Uppsala

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Magaalada Uppsala waxay magaalada Stockholm u jirtaa 38 daqaiiqado, madaarka Arlanda Airport oo ku yaala Stockholm waxayna u jirtaa 18 daqiiqadood. Uppsala waa magaalada 4:aad ee dalka Iswiidhan.Uppsala waxay caan ku tahay jaamacadaheeda iyo tariikhda dhaqameed. Magaaladu waxayna leedahay shirkado badan oo yar yar iyo kuwo waaweyn,waxaana ku yaala magaalada makhayaado iyo dukaamo.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

231729

Cabirla dhulka

2234 kiilomitir oo laba jibaaran

Muuqaalka qalcada Uppsala. Qalcadan wajahadeedu waa midab roosa ah.

Magaalada waxaa degan taqriiban 205 000 oo qof, afartii meelood sadex meelood waxay degan yihiin magaalada, inta kale waxay deginyihiin magaalada banaankeeda oo ka tirsan gobolka. shantii qeybood qeyb waa dad qaxootinimo ku yimi amaa waliidkooda ayaa qaxootinimo ku yimid.

Deegaan

Guryo la´aan ayaa ka jirta magaalada Uppsala. Degmadu waxey leedahay saf guryo oo uu gaara, Dalaalka guryaha ee Uppsala kasoo dalaala guryaha ee kireeyeyaal cayiman. Guryaha diyaarka u ah in la iibiyo ama la kiraayo waxaa maamula shirkado guryo kale iyo dalaal. Shirkada Uppsalahem oo leh 15 500 guri waa shirkada guryaha ee ugu weyn.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Magaalada Uppsala waxaa degan dad ka kala yimid wadamo kala duwan oo kuna hadla luqado kala duwan. Dadka ugu badan waxay ka kala yimaadeen Iiraan, Finland, Ciraaq, Turkiga, Suria, Jarmalka, China, Lubnan, Boolen iyo Itoobiya.

Caruurta iyo dhalinyarada ku hadla luqad aan ahayn luqada iswiidhiska waxay heli karan waxbarashada luqada hooyo skoolkooda dhexdiisa. Luqada hooyo waxaa lagu dhiga ilaa 40 luqadood.

Jaaliyado iyo ururu

Jaaliyado badan ayaa ku yaala magaalada Uppsala waxaa jira laga bilaabo jaaliyado isboorti ah, kuwo dhaqameed, kuwo wakhtiga firaaqada ah ilaa jaaliyoo ka shaqeeya caawimaada bulshada. Ururka iskaashinta jaaliyadaha qaxootiga ah ee Uppsala (SIU) Waxay isku keeneen 40 jaaliyadood oo qaxooti ah oo ku yaala degmada. SIU waxay leeyihin qeyb ka mid ah raadiyaha oo ku baxa kow iyo toban luqadood. Waxaana jira kaniisado iyo isbahaysi diineed oo badan magaalada Uppsala.

Laba wiil oo wata qalabka ciyaarta ee shaagaga leh. Mid ka mid ah wiilasha wuxuu hoos uga soo boodayaa jaranjaro isagoo wata qalabkan shaagaga leh.

Maxaa ka ag dhaw

Adeega bulshada, warbixin ku sabsaasan degmada, xafiiska shaqada, xafiiska adeega bulshada, qasnada caymiska iyo hay´ada cashuuraha kulligood waxay ku yaalaan magalada Uppsala. Bartamaha magaalada waxaa u yaala dukaamo iyo makhaayado kala duwan, magaalada banaankeeda waxaa ku yaala suuqyo waaweyn. Waxaadna heleysa dukaamo gacan labaad ah oo iibiya dhar iyo alaab guri.

Jid dadku maraan kuna yaala bartamaha Uppsala oo leh dukaano kala duwan. Dad ayaa ka buuxa jidka.

Dalyeelka carruurta

Caruurta ah inta u dhaxaysa 1-5 sano una baahan xanaano waxay helayaan dugsiga xanaanada iyo hoyga maalintii ee qoyska. Ka hor intaan ilmo la siin boos dugsiga xanaanada ah waa in ilmaha iyo waalidku ay marka hore booqdaan xafiiska Qaabilaada ee dadka dalka ku cusub.

Magalada Uppsala waxaad ka heleysa xanaano caruur oo dawlado leedahay iyo kuwo dad leeyihiin. Waxad ka heleysa xanaanoyinka ku yaala degmada, warbixin adeega bogga internetka ee degmada.

