Älvkarleby

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Degmada Älvkarleby waxaa ku nool 9 000 ruux waxeeyna daris la tahay magaalooyinka Gävle (20 km) iyo Uppsala (80 km). degmadu waxeey ka koobantahay tuulooyinka Älvkarleby, Älvkarleö Bruk, Långsand, Gårdskär, Marma iyo Skutskär.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

9457

Cabirla dhulka

616 kiilomitir oo laba jibaaran

Muuqaalka Bodåån korkeeda. Webiga yar dhinaciisa waxaa ku yaala dhowr guri.

Deegaan

Guryo kala duwan ayaad ka heli kartaa degmada, waxaadna degi kartaa bartamaha degmada ama geesaheeda. Waxaad jira shirkado badan oo aad ka kireeysan kartid guryaha sida shirkadda guryaha ee degmada Älvkarleby iyo shirkado kale oo ah kuwa gaarka loo leeyahay.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Degmada waxaa ka jira luqado badan oo kala gedisan. Wixii warbixin dheeraad ah kala xiriir qeeybta qaabilaada qaxootiga ee degmada.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada Älvkarleby waxaa ka jira jaaliyo badan waxaana ka jira fursado badan oo aad kaga faa'ideysan kartid inaad sameysid waxa aad xiiseyneysid. Jaaliyado badan oo ku howlan kubadda cagta, teenis, cayaarta xeegada barafka, cayaarta tartanka mootada iyo kuwa kaloo badan ayaa ka jira degmada.

Shan caruur ah oo ku tababaranaya kubadda gacanta.

Maxaa ka ag dhaw

Bartamaha Skutskärs waxaad ka heleysaa adeega guud ee bulshada oo eey kamid yihiin baniyada, makhaayadaha, dukaamada cuntada iyo farmashiiye. Waxaad kaloo ka heleysaa meelaha tinta lagu jarto oo badan, dukaan lagu gado qalabka isboortiska, dukaamo kabo, shaleemo iyo maktabad aad u wanaagsan. Hadaad jeceshahay hawo qaadashada macaan ee jawiga bannaanka, waxaa jira meelo loo sameeyay in lagu tamashleeyo, meelo lagu mijobaxshado iyo meelo lagu dabbaasho.

Dhismo leh dukaano kuna taala bartamaha Skutskär.

Dalyeelka carruurta

Degmada waxay bixisaa xanaano ay ugu tala gashay qofka carruurta ku haysta guriga. Degmada waxa ay leedahay qaybta waxbarida sida xananada carruurta, xanaanada qoyska ee maalinti gaar ahan kuwa da'dooda u dhaxaysa 1 -5 sano.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Degmadu waxay bixisaa dugsi hoose dhexe waxay siisa ardaysa dhigata ilaa iyo fasalka sagaalaad. Websidka degmada waxaad ka heli kartaa warbixin dheeraad ah oo ku saabsan dugsiga hoose dhexe iyo xataa fursado ilaa iyo waxbarashada dugsiga sare.

Älvboda Friskola waa iskool baraayfat ah oo eey dhigtaan ardayda jira 6-16 sano.

Furadaha waxbarasho

Degmadu waxay bixisaa waxbarasgo kala duwan ee dadka waaweyn iyo luqada iswiidhishka ee dadka ajnabiga ah, sfi. Websidka degmada waxaad ka akhrisan kartaa wixii fursado dheeraad ah ee jira.

Qofkii raba inuu ugudbo heer jaamacadeed waxaa jira jaamacadda Gävle, jaamacadda Uppsala iyo tan Istockholm oo kulligood masaafo yar u jira degmada.

Ururka dadka kireysta waxuu abaabulaa goob lagu tababarto luqadda. Dad badan ayaa ku kulma kuna shaaheeya meeshaas si eey iskula hadlaan baraktikana ugu sameeyaan luqadda iswiidhishka.

Caafimaadka

Xaafadda Skuskär waxaa ku yaal rugta caafimaad ee degamada oo leh qeybaha kala duwanoo dhan sida qaabilaad dhakhtareed, goobta xanaanada hooyada iyo ubadka. Rugta caafimaadka ilkaha iyo farmashiiyaha waxeey ku yaallaan bartamaha degmada.

Caawinaad turjubaan

Markaad la xiriirayso dhamaan hay'adaha dowlada, degmada, iyo daryeelka caafimaadka waxaad xaq u leedahay turjubaan hadii aanad ku hadli karin ama aanad fahmaynin luqada iswiidhishka. Taana waa in hore laguugu sii balammiyo si arintaaka aad u hesho.

Xiriirka gaadiidka

Is gaarsiinta gaadiidka ee degmada Älvkarleby weey fiicanyihiin. Waxaa jira tareen mara magaalooyinka Gävle iyo uppsalaw axuuna istaagaa tuuloyinka Skutskär, Älvkarleby iyo Marma. Waxaad ku badalan kartaa tareenno sii aadaya Stockholm iyo Arlanda oo kugu geeynaya 80 daqiiqo ilaa laba saac. Waxaa jira bas dhaqsi badan ood ukala qaadan kartid degmada Älvkarleby iyo Gävle. Jedwalka basaska iyo kan tareennada waxaad ka heli kartaa www.ul.se. Waxaad kaloo ha heli kartaa websaydkaan qiimaha lagu raaco basaska iyo tareennada kala duwan.

Shaqo iyo ganacsi

Gudaha degmadan waxaa laga helaa shaqo-bixiyayaal waaweyn sida Stora Enso iyo Vattenfall, halkan waxaa lagaa helaa xitaa qiyaastii 400 shirkado yar yar ah dhanka laamo ganacsi oo kala duwan. Älvkarleby waxay ku taalaa meel istaratiiji ah dhinaca ganacsiga iyo is-weydaarsiga badeecadaha iyo adeegyada. Iyadoo magaalooyin sida Sandviken, Gävle iyo Uppsala u jiraan masaafo loo safri karo waxaa jira suuq shaqo oo weyn oo la gaari karo.