Värmlands län

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Gobolka Värmland waxaa degan ku dhawaad 274 300 oo dad. Dadka badankood waxeey dagan yihiin gobolka magaalada ugu weeyn ee Karlstad. Värmland waxeey lee dahay dabiicad qurxoon ee uu dhow jiq iyo biyo meeshii laga tagaba. Halkaan waxaa lagu qaban karaa wax kasto laga bilaabaa dabaal, kaluun dabasho iyo doon-dagida ilaa baraf-raacida xilliga jilaalka.

Map of Sweden Created with Highcharts 10.2.1

Degmooyinka ku yaala Värmlands län

Dooro degmada ah Värmlands län ee aad doonaysid inaad wax dheeraad ah ka akhrisato xagga hoose

Xaalada guryaha

Degmooyinka gobolka qarkood waxaa ku yar guriyaal banaan. Inta badana waxaa sii sahlan in guri laga helo xaafadaha yar. Dad badan oo dagan Värmland waxeey dagan yihiin xaafad, xaafad kalena waa ka shaqeeystaan ama waxbarasho ee ku dhigtaan. Isgaarsiin baseed iyo tareemeed fiican ayaa jirto oo uu dhaxeeyso meelaha badankood ee ku yaalo gobolka.

Wax soosaarka ganacsiga iyo shaqo bixiye

Gobolkan waxaa ka jira dhaqan warshado oo weyn lehna shirkado dhinaca soo saarida waraaqaha, birta iyo warshadaha. Sidoo kale waxaa jira laamaha ganacsiga ee dhanka horumarinta, IT, baakadaynta, raashinka, ganacsiga, dalxiiska iyo dhaqanka. Qaybta dawladeed ee ka kooban degmooyinka, gobolka iyo hey'addaha dawladeed ee kale xitaa iyaguna waa shaqo-bixiyayaal weyn.

Jaaliyado iyo ururu bulshada rayidka ah

Värmland waxeey lee dahay ururo badan oo ka shaqeeyo arimaha qaxootiga iyo is dhexgalka. Qaar ka mid ah ururdaas waa: Rädda Barnen, Migrationscenter, Internationella Qvinnoföreningen, Röda Korset. Ururo kale habka loola xariiro waxaa laga helaa bogga machadka soo galooytiga.

Iskoolaad iyo waxbarasho

Värmland waxeey lee dahay soo bandhig weeyn ee xagga waxbarashada. 18ka barnaamijyada qaranka ee waxbarashada dugsiga sare ma ahane, waxaa uu sii dheer keeyd weeyn ee xagga waxbarashada jaamcadeed iyo cilmi baaris lagu qabto jaamacada Karlstad. Sidoo kale waxaa sii jiro jaamacada sii yar iskuulka Berg iyo jaamacada Gammelkroppa ee xirfadda keymaha.

Daryeelka bukaanka

Gobolka Värmland wuxuu ka shaqeeyaa daryeelka caafimaadka iyo bukaanka iyo daryeelka ilkaha. Gudaha gobolkan waxaa laga helaa qiyaastii 7000 shaqaale ah. Waxaa jira soddomeeyo ah ruggo caafimaad gudaha gobolkan oo isbitaal ayaa ku yaala Arvika, Karlstad iyo degmada Torsby. Isbitaalka xarunta ee ku yaalaa Karlstad ayaa ah ka ugu weyn gobolkan. Daryeelka ilkuhu wuxuu qiyaastii 40 isbitaal ku leeyahay gudaha Värmland.

Dhaqan iyo waqtiga firaaqaha

Värmland waxeey taajir ka tahay soo bandhiga hoowlaha oo loogu tala galay qofka ka helo dhaqanka, taarikhda, heesaha, isboortiga, jawiga baashaalka iyo dabiicada. Wabiyaasha badan waxeey ku casumayaan hoowlooyin sidii kaluun dabida, dabaasha iyo doon-nololeedka xilliga xagaaga, xilliga jilaalkana waxaa jiro fursado fiican oo loo heli karo baraf raacida gudaha waqooyiga Värmland. Jidadka-socodka ee badan iyo 160 keed dabiicadeed, waxeey Värmland ka dhigeeysaa in ee noqoto meesha uu fiican qofka ka helo in uu ka wareego dabiicada qurxoon. Sido kale gobolka waxuu lee yahay taariikh xiiso leh ayadoo laga helo qoraal ka socdo qarniyaashi-dhagaxa. Sido kale waxaa jiro jawi urureed oo balaaraan, keenaayo fursado badan ee howlaha isboortiga iyo xilliga firaaqada.