Waxaa jira dugsiyada xanaanada caruurta oo furan caruurta iyo waladiintooda, waxaa loogu tala galay walaadiinta guri jooga ee fasaxa ah. Meeshani waa meel ay ku kulmaan walidiinta iyo caruurta. Waxaana ka shaqeeya shaqaale cilmi leh.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Degmada Uppsala waxaa ku yaala 70 skool hoose-dhexe ah iyo 25 skool sare ah. Skoolada qaarna waa kuwo dawlado leedahay qaarna dad baa leh. Skooladu waxay leeyihiin qeybo kala duwan. Carruurta iyo dhalinyarada wadanka cusub oo dhan oo bilaabaya iskuul ugu horeyntii waxey booqanayaan Qaabilaada dadka cusub si ay u sameeyaan wada-hadal, qiimeynta waxbarashadiisa.

Kuwo badan oo iskuulada aasaasigaa ee Uppsala waxey heystaan fasalo lagu diyaarinayo dadka cusub iyo qaxootiga carruurtooda. Fasalada hordhaca ee luqada waxey ka jiraan dhowr iskuulada dugsiyada sare ee degmada.

Furadaha waxbarasho

Magaalda Uppsala waa magaalo cilmi. Halkan waxaa ku yaala labada jaamacado ee waaweyn, jaamacada Uppsala Universitet iyo jaamacada Statens Lantbruksuniversitet.

Dhinaca xarunta waxbarashada iyo shaqada waxaa laga helayaa qaabilaada sfi-ga halkaas oo aad fursad u haysato inaad ku samayso imtixaanada heerka aad taagantahay looguna talogalay adigaaga baran doona Iswiidhishka, Ingiriisida ama xisaabta. Dhinaca xarunta waxbarashada iyo shaqada ee waxaad xitaa ka heli kartaa hagida dhanka nooca waxbarasho ama nooca taageero ee adiga kugu haboon. Tani waxay ahaan kartaa dugsiga waxbarashada dadka waaweyn, jaamicad ama taageerada in la helo caawimaada dhanka dhibaatooyinka akhriska iyo qorista.

Hool jaamicada oo dad ka buuxaan gudaha Uppsala.

Caafimaadka

Maamulka Gobolka Uppsala waxay leedahay rug caafimaad oo gaar ah laguna magacaabo Cosmos taas oo daryeel caafimaad iyo bukaan iyo wada hadalka caafimaadka siisa dadka magangelyo doonka ah.

Dhanka 1177 oo ah Hagida Daryeelka waxaad weydiin kartaa su'aalo kana heli kartaa talooyin iyo macluumaad urursan oo ku saabsan daryeelka caafimaadka iyo bukaanka ee gudaha Uppsala. Waxaad geli karta bogga intarnatka www.1177.se ama waxaad ka wici kartaa telafoon lambarka 1177. Adigu waxaad xitaa booqan kartaa Gobolka Uppsala boggeeda intarnatka.

Caawinaad turjubaan

Hey´ad walba waxaad ka heleysa caawimaad turjumaaneed.

Xiriirka gaadiidka

Magaalada Uppsala waxaa yimaada tareen, waxay qaada 35 daqiiqado markaad ka imanaysid magaalada Stockholm iyo 18 daqiiqado markaad ka imanaysid madaarka Stockholm Arlanda Airport.

Markaad joogtid magaalada waxaa gadiid noqonaya buss, shirkada la yidhaahdo Upplands Lokaltrafik ayaa basaska leh. Basas wakhtiyo badan baxaya oo dhinac walba u baxaya ayaa ka baxa bartamaha magaalada Resecentrum.

Tareen guduud ah oo istaagay boosteejo ay dhowr qof ku sugayaan.

Shaqo iyo ganacsi

Shaqo- bixiyayaasha ugu waaweyn waxaa laga helaa dhinaca jaamcidda iyo degmada iyo Gobolka Uppsala maamulka caafimaadka. Intaas waxaa sii dheer inay jiraan shaqo-bixiyayaal ku jira 17 000 shirkadood kuwaas oo intooda badani bixiyaan adeegyo iyo adeegyada macaamiisha. Laamaha ganacsiga ee ugu weyn waa dhanka farsamada kombiyuutarada, geerashyo, warshadaha dawooyinka, raashinka iyo farsamada. Ganacsiga iyo qaybinta waxa la iibinayo waxay leedahay door muhiim ah.

Magaalada Uppsala banaankeeda waxaa ku yaala madaarka Aranda oo ah shaqo bixiye aad u weyn. Dad badan oo degan Uppsala waxay shaqo u doontaan magaalooyinka Stockholm, Västerås, Gävle iyo magaaloyinka ugu dhow.

Suuq ku yaal bartamaha magaalo. Dad badan ayaa booqanaya suuqan.