Trosa

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Degmada Trosa waa degmo koreysa oo weynaanaysa, waxayna leedahay ganacsi adag, shaqo la´aanto aad bay u hooseysaa. Dhowaanshaha magaalada Stockholm iyo beeyada xeebta leh iyo dhaqanka ku salaysan waxay keenaysa inay dad badan u soo guuran degmadan.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

14031

Cabirla dhulka

664 kiilomitir oo laba jibaaran

Deegaanka jardiinooyinka badda oo leh labo guri oo guduud ah, doon iyo loox.

Deegaan

Degmada Trosa waxay kuu soo bandhigaysa guryo badan oo kala duwan, kuwo waaweyn iyo kuwo yar yar iyo kuwo ku yaala magaalada banaankeeda iyo kuwo ku yaala magaalada gudaheeda.

Guryo kiro ah

Shirkada Trosabyggdens Bostäder AB, TROBO, waa sherkad guryo oo ay degmadu leedahay. Shirkada TROBO waxay leedahay 600 oo guri oo kukala yaala Trosa iyo Vagnhärad.

Shirkada HSB Sörmlandsbostäder waxay hada leedahay 400 oo guri oo ku yaala Trosa iyo Vagnhärad.

Shirkada Fastighets AB Billy Gustavsson waxay leeyihiin oo ay maamulaan 180 guri oo ku yaala Trosa iyo Vagnhärad.

Laba guri oo leh midabo kala duwan iyo balakoono.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Degmada Trosa waxaa ku nool dad luqado kala duwan ku hadla sida luqadaha carabi, daari, tigrinya, ingiriisi, lati, ruush, bosnian iyo finlandiis. Dad wadamo kala duwan ka yimid ayaa ku nool degmada lakin waa dad yar.

Jaaliyado iyo ururu

Jaaliyadaha ku yaala degmada Trosa waxaa ka mid ah jaaliyada finlandiiska ee Trosa-Vagnhärad Finska förening iyo jaaliyada bosniyanka ee Bosnien-Hercegovinas förening. Bogga jaaliyadaha waxaad ka akhrisan karta meheradaha jira, waxaadna ka raadin karta liiska jaaliyadaha kale.

Ciyaaryahanada kubadda cagta oo tartan u jooga garoonka kubadda.

Maxaa ka ag dhaw

Degmada Trosa waa degmo yar oo leh wax soosaar badan oo keenaya adeeg dadweyne. Waxaa jira dhaqdhaqaaqyo badan sanadka oo dhan, sida socdaal jidka Sörmlandsleden, booqasho qasri, booqasho xeebta ama raac tareenka yar ee baluuga ah. Waxaanu leenahay meel lagu raaco biraha barafka!

Degmada Trosa waxaa ku yaala labo maktabado oo la yidhaahdo Trosa stadsbibliotek iyo biblioteket Navet oo ku yaala Vagnhärad. Waxay labaduba kuu soo bandhigayan wax akhris, warbixin iyo dhacdooyin dhaqameedyo.

Trosa waxaa ku yaala laba dukaan oo iibiya alaabta gacan laabaadka ah oo iibiya alaab guri iyo maacuun oo raqiis ah.

Jid ay ku hareersanyihiin geedo cagaar ah iyo maktabada Trosa oo ka muuqata xagga dambe.

Dalyeelka carruurta

Ilmo walba wuxuu xaq u leeyahay xanaanada carurta ee guud 15 saacadood oo bilaash ah wiig walba ( guud ahaan 525 saacadood sanad walba) laga bilaabo dayrta u horeysa oo ilmuhu gaadho 3 sano ilaa ilmuhu uu ka bilaabo fasalka barbaarinta ama diyaargarowga skoolka.

Xanaanada caruurta ee guud waxba ka ma duwaana xanaanada caruurta ee caadiga ah. Waxay uun kaga duwantahay ilmaha yar yar ee 3 sano da´doodu tahay iyo wixii ka weyn in la siinayo meel ay tagaan oo bartaan dadka kale iyo jawiga noocan ah. Waa bilaash wuxuuna raacaya sharciyada sida kuwa kale.

Waalidiinta degan degmada Trosa waxay dooran karaan daryeelka caruurta iyadoo ah mid dawladeed ama mid gaar loo leeyahay, degmada dhexdeeda ama banaankeeda. Kuwa gaar loo leeyahay waxay dhaqaale u heleyaan sida ku dawladeed oo kale si ay u qaabilaan caruurta degan degmada.

Xanaanada caruurta

Xanaanada caruurta waxay qaabilaan caruurta da´doodu tahay 1-5 sano. Waxaa jira 9 dawladeed iyo 2 gaar loo leeyahay:

  • Trosa: Björkbacken, Tomtahill, Tomtalund, Tomtaklint, Tallbacken, Lagnö Barn
  • Vagnhärad: Hasselbacken, Fagerhult, Fageräng, Väsby
  • Västerljunga: Björke, Dalbystugan

Goobta wakhti firaaqeedka

Waxaa goobta xili firaaqeedka loogu tala galay caruurta da´doodu tahay 6 sano ilaa wakhtiga gu´ga oo ay buuxinayaan 13 sano. Kuwa dawladeed waxay ku xidhan yihiin 5 skool ee hoose-dhexe oo ku yaala degmada. Kuwa gaarka loo leeyahay ee Lagnö Barn way leeyihiin qeyb wakhti firaaqeed.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Degmada Trosa waxbarashadu waxay ka tahay muhiim. Waaxanu mar walba ka shaqayna sida ay ardaydu u heli lahaayeen amni iyo horumar. Waalid walba wuxuu xaq u leeyahay inuu caruurtiisa u dooro skool. Degmada Trosa waxay leedahay shan skool oo ay degmadu leedahay. Waxaad xitaa dooraan kartaa skool ka baxsan degmada.

Dugsiga hoose-dhexe

Skooladka (aan ka ahayn Tomtaklintskolan iyo Hedebyskolan) waxaa ku yaalaa xanaanada caruurta iyo goobta xilli firaaqada:

  • Trosa: Skärlagsskolan (xanaanada caruurta ilaa fasalka 6:aad), Vitalisskolan (xanaanada caruurta ilaa fasalka 6:aad), Tomtaklintskolan (fasalka 7:aad-9:aad)
  • Vagnhärad: Fornbyskolan (xanaanada caruurta ilaa fasalka 5:aad), Hedebyskolan (fasalka 6:aad-9:aad)
  • Västerljung: Kyrkskolan (xanaanada caruurta ilaa fasalka 6:aad)

Dugsiyada sare

Degmada Trosa waxay wada shaqayn la leeyihiin 50 skool sare oo ku yaala Iswiidhan. Hadaad tahay arday ka socda degmada Trosa waxaad xaq u leedahay inaad waxbarasho skool sare ka dalbatid meel walba, lakin degmadu waxay wada shaqayn la leedahay maagaalooyinka Nyköping, Södertälje, Rönninge, (degmada Salem) oo aad ka heleysid maadooyin qarameed.

Furadaha waxbarasho

Degmada Trosa waxaad ka heleysa barashada luqada iswiidhishka ee dadka qaxootiga ah sfi gelinka hore wiig walba, waxaad kaloo ka heleysa darajooyinka B-D. Hadaad darajada A akrinaysid waxaad u safri karta magaalada Nyköping ama Södertälje si aad xiisad u qaadatid. Trosa waxay leedahay skoolka dadka waaweyn oo bilow ah grundvux oo aad sii baran kartid luqada iswiidhishka.

Waxbarashooyinkan oo dhan waxaad ka akhrisanaysa skoolka Hedebyskolan oo ku yaala Vagnhärad.

Waxbarashooyinka kale ee loogu tala galay dadka waaweyn waxaad ka codsanaysa Campus oo ku yaala Nyköping. Halkaas ayuu arday walba ka dooran karaa magaaladuu wax ka baranayo.

Caafimaadka

Degmada Trosa xarunteeda caafimaad waxaad la kulmi kartaa dhakhtar, kalkaalisada caafimaadka ee degmada, kalkaaliye caafimaadeed ee masaajada, daryeelka dadka qaba cudurka maskaxda iyo la taliye. Waxaanu leenahay caafimaad oo gaar ah oo loogu tala galay qofka qaba macaan, neef, wadna xanuun iyo caawimaad ku saabsan qeybta daweynta jirka iyo maskaxda. Waxaanuna leenahay qeyb rugta xanaanada caruurta iyo isbitalka dumarka iyo xanaanaynta hooyooyinka.

Waxaa jira Trosa dhakhtar ilkeed oo ku jira wakhti tababar dhinaca gaar loo leeyahay iyo dhinaca dawlada.

Caawinaad turjubaan

Hadii ay jirto baahi turjumaan dhinaca skoolaadka, ha´yadaha, caafimaadka waa la heleyaa. Inta badan telefoon baa lagu turjumayaa.

Xiriirka gaadiidka

Degmada Trosa waxaa si fudud loogu iman kara hadaad martid wadada E4 iyo hadii aad tareen soo raacdid oo ah gadiid muhiimad leh. Gaadiidka caadiga ah oo magaalada dhex mara waa tareen oo istaaga Vagnhärad iyo bas lokal ah. Meesha ay basasku iyo tareemadu ka baxaan ee Vagnhärad waxaa la yidhaahdaa resecentrum. Meeshuna waxay leedahay goob baaburta la dhigan karo oo loogu tala galay dadka musaafiriinta ah.

Vagnhärad iyo Södertälje waxaa u dhaxaysa sadex mayl, ilaa Stockholm waa todoba mayl, Nyköpingna waa ilaa afar mayl. Ku dhowaad 50% qof oo ka mid ah dadka degmada waxay shaqo u doontaan degmada banaankeeda iyagoo tareen ama bas ama baabur raacaya. Warbixin ka faahfaahsan ka akhriso bogga internetka ee degmada.

Shaqo iyo ganacsi

Shaqo bixiyaha ugu weyn ee degmada Trosa waa degmada iyo shirkada Camfil Farr. Dad badan waxay shaqo u aadan magalooyinka kale sida Södertälje oo ay ku yaalaan shirkadaha Scania, Astra iyo dhakhtarka Södertälje oo ah shaqo bixiyaal waaweyn.