Örebro län

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Gobolka Örebro waxuu ku yaala bartamaha Iswiidhan. Gobolka labo iyo tobankiisa degmo waxaa degan isku geeyn 285 000 oo qof. Magaalada ugu weeyn waa Örebro. Boqolaal sano gobolka waxuu goob kulan oo muhiim ah uu ahaaday dadka. Halkaan masaafadaha waa gaabanyihiin, waxeeyna lee dahay isgaarsiin fiican, fursad waxbarasho oo fiican iyo suuq shaqo oo balaaran.

Map of Sweden Created with Highcharts 10.2.1

Degmooyinka ku yaala Örebro län

Dooro degmada ah Örebro län ee aad doonaysid inaad wax dheeraad ah ka akhrisato xagga hoose

Xaalada guryaha

Meelaha qaarkood waa ku yaryiiin guriyaasha banaan, waana adag tahay in laga helo guri. Meelaha yaryar ayaa inta badana ka sahlan in laga helo. Waxeey ahaan kartaa in faa'ido in la dago degmo sii yar oo halkaasi ka sii cadahay habka ee bulshada uu shaqeeyso. Dad badan ayaa degmo dagan, mid kalena ka shaqeeyo. Masaafada-safarka uu dhaxeeyo inta badan waa yartahay, waxaana jiro isgaarsiin bas iyo tareemo oo uu dhaxeeyo meelaha sii weeyn ee gobolka. Bogga gaadiidka-gobalka waxaad ka heli kartaa muuqaal guud oo ku saabsan fursada raacida baska.

Wax soosaarka ganacsiga iyo shaqo bixiye

Shaqooyin iyo shaqo dhiibayaal badan oo kala duwan ayaa ka jiro gobolka. Halkaan waxaa ku yaalo warshada sameeynta iyo cilmi baarista teknoloojiyada sare, qeeyb weeyn ee adeega guud iyo shaqooyin dhanka daryeelka iyo xanaaneeynta. Qaar ka mid ah shaqo dhiibayaasha weeyn waa Atlas Copco Rock Drills AB oo sameeyso mashiinada iyo qalabka loogu tala galay godka macdanta laga qodo iyo shirkada baska Nobina Sverige AB.

Dhanka qaybta dawladeed waa degmada Öreboro iyo Gobolka Örebro kuwa ah shaqo-bixiyayaasha ugu weyn. Adigaaga doonaya inaad bilowdo hawl gaar kuu ah waxaad taageero ka heli kartaa Almi Mälardalen iyo IFS Rådgivning looguna talogalay maskaxda ganacsi ee ajnabiga ah.

Jaaliyado iyo ururu bulshada rayidka ah

Nolasha urureed, ururada waxbarashada, kaniidaha iyo ururada diiniga waxeey muhiim uu yihiin isdhexgalka ee dadka waa weeyn iyo caruurtaba. Gobolka waxaa ka jiro ihtimaam iyo gooba kulan oo badan oo looguna tala galay dadka dalka ku cusub halkaasna habhab kala duwan looga baran karo in ku saabsan bulshada Iswiidhan iyo barashada luuqada. Tusaale ahaan waxaa jiro meelo badan oo leh caawimaad-layli oo loogu tala galay caruurta aan afka iswiidhiska uu san uu aheeyn afkooda hooyo.

Iskoolaad iyo waxbarasho

Gobolka waxuu lee yahay fursado fiican ee dhanka waxbarashada jaamacadeed. Jaamacada Örebro waxeey ka tirsan tahay jaamacada Iswiidhan ee waa weeyn, waxeeyna lee yihiin 17 000 oo arday iyo 1 200 oo shaqaale. Jaamacada waxeey lee dahay waxbarada iyo cilmi baaris ee dhanka cilmiga nafta, cilmi baniaadanka, cilmiga sharciga, cilmiga bulshada, cilmiga nolasha, cilmiga farsamaha, daryeelka, daawada, waxbarashada macalinimada, waxbarashada heesaha iyo isboortiga. Jaamacada maqaayada iyo hoteelada ee ku yaalo Grythyttan waxeey ka mid ah tahay hoowlaha Jaamacada. Akhriso in dheerad oo ah ku saabsan Jaamacada Örebro. Sido kale waxaa jiro in badan oo dugsiyaal dadka waa weeyn iyo waxbarashooyin sare ee xarfadeed. Goob-kulan oo dheeraad ah waa xarun-waxbarasho oo jirto.

Daryeelka bukaanka

Gobolka Örebro waxuu lee yahay ruggo caafimaad oo ku yaalo degmooyinka gobolka dhamaantood. Gobolkan wuxuu leeyahay saddex isbitaal oo ku yaala Örebro, Karlskoga iyo Lindesberg. Isbitaalka jaamicada ee Örebro waa mid ka mid ah dalka sideediisa isbitaal jaamicadeed. Gobolkan waxaa kale oo uu ka shaqeeyaa sidii looga hortagi lahaa cudurada loona horumarin lahaa caafimaadka dadweynaha.

Dhaqan iyo waqtiga firaaqaha

Waxaa taajir laga yahay dhanka dhaqanka, waxaana jiro fursado badan oo lagu helaayo hoowlo isboorti iyo xilli firaaqo oo ka jiro gobolka degmooyinkiisa oodhan. Maktabada waxaa uu shaqeeysaa inta badana sidii goob la isku imaado oo halkaasna ka jirto fursado lagu akhristo buugag iyo wargeesiyaal ku qoran luuqado kala duwan. Iswiidhan ururada dhaqanka iyo urarada isboortiga ee kala duwan mecno weeyn ee ugu fadhiyaan sidii xariir uu dhaxeeyo dadka kala duwan looga sameeyo. Waalidyaal badan waxeey ku jiraan ururada kala dib rido hoowlaha xilliga firaaqada ee caruurta.

Halkaan waxaad ka heleeysaa ururada-isboortiga iyo ururada-waxbarashada. Sido kale waxeey ka mid yihiin bulshadad rayidka shaqadeeda ee dhanka isdhexgalka iyo kulanka ka dhaxeeynaayo dadka. Hoowlo kale waxaa kala wada ururada soo galooytiga, Laanta cas, Kaniisada Iswiidham iyo masaajidka Örebro.