baahidaada iyo dhaqaalahaaga waxa xukumaya haddii aad dooranayso in aad gasho caymis barayfad ah iyo haddii kale. Badiyaa waxad saxeexaysaa caymis wadareed adiga oo xubin ka noqonaya urur shaqaale laakiin xiitaa shaqobixiyahaagu wuxu gelin karaa ciddii rabta caymis wadareed. Waxa kale oo aad laftaadu saxeexi kartaa caymis shakhsi ah. Wax dheeraad ah ka sii akhri: Hallå konsument, konsumenternas.se ama la xiriir shirkaddaada caymiska.

Personnummer (Lambarka shakhsiga)

Dadka oo dhan ee ka diiwan gashan iswiidhan waxey heleyaan nambar shaqsi ah oo ah ka calaamad caddeyn ah. Haddii mar aad heshay nambarka shakhsiga waxaad heysaneeysaa isla lambarkaas nolosha oo dhan. Taa macnaheedu waa in nambarka shaqsiga aan la bedeloi karin haddii tusaale ahaan u guurto dibadda. Wakaalada canshuuraha waxey qeybineysaa nambarka shaqsiga . Waa inaad celisaa wargelin u guurid iswiidhan . Ka akhri wixii faahfaahin ah bogga Skatteverket.

Qofka masuul ka ah caruur sharci ahaan

Qofka masuul ka ah caruur sharci ahaan ama qofka mas´uuliyadda leh waa qofka ama dadka leh xannaanada qaanuuniga ah (yacnii mas´uuliyad xagga sharciga ah) ee ilmaha. Wuxu noqon karaa waalid ama labadaba ama qof maxkamadi u dooratay. Ilmuhu wuxu lahaanayaa mas´uul xagga xannaanada ah ilaa uu buuxiyo 18 jir oo uu noqdo qaangaadh.

Rafcaanka

Haddii aad u aragto in cidi go´aamisay go´aan qaldan, waxa jiri kara in aad leedahay fursad aad kaga dacwooto. Ka hadal waxa aad u aragto qalad iyo sababta aad ugu aragto. Markaa waxa aad fursad u leedahay in aad hesho go´aan cusub. Laga yaabee in ay isla sidii hore noqoto, laakiin waxa kale oo ay noqon kartaa in aad saxsanayd. Go´aamo badan oo ay gaaraan hay´adaha dawladda ama degmooyinka waxa jira fursad lagaga dacwoodo. Go´aanku wuxu mar walba ahaanayaa mid qoran. Ha ku qancin jawaab afka oo kulan ah ama telefoon ah. Waxa aad xaq ugu leedahay hay´adda gaartay go´aanka aad qaladka u aragto in ay kaa caawiyaan sidii aad ugu dacwoon lahayd si sax ah. Wax dheeraad ah ka sii akhri www.funkaportalen.se.

Rattfylla (Sarkhad gaari ku wadid)

​Xadka aan la dhaafi karin sakhrad ku wadista baabuurka ee Iswiidhan waa in uu dhiigga ku jiro 0,2 promille khamri ah (0,1mg oo hawada la neefsanayo la socda). Taas macneheedu dhab ahaantii waxa weeye inay ugu ammaan badantahay in aan wax khamri ah la cabbin haddii aad baabuur wadayso. Sakhrad gaari ku wadid weyn, waxa loola jeeda in uu dhiigga ku jiro 1,0 promille ama ka badan (0,5 mg oo la socda hawada la neefsanayo), ciqaabtuna waa ilaa laba sano oo xabsi ah. Waxad ka sii akhrin kartaa wax dheeraad ah: https://polisen.se/Lagar-och-regler/Trafik-och-fordon/Rattfylleri/, http://www.trafikverket.se/ddd ama
http://www.mhf.se/rattfylleri.aspx

Reklam (Xayeysiis)

​Xaryeysiis waa warbixin loo sameeyey oo loo faafiyey si loo muujiyo oo dareenka loogu soo jeediyo fikrado, alaab iyo adeegyo. Waxa la rabaa in la saameeyo oo la bedelo aragtida, qiimaynta ama dhaqanka dadka si loo bedelo sida iyo waxa ay iibsanayaan. Waxad ka sii akhrin kartaa wax dheeraad ah: http://www.reklamombudsmannen.org/, http://www.hallakonsument.se/tips-for-olika-kop/reklam/regler-for-reklam/     

