La jirka kuwa kale ku tababaro swiidhishka

​​​​​​Si fiican oo lagu barto swiidhishka waa in lala hadlaa dad horbaba yaqaanna swiidhishka.

Welcome!

Welcome! waa app halkaas oo aad xiriir kula sameyn kartid dad ku hadla swiidhish, ama in aad khadka taleefanka gacanta kula sheekeysatid, ama in aad si dhab ah ula kulantid.

​​​Hage qaxooti ama saaxiib luqadeed

In aad leedahay hage qaxooti ama saaxiib luqadeed waa hab waqti leyskula qaato. Adigaaga megengelyo doonka ah ama qof waddanka ku cusub waxaad xiriir la sameyn kartaa shakhsiyaada ku nool Iswiidhan. Adigoo maraya hagahaaga qaxootiga ama saaxiibkaaga luqadda ayaad si degdeg ah u baran kartaa swiidhishka, xiriirra cusub oo nolol maalmeedka kuu fududeyn karana waad xir-xiraneysaa. 

Swiidhish leh canug yar​

​Ku tababaro filim​

Filimyadaan waxaad ka baran ereyada iyo tabciiryada joogtada loo isticmaalo. Adiga waad joojinkartaa iyo dib baa ugu soo ceshankartaa filimyada haddii aad dooneysid. Haddii aad jag-siiso afargeysta ku masawirran hoos dhinaca midigta ee filimka, waxaa ku soo if-baxaayo ereyada filimada iwm oo qoran.

Tilmaamid wado / Maktabad

Joogaa makhaayad shaah​

Goobo kulan​

Haddii halkaan aad ku qorto degmada, goobta adreeskaaga waxaad heleysa warbixin ku saabsan halka aad la xiriiri karto, oo aad ka heli karto fursad aad kula kulanto dadyoow kale oona ku layliso af-iswiidishka.

Dooro waxii aad rabtid ineey khariidada ku tusto

Maktabad​

Maktabadda waxaad ka deynsan kartaa kumbuyuutar leh intarneet, waxaad ka deynsan kartaa buugaag ku qoran swiidhish akhriskiisu fududyahay, wargeysyo luqado kala duwan ku qoran ayaad ku akhrisan kartaa iyo wax kaloo badan. Maktabadaha qaar waxay abaabulaan kulamo halkaas oo lagu kulmi karo swiidhishkana lagula tababaran karo.

Cashar caawin​

Waxaa lagu abaabulaa meela badan oo Swiidhan ah. Taas waxaa loogu tala galay in carruurta, dhallinyarada iyo dadka waaweyn lagu caawiyo in ay horay u socdaan oo ay waxbarashadooda ku guuleystaan.​

​​Taxaddir lahaw!

Ka fikir in aad taxaddir lahaatid haddii aad la kulmeysid cid aad intarneetka ku wada xiriirteen. Fadlan cid u sheeg meesha aad aadeysid, ballanta aad la leedihid saaxiibkaaga intarneetkana ka dhigo meel dadka oo dhan u dhexeysa.

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri