Eskilstuna

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Eskilstuna waxeey ku taal meel istratiiji leh, oo dhexbartanka gobolka Stockholm-Mälar oo weeynaanooyo, waxeeyna ka mid tahay magaalooyinka dalka ugu korin badan. Hadda waxaan nahay 100 000 oo qof, taariikh cusub ayee uu tahay kunka sano ee magaalada taariikhdeeda.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

106991

Cabirla dhulka

1250 kiilomitir oo laba jibaaran

Vy med hus och byggnader i olika färger med träd och buskar vid vatten i centrala Eskilstuna.

Eskilstuna waxeey lee dahay isku-xidh fiican iyo waxeey qani ka tahay soo bandhigida waxbarashada iyo shirkada taasii oo keeneeysa in magaalada degaanimadeeda caan noqoto.

Deegaan

Haddii aad jeceshay in aad dagto bartamaha-magaalada ama bey'ad baadiyeed, waxa si kastaba labadaba fursad ugu lee dahay in aad ka hesho deegaan gudaha Eskilstuna oo adiga kuu haboon.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Eskilstuna gudaheed waxaa looga hadlaa in ka badan 100 af oo kala duwan.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada Eskilstuna waxeey uu aragtaa in ee muhiim tahay jiritaanka ururo nolosha uu sii ficneeysiinaayo rag iyo dumar, wiil iyo gabdho, waxeeyna taasi keeneeysaa in Eskilstuna noqoto magaalo soo jiidasho leh. Haddii aad hami uu heeyso in aad xariir la yeelato urur gaar ah waxaad ka raadin kartaa degmada Eskilstuna diiwaankeeda ururureed.

Laba qof oo huuri ku wata webi yar oo geedo ku hareersanyihiin iyo magaalada oo xagga dambe ka muuqata.

Maxaa ka ag dhaw

Waxaa jiro waxyaalo badan oo laga qaban karo gudaha Eskilstuna, soo bandhiga dhaqanka, baashaalka iyo nasashada waa weeyntahay. Tusaalooyin yar oo ku saabsan soo bandhigaas waa:

Laag yar oo biyood ayaa marta Eskilstuna. Ma ahan saaqiyad yar oo dhuuban ee waa laag yar oo biyood oo balaaran, oona qurxoon hadana boos qaadaneeyso, sifo noqoneeyso. Eskilstuna waxaan ku lee nahay jardiino aad uu qurux badan meel cagaaran oo caleen badan, oo leh door weeyn uu ah goob dadka ku kalmaan, da' kasto. Waxeey uu shaqeeyaan sidi meel wadajir ah, nasasho gaar ah laakin sido kalena ciyaar. Sido kale waxeey ahaan kartaa meel la booqdo marka loo socdo iyo marka laga yimaado shaqada.

Waxaa ka mid ah meelaha la xiiseeyo Parken Zoo. Beerteena xayawaanadeed waxaa laga helaa nooc xayawaanadeed oo dhif ah, xiisona leh, oo aduunka dacaladiisa ka yimid. Intooda badana waxeey ku jiraan mashruc nololeed oo muhiim ah si loo dhoowro nuucooda. Shabeel sumaatra, Hariimocadka ee amuur iyo libaaxyo asiiya laga keenay, waa kuwo ka mid ah nuuc xawaneedka-bisada ee soo jiidashada leh. Guriga-kuleelka ee Amazoonas, waxaa si toos ah uu dhex galeeysaa keyn jiq ah uuna dhexmareeysaa si tartiib leh diindiin iyo danyeero dhexdooda. Qeeybta caanka ee Lilla Zoo, oo halkaas ee xayawaano badan si xur uu wareegaayaan, waxaad si dhow xariir uula yeelan kartaa xawanadeena ee rabeeysan. Jirdiinka-baashaalka (Nöjesparken) waxaa kuugu sugaayo shey la raaco oo wacan, kuwa badan oo loogu tala galay caruurta ayaa ku jira. Masraxyadeena waxaa booqasho ku jilo, sida caadiga, fanaaniin badan oo la jecel yahay. Goobta-dabaasha ee kuleeyl fiican leh waxaa isku dhex tuuri kartaa barkada dabaaleed ama wax qaadan qoraxda ku qaadan kartaa nasasho aad uu baahtan tahay. Isla-geeskeeda waxaa ku yaalo Parken Zoo Camping & stugby - "Bo på Zoo" halkaan in kale oo badan ayaa ku arki karta!

