Nordanstig

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Degmada Nordanstig waxeey dhinaca waqooyi kaga taallaa Hälsinglad waxeeyna ku ku agtaal bartamaha Iswiidhan, waxeeyna u dhaxeeysaa Hudiksvall iyo Sundsvall.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

9480

Cabirla dhulka

2527 kiilomitir oo laba jibaaran

Degmada waxeey u dhaxeeysaa xeebo, meelo kalluumeysi iyo warar, dhul dabiici ah oo leh keymo waaweyn iyo dhul weyn oo ballaaran kuna fiican ciyaaraha barafka. Kusoo dhowoow Nordanstig.

Deegaan

Degmada Nordanstig waxeey leedahay shirkado badan oo guryaha kireeya. Gurikireeyaha ugu weyn Nordanstigs Bostäder AB oo guryo ku leh xaafadaha degmada oo dhan. Waxa kaloo jira guryo kireeyayaal baraayfat ah iyo dallaallo guryaha iibiya.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Degmada Nordanstig waxaa degan dadka adduunka dacalladiisa ka kala yimid. Luqadaha ugu waaweyn waa iswiidhish, ingiriis, soomaali, arabi, tigree iyo beershi. I

Jaaliyado iyo ururu

Degmada Nordanstig waxaa ka jira jaaliyado badan oo isboortiska ku howlan, kuwo hidde iyo dhaqan iyo kuwo kale, waxaa ku yaal kaniisado iyo ururo diimeed kale. Degmada Nordanstig waxaa ku yaal dallada eey jaaliyadaha oo dhan eey hoos tagaan waxaana la dhahaa Nordanstigs Föreningsråd.

Maxaa ka ag dhaw

Degmada Nordanstig waxaa yaal adeegyada asaasiga ah oo dhan sida dhakhtarka ilkaha, xarun caafimaad iyo xafiiska shaqada. halkaan waxaa ku yaal dukaan cunto iyo dukaamo gado dhar iyo marooyin, qalabka beeraha yaryar, baakiillo iyo hadiyado. waxaa jira waxyaabo badan oo laga sameeyn karo degmada waxaadna ka heli kartaa wakaalada dalxiiska boggeeda internetka ah ee Arag Nordanstig.

Waxaa kaloo ka jira degmada dukaamo gacan labaad waxaad kaloo dukaamdaas ka heleysaa Hudiksvall waxaana lagu gadaa dhar, waxyaabaha beeraha iyo alaab. Dukaan IKEA ah ee kuugu dhow waxuu ku yaal Sundsvall. waxaa Bergsjö ku yaal shaleemo iyo maktabad ku taal Bergsjö, Hassela, Gnarp iyo Harmånger.

Waaxda qaxootiga waa goob eey dadka ajnabiga ah ka helaan warbixin iyo adeegyo waxeeyna ku taal Stationsvägen 2 ee Bergsjö halkaasna waxaa diyaar kuugu ah shaqaale ku hadlo luqadaha carabi iyo somaali.

Dalyeelka carruurta

Degmada Nordanstig waxaa ku yaal iskollada xanaanada carruurta waxeeyna ku yaallaan xaafadaha kBergsjö, Gnarp, Harmånger, Hassela, Ilsbo iyo Jättendal.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Degmada waxaa ku yaal dugsi hoosedhexe oo loogu tala galay illaa ardayda dhigata fasalka 9. Degmada boggeeda internetka ah waxaad ka heli kartaa warbixin dheeraad ah oo ku saabsan dugsiga hoose dhexe iyo dugsiga sare.

Furadaha waxbarasho

Waxbarashada dadka waaweyn waxeey ku taal xaafadda Bergsjö ee degmada Nordanstig waxaana lagu bartaa koorsooyin horudhac ah, waxbarasho dadka waaweyn oo aasaasi ah, waxbarasho heer dugsi sare ah iyo barashada luqada iswiidhishka ee ajnabiga loogu tala galay iyo waxbarasho dadka dhimirka la' loogu tala galay. Iskoolka waxbarashada dadka waaweyn waxaa mar dhow laga billaabay waxbarasho heer sare ah, waxbarasho xirfadeed oo farsamda ah lagu helaayo 400 Yh-oo dhibcood.

Caafimaadka

Degmada waxaa ka jira goobo caafimaad oo badan. Waxaad halkaan ka heleysaa rug caafimaad iyo rugta caafimaadka carruurta, rugta cafimaadka hooyada iyo dhallaanka iyo dhakhtarka ilkaha.

Caawinaad turjubaan

Markaad la xiriireysid xafisyada kala duwan, degmada, xarumaha caafimaadka waxaad xaq u leedahay in lagu qabto turjumaan haddii aadan ku hadli karin luqadda iswiidhishka. Waxaa lasii bokimanaa inta aadan imaanin kulanka.

Xiriirka gaadiidka

Degmada Nordanstig waxeey ku taal bartamaha magaalooyinka Sundsvall iyo Hudiksvall halkaasna waxaa aada tareen ku geynaya illaa xaafada Gnarp. waxaa kaloo jira gaadiidka baska ah oo fiican kuna geynaya Hudiksvall iyo degmooyin badan oo hareeraha ku yaal. X-trafik waa shirkada mas'uulka ka ah habsami u socodka gaadiidka basaska iyo tareennada.

Shaqo iyo ganacsi

Degmada Nordanstig waxaa ku yaal shirkado badan oo yaryar marka haddii aad dooneysid inaad ka billoowdid shirkad degmada Nordanstig waxaad la xiriirta waaxda ganacsiga ee degmada oo ka shaqeeysa gacansiinta shirkadaha cusub iyo shirkadaha jira.

Liiska diiwaanka shirkadaha waxaa ku jira illaa 450 shirkadood oo ka diiwaan gashan degmada Nordanstig.