Reseförsäkring (Caymis safar)

​Caymis safar waa caymis uu qofku u saxeexo haddiiba uu jirrado marka uu waddan kale ku suganyahay. Waddaniyiinta EU-du waxay waddamada kale xaq ugu leeyihiin daryeel jirro oo degdeg ah oo lagu maalgelinayo cashuurta, Jirro degdeg ah waxa lagu tirinayaan xiitaa qarashaadka ku baxa uurka iyo ku umulidda Isbitaalka (kaarka caymiska jirrada ee reer Yurub). Haddii aad leedahay caymis guri oo uu ku jiro difaac safar, waxa kuugu jira caymis wanaagsan oo ah 45 cisho. Haddii aad wakhti badan maqnaanayso waxad u baahan kartaa in aad ku dhammaystirto safar caymis. Qasnadda caymisku waxa ay warbixin ku saabsan waxa quseeya waddankaas aad u safri doonto.
konsumenternas.se ama bogga internetka ee shirkaddaada caymiska.

Räkningar (Biilal)

Sida dhabta ah biil wuxu la mid yahay qaan-sheegad. Biil waa dalbasho lacagbixineed oo qoran. Marka aad wax iibsato, laakiin aanad isla markiiba bixin, waxa kuu imanaysa biil (qaan-sheegad). Waxay sida caadiga ah ku timaadda boosta. Waxad biilasha ku heli kartaa wax kasta, min guriga kiradiisa iyo biilka korontada ilaa hafto ku bixinta tv-ga. Biilasha waa in aad bixiso wakhtiga ku qoran, haddii kale waxad halis ugu jirtaa in aad lacag dheeraad ah bixiso ama aad ku dhacdo diiwaanga Kronofogden. Biilka ayey ku taal maalinta dhicitaanku, yacnii maalinta ugu dambaysa ee ay tahay in aad bixiso lacagta. Sida ugu wanaagsani waa in fursad loo yeesho in biilasha lagu bixiyo internetka (waa waxa lagu magacaabo bangiga internetka). Waa habka ugu dhakhsaha badan ee ugu jaban ee lagu bixiyo biilasha. Waxa kale oo lagu bixin karaa bangiga ama boosta laakiin qarash ayey ka qaataan biil kasta, waxaanay noqon kartaa wax aad u qaali ah.
Wax dheeraad ah ka sii akhri:
http://www.hallakonsument.se/pengar-och-ekonomi/lana-pengar/om-du-inte-kan-betala/, http://www.swedishbankers.se/fraagor-vi-arbetar-med/betalningar/e-faktura/

Sjukhus (Isbitaal)

Sjukhus (isbitaal) waxa kale oo lagu magacaabaa lasarett (isbitaal). Isbitaalka wax daryeel ku hela dadka jirran iyo kuwa dhaawacma. Badiyaa qaabilaadda degdegga ahi waxay ku taal isbitaal. Daryeelka jirro ee ka jra isbitaalka wuxu noqon karaa daryeel furan ama daryeel xiran. Daryeel furan macnihiisu waxa weeye in aan qofka la dhigayn isbitaalka (qasab ma aha in uu joogo) qayb daryeel caafimaad ee waa la baarayaa, waxaana wax lagaga qabanayaa tusaale ahaan qaabilaadda isbitaalka ama xarunta xannaanada caafimaadka. Nooca daryeel ee kale, waa daryeelka xirane, wuxu quseeyaa daryeelka qof bukaan ah oo ku qoran qayb isbitaalka ka mid ah. Si aad u timaaddoo qaabilaad ama qayb isbitaalka ka mid ah waa in dhakhtar kuu soo diro. Daryeelka isbitaalku wuxu ugu horrayn ku wajahan yahay bukaanka cudurada khatarta ah qaba ama xaaladdooda nololeed halis ku jirto. Isbitaallo badan waxa ka jira daryeel degdeg ah iyo mid la sii qorsheeyoba oo takhasusyo badan oo kala duwan quseeya, tusaale ahaan daweyna uurku jirta, qalliin, lafaha, daryeelka jirrada dhegaha, sanka iyo dhuunta, daryeelka cudurada dumarka, caafimaadka carruurta iyo dhalinyarada iyo daryeelka waayeelka iwm. Haddii aad u baahantahay in aad tagto qaabilaadda degdegga ah waxa fiican in aad la sii hadasho si aad u sii ogaysiiso in aad imanayso. Wac warbixinta daryeelka jirrada (lambarka telefoonka : 1177) si aad talo u hesho ama sii akhri: www.1177.se