Muuqaalka suuqa oo ay joogaan dad badan, meelaha wax lagu iibiyo iyo dhismayaal leh midabo kala duwan iyo qiyaasyo kala duwan.

Eskilstuna waxaa ku taalo maktabad iyo meelo badana oo lagu kulmo. Maktabada-magaalada, waxaad ka deeynsan kartaa buugaag, buugaag-cajaleed, koorsooyin-luuqadeed, hees, ciyaaro-telefishan iyo ciyaaro-filin. Waxaa sido kale bilaash uu isticmaali kartaa adeegyada kale ee maktabada soo bandhigeeyso tusaale ahaan, saxaafada-maalmeedka, wargeeysyada-mudadeed, qaamuus, internet, kombiyuutaro oo loogu tala galay isticmaalida erayada iyo qalab akhris oo loogu tala galay filin-yar. Haddii aad dooneeyso in aad shaaheeyso waxaad ku sameeyn kartaa Carinas kafé oo macmaacan badan lagu soo bandhigo.

Haddii aad dooneeyso in aad hesho bandhigid-dhaqameed iyo bashaal sii badan waxaa kuu dhow Stockholm, Norrköping, Linköping, Västerås iyo Örebro.

Dalyeelka carruurta

92 % ee caruurta Eskilstuna waxeey dhigtaan dugsi xanaaneedka. In ka badan 50 dugsi xanaaneed ayaa ku taalo degmada. Labo ka mid ah waxeey furan yihiin afar iyo laabatanka saac. Waxaan ku faraxsanahay in dad waalidiin uu ah inka badan 5 000 oo caruur doortaan dugsi xanaaneedka uu gobolka lee yahay. Waxaan sido kale ku farax sanahay in aan soo bandhigi karno dugsi xanaaneed ee waalidka iyo caruurta ku qanacsan yihiin.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Eskilstunwa waxeey lee dahay 26 dugsi hoose-dhexe ee degmadeed, oo waxbarashada ka bilaabato fasalka ebaraad ee loogu tala galay lix jirka ilaa fasalka sagaalaad. Dhamaan dugsiyada hoose-dhexe oo leh fasalka ebaraad ilaa fasalka lixaad waxeey lee yihiin xanaanada caruurta iskuulka oo wadato guriga xilliga fiiraqada oona loogu tala galay caruur laga bilaabaa 6 ilaa 9 sano iyo howl furan oo loogu tala galay arday uu dhaxeeyso 10 12 sano. Sido kale Eskilstuna waxeey lee dahay iskuulo dugsi hoose-dhexe oo madax banaan. Isku geeyn 10 000 oo arday ayaa dhigato dugsiyada hoose-dhexe ee Eskilstuna.

Eskilstuna waxeey lee dahay dugsi sare oo degmada lee dahay. Waxaa dhigato ku dhawad 4 000 arday ah, waxeeyna dhigtaan sadax qeeybood, Dugsi sare Rekarne, Dugsi sare Rinman iyo Dugsi sare S:t Eskils.

Sido kale waxaa jiro shan dugsi sare oo madax banaan: Dugsi sare-NTI, Dugsi sare Grillska, Dugsi sare Miakel Elias teoretiska, Dugsi sare Real iyo Kunskapskompaniet. Dugsiga sare ee degmada lee dahay waxuu lee yahay ku dhawaad 4 000 oo arday.

Eskilstuna waxaa uu guuro reer ka yimid calaamka qeeybiihiisa kala duwan. Hoowsha "Soo Dhaweeynta" waxaa lagu qaabilaa adigo ah qof Iswiidhan ku cusub oona leh caruur uu dhexeeyso 1 iyo 18 sano. Halkaas reerka dhamaantood waxeey ka heli karaan warbixin ku saabsan dugsiga xanaanada, dugsiga hoose-dhexe, dugsiga sare iyo bulshada.

Mångkulturella enheten waxeey mas'uul ka tahay in dhamaan caruurada gurigooda ku hadlo luuqad aan iswiidhish aheeyn, in ee heli afkooda tageero ku heli karaan gudaha dugsiga xanaanda, dugsiga hoose-dhexe iyo dugsiga sare. Shardi muhiim ah oo ku xiran ka qeeyb qaadashada waa in uu canuga si fiican uu yaqaan luuqada, iyo in luuqada guriga si firfircooni leh oo fiican looga isticmaalo luuqada guriga.

