Västra Götalands län

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Västra Götaland waa gobol taajir ka ah duwaanshaha badan. Halkaan waxaa ku yaalo dhulalka beeraha, jiqyaal, wabiyaal, magaalo weeyn oo leh meelo dadka ku yaryihiin oo si teel teel ah uu daganyihiin. Sido kale waxaa jiro jasiradooyin badan oo ku yaalo dhanka galbeed ee gobolka.

Map of Sweden Created with Highcharts 10.2.1

Degmooyinka ku yaala Västra Götalands län

Dooro degmada ah Västra Götalands län ee aad doonaysid inaad wax dheeraad ah ka akhrisato xagga hoose

Waxaa jiro 49 degmo, waxaana dagan 1,6 malyoon qof oo ku nool Västra Götaland. 600 000 oo ka mid ah intaas waxeey ku nool yihiin goobaha-Göteborg.

Xaalada guryaha

Guri yari ayaa ka jirto ku dhawaad degmooyinka gobolada dhamaantood. Waxaa jiro qorsho loo lee yahay in lagu dhiso guriyaal cusub oo badan laakin ma uu dhismooyaan sidii uu safka uu dheeraanaayo oo kale. Sidaas darteed waqti dheer ayee qaadan kartaa in la helo nuuca guriga la rabo hadana dad badan qarkood waa in ee guriyaal ku meel gaar ah dagan.

Wax soosaarka ganacsiga iyo shaqo bixiye

Gobolka Västra Götaland waa shiqo dhiibaha ugu weeyn gobolka. Halkaan waxaa ka shaqeeyo oo ka mid ah dadka ka shaqeeyo arimaha daryeelka caafimaadka iyo bukaanka, shirkadaha, dhaqanka iyo bey'adda. Sido kale gobolka Västra Götaland ayaa ka masu'uul ah isgaarsiinta guud iyo dalxiiska. In dheeraad ah oo ku saabsan isgaarsiinta guud ka akhriso bogga Västtrafik, in kale ka oo ku saabsan dalxiiso ka akhriso bogga Västsverige. Magaalada Göteborg waxeey lee dahay shaqaale badan oo waxaa ka mid ah kuwo ka shaqeeyo iskuulada, xanaaneeynta iyo maamulka. Shaqo dhiibayaasha madaxabanaan waxaa ugu weeyn Volvo Personvagnar AB oo meelo badan oo kale duwan gobolka wax ku soo saarto.

Jaaliyado iyo ururu bulshada rayidka ah

Gobolka Västra Götaland waxaa ku yaalo in badan oo kala ah ururo, kaniisado iyo ururo diimeed oo si firfircoon ka shaqeeyo arimaha qaxootiga iyo isdhexgalka. Waxeey kala wadaan hoowlo badan oo kala duwan si dadka dhamaantood meesha ugu nagaadaan hadana dareemaan in ee ka mid yihiin bulshada Iswiidhan. Tusaale ahaan waxeey habeeyaan goobo kulan, biibto-luuqadeed, waxbarashada iswiidhishka, caawimaada layliga iyo hoowlo isboorti, dhaqaamed iyo howlaha xilliga firaaqada. Qarkood waxeey soo bandhigaan talobixin caafimaad iyo sharci.

Boggayada degmooyinkana waxaa ku jiro oo kale diiwaan-urureed oo aad ka arki karto ururada ka firfircoon degmo kasto.

Iskoolaad iyo waxbarasho

Jaamacadooyin badan ayaa ku yaalo Västra Götaland. Jaamacada Göteborg, oo ah mida gobolka ugu weeyn, waxeey lee dahay 37 000 oo arday iyo ku dhawaad 6000 oo shaqaale. Sido kale Göteborg waxaa ku taalo Jaamacada Chalmers oo leh waxbarasho farsamo oo kala duwan. Tusaale ahaan Borås waxaa ka jirto waxbarasho aqoonta-macluumaadka iyo dhar-sameeynta. Skövde waxaa jirto oo ka mid ah waxbarashada ku jiheeysan hormarinta cayaaraha kombiyuutarka iyo kalkaalisnimo. Trollhättan jaamacadeeda waxeey ku jiheeysan tahay in badan oo ka mid ah waxbarashada qeeyb ahaan lagu sameeyo goob-shaqo ee kala duwan.

Daryeelka bukaanka

Haddii aad qabto cudurada caadiga, dhaawacyo ama xanun waxaad tageeysa rugta caafimaadka ee xaafadeedka. Halkani waxaa kale oo aad ka heli kartaa taageero iyo caawimaad in aad fiicnaysiiso caafimaadkaaga. Dhinaca bogga 1177 ee Hagaha daryeelka waxaa ku jira warbixin fiican oo ku qoran luqado kala duwan. Gudaha Västra Götaland waxaa ku yaala 18 isbitaal oo leh daryeelka bukaanka oo takhasus ah. Haddii aad si deg-deg ah u xanuusato waxaad wacaysaa 112. Xitaa dhinaca daryeelka ilkaha waxaad caawimaad ku helaysaa luqada kala duwan.

Dhaqan iyo waqtiga firaaqaha

Habab kala duwan ayaa dhaqanka looga raaci karaa Västra Götaland. Halkaan waxaa ka jiro oo ka mid ah riwaayado badan, koox-heeso, mutxafyaal iyo maktabadooyin si fiican loo soo booqdo. Maktabada buugaag ayaa ugu amaahan kartaa si balaash ah. Dadka gobolka, iyo Iswiidhan oo dhan, waxeey xiligooda firaqadeed inta badana ka hoowl galaan urur. Ku jirada urur shaqaalo, ama urur isboorti ama urur guri waa mid caad iah. Dadka dhamaantood waa ku soo dhaw yihiin in si xur ah uu joogaan dabiicada, jiqda, bada agteed ama wabi agtiis. Xuquuqda tamashaleeynta ayaa ka warameeyso waxaa dabiicada laga ogalyahay.