Sävsjö

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Degmada Sävsjö waxeey taajir ka tahay soo bandhigaadeega, jawi shirkadeed oo wax soo saarid cusub leh iyo bey’ad dabiicad qurxoon leh. Sävsjö waa degmad yar oo ku taalo bartamaha Småland.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

11673

Cabirla dhulka

730 kiilomitir oo laba jibaaran

Deegaan

In loo guuri Sävsjö waa sahlan tahay. Degmada Sävsjö waxaa ku yaalo deegaamda nuuc kasto. Shirkada guriyaasha ee degmada waa hal ka mid ah dhowr shirkad-guri oo ku yaalo degmada.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Degmada Sävsjö waxaa dagan dad ku hadlo luuqado badan oo kala duwan oo iswiidhishka dheerad uu eh, tusaale ahaan luuqada degmada looga hadlo waa af carabi, af dari, af soomali, af tigrinya, afka thayland, afka holland, af ingriis iyo af ruush.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada Sävskö waxeey lee dahay dhowr uruo, diiwaanka-ururada waxaa ku jiro 153 ururo. Tusaale ahaan waa ururka-sameeynta, ururkada isboortiga iyo ururo kaniisado ee kala duwan.

Maxaa ka ag dhaw

Degmada Sävsjö waxeey lee dahay bartame jawi nololeed leh. Xaafada dhisan ee Sävsjö waxeey lee dahay sadax dukaamood ee raashin, dukaamo yaryar, matkabad, xafiiska shaqada. Waxaa jiro laba dukaan oo gacan labaad: Erikshjälpen iyo Röda korset.

Degmada Sävsjö waxeey ku taala gobolka Jönköping. Degmada waxeey ku jirta xilli ee si xoog leh uu weeynanooyso. Dhulal soo jiidasho leh oo bada laga arki karo waxeey keeneeyaan in qooysyada ee saf ugu jiraan si ee uu gataan dhul, kana dhistaan guriga ee doonaayaan.

Dalxiisleeyda waxeey degmada Sävsjö caan ugu tahay kaniisadaheda gaarka ah "Njudungskyrkorna" oo la dhisay qarnigii-1100. Sido kale Sävsjö waxaa ka tagay 1600 Jonas Bronck oo la yimid fikrada asaaaska xaafada Bronx ee ku taalo New York, taasi ee degmada kor uu soo qaado. Gudaha Sävsjö inte badana waxeey ku saabsan tahay yaraan. Waa sahlan tahay in la tago agagaarka dabiicada ayadoo laga helo in sa gaar ah oo degan loo joogo ama ayadoo dadka kale lala socdo.

Dalyeelka carruurta

Degmada Sävsjö waxeey lee dahay xanaano furan iyo dhowr dugsiyaalo xanaano oo kale. Degmada hadafkeedu waxuu yahay "in caruurta dhamaantood uu abuurta habka dhulka ugu fiican ee ku koraan oo ku hormaraan".

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Degmada Sävsjö waxay leedahay dhowr ah dugsiyada hoose-dhexe iyo hal dugsi sare. Dugsiga sare wuxuu ku yaala bartamaha Sävsjö halka dugsiyada hoose-dhexena ku yaalaan degmada oo dhan. Gudaha degmada Sävsjö waxaa ku yaala dhowr iskool oo baraayfad ah (Fasalka barbaarinta ilaa 9) iyo qaybo waxbarashada madaxa banaan ah. Degmadan waxaa laga helaa jardiinooyin wakhti firaaqo oo degmadu leedahay iyo jardiinooyin xilli firaaqo oo ay maamulaan shirkado.

Ardayda guriga uga hadlo luuqad aan iswiidhish aheeyn waxeey heli karaan waxbarasho afkooda hooyo. Waxbarshadaas waxeey ardayda ku caawineeysaa in uu hormariyo luuqadiisa iyo in dheeraad ah ka barto dhaqankiisa gaarka ah.

Furadaha waxbarasho

Degmada Sävsjö waxaa ka jiro fursado fiican oo waxbarasho lagu dhigto markii laa weey yahay. Degmada waxeey uu dhaxeeysaa Växsjö iyo Jönköping halkaasi ee Jaamacado ku yaalin.

Sido kale degmada Sävsjl waxaa ka howl galo ururo waxbarasho ee kala duwan. Waxbarashada iswiidhishka loogu tala galay ajnabiga iyo waxbarashada dadka waa weeyn waxaa lagu qabtaa xarunta-waxbarashada Aleholm.

Caafimaadka

Sävsjö waxaa ku taalo rug caafimaad. Sido kale halkaan waxaa ku heleeysaa daryeelka caafimaadka ururka iyo daryeelka caafimaadka caruurta iyo daryeelka ilkaha. Isbitaalka ugu dhow iyo qaabilaada degdeg waxeey ku yaaliin Eksjö.

Caawinaad turjubaan

Degmada Sävsjö waxeey lee yihiin turjumaan markii loo arki aan laga kaaftoomi karin ama loo baahan yahay.

Xiriirka gaadiidka

Waa sahlan tahay in isgaarsiinta guud loo soo raaco iyo laga raaco Sävsjö.

Fiiri SJ jama Jönköpings länstrafik (JLT) si aad uga aragto jadwalka-socodka.

JLT
SJ

Shaqo iyo ganacsi

Asaaska nolal fiican waxaa uu ah jawi shirkadeed oo soo saar cusub leh, si fiicana uu shaqeeynaayo. Shirkad la'aan iyo ganacsadayaal fikrado wato la'antooda Sävsjö waxeey noqoneeysaa mid iska siman. Taasi waa mid bartanka uu ah barwaaqadeena. Sidaas darteed ayee degmada Sävsjö si firfircoon uu la shaqeeysaa qeeybo kale si jawi shirkadeed oo xoog leh hadana leh fikrado iyo ganacsi ku harmaro kuna karo loo helo. Haddii aad heeysato fikrad fiican degmada waxeey ku soo bandhigeeysa tageerad iyo caawinaada si aad uu hirgalisid mustaqbalkaada ganacasi.

Säjvsjö waxeey lee dahay shirkado badan oo ku jiheeysan warshada-geedaha, warshada faaradda iyo dhisid-guri. Sido kale warshada sameeynta iyo birta waa shaqo dhiibayaal muhiim ah.