Skatteverket (Wakaaladda cashuuraha)

​Wakaaladda cashuuruhu waa hay´ad dawladeed oo gacanta ku haysa warbixinaha ku saabsan: Lambarka shakhsi, cashuurta dakhliga, cashuurta daaraha, caddaynta dakhliga, caddaynta shakhsiga, kaarka aqoonsiga, diiwaangelinta dadka, wargelinta guuritaanka iyo waxyaalo kale. Ka sii akhri wax dheeraad ah: http://www.skatteverket.se/

Socialbidrag (Lacagta kaalmada bulshada)

​Hadda waxa la isticmaalaa kelmadda ah taageero biil. Taageerada biilku waxay ka koobantahay mar ahaan qiyaasta go´an ee heer qaran, marna qarashaadka macquulka ah ee ka baxsan qiyaasta heer qaran. Qiyaasta heer qaran waa qarashaad qiyaastii isku mid ah dadkoo dhan. Tusaale ahaan waxa ku jira qarashaadka cuntada, dharka iyo nadaafadda. Taageerada biilku waa kaalmo dhaqaale oo u shaqaynaysaasidii shabakadda difaaca ee ugu dambaysa ee qofka ay haysato dhibaato dhaqaale oo ku meelgaar ah. Taageerada biilku waa lacag aad heli karto haddii aanad haysan lacag kugu filan si aad isu deberto (tusaale ahaan xagga cuntada iyo kirada). Waa in aad mar walba soo dalbato taageerada dhaqaale. Lacagta ay tahay in qofku isku debero waa mid la sii go´aamiyey. Haddii aad dalbato taageero biil waxay fiirinaysaa hay´adda arrimaha bulshadu baahidaada gaarka ah. Qofka waxa saaran mas´uuliyadda koowaad ee in uu naftiisa debero. Taas macneheedi waxa weeye in qofka laftiisu gacan ka gaysto biilkiisa iyo baahiyihiisa kale inta aanu xaq u yeelan kaalmo. Qofkii shaqayn karaa waxa ku waajib ah in uu shaqo raadsado. Sida arrinku yahay, xaq uma lihid taageero biil haddii aad lacag ku haysato bangiga ama aad hanti kale leedahay (baabuur, guri, doon iyo wixii la mid ah). Waa in qofku marka hore dalbado kaalmooyinka iyo gunnooyinka guud ee la heli karo sida kaalmada kirada guriga iyo lacagta waalidka. Waxa aad taageerada biilka ka dalbanaysaa Hay´adda adeegga bulshada ee degmadaada (warbixin dheeraad ah waxad ka helaysaa bogga internetka ee degmada). Hay´adda adeegga bulshadu waxay u baahantahay warbixinta dhammaan axwaasha dhaqaale ee quseeya codsiga sida; dakhliyada, hantida iyo qarashaadka.
Wax dheeraad ah ka sii akhri:
http://www.socialstyrelsen.se/ekonomisktbistand/forsorjningsstod, http://www.socialstyrelsen.se/ekonomisktbistand/utlandskamedborgare

Socialstyrelsen (Hay´adda Maamulka bulshada)

Maamulka bulshadu waa hay´ad dawladeed oo ku shaqeysa howsha ay u dhiibato dowladda. Wakaalada waxaa maamula, haga,dhiiba tirakoob, dabagalana adeega bulshada, daryeelka jirada iyo caafimaadka iyo daryeelka ilkaha. Maamulka waxey soo saartaa qoraalo (u shaqeeya si sharci), dhiibaan talooyin iskuguna daba rida aqoonta shaqaalaha, iyo go'aan gaaraha ka shaqeeya xanaaneynta iyo daryeelka. Warbixinta qaar waxey ku jeedaa si toos bukaanka iyo isticmaalaha. Maamulka bulshada waxey kaloo ka shaqeysaa in ay soo saarto aqoonsiga shaqaalaha ka shaqeeya daryeelka. Wixii faahfaahin ah ka akhri bogga maamulka bulshada.

