Kumla

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Kumla waa degmada oo hormeerkeedu horay habab badan ugu socdo. Dadkeena waa badanooyaan, hab fikireed oo cusub ayaan lee nahay, waxaana uu sii koreeyna ayadoo la sii dhisaayo meesha. Halkaan waxaa ka jiro hoowlo fiican oo sii fiican looga fikiray, laga bilaaba talaabada koobaad ilaa la galaayo aduunka-dadka waa weeyn. Iskuul iyo xilli firaaqo, dhaqan iyo dabiicad loogu tala galay jir iyo maskax. Dadaal maaliyeed oo badan ayaan galinaa bey’adda maalmeedka. Intaasi oo dhan, si aad adiga iyo anaga ugu nabad qabno Kumla!

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

21738

Cabirla dhulka

205 kiilomitir oo laba jibaaran

Deegaan

Degmada Kumla sanadkasto waa sii kortaa, sidaas darteed ayaa la dhisaa in badan oo cusub si markaasi loo oogo in ee jiraan guriyaal fiican kuwo yar iyo guriyaasha qooyska weeyn.

Qofka degan Kumla ma ahan lee in uu gurigiisa ku faraxsanaado ee xataa waa in uu ku faraxsanaadaa bey'adda dhaw iyo waxkasto oo hareero. Haddii aad degan tahay guri filo, guriyaasha isku tixan ama guri dabaqeed, si kastaba waxaa ku wada dhaw goobaha cagaaran, dabiicada, adeega, hoowlaha xilliga firaaqada, dhaqanka iyo goobaha shaqada. Warbixin dheeraad ah oo la akhristo waxeey ku jirtaa boggeena.

Kumla waxaa ka jiro xafiis dalaalo guri oo badan. Liis ee ku wada jiraan, waxuu ku jiraa boggeena.

Muuqaalka garoon doog ah oo ku yaala Kumla. Xagga dambe waxaa laga arkaa guryo dhaadeer iyo filooyin.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Kumla waxaa degan dad aduunka dacaladiisa kakala socdo, halkaana waxaa ku matalan in ka badan 70 jinsiyad.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada Kumla waxeey taajir ka tahay ururada kala duwan, ayagoo dad badan ee xiiseeyaan. Halkaan waxaad ka heleysaa kuwo kasto laga bilaabaa ururada-isboortiga ilaa ururada-dhisida guriyaasha.

Dhalinyaro kubbadda cagta ku ciyaaraya hoolka isboortiga.

Maxaa ka ag dhaw

Degmada Kumla waa degmad yar markii loo fiiriyo dhul ahan laakin taasi mecneedna waxeey tahay in ee waxyaalaha badankood uu dhaw yihiin. Kumla waa xafaadaha bartamaha degmada, halkaan waxaa ka mid ah oo ku yaalo maktabad, dukaamo, bankiyaal, timo jarayaal, kaniisadooyin, farmashiye, rug caafimaad, goob dabaal, goob barafeed, goob ciyaaraha caruurta iyo in kale oo badan.

Hey'adda canshuuraha, Qasnada ceeymiska iyo Hey'adda socdaalka waxeey ku yaaliin Örebro. Xafiiska shaqada waxuu ku yaala Kumla.

Laba caruur ah oo kubadda cagta aabahood kula ciyaaraya xeebta.

Dalyeelka carruurta

Degmada Kumla waxeey mabda'eedu shaqeeynta ka bilaawdaa in caruurta iyo dhalinyarada ee yihiin mustaqbalkeena.

Dugsiyaasha xanaanada waxaa loogu tala galay caruurta ku jirto da'da 1-5 sano oo leh baahid xanaaneeyn. Warbixin dheeraad ah oo ku saabsan dugsiyaasheena xanaaneed waxaa laga akhrisan karaa oo ee ku jirtaa boggeena. Sido kale halkaas waa ka codsan karta booska dugsiga xanaaneeynta ee canugaada.

Gabar joogta dugsiga xanaanada oo raacaysa ka laga soo siibto.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Dugsiga hoose waa waajib, waxuuna ka kooban yahay sagaal sano oo waxbarasho ah. Markii la gaaro bilaabida iskuulka, waxaan lee nahay 13 dugsi hoose, laga bilababa fasalka eberaadka ilaa fasalka 9aad.

Caruurta Iswiidhan ku cusub waxeey sida caadiga waxbarashadooda ku bilaabaan fasalka-bilaabadka. Halkaas waxaa lagu siinaa aqoon asaasi ah ee dhanka iswiidhiska, halkaasna waxaa lagu daraasad lagu sameeynaa waxbarashoodi hore. Daraasadeeynta kadib waxaa la sameeynaa qorsho gaar ah inta aan la sii wadin waxbarashada iskuuleed. Fasalada-bilaabadka waxeey ku yaaliin dugsiga Malmens; loogu tala galay ardayda ku jiro dugsi sanadeedka 2-5, gudaha dugsiga Kumlaby; loogu tala galay ardayda ku jiro dugsi sanaadeedka 6-9, iyo gudaha dugsiga sare ee John Norlander oo loogu tala galay ardayda dugsiga sare. Warbixin dheeraad waxaa laga akhrisan karaa boggeena.

Kumla waxaa ku yaalo hal dugsi sare, Dugsi sare ee John Norlander, oo soo bandhigaayo waxbarasho xirfad gacmadeed iyo waxbarasho nuucyadaa akhriska ah.

Furadaha waxbarasho

Waxbarashada dadka waa weeyn ee degmada Kumla waxaa lagu dhigan karaa korsooyin oo leh heer asaasi ah iyo heer dugsi sare, waxbarasho xirfad shaqo leh heer dugsi sare loogu tala galay dadka waa weeyn, barashada iswiidhiska soo galooytiga (sfi) iyo waxbarashada gaarka ah ee dadka waa weeyn.

Caafimaadka

Gudaha dhismooyinka-isku tixan ee Kumla waxaa ku taalo labo rug caafimaad. Qaabilaada umulisada, rugta caafimaadka caruurta, qeeybta caafimaadka ardayga, dugsi xanaano oo furan iyo nuucyo kala duwan oo tageerada-waalidnimada laga heli karo Familjens Hus.

Caawinaad turjubaan

Markii loo baahdo turjumaan degmada Kumla waxeey adeegsaneeysaa adeega turjumaanka ee ka socdo Örebro.

Xiriirka gaadiidka

Gaadiidka-gobalka Örebro ayaa kala wado gaadiidka dad weeynaha Kumla. Bartamaha Kumla ayee ku taala xarunteena-safareed, halkaan ayaa si sahlan lagu tagi karaa tareen iyo bas.

Laba bas oo buluug ah oo jooga meesha basku istaago.

Shaqo iyo ganacsi

Kumla waxaa ka jiro shirkado badan, oo weeyninkooda kala duwan yahay, waxaana ka heleysaa degmada diwaankeeda-shirkadeed.

Kumla waa degmad sii weeynaaneeyso oo si xoog leh ugu badanaayaan dadka, shirkadeeynta iyo kobcida shirkadaha hada ka jiro. Waxaan lee nahay jawi shirkadeed oo fiican lana aqoonsan yahay, waxaana lee nahay jawiga ganacsiyeed oo ugu fiican gudaha gobolka Örebro.