Sido kale luuqadaha yaryar waa loo dhigi karaa canuga haddii uu san luuqada guriga maalin kasto ugu hadlin. Xataa caruurta la soo korsday, oo sababo la sharaxi karo aan ugu hadlin luuqadooda hooyo guriga, waxeey xaq uu lee yihiin tageero iyo waxbarasho luqadooda hooyo.

Furadaha waxbarasho

Dugsi sare dadka waa weeyn waxuu ka hoowl galaa waxbarashada asaasiga hoose-dhexe, heer dugsiga sare, waxbarshada luuqada iswiidhiska ee soo galooytiga (sfi), waxbarasho gaar ah oo loogu tala galay dadka waa weeyn (särvux) iyo waxbarashada-sare ee xirfada (YH).

Jaamacada Mäladalen waxeey ka mid tahay jaamacadaha Iswiidhan ugu weeyn oo waxaa dhigto 13 000 oo arday. Jaamacada waxeey xarun-waxbarasho ku lee dahay Eskilstuna iyo Västerås, waxaana lagu yaqaanaa astaan-bi'adeed oo cad iyo wadashaqeeyn dhaw in ee la lee dahay shirkado iyo qaybaha dowlada.

Caafimaadka

Eskilstuna waxaa ku yaalo sideed rug caafimaad. Dhimaan inta goor dhow dhalatay iyo goor dhow soo dagtay waxaa lagu qoraa rugta caafimaad oo ugu dhow gurigooda. Haddii aad taasi ka dooraneeyso in aado rug caafimaad oo meel kale ku taalo, waxaad xaq uu lee dahay mida aad rabtid in aad ku qornaato.

Isbitaalka Mälar, afarta isbitaal ee Sörmland midka ugu weeyn waaye. Sanadkiiba in ka badan 100 000 oo booqasho-dhakhtareed ayaa lagu qabtaa, ku dhawaad 3 000 oo qof ayaa ka shaqeeyo isbitaalka.

Isbitaalka Mälar, waa isbitaal-dhaweed oo loogu tala galay qeeybta waqooyiga ee gobolka laakin waxuu sido kale qeeybo la wadaagaa isbitaalka Kullbergska ee ku yaalo Katrineholm iyo awood xirfadeed oo gaar ah, loo isticmaalo bukaanka Sörmland oo leh, mararka qarkoodna Västmanland.

Caawinaad turjubaan

Markaad la xiriirayso dhamaan hay'adaha dowlada, degmada, iyo daryeelka caafimaadka waxaad xaq u leedahay turjubaan hadii aanad ku hadli karin ama aanad fahmaynin luqada iswiidhishka. Taana waa in hore laguugu sii balammiyo si arintaaka aad u hesho.

Xiriirka gaadiidka

Ka dib markii la dhisay jidka-Svealand dhamaadkii 1990-tobanaadkiisi, magaalada waxeey isku-xidh dhaqso leh la heshay Stockholm. Ayadoo ee waqtiga safarka hal saac uu jirto Stockholm, Eskilstuna waxeey gashay xadka cajiibka ah ee tareen-raacida. Markii gees loo dhigo fursada masruufida-nololeed oo badatay, taasi waxaa dheer uu ah suuq-guri oo sii balaartay iyo fursada keenida shaqaale xirfad leh oo sii fiicnaatay.

Shaqo iyo ganacsi

Eskilstuna waa magaalo leh dhaqan-warshadeed ee xoog leh. Halkaan waxaa laga hela aqoon balaraan ee dhinaca sameeynta, gaar ahaan ku xiran sameeynta gaadiidka culus-warshadiisa. Qeeyb kale oo si xoog leh uu badaneeyso waa gaadiidnimada.

Eskilstuna caan ayee ku tahay jawiga-iskashiga, taasi oo mecnaheedu tahay in ganacsiga iyo warshadeeynta, qeeybaha dowlada iyo waxbarashada uu shaqeeyaan hal hadaf oo wadajir ah. Sido kale Eskilstuna waxeey caan ku tahay badnaashaha ururada ganacasiga iyo warshadeeynta iyo shabakeedka. Halkaan qofkii rabo gole, wuu kal helaa.