Kronobergs län

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Gobolka Kronoberg iyo qeeybaha dhexe ee gobolka Småland waxeey caan ku yihiin soosaarida quraaradaha, waxeey kaloo caan ku yihiin dhulka dabiiciga ah ee qurxoon. Kronoberg waxey qani ku tahay balliyada iyo keymaha waxaana ka jira gaadiidka bulshada oo aad u fiican, tagana magaalooyinka ku yaal hareeraha gobolka.

Map of Sweden Created with Highcharts 10.2.1

Degmooyinka ku yaala Kronobergs län

Dooro degmada ah Kronobergs län ee aad doonaysid inaad wax dheeraad ah ka akhrisato xagga hoose

Xaalada guryaha

Degmooyinka gobolka qaarkood waxaa ka jira guryo la'aan. Basaska iyo tareennada si fiican ayeey ugu shaqeeyaan degmada, dadka degmooyinka banaankooda degan ayaana faa'iido weyn ku qabo ineey gaadiidyadaas si fiican u shaqeynayaan. Jaanisyo dhinaca degida iyo shaqada ah ayaa ka jira degmooyinka gobolka qaarkood.

Dadweyne

Gobolka Kronoberg waxuu ka kooban yahay sideed degmooyin: Alvesta, Lessebo, Ljungby, Markaryd, Tingsryd, Uppvidinge, Växjö iyo Älmhult. Växjö waa magaalo madaxda gobolka waana degmada ugu weyn ee gobolka marka laga fiiriyo dhinaca tirada dadka: ku dhowaad 85 000 oo qofood. Degmada Lessebo waa tan ugu yar waxaana degan 8 000 oo qofood. Tirade dadka ee gobolka kor ayeey sii aadeysaa sanadyadii ugu dambeeyay waxaana ku kordhay 1,7%.

Wax soosaarka ganacsiga iyo shaqo bixiye

Shaqa bixiyaha ugu weyn ee gobolka waa degmada Växjö oo eey u shaqeeyaan 7575 shaqaale, halka shaqa bixiyaha ugu weyn ee dhinaca shirkadaha gaarka loo leeyahay uu yahay IKEA of Sweden AB oo eey u shaqeeyaan 1075 shaqaale. Shaqaalaha ugu badan waxeey ka shaqeeyaan dhinaca caafimaadka iyo shaqooyinka la xiriira daryeelka qoyska iyo qofka. Intaas in la eg waxeey ka shaqeeyaan beec mushtarka, hoteellada, makhaayadaha iyo adeega bulshada ee gobolka Kronoberg. Kronoberg waxeey waligeed ku jirtay kaalimaha koowaad marka laga fiiriyo dhinaca shirkadaha yaryar ee dhisan gobolka.

Iskoolaad iyo waxbarasho

Linnéuniversitetet waxeey ka mid tahay goobaha waxbarasho ee ugu cusub Iswiidhan oo dhan, waxaana la aasaasay 2010 markii leesku daray jaamacada Växjö universitet iyo machadka Högskolan i Kalmar. Linneuniversitetet waxeey xarumo waxbarasho ku leedahay labada magaalo. Waxaana dhigta arday gaaraya 40000, oo kala dhigta 150 barnaamijyo waxrasho iyo 2000 oo koorsooyinka gaarka loo akhristo ah. Ardayda booska koowaad ka dhigta Linnéuniversitetet markeey jaamacadaha raadsataan waxeey kor ugu kaceen boqolkiiba 32.

Daryeelka bukaanka

Gobolka waxaa ku yaal labo isbitaal, mid waxuu ku yaal Växjö, midna Ljungby intaas waxaa sii dheer labo xarumo oo lagu daweeyo bukaanada degdega ah. Gobolka waxaa kaloo ku yaal 32 rug caafimaad, 11 kamid ah waa kuwo baraayfat ah, Växjö waxaa ku yaal goob lagu daryeelo dadka cudurada maskaxda ku dhaca qaba iyo rug loogu tala galay dadka waaweyn-, dhalinyarada-, iyo carruurta qaba cudurka cilmu nafsiga.

Dhaqan iyo waqtiga firaaqaha

Växjö waxaa ku yaal matxafka quraaradaha ee Iswiidhan, hiddaha iyo dhaqanka iyo maktabad casri ah.

Degmada Växjö waxaa loo aqoonsaday ineey tahay degmada isboortiska ee sanadka 2013. Goobta lagu magacaabo magaalada garoomaha ee Växjö waa goob loogu tala galay isboortiska kala duwan, waxbarashda iyo hogaaminta iyo xiiseyn qoto dheer.

Kronoberg waxaa ku yaal xarumo loogu tala galay soo bandhigidda nololdhaqameedyada kala duwan sida, matxafka Småland iyo guriga haajirayaasha. Waxaa ku yaal goobo dabiici ah oo qurux badan sida kayd dabiici ah iyo jardiinada qaranka oo loogu tala galay howlaha firfircoonida ee guriga dibaddiisa. Waxaa kaloo gobolka ku yaal goobo lagu xafido waxyaabaha fara ku tiriska ah ee taariikhiga ah sida Linnés Råshult. Ljungby waxaa ku yaal matxafka Ljungbergmuséet iyo Sagomuséet.