Stöld (Tuugo)

Tuugadu waa dembi. Tuugo waa marka qof qaado wax aan loo ogolayn oo qof kale leeyahay, si uu laftiisu u qaato, cid kale u siiyo ama u sii iibiyo. Tuugada weyn waxa qofka lagu xukumi karaa xabsi ugu yaraan lix bilood ah ugu badnaanna lix sano ah. Tuugada waxa lagu magacaabi karaa, haddii dembigu yaryahay (aanu qiimo weyn lahayn) xadiyaan yar (snattari).Haddii qof kaa xado wax, booliska ayaad ka ashkataynaysaa. Wax dheeraad ah ka sii akhri: http://polisen.se/Utsatt-for-brott/Olika-typer-av-brott/Stold-eller-forlust/

Svartjobb (Shaqo suuq madow ah)

In aad ku shaqeyso si suuqa madoow ah waxey ka macno tahay inaadan ka bixin wax canshuur ah waxa aad shaqeysato. Bulshada wuxuu ku dhisan yahay dadka shaqeeya oo dhan iney bixiyaan canshuur. Canshuurta waxaa loo isticmaalayaa daryeelka bukaanka, waddooyinka, daryeelka dadka waaweyn, iyo barwaaqo sooran ka kale ooloogu tala galay muwaadiniinta oo dhan. Hadaad u shaqeyso si suuqa madoow ah waxaa adkaanaya inaad hesho heshiis gacan koowaad ah ee guri ama aad wax ku gadato si qeyb ah, ama lacag deyn ah. Guryo ijaaraha iyo shirkadda waxey rabaan badanaa inaad tusi karto heshiis shaqo.
Adiga ku shaqeynaya suuqa badoow:

  • Ma heleysowax heshiis shaqo ah, sidaa darteed waxaa lagugu khiyaami karaa mushaarka
  • Ma helaysid lacag shaqo la'aan haddii aad noqoto shaqo la'aan
  • Ma heleyso jirro ama kharash fasax.
  • Ma heleyso kharashka jirada ama waalidka
  • Waxaad heleysaa howlgab hooseeya.
  • haddii aad is dhaawacdo ceymis kuma jirto,ama qof kale dhaawacdo ama ay ku dhacdo inaad wax jebiso marka aad shaqeyneyso.
Tandvård (Daryeelka ilkaha)

Daryeelka ilkuhu waa in aad ilkahaaga ka shaqayso. In aad tusaale ahaan tagto kontoroollada dhakhtarka ilkaha iyo in aad si wanaagsan u cadaydo, ayaad kaga hortegi kartaa dalool ilkaha ku samaysma. Dhammaan dadka degen Iswiidhan waxay xaq u leeyihiin taageero daryeel ilkood laga bilaabo marka qofku buuxiyo 20 jir. Qofkaaga da´daas ka yar, daryeelka ilkuhu waa kuu bilaash. Iswiidhan waxa ka jira daryeelka ilkaha dadweynaha (oo Landstinget-ka ah) iyo daryeelka ilkaha ee dhakhaatiirta barayfadka ah.

Wax dheeraad ah ka sii akhri: http://www.forsakringskassan.se/tandvard, http://www.folktan​dvarden.se/, https://www.1177.se/Other-languages/Somaliska/Regler-och-rattigheter/Tandvard-nar-man-ar-over-20-ar---statligt-tandvardsstod/

Telefonräkning (Biilka telefoonka)

​Waa qaansheegad qofku ku helo telefoon isticmaalkiisa. Waxa Iswiidhan ka jira shirkado telefoon oo badan oo kala duwan oo isla tartama. Badankoodu waxay leeyihiin qiimo dhimis haddii tusaale ahaan laga rukunto telefoonka caadiga ah iyo moobil isla socda ama laga yaabee xiitaa internetka. Yacnii waxa fiican in la is barbardhigo shirkadaha kala duwan si aad u hesho rukumasho ku habboon habka aad u isticmaasho telefoonka. Isku barbar dhig halkan: http://www.pts.se/sv/Lattlast/Jamfor-priser/ ama http://www.compricer.se/telefoni/

Underhållsbidrag (kaalmada daryeelka ilmaha)

Waa lacag uu waalidka aan ilmihiisa la degenayni ku taageerayo biilka ilmaha. Taasi waxay qusaysaa haddii aad leedahay mas´uuliyadda xaanaada oo wadaag ah ama haddii midkiin leeyahay mas´uuliyad gaar ah, labadaba. Marka ilmuhu qiyaastii si leeh midkiinba mar ula degenyahay, waxa la xisaabinayaa degenaansho talantaalli ah oo midkiinna kuma qasbana in uu bixiyo kaalmada daryeelka ilmaha. Waa ilmaha cidda xaqa u leh kaalmada daryeelka. Laakiinwaa waalidka ilmuhu la degenyahay ka lacagta loogu dhiibayo. Waalidka waxa waajib ku ah daryeelka ilaa ilmuhu buuxinayo 18 jir. Ilmaha weli dhigta dugsiga sare ama wax u dhigma, waalidku wuu ku qasbanyahay daryeelkiisa ilaa uu buuxinayo 21 jir. Wax dheeraad ah ka sii akhri: https://www.forsakringskassan.se/privatpers/foralder/for_foraldrar_som_inte_lever_ihop

Underhållsstöd (Taageerada daryeelka ilmaha)

Taageerada daryeelka ilmaha waa lacag laga bixiyo Qasnadda caymiska. Lacagta waxa loo shubaa waalidka leh mas´uuliyadda xannaanada ilmaha ee kelidii la degen ilmaha. Taageerada daryeelka ulmaha waxa la bixiyaa haddii waalidka kale aanu bixin kaalmada daryeelka ilmaha ama uu bixiyo wax ka yar 1273 kar bishiiba. Wax dheeraad ah ka sii akhri: https://www.forsakringskassan.se/privatpers/foralder/for_foraldrar_som_inte_lever_ihop

Uppehållstillstånd (Sharciga degenaanshaha)

Qofka ajanbi ah oo raba in uu joogo Iswiidhan wax ka badan saddex bilood, waa in uu haysto sharciga degenaanshaha. Qofka hela qiimayn ah inuu yahay qaxooti, qof magangelyo kale oo u dhiganta u baahan ama baahi kale oo magangelyo qof qaba, waxa la siinayaa sharci degenaansho oo abadi ah ama sharci degenaansho oo wakhti go´an ah oo ugu yaraan saddex sano ah. Wax dheeraad ah ka sii akhri: https://www.migrationsverket.se/Other-languages/Af-soomaali.html

Validering (Aqoonsi-siin)

Macneheedu waxa weeye ”in ansax laga dhigo, la xaqiijiyo”. Ereyga aqoonsisiin ”validering” waxa loo isticmaalaa in la sharraxo geeddi-socod si lo kontoroolo oo wax looga dhigo ansax (tusaale ahaan shahaado). Aqoonsi-siintu waxay ku jirtaa shaqada hubinta tayada. Aqoonsi siinta awoodda aqooneed waxa loo isticmaalaa, xukumid, qiimayn iyo ictiraafidda aqoonta iyo awoodda aqooneed ee qof leeyahay. Wa dheeraad ah ka sii akhri: https://www.arbetsformedlingen.se/For-arbetssokande/New-in-Sweden/Somaliska---Iswiidhan-cusub.html

Vårdcentral (Xarunta xannaanada caafimaadka)

​Xarunta xannaanada caafimaadku waxay ka tirsantahay daryeelka caafimaadka ee dhow sida qaabilaadaha dhalinyarada iyo heeganka, xarunta xannaanada carruurta iyo daryeelka caafimaadka hooyooyinka. Xarunta xannaanada caafimaadka waxa taga bukaan-socodka qaba cuduro iyo xanuunada aan ahayn degdeg toos ah. Dhakhaatiirta xarunta xannaanada caafimaadku waxay badiyaa bukaan-socodkooda u leeyihiin mas´uuliyad guud oo habaysan. Haddii loo baahdo waxa laguu gudbin karaa takhasusyo kale si laguu baaro oo laguu daryeelo. Xarunta xannaanada caafimaadku waxay sidoo kale gacanta ku haysaa baaritaannada shaybaarka, kontoroollada cadaadiska dhiigga iyo qaybaha daryeelka iyo baaritaannada ee si uun  caadiga u ah.

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri