Grästorp

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Grästorp waa degmo yar oo ku taalo bartamaha Västra Götaland, koonfur ka xigta harada Vänern. Waxeeyna uu dhawdahay magaalooy ka waaweyn sida Trollhättan, Vänersborg iyo Lidköping. Halkan waxaa laga helaa adeegyo bulsho oo badan.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

5711

Cabirla dhulka

265 kiilomitir oo laba jibaaran

Halkani waa deegaan qurxoon waxaana jiro goobo badan oo xilli firaaqaga ah lehna fursada isboorti noocyo kala duwan leh. Gudaha Grästorp waxaa lagu qaban-qaabiyaa munaasabodo badan iyo hawlo dhanka nolosha jaaliyadaha. Halkan waxaa ka jirta jawi shirkadlay oo aad u fiican oo Grästorp waxaa lagu qiimeeyay inay kaalinta 43-aad kaga jirto Iswiidhan.

Deegaan

Grästorp waxaa ku taalo lee shirkado guri oo madaxbanaan. Bogga degmada waxaa ku jiro liiska kuwa guriyaasha kireeyo. Guriyaal kiro ma ahane, waxa jiro guriyaal filooyin oo la gato inta badan qiimo hooseeyo, iyo dhulal aan wax ku oolan oo la iib ah.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Dad badan ayaa jiro ku hadlo luuqado kala duwan gudaha degmada Grästorp taasi ee sabab uu tahay qaabilaad-qaxootiga guul laga gaaray, laga soo bilaabo 2006. Waxaa ka mid ah luuqadaha weeyn waa ingriis, af carabi, af tigrinya, af soomaali iyo af faarisi. Sido kale Grästorp waxaa dhaqan ahaan kor ugu qaaday dad ku hadlo afka thayland, afka shineeska, afka ruushka, afka seerbiga iyo afka albaaniya.

Jaaliyado iyo ururu

Kaniisada Iswiidhan iyo kaniisada bingst weey ku yaalaan Grästorp. Grästorp waxaa ku yaalo toban kaniisad oo leh taariikh. Masaajid waxuu ku yaalaa degmada dariska ah ee Trollhättan. Degmooyinka dariska ah ee Trollhättan iyo Vänesborg waxaa ku yaala ururo qoleed oo kala duwan.

Gabdho ciyaaraya ciyaar kubada cagta ah.

Maxaa ka ag dhaw

Gudaha magaalada Grästorp waxaa ku yaala xafiiska muwaadiniinta, xafiiska bulshada, farmasi, rug caafimaad oo leh rugta daryeelka caafimaadka caruurta iyo xarunta daryeelka hooyooyinka kuna hoos yaala dhismaha Guriga Degmada. Xafiiska Shaqada iyo Qasnada Caymiska waxay yimaadaan Guriga Degmada marka qofku ballan la leeyahay. Waxaa kale oo halkan laga helaa qiyaastii 30 dukaan iyo maqaaxiyo iyo maqaaxiyaha cuntada laga cuno.

Xarunta degmada ee Grästorp.

Grästorp waxaa laga helaa hawlo badan oo kala duwan oo qofku samayn karo, tusaale ahaan wadooyin lagu lugeeyo oo aad u qurux badan, maktabad, guriga dhaqanka, guriga bandhigyada muusiga, meesha lagu dabaasho, kaniisado, garoonka kubada cagta lehna doog aan run ahayn, hoolka barafka, guriga fardo fuulida, meesha jimicsiga, hoolka kubada, hoolka teenista, garoonka goolfka iyo waxyaabo badan oo kale. Waxaa jira dukaamo iibiya alaabta gacan labaadka ah, alaabta guriga ee la soo isticmaalay, dharka iyo weelka guriga.

Hoyga dhaqanka ee Grästorp oo ay joogaan koox dad ah oo ku qaxwaynaya horteeeda.

Degmadu waxay leedahay waaxda suuqa shaqada taas oo taageero dheeraad ah siisa shaqo raadiyayaasha iyo qaabilaada qaxoontiga iyo waxbarashada iswiidhishka loogu talogalay ajnabiga oo ay iyadu maamusho.

Dad u dabaal-dagaya maalinta qaranimada joogana Grästorp.

Dalyeelka carruurta

Grästorp waxaa ku yaalo dugsiyaal xanaano oo badan oo la kala dooran karo, boos xanaano waxaa lagu heli karaa labo isbuuc gudaheed (damaan).

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Xaafada Grästorp waxaa ku yaalo iskuulo oo uu dhow goobaha isboortiga, taasi oo keeneeyso in maadada jimicsiga la haato kala duwaansho badan markii howlo la qabanaayo. Ardayda yar ee fasalka 0-3 waxaa uu jiro iskuulka Backen iyo Lunnevis. Ardayda ku jiro fasalka 4-9 waxaa uu jiro iskuulka Central.

Grästorp kuma yaalo dugsi sare ee ardayda dugsi sare badankood waxeey bas uu raacaan degmooyinka dariska ee Trollhättan, Lidköping iyo Vara.

Furadaha waxbarasho

Degmada Grästorp waa heeysaa, ayadaana maamulato iswiidhiska ee soo galooytiga, waana gudaha Grästorp. Waxbarasho dad waa weeyn oo kale waa waxaa la heli karaa ayadoo lala xariiraayo degmada Grästrop. Waxbarashada bulshada ee soo galooytiga cusub waxaa la qabtaa ayadoo la kaa shanaayo Skaraborg, badana waxaa lagu qabtaa degmooyinka dariska ah.

Akhri dheeraad ku saabsan waxbarashada dadka waaweyn ee degmadan.

Caafimaadka

Guriga degmada waxaa ku taalo rug caafimaad, rugta caafimaadka hooyoyinka iyo rugta caafimaadka caruurta. Daryeelka ilkaha ee dad weeynaha waxuu ku yaala bartamaha bulshada.

Caawinaad turjubaan

Dadka Grästorp ku cusub waxeey fursad uu lee yihiin in ee helaan caawinaad turjumaan oo luuqadoo hooyo ah markii ee booqanaayaan xafiiska dad weeynaha, iyo balan markii ee ku lee yihiin qaabilaada-qaxootiga/xafiiska isdhexgalka iyo xafiiska bulshada.

Xiriirka gaadiidka

Gaadiidka dadweeynaha waxaa ka jiro bas iyo tareen.

Gaadiidka dadweynaha ee degmadan

Shaqo iyo ganacsi

Xafiiska degmada Gästorp waa shaqo dhiibaha ugu weeyn bulshada. Gästorp waxaa ku yaalo shirkado badan oo yaryar. Sido kale shaqo dhiibe badan ayaa ku yaalo degmooyinka dariska ah ee Trollhättan, Vänesborg, Lidköping iyo Vara oo jiro 20-36 kilomitir. Waxaa jiro gaadiid dad weeyne oo leh tareen iyo bas.