Skara

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Degmada Skara waxey heysataa 19 000 oo dad ah, waxeyna ku taalaa Skaraborg, oo ah qeyb ka mid ah gobolka Västa Götaland. Halkaan waxaad gaareysaa 250 000 dad mudd nusi saac ah.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

18814

Cabirla dhulka

428 kiilomitir oo laba jibaaran

Sawir dayaarad qaaday oo ah korka bartamaha Skara

Skara waa mid ka mid ah magaalooyinka ugu faca weyn Iswiidhan. Waxaan heysanaa ganacsi kala duwan, bandhig qani ah oo ah fasaxa iyo dhaqanka iyo dad badaoo hal abuur ah. Waxaa heysanaa kun sanoo taariikh ah iyo kumanaan fursado ah oo hore socod ah.

Deegaan

Skara waxaa ka jira guryaha noocyadooda kala duwan: kiro, kuwo qeyb ahaan la gato, guryo yaryar. Waxaa jira xaafado la dago oo leh guryo kiro ah, oo ay leedahay, maamushana shirkada guryaha ee degmadda Centrumbostäder. Liisto ay ku qoran yihiin kireeyayaasha oo dhan ee degmada waxaa laga helaa bogga degmada.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Degmada Skara waxey heystaa taariikh dheer oo ah in ay dadka usoo hijroodaan oo heysta waayo aragnimo kale iyo aqoon cusub. Waa marka dadka cusub ay soo galaan bulshada marka uu horumarka uu dhacayo! Halkaan waxaa jira hadda dad ka yimid koonfurta aasia, Somalia, Kongo, Syrien iyo Afgaanistaan. Dad badanoo deggan Skara waxey ku hadlaan luqadakale aan iswiidhishka aheyn iyo ingiriisi.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada waxey leedahay tiro weyn oo ururo ah oo nuucyo kala duwan leh qiyaas ahaantii 150mxabo. Waa nolosha ururada oo lagu kulmayo xiriirkana lagu sameysany! Tusaale ahaan ururada ciyaaraha, ururada dhaqanka, kiniisadaha iyo ururada kale. Bogga degmada waxaad ka raadin kartaa diiwaanka ururada ururka ku habboon waxa aad xiiseyneyso. Skara waxaa ka jira sidoo kale mowla cweyn ereteriyaanku leeyihiin oo rajeynaya iney dhistaan kaniisadooda u gaarka ah. Waxaa jiro oo kale xitaa dhowr ururo eriteriyaan ah iyo ururka Balkan.

Maxaa ka ag dhaw

Skara waxey leedahay wax badanoo ah bandhiga dukaamada cuntada iyo dhexbartanka waxaa ku yaala farmashiyo, banki, dukaamo, c´shineemo, biibito, iyo maqaayad. Halkaan waxaa ka jira xitaa ´saddex dukaanka gacan labaadka waxa uu iibiyan ayb ka mid yihiin dhar, agabka guriga.

Skara waxey leedahay xafiiska adeega bulshada lehna qaabilaada qaxootiga ee qoysaska iyo ilamaha iyo dhalinyarad keligood timid, Dhexbartanka waxaa ku yaala sidoo kale Xfiiska shaqada iyo laba rugta caafimaadka iyo daryeelka ilkaha.

Landsbiblioteket iyo Stifts ee ku taala Skara waxaad ka heleysaa buugaag iyo qalab kale kuwaasoo kaa caawin kara adiga ku cusub wadanka Iswiidhan. Haddaad rabtid inaad baratid Iswiidhishka waxaad soo deysan karta qaamuus, koorsooyin luqada ah, buugaag luqad fududu ku qoran. Halkaan waxaa yaala xitaa bugaagta sugaanta oo luqado kala duwan ku qoran. Haddii markaas qalabka aysan luqadaada ku qorneyn, markaas waan waan rabnaa inaan dalabno. Haddaad u baahn tahay caawinaad markasta waad kusoo dhowaaneysaa inaad weydiiso shaqaalaha maktabada. Buuga "Om Sverige" waa hagid bulsho loogu tala galay adiga raba inuu ka ogaado wax badan Iswiidhan iyo bulshada Iswiidhishka. Hadafku waa in laguu fududeeyo adiga ku cusub in aad la qabsato suuqa shaqada iyo nolosha bulshada. Qalabka waxey lagu heli karaa ayagoo luqado badan ku qoran oo lasoo dajin karo.

Maktabad yaqaanka Barakaat Aldammad waxa uu bandhigayaa dadka booqanaya uuna siinaya macluumaad iyo talo. Waxa uu yaqaanaa Carabiga iyo dhaqanka sidaas ayuu u yahay mid qiimo u leh taagrida dadka cusub. "Fika på svenska" waa mashruuc bulsho oo loogu tala galay adiga mar dhow yimid iswiidhan. fursadahaas waxaad heleysaa fursad ah inaad la baashaaso dadka degan Skara isla markaasna ku tababaratid luqada Iswiidhishka.

Meel aan ka fogeyn maktabada waxaa ku yaala matxafka Västegöteland. Toben daqiiqo meel u jirta dhexbartanka waxaa ku yaala xaafad filloyin ah lehna meel lagu dabaasho,ciyaarta ishkiga, meelo lagu ordo,meesha lagu ciaaro teeniska iyo waxyaale abadan.

Dalyeelka carruurta

Degmada Skara waxaad kala dooran kartaa xanaanada degmada daryeel waxbarid, ama xanaano gaar ah iyo daryeelka ilmaha iskuulka. Qaababaka waxbrasho ee kala duwan waxaa lagu mideynayaa xitaa carruurta heysta cuuryaanimada jirka iyo maskaxda. Warbixin ku saabsan daryeelka carruurta ee degamada Skara waxaad ka heleysaa bogga degamada.

Sawir lagu soo dhaweeyay caruurta dugsiga xanaanada wejigooda.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Skara waa magaalo iskuul ooo leh taariikh dheer. Waxey leedahay dhowr iskuulo aasaasi ah kuwaso buuxinaya baahida dadka degan degmada. Iskuulka dugsiga sare waa midka ugu faca weyn iswiidhan, lehna waxbarasho fiican,maadooyin badan, iyo dhaqano badanoo fiican. Bogga degmada waxaad ka heleysaaa warbixin badan ooku saabsan iskuulka aasaasiga iyo xitaa fursado waxbarashada dugsiga sare.

Furadaha waxbarasho

Degmada waxey bixisaa nuucyo badanoo waxbarashada dadka waaweyn ah iyo iswiidhishka ee ajnabiga, sfi. Bogga degmada waxaad ka akhrin karataa fursadaha jira.

Skara waxaa ku yaala mac'hadka sare ee xirfadda ee bayloojiga (BYS) lehna waxbarashada qeybta beeraha, daryeelka xoolaha, daajinta fardaha, ama beeraha quruxda.

Caafimaadka

Skara waxey leedahay dhowr rug caafimaad iyo daryeelaka hooyada, BCV, iyo dhowr dhaqaatiirta ilkaha. Magaalada dariska la ah Skövde waxey heystaa laaan qayrta cas xarun ku takhasustay dadka dagaalada iyo jirdilka ku dhaawacmay.

Caawinaad turjubaan

Xiriirlka oo dhan ee dowlada, degmo iyo isbitaal waxaad xaq u leedahayc caawinaad tarjumaan haddii aadan ku hadlin ama adan fahmeynin iswiidhishka. Waxaa jira xafiis tarjumaan oo degmada leedahay Mariestad oo ay howsha u qabta.

Xiriirka gaadiidka

Xiriirka gaadiidka waa fiican yahay ee gaadiidka magaalada iyo basaska tuulooyinka. Ayadoo la siimarayo magaalooyinka dariska ah Lidköping, Skövde ama Falkköping si fudud ayaad ku tagi kartaa ilaa Göteborg ama Stockholm Ka akhri waxii dheeri ah bogga Västtrafik ee warbixinda jadwalka waqtiga iyo dhaqaaqa.

Shaqo iyo ganacsi

Degmada, ama meel loo socon karo, waxaa ku yaal dhowr labadaba shaqo bixiye yar iyo mid weyn. Bogga degmada ayad ka heleysaa warbixin khuseysa adiga xiiseynaya inaad bilaawada shirkad kuu gooni ah.

Waxaa jira fursado fiican oo ah in la bilaabo oo la maamulo shirkado degmada. Shirkado yaryar oo badan waxaa leh dad usoo haajiray iswiidhan. Waxaa jira fursado fiican in aad hesho talo iyo caawinaad marka aad rabto inaad bilaawdo adigaa isticmaayala xafiiska shaqada, xarrunta shirkadaha cusub, Almi ama Coompanion. Shaqo bixiyaasha waaweyn ee Skara waa Jula, IAC, Scan, EA Åkeri, Svenska Lantägg iyo Skara Sommarland.

Halkan shirkadaha wey ku kori karaan. Si la mid ah sidii ey ahaan jirtay kun sano ka hor. Iyo kun sanoo kale. Maxaa yeelay meesha ey dadku jecelyihiin ganacsigana wuu ku kobcaa.